Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Muxaadaro SH aaden SUNNE.wmv


Djibouti: Xasilinta Goboladii Al-Shabab laga Saaray

$
0
0

Hay'adda Kaalmada Dibedda ee Maraykanka ee USAID ayaa kaalmo ka geysanaysa sidii loo horumarin lahaa deegaanadii Al-Shabab laga saaray.

Warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

Soomaaliya Uma hogaansameyso Siyaasada Ethiopia ee Ku Dhisan Xooga Milatari(Fikrada khaas ah)

$
0
0

Soomaliya waa dal aan lahyn dowlad Rasmiya taasna waxey keentay in wadamada deriska ay xoog ciidan ku soo farageliyaan arrimaha gudaha Soomaaliya. Ujeedada faragelintoodu waa mid ku dhisan iney hogaanka siyaasada Soomaaliya taladeedu ka timaado Addis Sababa ama Nairobi. Waxaa muuqata in isku daygaas ay u rukuuceen madax goboleedyo iyo kuwa ka tirsan dowlada dhexe. Shacab weynaha Soomaaliyeed marna uma hogansamayo inuu qaato talooyinka ka imaaneysa madaxda deriska oo ay la hulaaban yihiin kuwa KMG.
Dowlada Ethiopia oo ku dhalatay qaab jabhadnimo, waxey dhinac mareen qawaaniinta caalamka iyo nidamka dowladnimo. Waxey marar badan ku soo xadgudbeen xuduuda ay la leedahay Soomaaliya iyadoo aan wax ogaalsho ah ka heysan dowlad ku timid rabitaanka shacabka. Ciidanka Ethiopia waxey Soomaaliya marar badan la soo galeen ciidan fara badan oo lagu qiyaasi karo sideetan kun, kuwaas oo u dhisan qaab jabhadnimo. Marka ay wadanka Soomaaliya soo galaan waxey gooyaan dhul dheer, waxey fariisimo ka sameystaan degaan fog oo ku yaala caloosha Soomaaliya. Xeeladooda dagaal waa mid ay ku muujinayaan geesinimo, laakiin ay ku hoobtaan ciidankooda, ciidanka la socda iyo kuwa ay la dagaalamayaan.
Ciidamada Ethiopia waxey markasta xulufo ka dhigtaan maleeshiyaad qabiil oo ay siiyaan magaca ciidanka DKMG. Ciidamada Soomaaliyeed lama siiyo hubka culus iyo wax mushaara. Waxaa xaqiiqa in Ciidamada Ethiopia uu yahay qasadkoodu inuu si toosan is kaga hor keeno ciidanka xulafadiisa la ah iyo kuwa ka soo horjeeda, si ay u galaan dagaal qaraar oo dhimasho iyo dhaawac badan sababa. Runti waxey tahay in mucaaradka iyo muxaafadka ay Ethiopia daneyneyso iney wada jabaan.
Siyaasada Ethiopia ee ku dhisan in Soomaaliya xoog ciidan u adeegsato si danaheeda dowladnimo ay ku gaarto waxey u martay shaqsiyaad iyo maamulo ay la noqotay saaxiib dhow. Diidmada shacabka Soomaaliyeed uu uga soo horjeestey faragelinta Ethiopia waxey dhalisay Ethiopia iney ku weyso dhaqaale iyo saaxiibtinimo dhow oo ay la lahayd wadamo ka tirsan dunida horay u martay. Waxaa Ethiopia si dadban iyo si toosanba loo wargeliyey iney faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya oo aysan jirin cid u igmatay.
Dadaalada Ethiopia waa mid aan lahayn tayo siyaasadeed oo ka durugsan muujin qab ciidan iyo qar iska tuurnimo. Ethiopia waxey laysay ama isku laysay dad badan oo Soomaaliyeed ee ka tirsan xubnaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale iyadana waxaa laga laayey kumanaan ka tirsan ciidankeeda, waxaana sidaas ku burburay niyadsamida ciidankooda oo sababta loogu soo dirayo Soomaaliya u arkay iney tahay danta hogaamiyahoodu ka leeyahay oo ah in loo arko inuu yahay nin libaaxa oo awood badan iyo in iyaga lagu laayo dagaaladaas aan xambaarsaneyn nuxur dowladnimo.
Ethiopia haddii ay xoogga saari lahayd derisnimo wanaaga iyo iskaashiga dhinaca ganacsiga ama dhaqaalaha, waxaa xiriirkaas ka dhalan lahaa shirkado badan oo isku dhexdhafa, kuwaas oo xaruumo dhaqaale oo xooggan ka abuuri lahaa Geeska Afrika, iyado baxada Ganacsiga uu gaari lahaa wadamada ku jira gudaha Afrika. Waxaa cad in Ethiopia ay daneyneyso Xeebaha Soomaaliya, Soomaaliduna ay dooneyso suuqyada Ethiopia iyo wadamada deriska la ah. danahaas la kala leeyahay waxaa loo mari kara nidaam aan ku dhisneyn xoog ciidan iyo Ethiopia oo aan soo faragashan siyaasada Soomaaliya inta xal laga helayo dhulka Soomaalida Galbeed oo ay xoogga ku haysato dowlada Ethiopia.
Hogaamiyaha Ethiopia oo ku dhaqana Soomaalida iyo Ethiopia waxa uu ka marin habaabay fursad qaaliya oo uu u heystay nabadeynta labada dal. Wuxuu doorbiday inuu u dhego nuglaado wadamada shisheeyaha danahooda iyo inuu dalaal uga noqdo arrimaha Soomaliya danaha ay ka leeyihiin isaga oo iib geysanaya badeecadiisa ciidan. Wuxuu wax weyn ku noqon lahaa haddii u xaliyo khilaafka dhuleed wakhtiga dheerna soo jiitamay ee u dhexeeya labada dal. Nasiibdarro wuxuu ku dhumay xulafeysi aan abaal looga ahayn iyo qiimo jab la soo deristey xeeladahiisa dagaal oo ka gadmi waayey Afrika iyo Yurub.
Dowladnimada Soomaaliya helitaankeeda waxaa fogeeyey iskaashiga Ethiopia iyo ururka IGAD oo Ethiopia ku jira gacanteeda midig. Ethiopia waxaan u muuqan in nabada iyo dowladnimada Soomaaliya ay amni u tahay nabadgelyada Ethiopia. Caalamku maanta wuxuu isku raacsan yahay in dowlada Ethiopia ay gacan qaldan kula dhex jirto arrimaha guddaha Soomaaliya, tabarna aysan u lahayn in Soomaaliya ay talo u yeeriso. Waxaa laga codsaday Ethiopia iney ixtiraamto dadaalada Ururka Midowga Afrika oo aysan ka dhinac furin xagaldaacis waxyeeleyn kara ciidamada Afrikaanka.
Ethiopia waxey maantay ku baraarugtey iney ku guuldareysatay siyaasadeedii ku dhisneyd jabhadnimada iyo cagajugleynta ay ku heysey madaxda maamul gobeleedyada iyo kuwa KMG. waxaa intaas wehlisa in siyaasadeedi ay gashay go’doon oo saaxiibo badan ay ka sii fogaanayaan. waxaa kaloo meesha ka baxay in macaawinooyin ay is fahamsiisay iney ku heleyso dalaalnimadeeda xaga Soomaaliya in loo leexiyey mashaariicda siyaasadeed oo ay wadaan UNka iyo nabad ilaaliyayaasha Afrikaanka. Intaas oo dhan markii ay la soo gudboonaatey dowlada Ethiopia waxaa u soo baxday iney gacmo fara maran ay kala noqotay Soomaaliya.
Ethiopia jabkeeda siyaasadeed waxaa ka masuula hogaankeeda oo dan dhalanteeda ku bedeshey dan lama huraan ah. Wixii Ethiopia dhaqaalo ahaan ka soo galay macaawino wuxuu ku maalgeliyey ciidamadiisa uu ku jiheeyey dhinaca Soomaaliya. Hanti badan oo lagu hormarin lahaa wadanka Ethiopia ayaa lagu qasaariyey howlgalo ciidan oo lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed.
Maantay waxey xaaladu mareysa in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo rasmiya iyada oo Ethiopia aysan ku lahayn wax talo ah, lagana codsaday iney ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya inta aysan dhisan dowlad dhameystiran. Waxey wadamada qaar walaac ka qabaan in Ethiopia uu hadda gelayo burbur siyaasadeed iyo mid militari, meesha Soomaaliya ay rajeyneyso iney ka baxdo dowlad la’aanta. Guuldarida ka dhalatay howlgalada ciidamada Ethiopia oo ay kula soo noqdeen wadankooda, waxey keeni doonta dhibaato dib ugu noqota Ethiopia.
Dr. Said Issa Mohamud

Madaxweynaha Dowlad KMG ah ee Soomaaliya oo waxba kama jiraan ka dhigayqodobo ka tirsanaa Dastuurka: waa maxay?

$
0
0

Qodobo ka mid ah Axdi Qarameedkii 2004-tii lagu heshiiyay Shirkii Embegaati ee dalka Kenya ka dhacay, ee uu Madaxweynaha ka noqday Allaha u naxariistee C/Laahi Yuusuf Axmed, ayaa waxaa laalay Madaxweynaha Soomaaliya.
Maadaama Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya uu laba uu u kala jaban yahay, aysana wax kulamo caadi ah yeellan kareyn Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, si looga baxo Marxalada kala guurka, ayaa iyadoo la-tex gellinaayo habraaca ama qaabka ay ku dhisan tahay Dowladda, uu u adeegsaday awoodaan Madaxweynaha.
Xeer Madaxweynaha LR 202 Taariikh 14/6/2012 laalid qodobbada qaarkood ee Axdiga KMG ah.
Madaxweynaha J.S.
Markuu arkay: qodobka 39,aad farqada 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: qodobka 71aad farqadda 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: xeerka madaxweyne L.R 197 ee 23/5/2012 kuna saabsan go’aanka ay saxiixayaasha ku gaareen Adis Ababa Itoobiya.
Markuu ogaaday: in kala fadhiyada Baarlamanka uu dhab ahaan u qabsoomi waayeen.
Isagoo tix raacaya: qodabbada heshiisyadii Garoowe 1 Garoowe 2 iyo Gaalkacyo.
Markuu qarwaaqsaday in lagu jiro xaalad adag waxaa laga maarmaan ah si looga baxo xiliga KMG ah loona gaaro dowladnimo buuxda waxuu soo saaray xeerkan.
Qodobka 1aad
Waxuu Madaxweynaha laalay qodobada 28{1}-33xarafka “C” iyo qodobka 34 ee axdiga KMG ah waxuuna awoodiisa si waafaqsan sharciga kula wareegay xeerkaan isagoo raacayo qodobka 1aad ee heshiiska laagu gaaray shirkii wadatashiga ee ka dhacay Adis Ababa 21 -23-2012.
Qodobka 2aad

Waxaa kaloo madaxweynaha isticmaalayaa awoodaha sharciga waafaqsan iyo qodobada qaarkood ee ku xusan dastuurkii 1960kii si uu u fuliyo waajibaadka ka saaran xiliga kala guurka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Qodobka 3aad
Waxaa kale oo uu laalayaan qodobka 11 aad farqadiisa 3aad xarafka “B” ee axdiga KMG ah waxaana si KMG ah u ansaxindoona golaha ansaxinta dastuurka {CA} ee xubnihiisa ay soo xulidoonaan Odayaasha dhaqanka si dardar loo geliyo habsami u socodka Road-mapka dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka iyo habdhismeedka baarlamanka KMG, waxuuna Madaxweynuhu ku soo saarayaa xeerka hadba waqtiga la joogo waxaana gaar ahaan uu laalidoonaa qodobka 29aad ee axdiga KMG.
Qodobka 4aad
Xeerkaan waxuu dhaqangalayaan marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madasha Dastuurka: Aragti-uruurintii Idaacadda VOA

$
0
0

Barnaamijka maanta waxa marti ku ah Wasiirka Dastuurka DKMG ee Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka jawaabaya su'aalo badan oo ka imanay dhageystayaasha Idaacadda VOA.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhagesyo.

Madaxwayne Shariif Oo xariga ka jaray Xarun kadibna Sacuudiga u duulay.

$
0
0

Muqdisho-(sonna) Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa u anbabaxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Madaxwayne Shariif Waxaa safarkiisa ku weheliyay xubno kamid ah golaha Wasiirada oo uu kamid yahay Wasiirka Beeraha, Wasiirka Cadaalada iyo Saraakiil kale.
Madaxwaynaha ayaa inta uusan garoonka ka dhoofin saxaafada lahadlay waxaana uu sheegay inuu ka qaybgali doono aaska Dhaxal sugihi Sacuudiga ee dhawaan geeriyooday.
Madaxweyne Shariif waxaa inta uusan Muqdisho ka anbabixin uu xariga kajaray xarun ay leedahay Wasaarada Gaadiidka ee muqdisho laga hirgaliyay.
Madax kala duwan oo ka socda Wadama carabta iyo Dalalka Islaamka ayaa kasoo qaybgali doono aaska loo samayn doono Dhaxalsugihii Boqortooyada oo ku geeriyooday Dal ka baxsan Sacuudiga.
Shalay Sabtidi ayaa Wakaalada Wararka Dalka Sacuudiga ee SPA waxaa ay shaacisay geerida Amiir Nayef bin Cabdul -Aziz Al Saud oo ahaa dhaxal  sugihii Boqortooyada waxaana uu kujiray da’da 77jir , wxaana la filayaa in maanta lagu aaso Dalka Sacuudiga.

Muxaadaro Cusub Fadliga Quraanka [ Islington Islamic Center Al-Risaala Masjid ] 15 06 2012

Shariif Oo Amar Kubixiyay Dib U Celinta Hanti ey lahaayeen Saraakiil Hore.

$
0
0

Muqdisho-(SONNA) Madaxweynaha Dowladd KMG ah ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta amar ku bixiyay in hantidii maguurtada aheyd dib loogu Celiyo dhaxaltooyada marxuumiinta kala ah S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, Marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir Dheel.
Dikreeto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha markuu arkay xerka Lr. ee soo baxay 10/09/1970 iyo kuwo kale oo ka soo hor jeeday xuquuqul insaanka laguna baabi’yay dastuurka, Waxa uu madaxweynuhu ammar ku bixiyay in loo celiyo dhaxaltooyada hantidii ay lahaayeen Marxuumiintaasi.
Sidoo kale Dekreetada ayaa lagu xusay in laga billaabo maanta oo ay taariiqdu tahay 17/06/2012 madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya uu ammar ku bixiyay in loo celiyo hantidii maguurtada aheyd oo ay xukuumaddii meleteriga aheyd kala wareegtay marxuumiinta kala ah S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir.
Hantidaasi ma guurtada ah ayaa dikreetada lagu sheegay in ay isugu jirto dhulal bannaan iyo dhismooyin ay hore u lahaayeen Sadexda marxuum kuwaas oo ku kala yaal duleedka iyo gudaha gobolka banaadir.
Waxaana xeerka lagu amray dadka heysta dhulalkaasi ama dhismooyinkaasi in ay did ugu soo celiyaan dhaxaltooyada marxuumiinta S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir Dheel.
Sidoo kale isla xeerkan ayaa dib loogu soo celiyay magacyada iyo maamuuski ay ku lahaayeen shacabka iyo Ciidanka XDS, maadaama ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen dhismaha iyo abaabulka lagu aas aasay ciidamada XDS.
Dekreetadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida ku cadna waxa uu dhaqangelayaa maanta oo taartiikhdu tahay 17/06/2012.


Ahlusunna Oo Shaacisay Bixida Hay’ada MSF kadib hanjabaado uga yimid Alshabaab.

$
0
0

Galgaduud-(SONNA) Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa shaaciyay in guud ahaan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ay Hay’ada MSF joojisay howlihii ay ka waday Gobolkaasi.
Madaxa Arimaha Bulshada ee Ahlusunna Cabdiwali Xaaji Diiriye ayaa sheegay in Hay’ada MSF ay ka baxday Gobolka Galgaduud islamarkaana ay xirtay Xafiisyadii Degmooyinka Xeraale iyo DHuusomareeb ee Gobolka Galgaduud.
Ahlusunna waxaa ay sheegtay inta aysan Hay’ada MSF howlaheedi Caafimaad ee Gobolkaasi kawaday aysan joojin ay kala hadleen inaysan bixin balse taas aysan dhicin.
Cabdiwali Xaaji Diiriye waxaa uu intaa ku daray in arintan ay saamayn ku yeelan doonto Gargaarkii caafimaad ee bulsho fara badan si lacag la’aan ah ku heli jireen, waxaana uu sheegay inay la xariireen Hay’ado kale si ay buuxiyaan booska Hay’adan banaysan.
Hay’ada MSF todobaadyo kahor ayay shaacisay inay joojinayso howlihi Gargaar ee Gobolada dhexe sababo ammaan awgood iyo waliba shaqaale ajaanib ah oo gudaha Dalka ku qafaalan.

Muusigga iyo Salaamaha

Faaqidaadda: 40-guuradii Qorista Af-Soomaaliga

$
0
0

Barnaamijka maanta waxa falanqeynaya Maxamed Daahir Afrax, Aadam Xasan Aadam iyo Abwaan Siciid Saalax Axmed oo xubno ka ah naadiga Pen.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.

Egypty:Morsi Waa Guuleystay

$
0
0

Ururka IKhwaanulMuslimiinta Dalka Masar ayaa sheegay in musharaxooda  Moxamed Mursi uu ku guuleystay wareegii ugu dambeeyay ee dorashadii madaxtinimo ee dalkaasi, iyadoo dhinaca kale milatariga dalkaasi gacanta ku hayay tan iyo markii la riday xukumadii Xusni Mubarak ay soo saareen  dastuur ku meel gaar ah oo awooda si buuxda iyaga gacanta ugu gelinaya, ka dib markii maxkamadda dastuuriga ay dhawaan kala dirtay baarlamankii dalkaasi ee ay kooxda muslimiinta ku xooganaayeen.

Ururka Ikhwanul Muslimiinta ayaa ku dhawaaqay saakay oo isniin ah  in Mohamed Morsi uu ka adkaaday Ahmed Shafiq, oo ah ra;isul wasaarihii ugu dambeeyay ee xukumadii Xusni Mubarak kaasoo ay taageerayaashiisu sidoo kale sheegeen inuu hogaaminayay  tirinta codadka doorashada , ka dib markii ay goobaha cod bixintu soo xirmeen habeenkii Axadda.

Kooxda Ikhwanul Muslimiinta ayaa ka digtay iney dibad baxyo dhigayaan hadii lagu dhawaaqo in Mr. Shafiq – uu yahay kan guuleystay.

kulan looga hadlayay doorka haweenka ay ka qaadan karan siyaasadda oo lagu qabtay Muqdisho

$
0
0

Siminaar looga hadlayay doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadashada siyaasadda dalka oo uu soo qaban qaabiyay  xafiiska siyaasadda Q/Midoobay ee Soomaaliya, UNPOS  ayaa maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Furitaankii siminarka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, ururada bulshada rayidka, qeybaha haweenka,  mas’uuliyiin ka tirsan qaramada midoobay iyo martisharaf  kale.
ugu horreyn  waxa munaasibaddii furitaanka hadal kajeediyey wakiilka gaarka ah ee qaramadaa midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya  Augostin Mahiga waxa uuna kawarbixiyay muhiimadda haweenku leeyihiin iyo doorka ay ku yeelan karaan horumarka dalka.
Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa mudanayaashii Baarlamaanka ee ka qeyb galay xafladda furitaanka siminaarka ayaa siminaarka ku tilmaamay in uu yahay mid wax ku ool ah isagoo hoosta ka xariiqay in door muuqda ay haweenku ku yeelan karaan horumarka dalka sidaasi dareedna lagama maarmaan ay tahay in ay ka qeybgalaan hoggaanka dalka.
wasiirka haweenka iyo daryeelka qoyska Marwo Maryan Awey Jaamac oo ka tirsaneyd  madaxdii dowladda ee ka qeyb gashay furitanka siminaarka ayaa tibaaxday in kulankani uu waxbadan ka qiimo badanyahay kuwii hore udhici jiray haweenkuna ay yihiin udub dhexaadka bulshada.

Bandow xalay ka dhaqan galay Afgooye

$
0
0

Bandow ayaa xalay ka dhaqan galay degmada Afgooye iyo deegaanada kale
ee ay dowlada ka maamusho gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii
Saraakiisha Amniga ku soo rogeen, si ammaanka lagu xaqiijiyo.
Bandowga
oo bilowday maqribki ayaa ku ekaa saakay salaadi subax kadib sida ay
xaqiijiyeen dadka ku nool Afgooye, Ceelasha iyo Lafoole kuwaasi oo xiray
dhamaan goobaha ganacsiga.
Gaadiidka mari jiray xilliyada habeenki Afgooye ayaa ku hakaday baraha
koontaroolka ee laga soo galo, iyadoo la soo saaray go’aan la xiriira in
gaadiidka aan habeenkii geli karin gudaha degmada.
Bandowga waxaa shalay iclaamiyey gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose,
C/qadir Maxmed Nur oo sheegay in ilaa laga xaqiijinayo amaanka uu sii
socon doono.
“Waxaa go’aan lagu gaaray in ciidan roonda ah la sameeyo  iyo in
jidadka soo gala magaalada Afgooye si wanaagsan loo baari doono,
gaadiidka ka yimaada koonfurta waxay seexan doonaan Mukayga, kuwa ka
yimaada Muqdisho waxay seexan doonaan Baar Ismaaciil amaankoodana waa la
sugi doonaa,” ayuu yiri.
Tani waxay ka danbeysay kadib marki ay qaraxyo ka dhaceen Afgooye
todobaadkaan kaasi oo ay marki danbana sheegteen Al-Shabaab ayaa waxaa
la xoojiyay ammaanka Afgooye.

Saraakiil ka socota AMISOM oo gaaray B/weyne

$
0
0

Saraakiil ka tirsan AMISOM oo shalay gaaray degmada B/weyn ayaa shirar
ammaanka looga hadlayay la qaadatay saraakiisha maamulka Gobolka
Hiiraan, iyadoo saraakiisha AMISOM balan qaadeen in ciidamo dheeraad ah
ay keeni doonaan.
Kulankan
oo ka dhacay xarunta maamulka ayaa waxaa intii uu socday la is
dhaafsaday talooyin la xiriira ammaanka, waxaana saraakiisha AMISOM ay
sheegeen in dhowaan ay qaadi doonaan howl galo.
Ku simaha Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ahna gudoomiye Kuxigeenka Mr Axmed
Inji ayaa sheegay in kulankooda uu ka soo baxay natiijooyin wax ku ool
ah, isla markaana qorshaha ugu weyn ahaa sidii ammaanka loo xaqiijin
lahaa.
“AMISOM waxay halkan u timid inay taageerto dowladda, cadawga aan
leenahay waa argagixisada, kuwaas inaan meel uga soo wada jeesano ayaa
go’aan ku gaarnay”ayuu yiri Axmed Inji.
Magaalada B/weyn ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamo ka socda dalka
Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, iyadoo qorshuhu yahay in
ciidamada ay ka qeyb qaataan howl galka gobolada dhexe ka socda.


Madaxa ururka Alshabaab oo fariin cod ah soo diray

$
0
0

Amirika Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr”,
balse ay Soomaalidu u taqaano Axmed Cabdi Aw Maxamed “Axmed Godane”,
ayaa wuxuu ka jawaabay hadalka ka soo yeeray Dowladda Maraykanka.
Amiirka ayaa wuxuu marka hore uu sheegay in Gaallada aysan wax wanaagsan
oo dhan la-rabin buu yiri dadka Muslimiinta ah, isla-markaana wuxuu
sheegay in ujeedada loo-beegsanaayo hogaanka Al Shabaab ay tahay, iyadoo
dhibaato lala damacsan yahay buu yiri shacabka Muslimiinta ah ee
Soomaaliyeed.
Amiirka ayaa wuxuu sheegay in cid walba ay ogtahay in Xarakada Al
Shabaab ay nabad iyo kala dambeyn ballaaran ka hirgalisay Gobolada
Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in
horumarka ay ka sameeyeen ay ka mid yihiin nabad, kala dambeyn,
ganacsiga oo fida, beerihii dalka oo uu wax soo saarkoodu kala soconaayo
iyo shacabka Somaliyeed oo uu sheegay inay ku xukumayeen Diinta
Islaamka.
Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Gaallada ay dalka
Soomaaliya soo gelineysay sida uu sheegay raashiinka dhacay, ayna
dooneyso buu yiri inay hakiso wax soo saarkii beeraha Soomaaliya,
isla-markaana taasi ayaa wuxuu sheegay in lagula dagaalamaayo Al
Shabaab.
Amiirka ayaa wuxuu sheegay in dadka Gaallada ah aysan dooneyn waxa ka
soconaaya buu yiri Maqribul Islaam, Ansaaru Shareeca Yemen iyo
Soomaaliya, hase ahaatee aysan iyaguna taasi ka aqbali doonin Gaallada,
oo ay la-dagaalami doonaan.
Sidoo kale Gaallada ayaa wuxuu sheegay inay jacel yihiin in dadka
Muslimiinta ay noqdaan sidooda oo kale, ayna noqdaan kuwo Gaallo ah,
taasi ayaa wuxuu sheegay inaysan ahayn wax ay aqbali karaan dadka
Muslimiinta ah.
Dagaalada culus ee ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada
kale ee taageeraayay ayaa wuxuu sheegay in’aan marna istaagi doonin,
ilaa Dowlad Islaami ah laga helo, waxaana uu xusay in si loo gaaro
hadafkooda inuu yahay in Gaalo oo idil ay l- coloobaan
Amirika Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr” ayaa
wuxuu sheegay inaysan Gaallada ku guuleysan doonin qorshaha ay ku
doonayaan inay ku dilaan Masuuliyiinta Xarakada Al Shabaab, oo ay
sheegeen inay ku bixin doonaan 33 milyan oo dollar, cidii soo sheegtaa.

Munaasabad lagu taageerayo musharaxa Dr. C/raxman Baadiyow oo ka dhacay Nairobi. DAAWO SAWIRO

$
0
0

Xaflad
si heer sare loosoo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo musharaxa Dr.
C/raxman Maxamed Cabdulahi Baadiyow ayaa waxa ay maanta ka dhacay
magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

 

Aqoonyahano,
Saraakiil, Haween, Dhalinyaro iyo waliba Xildhibaano ka tirsan
baarlamaanka DKMG Somalia ayaa kusugnaa goobta ay ka dhaceysay xaflada
ayadoona dhamaantooda ay aad usoo dhaweeyeen xiligaan in uu isku soo
sharxo xilka madaxtinimo Dr. Baadiyow. Xubno ka tirsan baarlamaanka oo
goobta ka hadlay ayaa si kooban uga hadlay maraxiisha uu soo maray Dr.
Baadiyow ayadoona Baadiyow uu ahaa wixii ka danbeeyay burburkii wadanka
mid aan lagu tirin dadkii danbiyada ka geystay wadanka.

 

Xildhibaan
Cawid Casharo oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka KMG Somalia oo halkaasi
ka hadlay ayaa sheegay in uu ku boorinayo musharaxa in hadii uu ku
guuleysto xilkaasi ay sugayaan caqabado badan oo wadanka ka taagan waxa
uuna ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi.

 

Cali Mahadi Maxamed oo ahaa madaxweynihii hore ee Somalia
ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi soo gaarayay waxa uuna sheegay
in aqoon hoose uu u leeyahay Dr. Baadiyow ayna mudo dheer is yaqaaniin
waxa uuna ku amaanay maamul wanaag iyo wadanimo xiligaan ka muuqato Dr.
Baadiyow.

 

Masuuliyiin
fara badan oo goobta ka hadashay ayaa isku waafaqay in xiligaan Dr.
Baadiyow uu yahay mid wax ka qaban kara dhibaatooyinka dhanka
siyaasadeed iyo waliba mida dhaqaalaba ee wadanka uu la ciirciiraya
ayagoona ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi hadii uu ku
guuleysto, dhamaan dadkii goobta isugu yimid ayaa mar qura u istaagay
markii lagu soo dhaweeyay Dr. Baadiyow mikirifoonka ayadoo oo aad moodo
in dhamaan dadkii halkaasi isugu yimid ay aqoon gaar ah u laayeen Dr.
Baadiyow.

 

Dr.
C/raxman Cabdulaahi Baadiyow ayaa la hadlayay dadkii halkaasi isugu
yimid isagoona ku amaanay sida quruxda badan ay u muujiyeen in ay
siiyaan codkooda si uu ugu guuleysto xiligaan in uu madaxweyne ka noqdo
wadanka oo u muuqanayo midkasii baxay marxalado badan oo uu soo maray.

 

Baadiyow
ayaa u balanqaaday shacabka Soomaaliyeed hadii ay doortaan in uu wax ka
qaban doono meelaha ay ka liitaan shacabka Soomaliyeed haba ugu
horeysee dhanka siyaasada, amaanka iyo waliba dhanka dhaqaalaha oo uu
sheegay in wax badan uu aqoon u leeyahay waxa uuna sidoo kale shaaca ka
qaaday in uu dalka dib ugu soo celin doono dhamaan saraakiishii hore ee
wadanka si ay wax badan uga qabtaan dhanka amaanka oo Soomaaliya aadka
loogu xasuusto xiliyo hore dhanka amaanka sida ay ka aheyd.

 

Dr.Baadiyow
ayaa mar qura waxaa indhihiisa lagu arkay Oohin isagoona aad uga
damqaday xaalada Soomaalida ku nool wadamada qurbaha iyo waliba sida
loola dhaqmo caruurta isagoona sheeagay in uu dhisi doono goob lagula
xisaabtamo siyaasiyiinta Soomaalida taa oo dadkii goobta soo wada
buuxiyay aad ula dhaceen waxa uuna sidoo kale sheegay in uu sameyn doono
laan si toos ah ila shaqeyso dadka qurba joogta iyo waliba kuwa ku nool
gudaha si ay isugu xirmaan.

 

 


been idiin sheegi maayo, ma idin qiyaani doono, ma idiin kala eexan
doono” ayuu yiri Dr. Baadiyow oo xiligaasi ilmada ay ka socotay,
Baadiyow waxa uu dhashay 1954 isagoona ku dhashay degmada Ceeldheer ee
gobolka Galgaduud, waxa uuna ka mid ahaa Somali National Army 1971-1986
xiligaasi oo aad loogu xasuusto waxa uu qabtay. 1981-1983 waxa uu ahaa
Assistant lecturer Jaamacada Somali National University. DR. Baadiyow
ayaa aqoontiisa ku dhameystay wadanka Mareekanka halkaasi uu kusii
sugnaa xiligii burburka uu dhacay waxa uuna ka mid ahaa Soomaalida qurba
joogta in muda ah isagoona markii danbe gudaha ka guliyay dhaqdhaqaayo
badan oo dadka wax loogu qabanayo oo ay dadka reer Muqdisho gaar ahaa ay
xasuustaan.

 

 

Mohamed Ibrahim Ayaanle

Ayaanle19@gmail.com

+254-7-28862688

Nairobi – Kenya

 

General Ciidan oo lagu Dilay Yemen

$
0
0

Taliyihii ciidamada Yemen u qaabilsan la dagaalnaka ururka Al-Qaacida ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Koonfurta ee Cadan maanta. Jeneral Saalim Cali Qatan ayaa qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey baabuurkiisa.

Warka dilkan hoosta ka dhageyso.

Godane oo Eedeeyey Maraykanka iyo AMISOM

$
0
0

Hoggaamiyaha Ururka Al-Shabab Axmed Cabdi Godane ayaa ku eedeeyey waddamada reer galbeedka, gaar ahaan dawladda Maraykanka oo uu sheegay inay ka mas’uul yihiin dhibaatada Soomaaliya. Hadalkan ayaa imanaya toddobaad kadib markii sarkaalkii ugu sarreeyey ee Maraykankan ah Johnnie Carson uu booqday magaalada Muqdishu iyo saddex maalmood uun kadib markii Maraykanku shaaca ka qaaday inay sir horey u dadnayd oo ka hadlaysa inay hawlgallo toos ah ka fuliyeen Soomaaliya iyo Yemen.

Abu Zubayr ayaa dhowaan Maraykanku ay madixiisa saareen lacag abaalmarin ah oo dhan 7 milyan oo doolar ciddii soo sheegta halka uu joogo.

dhinace kale, weerarro isugu jira dilal iyo qaraxyo ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdishu xilli saraakisha amniga ee dawladda ay ballanqaadeen inay sugaan ammaanka magaalada.

Warbixinno arrimahaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Somaliland Maxay ka Filaysaa Wadahadalka 20ka June?

$
0
0

Toddobaadkan waxaa magaalada London ka furmaya wadahadalladii ugu horreeyey ee rasmi ah ee dhexmara dawladda Somalia iyo Somaliland oo sheegtay sannadkii 1991-kii inay Somalia ka go’een. Haddaba qaabkee ayey wadahadalladani u dhacayaan, Somalilandse maxay ka filanayso?

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live