Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Xaaladda Ammaanka ee Suuriya

0
0

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa kordhiyey muddadii loo qabtay Suuriya inay ku wanaajiso xaaladda ammaanka ee dalkeeda.

Dad taageersan xukuumadda Bashaar Al-Assad ayaa weeraray safaaradaha dalal carab ah oo dhowr ah iyaga oo ka careysan go'aamada uu Ururka Jaamacadda Carabtu ugu hanjabayo inuu cuna qabateyn ku saarayo dalka Suuriya haddii ayna xukuumaddu joojin gacanta adag ee ay kala hortageyso shacabta kacdoonka wada.

VOAda ayaa wararkii ugu dambeeyey ee xaalaadda siyaasadda iyo ta ammaanka ee dalkaas ka wareysatay Maxamed Ibraahim Cabdi (Maxamed Deeq) oo jooga magaalada Qaahira.

Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.


Maxamed Dheere; "Yaan la joojin duqeynta saldhigyada Al Shabaab. Kenya xaq waa u leedahay inay soo gasho Soomaaliya"

0
0

Maxamed Cumar xabeeb (Maxamed Dheere) oo ka mid ah siyaasiinta aadka uga soo horjeeda al Shabaab ayaa sheegay inay muhiim tahay sii wadista duqeynta ka dhanka ah al Shabaab ee ka socoto koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Dheere wuxuu sidoo kale sheegay in xarumaha al Shabaabku ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya la yaqaan sidaas darteedna aan la isku qaldin karin xarumahaas iyo goobaha ay shacabka ku nool yihiin.

Kenya ayuu sheegay dhanka kale inay xaq u leeyihiin faragelinta ay ku hayaan dhulka Soomaaliya, wuxuuna xaq u lahaanshahaas sabab uga dhigay qalqalka la geliyay ammaanka Kenya waa siduu hadalka u dhigaye.

Hadalka Maxamed Dheere ayaa ku soo aadaya xili duqymo ka dhanka ah al Shabaab ay ka socdaa Koonfurta Soomaaliya, duqeymahaas oo sida la sheegay wiiqay awoodii al Shabaab.

 

UNHCR: Nafaqo darro Haysa Caruurta Soomaalida ee Itoobiya

0
0

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay inay jirto nafaqo-darro baahsan oo haysa caruurta Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga Dollo Ado ee dalka Ethiopia.

Xeryahan ayaa hoy u ah kumanaan qaxooti oo Soomaali ah kuwaasoo ka cararay abaarta iyo colaadda is-biirsaday ee dalka Soomaaliya.

UNHCR ayaa sheegtay in sahan dhinaca nafaqada ah oo laga qaaday xeryaha Kobe iyo Hilaweyn lagu ogaaday in caruurta da’doodu 5ta sanno ka hoysaasaa ay xaalad daran ku jiraan.

Afhayeenka UNHCR, Andrej Mahecic ayaa VOA u sheegay in tirada Soomalida ee galaya dalka Ethiopia ay dhawaanahan yaraatay, taasina ay ugu wacan tahay dagaallada iyo roobab xooggan oo ka da’ay koonfurta Soomaaliya kuwaasoo isu-socodka dadka aad u adkeeyay

Afhayeenku wuxuu sheegay 170 iyo 200 oo qof ay maalintiiba soo galaan Kenya iyo Ethiopia.

Gargaarka Kuwait

0
0

Sida ay sheegeen Bisha Cas ee Kuwait,waxaa bilaabanaya wajiga labaad ee gargaarka ay dawladda Kuwait ugu tala galeen Somaalia.

 

Sida ay sheegeen saraakiisha Bisha Cas ee Kuwait,
waxaa bilaabanaya wajiga labaad ee gargaarka ay dawladda iyo shacabka
Kuwait ugu tala galeen dadka sooamaliyeed ee abaarta iyo macluushu
saameeyeen.

Gurmadkii ay afar bilood ka hor bilaabeen
dawladaha iyo heyadaha samafalka ee lagu taakuleeyey dadkii ay abaartu
barakicisay, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha Muqdisho wax waa u tareen
dadka, hase yeeshee baahidooda ma dabooli karaan.

Haddaba gar gaarkii Kuwait ee somalia oo ku
fadhiya $10 million, intee qof ayaa ka faaiideystay Omar xaaji Ali oo a
oo la-taliye u ah bisha cas ee Kuwait ayaan ka waraysanay.

Puntland: Dagaallo 2 Beelood Dhexmaray

0
0

Inta la hubo 17 qof la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaallo laba beellood ku dhexmaray deeggaanno ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.

Dagaalladan oo xooggoodu ka dhacay deeggaan lagu magacaabo Uurjir oo ka tirsan gobolka Karkaar ee Puntland ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleedyo oo isku haya muran la xiriira dhul daaqsineed.

Waxaa go’an is-gaadhsiinta deeggaanka uu dagaalku ka socdo.

Maamulka Puntland ayaan wali wax war ah ka soo saarin dagaalladan u dhaxeeya labada beellood

Barakacayaal ku Dhintay Muqdisho

0
0

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geriyooday saddex kalane way ku dhaawacmeen kaddib markii askari ka tirsan ciidamada Dowladda KMG uu rasaas ku furay dad barakacayaal ah xilli ay safaf ugu jireen qaadashada raashiin mucaawinaha ah oo lagu qeybinayay xerada Rajo oo ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Degmada Wada jir ee Gobalka Banaadir.

Rasaast ayaa la sheegy inay dhacday kaddib markii barkacaasha oo ay ku jireen kuwa aan heysas kararka raashiinka lagu qaato ay ku xoomeen goobta ay raashiinka lagu qeybinaya, kaddibna askari ka mid ahaa ilaalada mucaawinada ayaa riday rasaas uu dadka kukala eryayay taasoo sababtay qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sida ay VOA u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Dowladda KMG ayaan ku guuleysan xaqiijinta amniga goobaha barakacaasha marka ay raashiin qeybintu ka socota inkasta oo ay dolwaddu sameysay ciidamo ilaaliya gargaarka dadka loogu talagalay.

Shilkan maanta dhacay ayaa noqonaya kii saddexaad ee muddo laba toddobaad gudahood ka dhaca xeryaha dadka barakacayaasha ee Muqdisho.

Talaalka kanserka ilmo galeenka

0
0

Olole caalami ah ayaa looga hortagayaa Kancerka ku dhaco ilmo galeenka ilaa labo milyan oo haween ah.

 

koox wadda olole caalami ah oo dhanka caafimaadka ah
ayaa sheegtay inay talaal ka hortagi karo Kancerka ku dhaco ilmo
galeenka ay siin doonaan ilaa labo milyan oo haween ah oo ku nool
waddamada soo koraaya.

Kooxdan oo la yirahdo Isbahaysiga Caalamiga ee
Talaalka, ayaa sheegay in haween ku sugan sagaal waddan ay ka
faa'idaysan doonaan talaalkani.

Hase ahaate, arrintani waxay ku xirantahay waxa
ka soo bixi doono wadahadal ku saabsan qiimaha daawooyinka oo ay la
yeelanayeen shirkadaha daawooyinka soo saara iyo dowladaha waddamada
talaalka laga samaynayo si loo hubiyo in talaalka inuu si wacan u
shaqeeynayo.

Amm. Islaamka: Dagaalka Kenya iyo Al-Shabaab

0
0

Ilaa intii ay Kenya soo gashay koonfurta Somalia, ma jiro dagaal xoog badan oo dhex maray dalkaas iyo ururka Al-Shabab ee Somalia

Dalka Kenya ayaa taageero caalami ah ka raadsanaya dalalka Maraykanka, Israel, Carabta, iyo kuwa reer Yurub.

Ururka Alshabab ayaa guulo ka sheegta gobolada Jubbooyinka, iyaga oo mar-marka qaar dhexda u gala ciidamada DKMG ee Somali iyo kuwa Kenya ee deeganaadaas iskaga gooshaya.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.


Midowga Afrika oo qorsheynaya sidii ay u keeni lahaayeen Soomaaliya kumanaan ka tirsan Milateriga Itoobiya

0
0

Waxaa soo baxaya warar  sheegaya in Midowga Afrika ay doonayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo ka barbardagaala kuwa AMISOM  ay keenaan Soomaaliya.

Sarkaal sare oo Midowga Afrika ka tirsan ayaa saxaafadda qaar ka tirsan u sheegay in qorshahaas uu hadda miiska saaran yahay dhowaanna qalinka lagu duugi doono.

Dagaalka al Shabaab looga soo horjeeda ayuu sheegay inaan Itoobiya looga maarmin, waxaana uu ku dooday in dhowaan qorshahaas la meelmarin doono.

Hadalka sarkaalkan ayaa imaanaya iyadoo ciidamo Kenyaati ah ay ku sugan qeybo ka tirsan gobolada koonfureed ee Soomaaliya, ciidamadaas oo hawlagalkooda su'aalo badan laga keenay.

halgankanet@gmail.com  

Alshabaab oo weeraray ciidamada Kenya iyo dagaalo qaraar oo ka socda meelo kamid ah gobolka J/hoose

0
0

Dagaalo xoogan ayaa waxay ka dhaceen Gobolka Jubbada Hoose, isagoo u
dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Kenya oo garab ka hellaaya Ciidamadda
Jabhadda Raaskambooni iyo Xarakada Al Shabaab oo dhinac ah.


Dagaalada ayaa waxay ka dhaceen deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada
Hoose, isla-markaana Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dagaalo culus ay ku
soo qaaday Ciidamadda Dowladda Kenya.


Dagaalada ayaa waxay ka kala dhaceen shalay galab iyo xalay, waxaana
labada marba soo qaaday Xarakada Al Shabaab, oo iyada si weyn uga soo
horjeeda Ciidamadda Dowladda Kenya iyo Jabhadda Raaskambooni.


Dagaalada ayaa waxay sababeen khasaarooyin iskugu jira dhimasho, dhaawac
iyo burbur hantiyadeed, isla-markaana Xarakada Al Shabaab ayaa markii
dambe deegaanadaasi si awood leh looga saaray, kadib markii laga awood
roonaaday.


Dagaalada u dhaxeeya Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, Ciidamadda Ahlu
Sunna, Ciidamadda Dooxada Shabelle, Ciidamadda Raaskambooni, Ciidamadda
Dowladaha Somaliya iyo Kenya, ayaa waxay mar walba ay geystaan
khasaarooyin xoogan.
Majirto wax war ah oo ka soo kala baxay Xarakada Al Shabaab, Jabhadda
Raaskambooni iyo Dowladda Kenya, oo ku aadan dagaalada culus ee labada
dhinac ku dhex maray deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Go'aankii ku biirista AMISOM ee ka soo baxay Golaha Wasiirada Kenya oo beri looga doodi doono Fadhiga baarlamaanka Kenya

0
0

Baarlamaanka Kenya ayaa maalinta beri ah u ballansan inay ka doodaan go'aankii ka sooo baxay golaha wasiiradda ee Kenya, go'aankaas oo ay ciidamada Kenya kaga mid noqonayaan AMISOM.

Faarax Macalin, gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo warbaahinta kula hadlay Nayroobi ayaa xaqiijiyay in Mudanayaasha baarlamaanka Kenya ay ka doodi doonaan maalinta béri ah go'aankii ka soo baxay golaha wasiiradda.

Faarax wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Kenya ay Soomaaliya u galeen ilaalinta ammaanka dalkooda iyo weliba qabqabashada qaswadayaasha al Shabaab waa siduu hadalka u dhigaye.

Ciidamada Kenya ayaa in mudo ah ku jiray ciidda Soomaaliya waxayna soo gelitaankooda sabab uga dhigeen al Shabaab oo ammaankooda halis-geliyay.

halgankanet@gmail.com

Asad: Nacas uun baa dadkiisa dila

0
0

Madaxweynaha Suuriya ayaa wareysi uu bixiyay iska fogeeyay mas'uuliyadda amarka ciidanka Suuriya ay ku dileen dowladda ku bannaan baxaya.

Asad: Nacas uun baa dadkiisa dila

0
0

Madaxweynaha Suuriya ayaa wareysi uu bixiyay iska fogeeyay mas'uuliyadda amarka ciidanka Suuriya ay ku dileen dowladda ku bannaan baxaya.

Asad: Nacas uun baa dadkiisa dila

0
0

Madaxweynaha Suuriya ayaa wareysi uu bixiyay iska fogeeyay mas'uuliyadda amarka ciidanka Suuriya ay ku dileen dowladda ku bannaan baxaya.

Shariif Xasan Shiikh Aadan, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo loo soo jeediyay eedeymo aad u culus

0
0

Shariif Xasan Shiikh Aadan, gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo soo jeediyay eedeymo aad u culus.

Xidhibaan Seeko oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee aan afkaartooda la gamban ayaa saxaafadda u sheegay in dhibaatada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed heysata iyo khilaafka madaxda dalka uu ka dambeeyo ama sabab u yahay Shariif Xasan.

Xildhibaan Seeko wuxuu isagoon geed ku soo leexan Shariif Xasan ugu eedeeyay mashaakilka dabada dheeraaday ee heysta ummadda Soomaaliyeed, mashaakilkaas oo in laga baxo sida uu xildhibaanku sheegay uu Shariif Xasan diidan yahay.

Sidaas ha ahaato ama si kale ha ahaatee eedeynta loo soo jeediyay Shariif Xasan ayaa noqoneyso tii ugu cusleyd tan iyo wixii ka dambeysay markii sida la rumeysan yahay uu Shariif Xasan meesha ka saaray Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

halgankanet@gmail.com


Askeri ka tirsan Ciidamada dowladda oo maanta laba qofood ku dilay tira kalena ku dhaawacay goob raashin gargaar ah lagu qeybinayay

0
0

Laba qofood ayaa dhimatay tira kalena waa dhaawacantay kadib markii uu rasaas aan loo meel dayin ku furay dadka barakacayaal ah oo raashin loo qeybinayay askeri ka tirsan ciidamada dowladda.

Falkan argagaxa leh ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Tarabuunka, waxaana goobta soo gaaray mashaqadan kadib ciidamada dowladda kuwaas oo markii dambe gacanta ku dhigay askerigii dadka laayay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askerigan uu falkan geystay si uu boobo raashinkii gargaarka ahaa ee barakacayaasha loo qeybinayay.

Falalka noocan oo kale ah ayaa ku soo noqnoqday goobaha ay ka taliso dowladdu waxaana inta badan falalkan ka dambeeya ciidamada dowladda oo anshax ahaan aad u liita.

halgankanet@gmail.com

Culimmo ku Baaqay in Al-Shabab laga Hortago

0
0

Hay'adda Culummada Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay wado qroshayaal la doonayo in lagu dilo dadka waxgaradka ah iyo culummada Soomaaliya. Hay'addu waxay sheegtay n shirkii kooxda Al-Shabab ay ku yeesheen Baydhaba lagu go'aamiyay in la laayo culummada Soomaaliya.

Hay''addu bayaan ay Muqdisho ka soo saartay ayay sidoo kale kooxda Al-shabaab waxay ku eedeeysay inay ka danbeyso qaraxyada xiriirka ah ee Muqdisho iyo waliba dilalka qrosheysan ee ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Kenya oo ku biireysa AMISOM

0
0

Baarlamaanka Kenya ayaa isku raacay in ciidanka ka jooga Soomaaliya ay ka mid noqdaan AMISOM.

Kenya oo ku biireysa AMISOM

0
0

Baarlamaanka Kenya ayaa isku raacay in ciidanka ka jooga Soomaaliya ay ka mid noqdaan AMISOM.

Dhaqanka iyo Hiddaha Q-87-aad (Suugaanta Dumarka)

0
0

Waa qeybtii 87-aad ee barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha oo toddobaadkan ka hadlaysa suugaanta ay dumarka Soomaalidu ku caanbaxeen.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live