Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Weerar Askar Lagu Dilay oo Ka Dhacay Gobolka Baay

$
0
0

Wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Bardaale iyo Awdiinle oo ka tirsan Gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Weerarkaan ayaa dhacay, xilli wadada loo galay laba gaari oo ay saarnaayeen ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo kala ah gaari NOHA ah iyo gaari Cabdi bile ah.
Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa wadada u galay gaadiidkaan, kadibna waxa ay ku harqiyeen rasaas, iyadoo ciidanka Koonfur Galbeed ay iska caabiyeen ciidamada Shabaabka ah ee weerarka dhabagalka ah u dhigay ciidamada Koonfur Galbeed.
Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyay in saddex askari lagu dilay weerarkaasi, halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.
Askarta dhaawaca soo gaaray, ayaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baydhabo si halkaasi loogu daaweeyo sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha.
Weerarka ayaa dhacay maanta barqadii, iyadoo ciidamo dheeraad ah loo diray inta u dhaxeysa Bardaale iyo Awdiinle ee Gobolka Baay, si loo baadigoobo Shabaabkii weerarka u gaystay ciidamada.
Al-Shabaab ayaa weerar waxa ay ku qaadaan gaadiidka kolonyada ah ee ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Amisom ay wataan ee mara Gobolka Baay.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com


Wararka Dibada: Kulankii Hogaamiyeyaasha Dalalka...

$
0
0

Kulankii Axadii shalay ka dhacay magaalada Riyad oo ay ku kulmeen hogaamiyayaasha in ka badan 40 wadan oo Muslim ah kana qeyb galay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa looga hadlay iskaashiga wadamadaasi.
Donald Trump ayaa khudbadiisa ku sheegay inuusan halkaasi u imaan inuu u yeeriyo ama u sheego waxa loo baahan yahay inay qabtaan hogaamiyayaasha dalalka Islaamka, balse wuxuu sheegay inay laga maarmaan tahay in si wadajir ah loola dagaalamo xoogaga xagjirka ah ee sida khaldan u adeegsada magaca diinta Islaamka.
"La dagaalama oo ka saara dhulkiina iyo dunnida" ayuu yiri Trump oo la hadlay hogaamiyayaasha shirkaasi ka qeyb galaya.
Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan awoodo cadow ku ah Islaamka oo doonaya inay si khaldan magaca Diinta islaamka u xumeeyaan, isagoo ku tilmaamay kooxaha falkan loo adeegsanayo ururada ay kamid yihiin Al Qacida, Daacish iyo waliba kuwa shiicada ah ee Xisbullah iyo Xuuthiyiinta.
"Qodobada ugu muhiimsan ee Shariicada Islaamka waa illaalinta Nafta qofka bini'aadamka" ayuu yiri Boqorka Salmaan oo si gaar ah khudbadiisa ugu weeraray dowlada IRAN oo iyadu shirkan ka maqneyd.
Sacuudiga oo casumaada u diray hogaamiyayaashan badan ee dalalka Muslimka ah ayaa dooneysay inay muujiyaan awooda ay ku leeyihiin dalalka Islaamka, xili ay dadaal ugu jirto Boqortooyadaasi inay sare u qaado awooda ay ku leedahay Bariga Dhexe.
Trump ayaa maanta u baxaya Israel, isagoona Talaadada beri ah kulan la yeelan doona hogaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabaas.
"Waxaan tagayaa Israel iyo Falastiin, waxaana sidoo kale booqan doonaa xarunta Vatican ee Kirishtaanka, waxaana aaminsanahay hadii sadexda diimood ee Islaamka, Yuhuuda iyo Kirishtaanka heshiiyaan dunnidan nabad laga dhigi karo" ayuu yiri Trump.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Ra’iisal Wasaare Khayre oo La Kulmay Ciidamada...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta - Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra'isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.
Ra'iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.
Ciidanka wadajirka ah oo saakay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.
Ciidanka ayaa sidoo kale isla maanta howlgal kaa la mid ah ka sameeyey degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado. Ciidanka ayaa la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi'inayey numberkooda. Waxaan goobtaas laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa maqaayad ku taala Wardhiigley la fariistay dhalinyaro halkaas joogtay oo uu ka wareystay xaaladooda. Waxaana halkaas ku soo maray ardey iskuul ka soo baxday oo uu Ra'iisul Wasaarahu wareystay xaalada waxbarashadooda. Waxaana gabdhihii ardeyda ee uu la kulmay ka mid ahaa gabdho ka yimid London UK oo Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin inay madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Puntland Post oo hambalyeysay arooska Wariye Abshir...

$
0
0

Warbaahinta Puntland Post waxay Hambalyo kal iyo laab ah u diraysa tafaftiraha Warbaahinta Puntland Post Abshir Cabdillaahi Maxamed (Abshir Dhiirane) iyo marwadiisa Samiira Cabdirashiid oo uu arooskoodu ka dhacay baadiyaha tuulada Reemanti ee Gobalka Nugaal.
Arooskan oo kamida kuwa ugu cajiibsan degaanada Puntland ayaa loo soo abaabulay hab dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida, waxaana lagu qabanayaa aqal Soomaali si qurux badan loo nashqadeeyey oo ku dhinac yaal dooxo barwaaqo ah oo ay hareeraha ka fadhiyaan biyaha xareeda, cagaaarka dooguna indhuhu ku nuursanayaan.
Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heeso dhaqan, gabayo iyo xujooyinkii lagu yiqiin birisamaadkii aroosyada Soomaalida ayaa lagu soo bandhigayaa goobtan, waxayna barbaarta, caruuska iyo caruusaduba ku labisan yihiin dharka hidaha iyo dhaqanka u ah umadeena Soomaaliyeed.
Mar labaad Maamulka iyo hawldeenada Puntland Post meel kasta oo ay joogaan waxay farxada la wadaagayaan una hambalyeynayaan Wariye Abshir Dhiirane iyo marwasiida, waxaanuna Alle uga baryeynaa inay noqdaan qoyskii isku barakooba, ubad khayr qabana kala hela.PUNTLAND POST
The post Puntland Post oo hambalyeysay arooska Wariye Abshir Dhiirane oo ka dhacay baadiyaha Nugaal appeared first on Puntland Post.

Faahfaahin Cayaartooy Lagu Rasaaseeyay Duleedka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho,(SONNA):-Warar goor dhow na soo gaaray Deegaanka Calamada ee degmada Afgooye ayaa sheegaya in caawa fiidkii la rasaaseeyay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen Koox ciyaartoy ah.
Masu'uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u Sheegay in rasaasta uu ku geeriyooday Yuusuf Cali Xeydar oo ahaa Macalinka labaad Kooxda Bariga Dhexe, waxaana uu dhaawac soo gaaray labo ciyaartoy oo u ciyaara Kooxda Elman.
Labada ciyaartoy ee dhaawacantay ayaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Mayow iyo ciyaaryahan lagu naaneyso Zimbaabwe.
Wararka Qaar ayaa Sheegay in Gaariga ay la socdeen ciyaartoyda uu ka baxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Afgooye.
Sawirka Sadaxda Cayaaryahan ee idiin soo muuqaanaya ayaa lagu waramayaa in ay yihiin kuwa ay waxyeelladu Soo Gaartay, Iyadoo Qofka Koowaad ee Xiran Funaanadda Jaallaha uu yahay Allaha u naxariistee Marxuum Yuusuf Cali Xeydar.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDib u dhac ku yimid xafladii caleema saarka Madaxweynaha Galmudug

Somali troops seize illegal arms in Mogadishu sweep

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Somali army forces have seized illegal small arms and military uniforms during a security sweep in the capital Mogadishu on Monday morning, information minister said.
The troops comprising of Police, Military and Intelligence units carried out Pre-dawn operation in Wadajir and Shangani districts, whereby they captured illegal AK-47s and pistols.
Abdirahman Omar Osman Yarisow, the Minister of Information, and Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire have reached the commanding center of joint forces in Wardhigley, where the weapons were paraded.
Monday's operation was part of the stabilization process of the capital before Ramadan.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Attack on bus leaves coach dead, two players injured

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
A coach of a local football club was reported killed, and two players wounded after gunmen opened fire on the vehicle on the main highway between Mogadishu and Afgoye.
The tragic incident took place at Hawo Abdi area, just outside Mogadishu in the evening, as the players and their coach left Mogadishu and were on their way to Afgoye district.
The bus raid left the coach dead, and two players wounded, who are current being operated at a hospital in the capital, according to a football colleague, speaking to Radio Shabelle.
No group or individual has claimed responsibility for the shooting of the bus carrying football professionals near Mogadishu. The Somali government did not comment on the incident.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Al-shabaab oo xalay Saqdii dhexe weerar culus ku...

$
0
0

LAANTABUURO(RBC RADIO) Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday Fariisin ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Laantabuuro ee Gobolka SH/Hoose.
Dagaal culus oo saacado badan socday ayaa Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku dhexmaray deegaanka Laantabuuro,wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka shacabka ah.
Wararka aan ka heleyno deegaanka Laantabuuro ayaa sheegaya in Al-shabaab ay dileen dad badan oo Shacab ah isla markaane ay qafaasheen ku dhawaad 20 ruux oo ay ku jiraan Odayaal dhaqameed sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka Laantabuuro,Al-shabaabka ayaa sidoo kale gubay guryo ay leeyihiin dad rayid ah.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Laantabuuro wali wax war ah kama soo saarin dagaalkan culus ee Al-shabaab ay xalay ku qaadeen deegaanka Laantabuuro ee Gobolka Sh/Hoose.
RBC RADIO


Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Qarax ka dhacay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Yusuf Garaad ayaa cambaareeyay Qaraxii khasaaraha geystay ee ka dhacay Magaalada Manchester ee Dalka Britain.
Wasiirka ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay Qaraxii ka dhacay Dalka Britain, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 Ruux, halka 50 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.
Yusuf Garaad ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dareen murugo leh uula wadagayo qoysaska ku waayay caruurtooda Weerarkii ka dhacay Magaalada Manchester ee Dalka Britain .
Waxaan murugta la qeybsanayaa Qoys waliba oo weerarkaasi ku waayay caruurtooda",sidaasi waxaa yiri Wasiir Yusuf Garad.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Magaalada Manchester ee Dalka Britain.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Al Shabaab oo Tababar u soo xiray Dagaalyahanno...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Nairobi ( Sh.M.Network)-Isagoo ka hadlayay goob tababar loogu soo xirayay xubno ka tirsan Al Shabaab ayaa Afhayeenka Xarakada, Sheekh Cali Maxamuud Raagge Sheekh Cali Dheere, waxuu sheegay in loo baahan yahay in Xerooyin Ciidan laga sameeyo qeybo ka mid ah Dalka Kenya.
Afhayeen Cali Dheere ayaa fariin u diray Kenya waxa uu ku sheegay in ay caburiyaan Muslimiinta ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Kenya.
Waxaa Afhayeenka uu carabka ku adkeeyay in Ciidamada Kenya ay dhibaatooyin kala duwan u geystaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana Xarakada aysan u dulqaadan doonin, ayna hortigi doonaan, sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda Kenya ayaa Dagaal Xoogan kula jirta Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya..
Ugu dambeyn, Xarakada Al Shabaab ayaa ku hanjabay in ay kordhin doonaan Weerarada dhanka ah Kenya hadii aysan Xuukuumadda Nairobi Ciidamadeeda kala bixin gudaha Soomaaliya.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Gaari ay la socdeen...

$
0
0

CALAMADA(RBC RADIO)Wararka aan ka heleyno deegaanka Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Rasaas lagu furay Gaari ay ka socdeen Ciyaartooyda Kooxda Elman ay dhalisay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inuu Rasasaastaas ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Yuusuf Cali Xaydar oo ahaa Macalinka labaad ee Kooxda Bariga Dhexe,Rasaasta ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba kamid ah Ciyaartooyda Kooxda heerka Koowaad ee Soomaaliya ee Elman.
Afhayeenka Naadiga Kubadda Cagta Elman Abuukar Maxamed Cibaar ayaa warbaahinta u sheegay iney falkaasi ku dhaawacmeen Ciyaaryahanada kala ah C/llaahi Mayoow iyo Simbabwi oo labaduba ka tirsan Kooxda Elman.
Wararka ayaa intaa ku daray in Rasaasta khasaaraha sababtay ay fureen Ciidan ka tirsan kuwa dowladda,Afhayeenka Kooxda Elman ayaa tilmaamay in Ciyaaryahanada haatan lagu dabiibayo Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Ciyaaryahanada Kooxda Elman ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kadib markii shalay lasoo gabagabeeyey Horyaalka Heerka Koowaad ee dalkeena Soomaaliya, waxayna kusii jeedeen eheladooda oo ku nool Degmada Afgooye ee Gobolka SH/Hoose.
RBC RADIO

Madaxweynihii hore ee Gambia 'oo 50 milyan oo doolar ka xaday' xukuumadda

$
0
0

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia ayaa ugu yaraan "50 milyan oo doolar" ka xaday xukuumadda ka hor intii uusan ka bixin dalka bishii koobaad ee sanadkan sida uu sheegay wasiirka cadaaladdu.

Ra’iisul Wasaare Kheyre” Ciidamada Ammaanku waa in...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Sh. M. Network)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u turaan Shacabka xilliyada ay ku guda jiraan Howlgalladooda.
Waxa uu sheegay Ra'iisul Wasaare Kheyre in haddii aan Shacabka loo dhimrin aan la xaqiijin Karin Nabad Gelyada.
" kalsoonida Shacabka aan siino waxa ay noo sahleysaa in aan ku guuleysanno Sugidda Nabad Gelyada Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Hadalkaan ayuu Ra'iisul Wasaaruhu ka jeediyay Xaruntii Xisbiga ee Magaalada Muqdisho xilli lagu soo bandhigay Hub ay Ciidamada Ammaanku ka soo qabteen Magaalada Muqdisho.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Al-shabaab oo kula dardaarmay dhalinyaro Kenyan ah...

$
0
0

SH/HOOSE(RBC RADIO)Saraakiisha Al-shabaab ayaa Tababar usoo xiray Rag u dhashay dalka Kenya oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab,waxayna kula dardaarmeen iney dagaalo ku qaadaan gudaha dalka Kenya.
Garabka Warbaahinta ee Al-shabaab ayaa baahiyey Muuqaal Ciidamo Ajaanib ah oo ay Tababar usoo xireen Al-shabaab,Raggan Tababarka loo soo gabagabeeyey ayaa u badan Kenyan,Saraakiisha Al-shabaab ayaa ku amray Raggan Kenyanka ah iney u diyaar garoobaan sidii ay weeraro ugu qaadi lahaayeen gudaha Kenya.
Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali-dheere oo khudbad u jeediyey dagaalamayaasha Al-shabaab ee Tababarka loosoo xiray ayaa ku booriyey iney dhibaatada ka dulqaadaan Muslimiinta Kenya oo ay waxyeelo joogto ah ku hayaan Masiixiyaanta sida uu hadalka u dhigay Cali-dheere.
"Waa inaad noqotaan Ciidamadii furan lahaa Kenya,waxaad ku laaban kartaan Qoysaskiinii iyo Qaraabadiina waxaadna ka dulqaadi kartaan dhibaatada lagu hayo idanka Ilaahey"ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab Cali-dheere.
Muuqaalka ay kusoo bandhigeen Ciidanka ay Tababarka usoo xireen ayaa goor danbe laga saaray Barta Youtube-ka.
RBC RADIO

Madaxweynihii hore ee Gambia 'oo 50 milyan oo...

$
0
0

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia ayaa ugu yaraan "50 milyan oo doolar" ka xaday xukuumadda ka hor intii uusan ka bixin dalka bishii koobaad ee sanadkan sida uu sheegay wasiirka cadaaladdu.
Yahya Jammeh ayaa lagu eedeeyay in uu lacagtan kala baxay shirkadda isgaarsiinta.
Maxkamad ayaa amartay in la fariisiyo hantida Jammeh ee wali Gambia taalla.
Jammeh ayaa u duulay dalka Equatorial Guinea ka dib 22 sano oo uu xukunka hayay, waxaa lagaga guulaystay doorasho bishii Desembar ee sannadkii hore, wuxuuse xilka ka digay markii ay dalalka dariska ahi ciidammo u direen Gambia ayna ugu hanjabeen in ay xoog xilka uga xayuubin doonaan.
Gawaari iyo alaabo kale oo qaali ah ayaa la sheegay in Jammeh uu kula tagay diyaarad xamuul oo Chad laga leeyahay markii uu dalka ka baxayay.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Mai Ahmad Fatty oo haddana ah la taliyaha madaxweyne Barrow ayaa horay u tilmaamay in ay lacagta uu madaxwaeynuhu qaatay tahay in kabadan 11 milyan.
Laakiin wasiirka cadaaladda Abubacarr Tambadou ayaa sheegay in Jammeh uu la baxay 50 milyan intii u dhaxaysay 2006dii ilaa 2016kii.


Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilowday...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Bakool(SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka bilaabay Deegaano ka tirsan Gobalka Bakool Howlagalo looga sifeynayo Maleeshiyaadka Argagixisada ee Alshabaab .
Sargaal ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobalka Bakool ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidamada ay qaadeen dhowr jidgooyo oo u tiilay kooxda Alshabaab, kuwaas oo lagu dhibaaateen jiray shacabka deegaanadaasi ku dhaqan.
"Ciidamada Xoogga Dalka oo kaa shanaya shacabka waxay ku guuleysteen in ay qaadaan jidgooyooyin ay dhigteen kooxda Alshaab ,waxaana Gobalka ka socda Howlagal ka dhan ah kooxdani caadeysatay dhibaateen Umadda Soomaaliyeed"ayuu yiri Sargaalkan ka tirsan guutada 60-aad ee CXD
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii dalka looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleQarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Ingiriiska.

22 Qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Manchester

$
0
0

[Puntland Post]Labo iyo labaatan ruux oo ay ka mid yihiin carruur ayaa hadda la ogyahay in ay ku dhinteen 59 kalana ay ku dhaawacmeen weerar argagixiso looga shakisan yahay oo ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.
Waxaa la xiray dhamaan goobaha laga raaco tareenada, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada dambi baarista.
Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa sheegtay in qaraxan ay ula macaamilayaan mid argagixiso, waxaana ay sheegtay in wal wal iyo naxdin ku abuuray dadka UK.
Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra'iisal wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.
Waxay hakisay ololeehdii doorashada guud waxayna maanta shir guddoomin doontaa kulan degdeg ah oo ay isugu imaan doonaan wasiirradeeda. Waxay ka arrinsan doonaan sida ay uga jawaab celin lahaayeen weerarkan.
Ciidamada kala duwan ee Britain ayaa heegan la geliyay, waxaana la adkeeyay ammaanka goobo muhiim ah oo ku yaala dalkaas.
Waa qaraxii labaad ee ugu dhimasho badnaa oo ka dhaca dalkaas, sanadkii 2005 ayay aheyd markii qarax dad badan ku dhinteen uu ka dhacay magaalada London.
CABDIQANI BOOSPUNTLAND POST
The post 22 Qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Manchester appeared first on Puntland Post.

Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Tababar ugu ...

$
0
0

Tababar muddo toban beri ah uga socdey magaalada Garoowe shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta soo xirmay iyadoo tababarku uu ahaa mid la xiriira dar-dargelinta shaqada xafiisyada dawladda.
Tababarkaan ayaa loo qabtay in kabadan 180 qof oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda kuwaas oo kakala yimi Caasimadda iyo dhammaan gobollada kale ee Puntland isla markaana ka faa'iidaysanyey tababarkaan ay dawladdu ugu talo gashay dar-dargelinta shaqada.
Agaasimaha Waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalah Barni Ciise oo munaasabaddii xiritaanka tababarka hadal kajeedisey ayaa bogaadisey barayaashii tababarka oo isugu jirey Soomaali iyo AJaanib kuwaas oo soo diyaariyey casharro muhim u ah shaqaalaha kuwaas oo ka caawin doona hawl maalmeedkooda shoqo.
Maamule kuxigeenka Jaamacada Puntland State Axmed Shire ayaa isagana xusay dedaalkii ay Jaamacaddu ku bixisay qabsoomidda tababarkaan maadama ay iyadu marti-gelineysey tababarka isagoona xusay in Jaamacaddu ay dedaal dheeraad ah u geli doonto sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha dawladda.
Axmed Diiriye oo ah kusimaha madaxa xiriirka Mashruuca Tayaynta shaqaalaha ee CIP oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay tababarkaan u soo qabanqaabiyeen ay ahayd sidii loo heli lahaa shaqaale aqoon dheeraad ah u leh shaqada ay hayaan, kuwaas oo dhaxal rasmi ah u ahaan doona dawladda Puntland.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Qaybteeda dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana oo isagana munaasabadd hadal ka jeediyey ayaa kula dardaarmay dhammaan shaqaalihii uu tababarku usoo xirmay inay ku aqoontii la baray ku dabbakhaan shaqo maalmeedkooda caadiga ah isla markaana ay uga faa'iideeyaan shaqaalaha kale ee aan nasiibka u yeelan tababarkaan.
Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Cabdi Shire Ismaaciil oo munaasabadda soo xiray ku boorriyey shaqaalaha inay isbeddel mugle ka muujinyaan xafiisyada marka ay kulaabtaan isagoona geesta kale u ballan qaaday shaqaalaha dawladda inay heli doonaan tababar dheeraad ah oo gaarsiisan heer Jaamacadeed.
--Dhammaad--
The post Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Tababar ugu Xirmay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Maamulka gobalka Bari oo ka hadlay weerarkii...

$
0
0


Boosaaso-(Dhegeyso)-Maamulka gobalka Bari ayaa ka warbixiyey qarax ismiidaan ah oo caawa lala eegtay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan Booliska gobalka Bari.
Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo la hadlay Radio Garoowe ayaa sheegay in qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyey ciidan baaritaan samaynayey.
Hal askari iyo sadex qof oo shacab ah ayaa qaraxa ku dhintay 6 kalana waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay gudomiye dhado.
Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo sii hadlaya ayaa sheegay in laamaha ammaanka gobolka Bari ay sameeyeen baaritaano kala duwan waloow aysan jirin cid lasoo qabtay.
Gudoomiye Dhedo ayaa tilmaamay in weerarkaas ku tuhmayaan kooxaha Argagixisada ee ka dagaallama gudaha Somalia.
Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah ee Daacish, ayaa sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa ka dhacay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.
Qoraal ay ku baahiyeen baraha internet-ka ayay ku sheegeen in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahanadooda ku sugan gobolka Bari.Halkaan ka dhegeyso Waraysiga.http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/05/Yuusuf-Maxamed-Wacays-Dhado-.mp3____RBC Radio

Shan Ruux oo ku dhimatay iyo 22 kale oo ku shilal...

$
0
0


Garowe-(RBC Radio)-Shan Ruux ayaa ku dhimatay 22 kalana waa ay ku dhaawacmeen shilal gawaari oo ka dhacay inta dhaxaysa xaaji khayr iyo dangoroyo oo ka kala tirsan gobalka Karkaar iyo Nugaal galinkii danbe maantay.
Baabuurta dhacday ayaa midkood ahaa, Noah halka kan kale uu ahaa baabuur ay lahayd shirkadda Safarrada ee Raaxo.
Labada gaari ee shil galay waxaa ay ka yimaadeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana ay sideen dad soo xagaa-baxay oo u badnaa dumar iyo caruur sida uu noo sheegay taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka Puntland.
Shilka hore oo ka dhacay gaariga ah Basas ah oo ay leedahay shirgada safarada ee raaxo ayaa waxaa ku dhintay sadex Ruux waxaana sidookale ku dhaawacmay 14 Ruux.
Gaariga Baska ah ayaa shilka galay kadib markii Taayir u baxay sida uu noo xiqiijiyey taliyaha ciidanka wadooyinka Puntland.
Gaariga kale oo isna ahaa Noah ayaa waxaa ku dhintay labo haween ah oo labo caruur ah watay waxaana ku dhaawacmay sideed kale sida uu markale noo xaqiijiyey Kornayl Axmed Cabdi Cali.
Dhaawaca iyo maydadka ka dhashay shilka ayaa la gaarsiiyey isbitaalada magaalooyinka Garoowe iyo qardho halkaas oo dadka dhaawaca ah lagu dabiibayo.
Sadexdii bilood ee la soo dhaafay ilaa 6 shil ay gaysteen gawaarida Basaska ah ee isaga kala goosha magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe sida uu sheegay Taliyuhu waxaana uu ku goodiyey in talaabo adag laga qaadi doono.____RBC Radio

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live