Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Xisbigii USP ee Siciid Qorsheel Madaxda ka ahaa oo...

$
0
0

28th June 2017 admin Category :
Madaxweyne Farmaajo waa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee aqoonsaday in midnimadii Soomaaliya ee 1960 ay keeneen xisbiyadii SNM iyo USP, waana jidka qura ee lagu gaari karaa midnimo Soomaaliyeed iyada oo lagu salaynayo sida tirada labadan xisbi ay u kala alahaayeen Xildhibaanda intaanay ku darsamin Koonfurta Soomaaliya
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]


Jawaabtii SNM ee Farmaajo iyo midnimada Soomaaliya

$
0
0

28th June 2017 admin Category :
"Haddaad tiraahdo Alshabaab ayaan tirtirynaa ogow Qaraxyadu waa kugu sii badanayaan" . Hadalkan waxa yiri Xuseen Aadan Cige, afhayeenka Beelaha Isaaq, isaga oo diidan in Alshabaab lala dagaalamo oo doonaya in wada hadal loo bilaabo . Xusen Aadan Cige, waa ogyahay in reerkiisa u badan yihiin Alshabaab, oo maanta Soomaali ay meel uga soo wada jeedaan sidii dalka looga xorayn lahaa argagixisada dhiiga Soomaaliyeed aqoonsiga ku raadinaysa
[embedded content]

انا لله وانا اليه راجعون … لله ما اعطى وله ما اخذ...

$
0
0

28th June 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Ardada Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Suudaan, ayaa maanta waxay aaseen Allah ha u naxariistee walaalkoodii ay ku jeclaayeen Islaanimada iyo Soomaalinimaa Maxamed Cabdirashiid Cali Geele, oo maalintii shalay ku geeriyooday dalka Suudaan.
Haddanu nahay bahda Allsanaag, waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Waalidka Marxuumka dhintay dhalay Wasiiru dawlaha amniga Puntland Cabdirashiid Cali Geele iyo Hooyadiis Koos Cabdulaahi Uurcad, qaraabadiisa iyo dhamaan asxaabtiisa jeclayd ee kala joogtay daafaha Caalamjka. n llh wn lyh rj`wn ... llh m `T~ wlh m khdh wkl shy' `ndh b'jl msm~ .. llh yrHmh wyGfr lh wydkhlh ljn@
Aaskii Allaha u naxariistee waalkeen Muhammad (islaam Geelle) waano iyo waciid noogu filan Qabrigaas iyo Wacdiga Sheikha.Aan si niyad ah ugu duceyno walaalkeen iyo dhamaan intii muslimiin ah ee geeriyootay.llhm Gfr lh wrHmh w`fh w`f `nh w'krm nzlh wws` mdkhlh wGslh blm w lthlj w lbrd w nqh mn ldhnwb w lkhTy km ynqy lthwb l'byD mn ldnswjmy` lmslmyn
Opslaet af Abdikamil Yusuf Mohamud pa 26. juni 2017

ldhnwb w lkhTy km ynq~ lthwb lbyD mn ldnswbdlh bdr khyr mn drh w hl khyr mn hl wdkhlh ljn@ w'`dhh mn `dhb lqbr w mn `dhb lnrllhm nt rbh w nt ldhy khlqth wnt ldhy hdyth llslm w nt ldhy krmth blymn w nt `lmlGywb t`lm m bsrh w `lnythnt lkrym w l krym Gyrk w hw lD`yf lrjy bkrmk w `fwk nzl bjwrk fkrmh bmq`d Sdq `ndk y jbr lsmwt wlrDllhm nt `fw krym tHb l`fw f`f `nh llhm nt `fw krym tHb l`fw f`f `nh llhm nt `fw krym tHb l`fw f`f `llhm .. tqbl mnh Slth lk , w thbiWth `l~ lSrT ywm tzl l'qdmllhm .. tqbl mnh Symh , w sy'r T`th , w SlH '`mlh , w 'thql bh myznh ywm lqym@ , w j`lh mn lfy'zyn ))
Post navigation
- Sababtii ay ula Ciidi waayeen Caalamka Islaamku ma sidan ayeey ahayd? Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhoweeyey Degamda Eyl. -

Dowladda Puntland Oo Qaadacday Xeer Ay Xukuumadda...

$
0
0

28th June 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,hiddaha iyo dhaqanka Puntland C/fitaax Nuur Axmed (Ashkir) ayaa shir Saxaafadeed uu maanta ku qabtay Garoowe, wuxuu ku sheegay in dowladda Puntland ayan qayb ka ahayn Xeerka Isgaarsiinta federaalka ee laga ansixiyay golaha Wasiirada Federaalka maalintii khamiista ahayd Ee la soo dhaafay bishuna ahayd 21-kii bishaan socota.
[embedded content]
Wasiiru dowluhu Wuxuu sheegay in loo baahnaa ka hor intaan la ansixin xeerka in lagala tashado dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, waxaana uu ku tilmaamay talaabadaasi mid baal-marsan Dastuurka iyo Dowlad nimada Soomaaliyeed,
" sida ku cad Distuurka Federaalka ah qodobkiisa 54-Aad Awoowdaha dowladda Federaalka ah waa: difaaca Qaranka,Jinsiyadda,Xiriirka dibadda,wixii intaa ka soo hara sida Dastuurka Federaalka ahba uu qeexayo, way u madax bannaanyihiin dowlad goboleedyadu in ay aayahooda ka tashadaan,Xeerkaana waa mid loo baahnaa in Puntland laga war-galiyo" ayuu yiri Wasiiru Dowluhu.
Wuxuu Wasiir Ashkir sidoo kale sheegay in ay Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ay ku hawlanayd talo ka bixinta Xeerkaan, khuburo Wasaaradda ka tirsanna u saartay turxaan-bixinta Xeerkaan qodobbo Muhiim Ahna ay soo tilmaameen in wax laga baddalo.
Waxaa uu yiri Wasiirku " Wasaaradda Isgaarsiinta Federaalka way ku deg degtay in Xeerkaan ay hor-gayso golaha Wasiirada Federaalka,waxaana habboonayd in dib la iskugu soo laabto si qolo weliba fikirkeeda ku aadan Xeerkaan ay u soo ban-dhigto" ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay
" Puntland ma ogola Xeerkaan,mana Aqbali doonto in loo meeriyo Xeerar si gaar ah loo qortay".
Wasiiru dowluhu wuxuu gabagabadii faahfaahiyay sida ugu wanaagsan oo Xeerka isgaarsiinayd loo Meel-marin karo, waxaana uu ku booriyay dowladda federaalka in taladu ahaato mid si wadar ah loo qaato,Ee aan koox gaar ah isku koobin ka talinta aayaha iyo Mustaqbalka dadka.
Share this:
Post navigation
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhoweeyey Degamda Eyl. Baaq Ay Si Wadajir Ah U Soo Saareen Qurba-jooga,Xildhibaanada,iyo Isimada Dhulbahante -

XASAASI: Qorshaha Somalia ay ku sameesaneyso lacag...

$
0
0

Jun 28, 2017 -
Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka Samba Thiam ayaa sheegay in lacagtan cusub ay suuqa soo gali doonto Sanadkan 2017 inta uusan dhamaan, waxaana meesha ka bixi doonta lacagta duugta ah ama been abuurka ah ee hadda suuqyada Soomaaliya ku jirta .
Waxa uu intaa ku daray in 89% lacagta hadda Soomaaliya laga isticmaalo ay been abuur tahay tirada soo hartay ee ah 2% ay tahay lacagtii Soomaalia loo daabacay intii u dhexeeysay 1990 illaa 1991dii.
Dalka ayaa Fowdo galay ka dib markii la riday xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre uu hogaaminayay 1991kii, waxaana bur-bur baahsan lagula dhaqaaqay hay'adihii Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo kuwii Bulsho.
aasina waxa ay keentay in uu hoos u dhaco dakhligii qofka , sidaasina ay Shaqo la'aanta iyo faqriga uu ku faafay ilaa Soomaaliya lagu tilmaamay waddanka ugu Faqrisan Caalamka .
Madaxa Sanduuqa lacagta aduunka Samba Thiam Waxaa uu intaas ku daray in Sanduuqa lacagta, keliya uusan awoodin maalgelinta qorshahan oo dhameystiran , loona baahan yahay in ay dowladaha deeqaha bixiya ay ka qeyb qaataan taas oo uu sheegay in ay meel wanaagsan mareeyso .
Soomaaliya ayaa looga baahan yahay in ay iska bixiso deynta lagu leeyahay oo gaareysa 5.3 Bilyan oo Dollar si ay u hesho amaah cusub ama maalgelin caalami ah .
Deynta Soomaliya waxaa ku leh Bangiga adduunka, Sanduuqa Lacagta adduunka iyo kan kobcinta Afrika.
In laga cafiyo Soomaliya deynta lagu leeyahay waxa ay ku xiran tahay sida ay ula dagaalanto Musuqa ka jira dalka si ay u hesho maalgalin iyo dib u dhis wanaagsan.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Khayre oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga...

$
0
0

Waxana kulanka ka soo qeyb galay Wasaaradaha, Arrimaha Dibedda, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga, Kaluumeysiga, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dood dheer ka yeeshay qodobadii laga hadlayay.
Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amniga xeebaha dalkeena, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciidamadda Ilaalada xeebaha oo hadda qorshuhu yahay in la hoos geeyo Wasaaradda Amniga, maadaama ay xiligii hore ay hoostagi jireen Wasaaradda Gaashaandhigga ciidamadani.
Wasiiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda dawladda Federaalka Soomaaliya C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay ku bilowdeen kuna dhamaadeen shirarkii looga hadlayay wadaagga kheyraadka dalka ee u dhexeeyay Wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada, gaar ahaan shir saddex cisho uga socday maamullada iyo Wasaaradda oo arrimahaas looga hadlayay, wuxuna xusay in Wasaaraddu ay joogteyn doonto wada xaajoodka u dhexeya labada dhinac si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.
Ugu danbeyn, Ra'iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay guddiga in la sameeyo qorshe cad oo loo marayo arrimaha badaheena, isla markaana cid waliba oo quseyso arrintani lala fariisto si qodobada ka soo baxaya shirarka u noqdaan kuwa leh aragti fog.
"Badda Soomaaliya Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiiji ah oo muhimad weyn ugu fadhida caalamka gaar ahaan marka laga hadlaayo ganacsiga, gaadiidka badda iyo siyaabo kale, waxaana dadka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad danahooda ka shaqeysaan oo tallaabo walba oo la qaadayo noqoto mid cad oo wax mugdi ah uusan ku jirin, dalkeenana loogana faaiideeyo kheyraadkaas"ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad iyo qaar kamid ah Wasiiradda Maamul gobolleeyada qaar ee kulanka goob-joog ka ahaa oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimadda uu dalkeena u leeyahay guddigani ka shaqeynaya Badaha Soomaaliya.

XASAASI: Sacuudiga oo Dhabar Jibiyay Soomaaliya &...

$
0
0

Jun 28, 2017 -
Wargaysku wuxuu sheegay in arrintani ay timid ka dib markii wasaaradda deegaanka iyo beeruhu ee sucuudigu ay ogolaatay furintaanka Maxjarka Itoobiya taas oo aad uga qeyb qaadatay inay isdhinto 50% kharashka rarka xoolaha.
Ganacsade Xaamid Al-Jadcaan oo u waraysi siiyay wargayska wuxuu sheegay in Maalgashadayaal badan ay u wareegayaan itoobiya si ay kor ugu qaadaan xiriirka sucuudiga ee ganacsi iyo maalgashi ee dhinaca Xoolaha, kulamo hor u dhac ahna la galay si heshiisyo loo kala saxiixdo loona kordhiyo dhoofka xoolaha ee itoobiya.
Wuxuu caddeeyey inay tahay waxyaalaha soo jiidashada keenaya inay tahay inay xoolaha Itoobiya u egyihiin kuwa Soomaaliya.Waxaa kale oo sheegay in xoolaha itoobiya kasoo baxaya ay toos u soo gaarayaan sucuudiga ayaga oo aan soo marin Maxjarka Jabuuti sidii waagii hore ahaan jirtay.
"Maxjarka Jabuuti Neefka wuxuu ka qaadi jiray $9 ilaa $10 intaa waxaa dheeraa Cowska iyo wixii kale oo kharash ah oo ay xooluhu u baahdaan, wuxuu gaari jiray kharashka raacaya $12 - $13, hadeerse ka dib furitaanka Maxjarka itoobiya wuxuu kharashku hoos u dhacay 50%. Waxaana la ogolaaday Maxjarada itoobiya 2 bilood ka hor" ayuu yiri Ganacsade Xaamid
"Xoolaha itoobiya waxay dhanyihiin 40 Malyan oo neef, waana xoolo aad u fiican, sicirkooduna aad u macquul uyahay, gaar ahaan Maxjaradaan markii la furay oo laga maarmay kuwii Jabuuti"
Axmed Baxaafid oo ah nin maalqabeen ah kana ganacsada xoolaha Wuxuu sheegay in maal-qabeenno badan oo Sucuudiyaan ah halkaas ka furteen Mashaariic badan sida (Naaxinta Xoolaha iyo Kawaanno) waxayna ka mid yihiin mashaariicda ugu waaweyn Qaaradda Afrika, itoobiya waxay u dhoofisaa Sucuudiga, Masar, Imaaraatka, Jabouti, Urdun.
Dowladaha Sucuudigu iyo imaraadku waxay hore u joojiyeen xoolihii uga imaan jiray Soomaaliya oo ay sheegeen in caafimaadkoodu wanaagsanayn, waxayna arrintaasi keentay in lacagtii adkayd ee dollarka ee dalka soo gali ay meesha ka baxdo, iyadoo dhoofku xoolaha nool ay laf dhabar u ahaayeen dhaqaalaha Soomaaliya.
Dhinaca kale, dhowaan ayaa dowladda Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto dalak Qatar, waxaana tallaabadan suurto-gal ah inay tahay mid la doonayo in cunaqabateyn dadban lagu saaro Soomaalida.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

SOMALIA: Puntland official calls probe into...

$
0
0

BOSASSO (RBC Radio) The District Commissioner of Alula, a coastal town in Puntland Ahmed Mohamed Aynab has called local authorities to establish a full probe into suspected shipwreck that reportedly occurred off the coast of Alula on Monday.
The unconfirmed incident happened after what seemed huge explosion heard from a suspected foreign ship on Monday afternoon, according to residents and officials in Murcanyo village, a fishing village in Alula.
"We call Puntland government to send expert team to launch investigation into the matter." he said.
On Monday locals in the small village said they saw huge smoke coming from a ship in the Red Sea which in minutes turned into burning ablaze.
It was not clear what was the cause of the incident and if the ship involved sunk.
On Tuesday, the District Commissioner and local officials visited the area of said incident and saw no sight of an explosion or shipwreck.
"We have seen no sign of shipwreck or attack on a ship." he added.
But Mr Aynab mentioned that Red Sea is different from the Indian Ocean in terms of depth and that maybe as a consequence of not seeing immediate sign of the said incident.
"Only sea divers can check the said incident. We call the officials in Garowe to send team." he added.
European Union Naval Mission off the coast of Somalia earlier said they were investigating the said incident but did not release any update since then.


SAWIRRO: Wasiirka A.Gudaha DFS oo Askar & Shacab...

$
0
0

Jun 28, 2017 - jawaab
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta dawladda Faderaalka Soomaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa arrimo dalxiis u jooga Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Waxaa Wasiirka wafdigiisa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Tigey iyo dad ka mid ah Qurba-joogta Puntland.
Wasiirka ayaa halkasi kula dalxiisay Bulshada ku dhaqan Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal iyo Ciidamo ka tirasan Puntland oo halaksi fariisimo ku leh.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Magacaaga (required)
Email-kaaga (Lama Arki Doono)
Notify me of follow-up comments by email.
Notify me of new posts by email.

Puntland oo ka soo horjeesatay xeer ay ansixiyeen Golaha wasiiradda Dawlada Soomaaliya

$
0
0

Dhawaan golaha wasiiradda dawlada Federaalka Soomaaliya waxay meel mariyeen xeerka Isgaariinsta Soomaaliya kaasi oo Baarlamaanka la horgeyn doono, haddaba waxaa soo baxaysa in Maamulka Puntland oo ka mid ah maamul goboleedyada xubnaha ka ah Dawlada Federaalka aanay arrinkaasi raali ka ahayn oo sidii qorshuhu ahaa aan lagala tashan ka hor inta aan la ansixin.

Xubinta Doodda: Qoryaha caagaga ah ee caruurtu ku ciyaartu & saameyntooda

$
0
0

Saameynta mustaqbal iyo maskaxeed ee ay caruurta ku yeelan karaan marka ay ku cayaaraan Qoryaha, Bastooladaha iyo baaruuda caagaha ee ay ku ciyaaraan xiliyadda Ciiddaha oo kale. Maalmihii ugu dambeeyey ayaa baraha Bulshada looga doodayay sawiro caruur wadata qoryo caagaga ah oo ay ku ciyaarayeen dabaaldegii Ciidda halka wadamadda horumaray caruurtu waxyaabo kale ku ciyaaraan.

Xaaladda Xabsiyada Muqdisho

$
0
0

Xaaladdo caafimaad xumo, nadaafadeed iyo ciriri ayaa laga soo sheegaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, waxaase taasi ka horimaanaya taliska ciidamada asluubta Soomaaliyeed oo sheegaya in adeegyo daryeel oo aad u wanaagsan ay haystaan maxabiista oo ay ka mid yihiin Tv-yo ay daawadaan, qaboojiyayaal kulka looga qaboojiyo iyo sariiro ay ku seexdaan.

Nafaqo darrada caruurta Soomaaliya haysata oo laga dayrinayo

$
0
0

Daraasad ay samaysay hay'adda Save the Children ee ka shaqaysa daryeelka caruurta ayaa muujisay in ugu yaraan 20,000 oo caruur ahi halis ugu jiraan in ay ku dhintaan dalka abaarta ba'ani ku dhufatay ee Soomaaliya dhawrka bilood ee inagu soo foolka leh.

Nafaqo darrada caruurta Soomaaliya haysata oo laga...

$
0
0

Daraasad ay samaysay hay'adda Save the Children ee ka shaqaysa daryeelka caruurta ayaa muujisay in ugu yaraan 20,000 oo caruur ahi halis ugu jiraan in ay ku dhintaan dalka abaarta ba'ani ku dhufatay ee Soomaaliya dhawrka bilood ee inagu soo foolka leh.
Daraasaddu waxay sidoo kale muujisay in tirada caruurta ay hayso nafaqo darrada ba'ani ay cirka isku sii shareertay kala badh sagaalka degmo ee daraasadda laga sameeyey.
Hay'adda Save the Children ayaa warbixintan ay soo saartay kaga digtay in carruurn ka badan 20,000 oo ku sugan sagaal magaalo oo ku yaal Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin in mudo kooban oo bilo gudahood ay nafaqo-darro u dhiman doonaan hadii aanay beesha caalamku sii wadin bixinta dhaqaalaha deeqda ah ee lagu badbaadinayo nolosha dadka ku nool dalkan ay abaartu ku habsatay.
Natiijada daraasaddan cusub ee ay samaysay hay'adan gargaarka ee Save the Children oo kaashanaysa hay'ado kale ayaa muujinaysa heerka nafaqo-darrada baahsan ee faraha baas ku haysa magaalooyinkan daraasadda laga sameeyay marayso.
Magaalada Matabaan oo keliya ayey warbixintu sheegaysaa in boqolkiiba 9.5 carruurta ka yar shan jirku ay haatan la il daran yihiin nafaqo-darro ba'an.
Sahanka ay hay'adda Save the Children samaysay ayaa muujinaya in qalabka lagu baadho nafaqada carruurtu ee deegaanada dalka qaarkood muujinayo xaalado macaluul oo kale ah.
Madaxa hay'adda Save the Children, Xasan Nuur, ayaa bayaanka ay hay'addu soo saartay ku sheegay in "cunno la'aanta iyo sare u kaca tirada carruurta ay soo ridatay nafaqo-darrada ba'ani yihiin wax laga walaaco."
Hay'addu waxa ay sheegaysa in qiyaastii 1.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah oo loo baahnaa si loogu caawiyo hay'adaha ka shaqeynaya badbaadinta nolosha dadkaasi, haatan la bixiyey 550 milyan oo doolar oo keliya oo ka mid ah lacagtaa.
Hay'addu waxa ay si degdeg ah ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay raacaan tusaalaha dowladda UK oo ay sii wadaan bixinta dhaqaalaha waxa lagaga qabanayo abaarta Soomaaliya.
Cudurrada lala xidhiidhinayo abaarta sida shubanka ayaa sidoo kale ah mid aad ugu baahay dalka oo dhan, iyadoo kumannaan qof loo dhigay isbitaallada tobannaan qofna ay u dhinteen ba.

Haweeney Waayeel ah oo sabab u noqotay in Saacado...

$
0
0

Jun 28, 2017 -
Haweeney 80-sano jir ah ayaa sabab u noqotay in mudo afar saacadood ah dib u dhacdo duulimaad diyaaradeed ay ku safreysay, kadib markii Haweeneydan matoorka diyaarada ay ku tuurtay lacag shilimaad ama qaadiic ah ay heesatay.
Diyaarad ay leedahay Shirkada China Soutern Aitrlinres oo ka duuleysay magaaladsa Shangahai ayaa dadkii saarnaa si deg deg ah looga daad gureeyay, waxaana duulimaadkii diyaaradaasi ay dib u dhacday mudo afar saacadood ah.
Haweeneydan Da'da ah ayaa la sheegay in iyada oo duceesaneysay sagaal shilin ku tuurtay dhinaca matoorka Diyaarada, waxaana matoorka diyaarada gudaha u galay mid kamid ah Shilimaadkii ay haweeneysay tuurtay iyada oo duceesaneysay.
Booliiska war kasoo baxay booliiska magaalada Shangahai ayaa sheegay in Haweeneydan da'da ah si kam ah ugu tuurtay shilimaad dhinaca matoorka diyaarada, waxa ayna sheegeen in baaritaan la sameeyay ku ogaadeen in haweeneydan falkan ay ku kacday ka dambeysay in ay duceesaneysay.
Mid kamid ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradan oo arkaysay shilimaadka duqda ay tuureysay ayaa ku war galiyay laamaha amaanka garoonka diyaaradaha Pudong International , waxaana haweeneydan xiligi ay safreysay ku jirtay alle bari sida ay sheegeen rakaabkii diyaarada la saarnaa.
Haweeneydan sababta u noqotay in uu saacado dib u dhaco safarkooda ayaa waxaa la socday Duqeeda, gabar ay dhashay iyo wiil ay sodoh u tahay, waxaana saraakiisha amaanka sheegeen in wax dambi ah aan lagu soo oogi doonin haweeneydan da'da ah.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


Jubaland TV oo agaasime cusub loo magacaabay

$
0
0

Kn: Taleefishinka Jubaland ayaa waxaa loo magacaabay mas'uuliyiin cusub kadib markii agaasimihii hore Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir uu oga tagay shaqada sababo dano shaqsiyadeed ah awgeed.
Wasiirka warfaafinta Cabdinuur Cali Aadan ayaa agaasimaha TVga u magacaabay Yuusuf Xasan Salaan, kuxigeenkana waxaa loo magacaabay Jaamac Axmed Cali.
Agaasimihii hore ayaa u hambalyeeyey mas'uuliyiinta cusub ee TVga, wuxuun u rajeeyey guul iyo shaqo wacan.
KismaayoNews.com

Raaligalin akhristayaasha hakadkii nagu dhacay

$
0
0

Kn: Akhristayaasheena sharafta leh waxaan ka raaligalineynaa hakadkii dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku dhacay wararkii iyo qoraaladii aan sida joogtada ah idiinku soo gudbineyney.
Hakadka ayaa waxaa ugu wacnaa cilad xagga internetka ah oo Soomaaliya badankeeda qabsatay, taasi oo aan hadda xal waara ka gaarnay, wixii hadda ka dambeeyana si joogto ah ayaan wararka idiinku soo tabin doonaa alle idimkiisa.
KismaayoNews.com

DAAWO: Bandhiga Nadaara Oo Lagu Cadeeyey Cidda...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Magaaladda Muqdisho waxaa ka soconaya kulamo ay yeelanayaan xildhibaano la sheegay iney 8-da bisha July mooshin ka keeni doonaan RW Xasan Cali Kheyre.
Mooshinkan ayaa waxaa wada tiro xildhibaano ah kuwaas oo leh dano gaar ah oo ay ugu horeyso iney xilal ka waayeen xukumadda cusub.
Dood wadaag uu waday Wariye C/Qadir Nadaara ayaa sidoo kale lagu ogaaday iney jiraan koox Xildhibaano ah oo malaayiin Dollar kasoo qaatay qaar kamid ah wadamadii Carabta ee dhawaan xariirka ujaray dalka Qatar, kuwaas oo doonaya in la rido RW Kheyre.
Madaxweynaha DFS ayaa isku dayaya inuu la kulmo xildhibaanada qaar oo uu ku qanciyo iney joojiyaan mooshinka.
Xildhibaan Goodax oo kamid ah Xildhibaanada DFS ayaa ku baaqay in mooshinkaas la joojiiyo maadaama dalka uu wadadii hormarka ku jiro.
Nagala soo xiriir

Sucuudiga oo beeniyey in Bin Naayif xabsi guri lagu soo rogay

$
0
0

Masuul sare oo Sucuudi ah yaa beeniyey warbixin uu qoray wargeyska New York Times oo sheegaysay in Sucuudigu xabsi guri ku soo rogay Amiir Maxamed Bin Naayif isla markaana laga mamnuucay inuu dalka dibaddiisa u safro.

Sucuudiga oo beeniyey in Bin Naayif xabsi guri lagu...

$
0
0

Masuul sare oo Sucuudi ah yaa beeniyey warbixin uu qoray wargeyska New York Times oo sheegaysay in Sucuudigu xabsi guri ku soo rogay Amiir Maxamed Bin Naayif isla markaana laga mamnuucay inuu dalka dibaddiisa u safro ka dib markii Boqorka Salmaan-ka Sucuudigu ka qaaday xilkii dhaxal sugenimo kuna bedelay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa masuulkaa Sucuudiga ah ka soo xigatay inuu yidhi "Maxamed Bin Naayif, wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee ruug caddaaga ahaa weli sidii buu u qaabilaa martida u timaad mana jirto wax xayiraad socdaal ah oo lagu soo rogay isaga iyo qoyskiisa toona".
Wargeyska Maraykana ahi wuxuu warbixin uu baahiyey Khamiistii isagoo soo xiganaya afar masuul oo iskugu jira kuwo hore iyo kuwo haatan xilal haya oo ay aad isugu dhawyihiin qoyska boqortooyada Sucuudiga, ku sheegay in ay yidhaahdeen in Maxamed Bin Naayif "laga mamnuucay inuu boqortooyada ka baxo isla markaana lagu xukumay inuu xabsi guri ku joogo qasrigiisa" ku yaal magaalada Jiddah.
Laakiin masuulkan sare ee Sucuudiga ah ee la hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay warbixinta uu wargeyskaasi baahiyey waxaanu ku tilmaamay mid "been abuur ah" waxaanu hadalkiisa ku sii daray in "Maxamed Bin Naayif damacsanyahay inuu sharciga la tiigsadao wargeyskaa".
Wargeyska New York Times wuxu ku waramay in xayiraadda cusub ee lagu soo rogay Amiirka la casilay ee 57 jirka ah "looga gol leeyahay in laga hor tago mucaaradnimo suurto gal ah oo uu kala hor iman karo dhaxal sugaha cusub, Maxamed Bin Salmaan, oo 31 jir ah. Sidoo kalena ay tibaaxayso cabsida laga qabo in hadii Maxamed Bin Naayif shacabka dhex socdo ay keeni karto in dadka iyo qaar ka mid ah qoyska boqortooyada ee ka cadhooday isbedelkani ay taageeraan amiirka la casilay".

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live