Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

DF oo joojisay howlihii shidaal Baarista ee ka socday deegaanada Puntland

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Go’aan kasoo baxay Shirkada Baarista Shidaalka ee loo yaqaan (Red Emperor oo fadhigeedu), ayaa waxaa lagu sheegay inay joojineyso dhamaan howlihii baaritaan ay kawaday deegaanada Puntland.
Qoraal ay soo saartay ayee ku sheegtay in Shirkadu ay tixgalineyso go’aanka Wasaarada Tamarta ee dowladda Federaalka ee ahaa inaan Deegaanada Puntland laga sameyn karin wax Shidaalbaaris ah, iyadoo aan ogolaansho laga heysan DF Somalia.
Qoraalka shirkada ayaa waxaa lagu sheegay in Shirkada ay tixraaceyso hadal uu Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Shadaalka, Daa’uud Bisinle, uu ka sheegay shir ka dhacay London bishii Oktoobar ee kal hore.
Go’aanka ay shirkadaasi ku joojineyso shidaal baarista, ayaa waxa ay dharbaaxo culus ku tahay Maamulka Puntland oo iyagu dhowr jeer oo hore ka dhaga adeegay joojinta heshiisyada ay la galeyso Shirkadaha shisheeye.
Dhanka kale, tani waxa ay ka turjumeysaa muujinta DF Somalia awoodaheeda, iyadoona la filaayo in si tan lamid ah ay u istaajin doonto Gobolada kale ee ku howlan baarista shidaalka.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Xildhibaanno xoog ku jabsaday xafiis ay ku shirayeen CCC iyo guddoonka BF

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ayaa xalay maqribkii si xoog ah ku jabsaday xafiis ay ku shirayeen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo guddoonka Baarlamaanka oo ka kooban Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan iyo Labadiisa ku xigeen Jelaani Nuur Iikar iyo Mahad Cawad kadib markii shirkaasi waqti dheer qaatay.
Shilkan oo ka dhacay xafiisyada guddoonka Baarlamaanka Villa Hargeysa waxay xildhibaanadaasi ku doodayeen in shirka qarsoodiga ah bannaanka la soo dhigo oo loo furo xildhibaanada goobta ku sugnaa oo ka kala tirsanaa Kutlooyinka Baarlamaanka.
Xarunt Villa Hargeysa waxaa buux dhaafiyay xalay xildhibaanno badan oo doonaya inay wax ka ogaadaan waxa ka socda meesha kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Ra’iisal wasaaraha iyo guddoonka Baarlamaanka ka wada shaqeynayaan sidii loo baajin lahaa kulanka Baarlamaanka ee maanta ku madlan in kalsooni loo qaado wasiirada uu soo magacaabay ra’iisal wasaaraha.
Xildhibaanada oo careysnaa iyo madaxdii shirka ku jirtay ayaa dood kulul dhex martay, waxaana arrinta qaboojiyay guddoonka Baarlamaanka oo xildhibaanada ka codsaday inay is dejiyaan oo la keenayo xukuumada sidii la isku ogaa.
Xiliyadda ay xiisadaha siyaasadeed jiraan waa iska caadi in falal noocan oo kale ahi ay dhacaan. Hore ayaa xildhibaaanno siday mooshinkii laga keenay Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed waxay sidan oo kale xoog ku jebiyeen qolka hurdada guddoomiyaha Baarlamaanka, si ay mooshinka ugu dhiibaan kadib markii loo sheegay inuu nasanayo oo aanu qaabili karin.
Isha: Goobjooge
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xog: CC oo soo jeediyay isbedel uu ku sameynayo golaha wasiirada cusub

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ku gud jiro isbedel uu ku sameynayo Golaha wasiirada qabyada ah ee uu dhowaan soo magacaabay. Arrintan ayaa dhalatay kadib markii mucaarado hor leh ay ka hor timid 20-ka wasiir ee magacaaban.
Ra’iisal wasaaraha ayaa kulamo xiriir ah iyo wadatashiyo la leh dhinacyada kala duwan ee xildhibaanada wuxuuna balanqaaday arrimaha soo socda.
1. Inuu kordhiyo Wasiirada, kana dhigo 25 wasiir, iyadoo 5 wasiir oo cusub la soo magacaabayo.
2. In la magacaabo 25 wasiir ku xigeen iyo 5-8 wasiiru dowle
3. In xubnaha cusub ee la magacaabayo laga qaato xildhibaanada Baarlamaanka iyo kooxaha diidan wasiirada cusub.
Dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo Ra’iisal wasaaruhu ku doonayo in waqti la siiyo ku siman muddo toddobaad ah si uu u soo dhameystiro Golaha wasiirada kadibna uu hor keeni doono Baarlamaanka.
Qorshahan oo muddo 24 saacadood ah ay ka wada shaqeynayeen Cumar C/rashiid iyo guddoonka Baaralamaanka ayaan la ogeyn inuu aqbali doono madaxweyne Xasan Sheekh. Xaaladda ayaa gashay saacadihii ugu danbeeyay ka hor kullanka oo Baarlamaanku ganbar gaaban ugu fadhiyo ridista xukuumada labaad, iyadoo dhinaca kale ay ka socoto dadaal sidii lagu baajin lahaa ridista xukuumadda dibna loogu shaandheyn lahaa.
Isha: Goobjooge
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

“Maamulka Puntland ayaa la wareegay howshii DF Somalia” Waxaa sidaa yiri..

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Iyadoo inta badan bulshada Soomaaliyeed ay aad isha ugu hayaan howlaha ka socda gobolada dalka, gaar ahaan Deegaanada Maamulka Puntland, ayaa waxaa arrinkaasi siyaabo kala duwan u dhaliilay Boqolaal Soomaali ku kala nool dalka iyo dibadiisa.
Maxamed C/qaadir Cusmaan oo kamid ah Aqoonyahaanada ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu dhaliilay howlaha loogu talo galay inay qabato DF Somalia oo uu gacanta kula jirto Maamulka Puntlmad.
Aqoonyahaanka ayaa sheegay in dhamaan shaqooyinkii ay qaban laheyd Dowlada hoose xiligaani laga fulinaayo Magaalada Garoowe, waxa uuna tusaale usoo qaatay Shidaalka, qandaraasyada lala galaayo dowladaha shisheeye, Shirarka dhexdhexaadka ah oo mudooyinkaani ka dhacaayay Garoowe, Xarumihii ajaanibta laga furi lahaa Muqdisho oo iminka laga hirgalinaayo Garoowe iyo Xafiisyo ay leedahay QM oo dhawaan halkaasi la geeyay.
Sidoo kale waxaa arrintaasi isna ka hadlay Dr Axmed-nuur Cabdi, waxa uu isaguna dhaliilay qaabka ay DF Somalia uga caga jiideyso inay hanato dhamaan howlaha la xiriira Shirkada iyo booqashooyinka Ajaanibta ee Gobolada dalka gaar ahaan Puntland.
“Waa arrin sumcad daro ku ah DF Somalia in wufuud cadaan ah bilaa amar ay iska booqdan Garoowe iyadoo aan lala socodsiin Dowlada, taasi waxan oran lahaa dowlada wax haka bedesho yaysan isku mashquulin kaliya wixii kasoo dega garoonka aadan cadde”
“Waxad arkeysaa shirkado ajaanib ah oo la leeyahay waxa ay baarayaan shidaal. waxaa jiro hay’ado cadaan ah oo aan xafiisyo aysan la socod dowlada ku leh gobolada dalka, taasi waa ayaan daro heysata dowlada dabcan iyadaa laga sugaa sida ay ka yeeli laheyd”
Dhanka kale, Ifraax Xassan cali oo kamid ah macalimiinta ka shaqeysa Magaalada Muqdisho ayaa dhankeeda aad u dhaliishay Hanaanka ay DF ku maamuleyso dalka, waxa ayna tilmaantay in ka shaqsi ahaan ay u aragto mid sii lumineyso rajadii laga qabay dowlada.
Waxa ay carabka ku dhufatay in DF aysan warba u heyn waxyaabaha qaar ee ka dhacaaya gudaha dalka iyadoona tusaale usoo qaadatay Ajaanib ay wataan shirkado gaar ay u leedahay Soomaali oo aan lala socon dhaqdhaqaaqyadooda.
Ugu dambeyntii aqoonyahaanadaani ayaa si aad u dhaliilay ka warqab la’aanta DF howlihii loogu talo galay inay la socto, waxa ayna dhamaantooda ku baaqen in DF ay xakameyso howlaha aan loogu talo galin inay qabtaan Maamul Goboleedyada oo ay faraha kula jiraan.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirada cusub oo la horgeynayo BF

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Somalia, ayaa waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in la horgeeyo Xildhibaanada BF Somalia si ay u weydiistaan Codkooda kalsoonida.
R/W CC, ayaa Golahiisa Wasiirada horgayn doono Xarunta Golaha Shacabka, iyadoona uu ka codsan doono inay codka kalsoonida siiyaan, walow uu ka muujinaayo walaac.
Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’iisal Wasaaraha uu saacadihii ugu dambeeyay loolan siyaasadeed oo uu ku soo jiidanaayo Xildhibaanada ka waday Magaalada Muqdisho, ha yeeshee waxaad mooddaa inaanay waxba uga suuroobin welina ay Xildhibaanadu mucaaradsan yihiin.
Sidoo kale, Mas’uul ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’iisal Wasaaruhu uu culeys badan weli kala kulmaayo inta badan Xildhibaanada BF Somalia, oo laba Kudladood ku mideysan.
Xildhibaan Cabdullahi Jaamac Xuseen oo ka tirsan mid ka mid ah labada Kudladood ee BF, ayaa si rasmi ah u sheegay inaysan codka kalsoonida siin doonin Golaha Wasiirada, ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo uu ku dhaliilay inay weli ku dhex jiraan xubno aan la ansixin karin.
Dhanka kale, arrintaani ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Beesa Caalamka ay soo dhaweysay magacaabidda Golaha Wasiirada cusub, oo la tilmaamo in badankoodu laga soo xulay dalka dibaddiisa.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhageyso: Somaliland oo jawaab kulul siisay maamul goboleedka Puntland

$
0
0

Hargeysa (Caasimada Online)- Maamulka Puntland ayaa walac ka muujiyey Markab hub siday oo dhowaan ku xidhay dekedda Berbera waxayna beesha Caalamka ugu baqen in Il gaar ah ay ku eegan.
Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa eedaymo kala duwan u soo jeediyey Somaliland.
Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland ayaa iska fogaysay eedahaas iyaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay baadhis ku waddo hubka markabkaas saaran hase ahaatee aanu ahayn mid iyaga u socda, waxayna jawaab ka bixiyeen eedaha ka yimi Masuuliyiinta Puntland.
Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Somaliland Cali Maxamed Cilmi ayaa u waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.
Warbixin iyo waraysi arrimahaas ku saabsan halkan hoose ka dhegeyso:
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2015/01/deacaa6d-f908-4e3b-8aab-213852a080ea.mp3Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

“Markabka hubka sida waa in annaga aan la wareegnaa” Waxaa sidaas yiri…

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Taliyahii hore ee Ciidanka Militariga Maamulka Somaliland Maxamed Xasan Cabdilaahi ”Jirif” oo Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland kula hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay arrinta la xiriirta Markabkii Hubka sida ee kusoo xirtay Dekada Berbera.
Waxa uu sheegay in Maamulka Axmed Siilaanyo uu usoo jeedinaayo in dhamaan Hubka iyo gaadiidka saarnaa Markabka ay la wareegto.
“Waxaa ila haboon in Maamulka uu la wareego hubka, waayo markabka dekada kusoo xirtay oo aan la garaneynin cida uu u rarnaa iyo halka loo waday. waxaa ila quman maadaama meel loo tiiriyo la waayay hantidaasi in Somaliland ay la wareegto”
Waxa uu tilmaamay inuusan xiligaani ogaankarin wixii qarsoon balse ay mudan tahay in Maamulka uu Hubkaasi hantiyo, iyadoo aan laheyn cid usoo racan karto, maadaama uu yiri lala baalmaray sharciga Somaliland.
Dhanka kale waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in Maamulka Somaliland ay hubkaasi la damacsan tahay inay u gacan galiso garabyada ay kamidka tahay Alshabaab.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

CAMEEY: Dhismaha maaulka G/DHEXE tallaabo kasta baan kaga hortageynaa

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxwayne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Cabdixakiin cabdulaahi ”Camay” oo ka hadlaayay arrimo ay kamid ahaayen Amaanka iyo dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe ayaa waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay qaadi doonaan talaabo kasta oo ay kaga hortagaan dhismaha maamulkaas.
Waxa uu sheegay in Ujeedka laga damacsan yahay uu yahay in la carqaladeeyo Maamulka Puntland iyo Xuduudaheeda, isagoona mar kale kadigay in DF Somalia ay taaba galiso dhismaha Maamulkaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale, sheegay in arinka Maamul usamaynta Gobolka Galguduud iyo koonfurta Mudug, sharci ahaan ay tahay mid xaaraan ah, waxa uuna carabka ku dhuftay in howlahaasi dhan uu hogaaminaayo Maamulka Galguduud.
Mar wax laga weydiiyay Amaanka Deegaanada Puntland ayaa waxa uu sheegay in xiligaani uu iska wanaagsan yahay balse ay iska jiraan caqabado yar yar oo Maleeshiyada Alshabaab ku hayaan Puntland.
Al-Shabaab ayuu sheegay inay kasoo horjeedan Amaanka iyo nolosha Umada Soomaaliyeed, kaalinta dhankooda kaga aadana ay tahay inay tirtiran inta ay ka gaaraan.
Waxa uu shacabka halkaasi ku nool ugu baaqay inay gacanta is qabsadaan islamarkaana kasoo horjeestan Alshabaab iyo maamulka Gobolada Dhexe.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Axmed Madoobe ma madaxweyne baa mise waa madax kaliya oo muuqda? !!!

$
0
0

Hal sano iyo afar bilood ayaa laga joogaa markii Axmed Madoobe loo ogolaaday inuu si ku meel gaar ah u hoggaamiyo maamulka Juba. Waqtigiisa waxa uu ku eg yahay 21-ka August ee sanadkan.
Mudadaasi Axmed Madoobe waxba kuma uusan soo kordhinin Jubaland, bal eeg tusaalooyinkan:-
1 – Jubaland maamul kama jiro ee waxaa ka jira hal nin oo wax walba isaga qabsada.
2- Axmed Madoobe lacagaha dekedda Kismaayo isagaa maamusha, marka laga reebo walaalkiis Shaafi oo lacagaha dadka loo dirayo loo dhiibo.
3 – Axmed Madoobe hay’adaha samafalka isaga ayaa fura ama xira.
4 – Qandaraasyada isaga ayaa bixiya. Rasaasta isagaa haysta. Dhulalla Kismaayo isaga ayaa bixiya. Safarada kaligiis ayaa aada.
5 – Kenya kaligiis ayaa aada. Xildhibaanada maamulka isaga ayaa soo qoran raba.
6 – Kaaga sii darane bisha August waxa uu rabaa muddo kordhin. Salaadiinta waxa uu rabaa shaqadoodii inuu isaga qabto.
Sidaasi darteed Axmed Madoobe waxaa la oran karaa madaxweyne ma ahan ee waa madax kaliya oo muuqda.Qalinkii: Cali Xaaji oo jooga KismaayoAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Muxuu go’aankii Zakariye Ismaciil Xirsi kaga dhigan yahay kooxda Al-Shabaab

$
0
0

Madixii hore ee sirdoonka al-Shabaab Sakariye Ismaaciil Axmed Xirsi ayaa si rasmi ah uga haray aydiyoolajiyadda al-Shabaab waxana uu saaxiibadiisii hore ugu yeeray in ay raacaan tusaalihiisa.
Xirsi, oo isku dhiibay ciidamada Soomaaliya 27-kii December, ayaa al-Shabaab u soo qabtay xilal kala duwan, oo uu ku jiro garabkeedaAmniyaatka ee sirdoonka iyo dilalka.
Waxa uu go’aansaday in uu kooxda uga tago sababtoo ah waxay ka leexatay dariiqa saxda ah, waxay dadka ku marin habaabisay ujeeddoonyinkeeda sharka ah waxana hareeyay faragalin shisheeye, ayuu u sheegay saxafiyiinta, isaga oo alleefayay xiriirka buuqu hareeyay ee ay la leedahay al-Qaacida.
Labada kooxood ayaa sannada badan lahaa xiriir dhow laakiin waxay si rasmi ah isugu biireen 2012-kii. Isku biiritaankaas ayaa la rumeeysan yahay in uu mas’uul ka yahay in badan oo ka mida khilaafaadka soo kala dhex-galay madaxda sare ee al-Shabaab iyo waayitaanka taageerada dadweynaha Soomaaliyeed kadib markii ay kooxdu weerarro la beegsatay rayidka.
“Haddaan dib ugu noqdo ujeeddooyinkii hore ee al-Shabaab ku bilaabatay, oo ahaa kuwo dad badan oo niyad wanaagsan soo jiidan karay,” ayuu Xirsi ka yiri shir jaraa’id oo uu Talaadadii (27-kii January) ku qabtay Muqdisho, taasoo aheeyd markii ugu horreeysay oo uu dadweynaha la hadlo siduu isku dhiibay. “Nasiib darro, waxaa dhacday in dad dano gooni ah watay, oo aan ka shakisanahay in uu shisheeye saameeyn ku leeyahay, ay afduubeen ujeeddooyinkii.”
“Xaqiiqdu waxay tahay in xubno kooban oo ka tirsan hoggaanka ay mas’uul ka yihiin dhammaan [aydiyoolajiyadahaas] la qalloociyay,” ayuu yiri. “Dhowr annaga ah ayaa ka horyimid sida uu hoggaanku wax ku waday iyo suntooda gurracan.”
“Waxan ka tanaasulay in aan dagaal wax ku xalliyo waxanan danaheeyga ku gaari doonaa dariiq nabadeed, iyo in aan u maro dib-u-heshiisiin iyo isfaham,” ayuu yiri Xirsi.
Xirsi ayaa ugu baaqay saaxiibadiisii hore ee al-Shabaab in ay raacaan tusaalihiisa oo ay isku soo dhiibaan dawladda.
“Waxan ugu baaqayaa oo ku dhiirrigalinayaa dhamman saaxiibadeey in ay waddo nabadeed u maraan xallinta dhammaan khilaafaadyada iyo dariiqa dib-u-heshiisiinta, maadaama hadda ururkaas,al-Shabaab, uu gabi ahaanba dumay, waana sababtaas tan aan halkan u joogo,” ayuu yiri.
Cafis shuruudo ku xiran
Kadib shirkiisii jaraa’id, ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dawladda federaalka ay la hadli doonto xubin kasta oo al-Shabaab ah oo isa soo dhiiba.
“Waxan u sheegayaa in badan oo ka mida xubnaha al-Shabaab ee soo gadooday: albaabku marwalba wuu u furan yahay kuwii diida ajandaha bururinta ah ee al-Shabaab oo qaata nabadda,” ayuu u sheegay warfidiyeenka Arbacadii.
Maxamuud ayaa sidoo kale qiray sida ay ugu culustahay dadwynaha Soomaaliyeed cafiska loo fidinayo xubnaha al-Shabaab.
“Qaar kamida mas’uuliyiina sare ee al-Shabaab ayaa mar horeba goostay, dawladda federaalka Soomaaliyana waxay ka caawisay in laga saaro cunuqabateeyntii [caalamiga] aheeyd ee saarneeyd,” ayuu yiri Maxamuud. “Waxan jeclahay in aan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in aan howshan si sahlan loo sameeyn.”
Ka sokoow Xirsi, wuxuu madaxweynuhu tusaale ahaan u soo qaatay tiro isugu jira askar heer hoose ah iyo mas’uuliyiin sare oo ka soo tagay kooxda argagixisada ah 12-kii bilood ee la soo dhaafay — oo uu ku jiro taliyihii Buuraha Golis Maxamed Siciid Atom, oo ka soo goostay kooxda June-tii kal hore iyo taliyihii hore ee al-Shabaab ee degmada Luuq Xuseen Dhubi, oo isku soo dhiibay mas’uuliyiinta ammaanka Soomaaliya 15-kii January — si uu ugu kaabo dooddiisa cafiska iyo dib-u-heshiisiinta.
“Hoggaamiyayaashaasi waxay si dhab ah uga qoomameeyeen ficilladoodii hore,” ayuu yiri. “Waxay raadiyeen walina raadinayaan dib-u-heshiisiin, gaar ahaan kuwii ay dhibaatadu ka soo gaartay ficilladooda. Waxay si rabitaankooda ah u cambareeyeen al-Shabaab iyo ajandahooda ka fog Soomaalinimada iyo Islaanimada, waxayna muuqaal ka bixiyeen nolosha argagaxa leh ee ka dhex jirta uruka sharka ah: arxandarro, dagaal dhexdooda ah, khiyaano, musuqmaasuq iyo wax kasii daran.”
“Sababahaas dartood ayay dawladda federaalku waxay diyaar u tahay in ay la hadasho, kuwaas mar ahaa cadowgeenna, oo ay gacan ka siiso sidii ay dib ugu soo dhex dabaalmi lahaayeen bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri.
“Dawladda federaalku waxay diyaarisay hannaan ay ku garanayso kuwa soo goosashadu ka dhabka tahay,” ayuu yiri Maxamuud, isaga oo ka hadlayay walwalka muwaadiniintu ku muujiyeen shakiga ay ka qabaan qasdiga dhabta ah ee kuwa soo goosanaya. “Soo goosashadu waxay la imanaysaa shuruudo.”
Si lagu siiyo cafis, ayuu sheegay Maxamuud, kuwa ka soo goosta al-Shabaab waa in ay qirtaan dambiyadoodii hore, diidaan colaadda, qaataan in ay khilaafka ku xallinayaan wadiiqooyin nabadeed, oo ay ka go’naataa in ay dib ugu milmayaan bulshada si muuqatana uga qaybqaataan wanaagooda.
Soo goostayaashu waxa ay mari doonaan barnaamij dhaqan-celin waxana isha ku heeyn doona hay’adaha ammaanka marka la sii daayo si loo hubiyo “sida ay u sii wadaan ballantoodii aheeyd in ay isaga hareen al-Shabaab”, ayuu raaciyay.
Isaga oo ku celinaya sida ay maamulka uga go’antahay dib-u-hesheesiinta, ayuu Wasiirka Warfaafinta ee Xilka sii banneeynaya Mustafa Axmed Dhuxuloow waxa uu ku tilmaamay cambareeynta Xirsi ee al-Shabaab “mid geesinimo ah”.
“Waxan rajaynaynaa in ay keento in ay kuwa kale raacaan raadkiisa oo ay qaataan nabadda,” ayuu warfidiyeenka ugu sheegay shir jaraa’id.
Xukuumaddu waxa ay diyaar u tahay in ay gacan u fidiso Soomaalida diyaarka u ah in ay qaataan nabadda oo doorta in ay ka tanaasulaan aydiyoolajiyaddoodii guracneeyd, ayuu sheegay Dhuxuloow. “Sida uu Sakariye sheegay, waxan khilaaf kasta oo naga dhexeeya ku xallin karnaa qaab nabadeed.”
Tallaabo dhiirrigalinaysa in al-Shabaab laga soo goosto
Guul ayay u tahay dawladda in mid ka mida saraakiisha ugu sarreeysa ee qaybta Amniyaadka al-Shabaab uu u soo goosto, ayuu sheegay Mukhtaar Cumar Oronjo, oo ah tifaftiraha Radio Muqdisho-ha dalwadda.
“Waxa uu ballanqaaday in rag badan oo saaxiibadiis ah uu keeni doono dhinaca dowladda,” ayuu yiri Oronjo. “Tani waa arrin guul u ah dowladda Soomaaliya waxa ay keeni kartaa in qeybta ugu muhimmsan kooxdaan, oo ah sirdoonka, ay kala fur furanto oo siro badan laga ogaado.”
Oronjo waxa uu sheegay in haddii laga faa’idaysto aqoonta aan wax la barbar dhigo ayan jirin ee uu Xirsi u leeyahay howlgallada Amniyaatka iyo sida ay u shaqeeyso oo si waxtar leh isa soo dhiibiddiisa looga faa’idaysto in lagu soo jiito kuwa kale ay taasi xukuumadda ka caawin doonto in ay si buuxda u kala furfurto kooxda xagjirka ah.
“Ninkaan muddo dheer ayuu maamul hayay. Waxa uu ogyahay dadka ka shaqeeya halkaa, inta ay u kala qeyb samaan iyo sida ay u shaqeeyaan,’ ayuu yiri. “[Sida ay xukuumadda ula dhaqantay Xirsi] waxay meesha ka saari doontaa cabsida ragga aaminsan in haddii dowladdu qabato ay dhibaato la kulmayaan.”
Cabdirisaaq Maxamed Qayloow, oo ahaan jiray afhayeenkii Midowgii Maxkmadaha Islaamiga markii dambana afhayeen u ahaa Wasaaradda Warfaafinta xilligii Dawladda Federaalka Ku-meelgaarka ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in soo goosashada Xirsi ay ka dhigan tahay dharbaaxo wayn oo ku dhacday al-Shabaab bacadamaa uu mas’uul ka ahaa howlgallada sirdoonka kooxda ee Bariga Afrika.
“Waxa aad ka garan kartaa sida ninkaan uu muhiim ugu ahaa [al-Shabaab] waxay kooxdu ku aamintay in uu maamulo mid ka mid ah qeybaheeda ugu muhiimsanaa, iyo lacagta faraha badan ee madaxiisa la dul dhigay,” ayuu yiri.
Barnaamijka Abaalmarinta Garsoorka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa dul dhigay madaxa Xirsi $3 milyan tan iyo June 2012-kii.
Xirsi waxa uu saameeyn badan ku yeelan karaa askar badan oo isaga ka hoos shaqeeyn jiray oo wali daacad u ah, taasoo keeni karta in si ballaaran looga soo goosto, ayuu sheegay Qayloow. Laakiin taas waxa kasii muhiimsan, in ka tagistiisa al-Shabaab ay ka dhigan tahay tusaalihii ugu dambeeyayee furfurka ku yimid hoggaanka kooxda waxayna sii niyadjabin doontaa dagaal yahaniinta ku haray al-Shabaab.
“Sids darteed, tani waa dharbaaxo ku dhacday al-Shabaab waana u faa’ido dawladda federaalka Soomaaliya iyo xulafadeeda,” ayuu yiri.
Cabdisalaam Cali Macallim oo reer Muqdisho ah ayaa ku ammaanay xukuumadda Soomaaliya go’aankeeda ah in ay sii waddo barnaamijkeedii cafiska iyo sida ay uga go’an tahay in ay amnigii iyo xasilloonidii soo celiso iyada oo u maraysa dib-u-heshiisiin.
“Hadalkii madaxweynaha waa uu fiicnaa oo wuxuu si cad u sharxay waxa ay dalwaddu ka rabto dagaalyahannada al-Shabaab,” ayuu sheegay. “Waa qorshe aad u fiican oo si dhab ah ugu ololeeyn kara nabadda.”
Iyada oo Atam iyo Xirsi u soo qaadanaya tusaale, ayay dalwaddu baaq cad u dirtay taliyayaasha kale ee al-Shabaab ee doonaya in ay ka baxaan kooxda in ay iyaguna kursi ku leeyihiin miiska nabadda.
“Waxan ku dhiiri-galin lahaa dawladda in ayan ka daalin oo ay sii waddo soo dhoweeynta kuwaa soo goosanaya bacdamaa ay taasi tahay hal arrin oo soo afjari karta dagaalkan diimeed ee iska yeelyeelka ah,” ayuu yiri.
Isha: Sabahi Online
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

MIDOWGA Yurub oo soo saary go’aan culus oo ku wajahan dowlada Somalia

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Midowga Yurub ayaa ka wal walsan xasilloonni darro siyaasadeed oo ka sii socota waddanka Somaaliya, sida lugu sheegay war ay wada-jir usoo saareen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan geska Afrika Alexander Rondos, iyo danjiraha Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso.
Midowga Yurub ayaa ku qaabay in la dhamaytiro dhisidda xukuumadda oo u baahan codka baarlamaanka si ay u shaqo billowdo xilli uu dhammaad yahay fadhiga baarlamaanku.
Madaxweynaha, ra’’isul wasaaraha iyo baarlamaanka ayay ku booriyeen inay u midoobaan ujeeddada dalka lagu gaarsiinayo doorasho xor ah sanadka 2016-ka, ayadoo xukuumadda loo oggolaanayo in ay dalka ku hoggaamiso himiladaasi.
Waxay war ay soo saareen ku sheegeen Midowga Yurub in la joogo waqtigii la dhammaystiri lahaa tallaabooyinka aasaaska u ah dowlad dhisidda, nabadda iyo dhamaystirka dastuurka dalka. Warkooda ayay ku sheegeen Midowga Yurub inay dadka Soomaaliyeed ku gacan siinayaan sidii ay u dhisan lahaayeen hay’adahooda dowliga ah.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli an wali la dhameystirin xukuumadda waqtiga yar shaqeynaysa ee ra’iisul wasaare Sharma’arke, Waxaana kordhaya walaaca laga qabo hiigsiga cusub ee Soomaaliya, taasi oo keeni karta in caalamka ka niyad jabo DF.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Shabaab oo weerar la haleeshay Kenya (Askar la dilay iyo baabuur la gubay)

$
0
0

Dhoobley (Caasimada Online) - Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay weerar jid gal ah ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka Militariga Kenya, iyadoo dhinaca kalana ay guulo ka sheegatay Al Shabaab.
Kolonyada Ciidanka Militariga oo sahay ka soo qaaday Degmada Dhoobley, kuna wajahnaa Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa wuxuu weerar jid gal ah uu ku qabsaday inta u dhaxeyso Taabto iyo Qooqaani.
Taabto oo Qooqaani 30km u jirta, ayaa inta u dhaxeyso waxa uu dagaal qaraar ku dhex maray Ciidanka Kenya iyo Xoogaga Shabaab, iyadoo ilo madax banaan ay xaqiijinayaan in Ciidanka Kenya looga gubay hal gaari.
Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa sidoo kale dhankooda xaqiijiyay in dagaalkaasi ay ku burburiyeen mid ka mid ah gawaaridii dagaalka, ee ay wateen Ciidamada Kenya.
Afhayeenka waxa kaloo uu sheegay inay la’deen dhammaan askartii la socotay gaarigaasi, oo uu noociisu ku sheegay kuwa qufulan, ay wataan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaan sheegin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarkaasi, marka laga soo taggo inay ku dileen askar ka tirsan Ciidanka Kenya, kuna gubeen mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka.
Taliska Ciidanka Amisom ee Gobolada Jubbooyinka, ayaan wax war ah ka soo saarin dagaalka khasaaraha geystay, ee Shabaabku kula galeen inta u dhaxeyso Taabto & Qooqaani.Caasimada OnlineXafiiska KismaayoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sawirro: Geelle oo Maman Sidikou kala hadlay arrimo khuseeya DF SOMALIA

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismail Omar Gelle, ayaa waxa uu Magaalada Adis ababa ee cariga dalka Ethiopia kulan muhiim ah kula qaatay wakiilka ururka Midowga Afrika ee Somalia maman Sidikou.
Kulanka ayaa la tilmaamayaa inuu ahaa mid uu dalbaday Madaxweyne Geelle oo isagu Wadamada saaxiibada la ah Somalia ku cadaadinaayo inay dhameystiraan talaabooyinka harsan oo ay la daal-dhaceyso DF Somalia.
Geelle ayaa waxa uu Wakiilka ka codsaday in Madaxda sare ee Ururka Midowga Afrika, ay il gaar ah ku eegan talaabooyinka ay qaaday DF Somalia iyo kuwa u harsan, isagoona aad u amaanay kaalimaha ay ka qaadanayaan nabadeynta Somalia.
Madaxweyne Geelle, ayaa waxa uu kulankiisa diirada ku saarayay laba arrin oo kala ahaa Amaanka iyo xal ka gaarista Khilaafyada Somalia, waxa uuna maman Sidikou u sheegay inay u sahlan tahay isu keenida Siyasiyiinta kala aragtiyaha duwan maadama ay u nugulyihiin garabsiinta dalka Somalia oo iminka kasii baxaayo Burburkii ku habsaday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.
Sidoo kale, maman Sidikou, ayaa si niyad furan usoo dhaweeyay amaanta uu Madaxweyne Ismail u jeediyay Madaxda sare ee Ururka, waxa uuna balanqaaday inuu indhaha caalamka inta tabartiisa usoo jeedin doono Somalia.
Dhanka kale, maman Sidikou ayaa waxa uu Geelle u sheegay in xiligaani ay aad ugu howlan yihiin xaqiijinta iyo u gogol-xaarka doorashooyinka la filaayo inay ka dhacaan Somalia, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay dhamaan doonaan dhamaan howlaha harsan ka hor inta aan la gaarin 2016-ka.
Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sawirro: Taliyaha booliska Amisom iyo saraakiil badan oo booqday HIIRAAN

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guud ee Booliiska AMISOM ee Somalia iyo saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ayaa booqday Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.
Taliyaha iyo saraakiisha la socday ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka, C/fataax Xasan Afrax.
Inta uu socday kulanka, ayaa waxa ay Labada Dhinac ay ka wada hadleen tayaynta Ciidamada Amaanka ee Gobolka hiiraan.
Booqashada saraakiisha Booliska AMISOM waxaa lagu tilmaamay kii ugu horeeyay oo ay ku tagaan magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in halkaasi ay ka furi doonaan tababaro la siin doono Ciidamada Booliska DF Somalia gobolkaasi ku sugan.
Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ogaden community in Kenya keeps eye on upcoming election

$
0
0

Over 40 Al-Shabaab militants killed in air strike in Somalia: official

$
0
0

New and Stable Government Vital for a 'Peaceful' Somalia

$
0
0

Xog: CCC oo magacaabaya 5 wasiir iyo 25 wasiir ku xigeen oo xildhibaano ah

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa u mahad celiyay xildhibaanada Baarlamaanka kadib markii ay aqbaleen codsigiisii ahaa in muddo 10 maalmood loogu daro waqtiga, si uu usoo dhameystiro dhismaha Xukuumadda 20-ka wasiir ka kooban.
“Muddada kooban waxaan ka shaqeyn doonaa balaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed oo dalka ka dhacda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare CCC oo saxaafadda la hadlay kadib dood iyo buuq weyn oo ka dhashay kulankii maanta ee Baarlamaanka oo ugu dnabeyn codsigiisii ogolaaday.
Wuxuu qiray inay dowlada ka luntay afar bilood oo waxqabadkii Xukuumadda dib-u-dhac ku yimid. taasoo uu sheegay inay waxyeeleyso howlihii qaranka iyo hiigsigii 2016.
Wuxuu intaas ku daray Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, soo dhameystiti doono Xukuumadda, soona xuli doono xubno ku sifoobay wadaninimo, daacadnimo iyo karti.
Ra’iisal wasaaraha ayaa bilaabay la tashiyo hor leh oo xildhibaanada baarlamaanka uu la yeelanayo, isagoo balanqaad u sameeyay qaar kamida xildhibaanada inuu ku soo dari doono xukuumadda cusub.
Wararkii ugu danbeeyay waxa ay sheegayaan in 5 wasiir oo cusub iyo 25 wasiir ku xigeen lagu dari doono 20-ka wasiir ee magacaabay, iyadoo sidoo kale la magacaabi doono ilaa 10 wasiiru dowle taasoo ka dhigeysa in ka badan 60 xubnood golaha wasiirada cusub, kuwaasi oo badankood laga soo xuli doono xildhibaanada diidan xukuumadda.
Isha: Goobjooge
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Codsi  Dhamaan Jaaliyaddaha

$
0
0

Horror in Japan as video purports to show hostage beheaded

$
0
0
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live