Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Maxkamadda Gacaca ee Rwanda oo la xirey

0
0

Maxkamad dhaqameedka Gacaca ee Rwanada ee loo dhisey dadkii ku lugta lahaa xasuuqii dalkaasi ka dhacey ayaa la soo af-jarey


Shirka Somalia iyo Somaliland oo furmayo

0
0

Maalinta arbacada waxaa London ka furmaayo shirka Somalia iyo Somaliland.

Mahiga: oo Saxaafadda Soomaaliyeed ammaanay isla markaasana dhaliilay

0
0

Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Augustine Philip Mahiga ayaa dhaliilay isla markaasna ammaanay suxufiyiinta xaalada ey ku shaqeeyaan.

Danjiraha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dilalka iyo weerarada joogtada noqday ee loo geysanao wariyaasha taasoo uu ku micneeyey arin murugo leh.


“..Illaa hadda lixdii bilood ee sanadkan waxaa dalka lagu dilay illaa lix wariye waxay taasi muujineysaa khatarta ay ku shaqeynayaan wariyaasha Soomaaliya ka hawlgala” ayuu yiri Danjire Mahiga.


Mahiga oo ka jawaabayey su’aal ahayd in dadka dilalka u geysta wariyaasha illaa hadda aan la soo qaban iyadoo dilalka ugu badana ay ka dheceen goobo ay maamulaan DKMG ah iyo maamulka Puntland wuxuu ku jawaabay.


“Waa dhaqan aan la aqbali karin in dembiilayaasha aan la soo qaban oo aan la maxkamadeyn arintaasi waan kala hadalnay Dawlada hay’adeheeda amaanka, waxaana annaga Qaramada Midoobay ahaan gacan ka geysanaynaa sidii sharciga loo horkeeni lahaa dembiilayaasha gacan ku dhiiglayaasha ah ah.” ayuu yiri Mahiga.


Inta badan waxaa dhibaatada loo geysto saxaafadda oo sare u sii kacaysay sanadihii u dambeeyay loo aaneeyaa amaan darrida guud ee dalka ka jirta iyo warbaahinta qaarkeed oo aan ka taxadarin khatarta uga iman karta wararka ay shgeegayaan, taasoo Danjire Mahiga uu ku micneeyey in loo baahan yahay in had iyo saxaafadda anshaxa ku taagnaato.
“Waxaan u sheegayaa bahda warbaahinta Soomaaliya inay anshaxa dhowraan oo aay noqdaan kuwo xirfadlayaal ah oo runta abaara, sidoo kale waa inaysan idhiibin, waa inaysan madaxa u foorarin kuwa u hanjaba iyo kuwa dila,” ayuu yi Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.


Wakiilka wuxuu aad u bogaadiyey ururka suxufiyiinta Qaranka NUSOJ oo uu sheegay in hawlwadeenadiisa ay goosteen inay si joogto ah u difaacaan xoriyada hadalka iyo xuquuqda suxifiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu had iyo jeer arko warbixino ka soo baxa xafiiska NUSOJ oo si faahfaahsan uga hadlaya xaalada suxufiyiinta dalka ay ku jiraan.

Spain iyo Italy oo U Gudbay sideeda ugu dambeysa iyo ingiriiska oo ciyaaraya caawa

0
0
image: 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa si habsami leh uga socda dalalka Poland iyo Ukarin tartanka Yurub 2012-ka kuwaas oo hadda ku dhow wareega labaad ee kooxaha oo ilaa hadda ay iska xaadiriyeen illaa lix koox oo ka ah Czech Republic, Greece, Germany  Portugal, Spain iyo Italy .
Ciyaarihii xaley la ciyaaray oo il gaar ah loo lahaa waxa ay dhex mareyn xulalka Croatia, Spain, Italy Iyo Jamhuuriyada Ireland.
Ciyaarahan sababta isha goonida loogu hayay waxa weeye seddax xul oo ka mid ah ayaa la isla ahaa waa kuwa mid ka mid haraya.
Ciyaartii koobaad ee Group C oo ka dhacday garoonka PGE Arena Gdansk waxa ay dhemartay xulalka Croatia iyo Spain, Kooxda Spain waa kooxda difaacaneysa koobkan iyadoo rajeeda ma xumayn, laakin kooxda ay la cayaareyso ee Croatia ayaa laga baqaayay in ay wareega sideeda u soo gudubto.
Ciyaartoyda Xulka Spain oo ku farxay in ay ka mid noqdaan kooxaha 8-da
Si kastaba ciyaarta oo uu dhexdhaxaadiye ka ahaa garsoore Wolfgang Stark oo u dhashay dalka Germany ayaa qeybtii koobaad waa lagu kala baxay 0 iyo 0.
Ciyaarta waxa nasiib u helay oo garoonka ku sugnaa dad lagu qiyaasay ilaa 39,076 oo qof kuwaas oo hilow u qaba ciyaaraha Yurub 2012-ka.
Ciyaarta markii qeybtii labaad la isugu soo laabtay ayaa daqiiqadii 88-aad waxa u suura galay kooxda Spian gool waxana u dhaliyay J. Navas , weerar iyo weerar celis waxa ay ku dhamaatay waqtigii loogu talagalay 1 iyo 0 oo ay guusha ku raacday kooxda Spian.
Ciyaartoyda xulka Talyaaniga oo ku faraxsan in ay guul ka gaareyn ciyaartii xaley
Sidoo kale ciyaar kale oo isla waqtigaas socotaya ayaa waxa ay ka dhex taagneyd xulalka Talyaaniga ama Azuuri iyo Rep. of Ireland, xulka Talyaaniga waa loo baqay, laakin sidaas ma noqon oo kooxda Talyaaniga 2 iyo 0 ayey isku dhaafisay kooxda Jamhuriyada Ireland, sidaasna waxa dhaba u sii xaar-xaartay wareega sideeda kooxaha Spain iyo Italy kuwaas oo ku biiraya
Ciyaarta ugu dambeesa oo lagu kala ogaanyoo cid u soo gudubta wareega 8-da waxa weeye ciyaaraha ay ciyaarayaan xulalka England iyo Ukraine, kooxda Ukraine waxa ay qeyb ka martigalineysa koobka sanadkan, kooxdii kale ee la qabaneysay Poland waa ay isaga hartay.
Ciyaarta koobaad Group D waxa ay ka dhaceysa garoonka Donbass Arena waxa ay u dhexeysa England ? – ? Ukraine, waxa ciyaartan garsoore ka ah Viktor Kassai oo u dhashay dalka Hungary
Sidoo kale Group D waxa isku arkaya gasroonka Stadion NSK Olimpiyskiy kooxaha Sweden iyo France, kooxda Sweden wax rajo ah kama lahan in ay ka sii mid noqoto horiyaalka Yurub waayo waxba meesha umayaala, marka ay ciyaarta dhameysato waa in ay u socdaashaa gurigeeda. la arki doonee cida soo baxda afarta koox ee caawa ciyaaraya koobka kooxaha Yurub ee sanadkan 2012-ka oo wata xiiso iyo xamaasad. ballanteenu waa bari subax iyo nastiijada iyo faalooyin kale.


Saylad Cusub oo laga furay Magaaladada Beled ee Xarunta G/ Hiiraan

0
0

Munaasibad lagu dhagax dhigayey suuq cusub oo lagu iibiyo xoolaha ayna ka qayb galeen mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Hiiran ayaa lagu qabtay Magaalada Beledweyne.
Duqa magaalada Beledweyn Maxamed Xasan ayaa Dhagax dhigay suuq cusub oo lagu iibinayo xoolaha kaas oo laga hirgelinayo xaafadda howl wadaag ee magaalada Beledweyna kaas oo noqon doona sayladda ugu weyn badhtama dalka soomaaliya.
Sidoo kale duqa magaalada Beledweyn oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dalbaday dowladda, deeq bixiyaasha iyo jaaliyadda gobolkaba in ay gacan ka gaystaan dhismaha suuqaasi oo uu sheegay in uu ahmiyad gaar ah u leeyahay gobolka.
Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale goob joogayaal  waxaa kamid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka hiiraan, saraakiisha ciidanka, odayaal iyo waxgarad reer Beledweyne ah, kuwaas oo muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin hirgalinta suuqaasi, iyagoona tilmaamay in uu wax weyn ka tari karo horumarka gobolka hiiraan.
 

Islaamku muxuu ka qabaa Marin habaabinta Carruurta?

0
0

              

Shareecada Islaamku way karaamaysay aadanaha, waxa ayna reebtay in si macno darro ah naftiisa loo gooyo ama sharaftiisa la dhaawaco.
Gurboodka ama carruurta aan garaadkoodu ku filnayn kuma sii jiraan, oo waxaa xilkooda la saaray cid kasta oo garasho dhaanta, oo la faray in ay u turaan, toosina kana ilaaliyaan wax kasta oo dhibaato u keeni kara.
Laakiin waxaa jira dad iyo kooxo arrintaas ka dhaga adeygay oo garaad yarida iyo nuglaanta carruurta uga faa’iidaystay in ay u adeegsadaan ujeeddooyinkooda silloon, iyagoo aan dhowraynin akhlaaqda Islaamka iyo dhaqammada iyo xeerarka ummadaha u degsan oo dhammaantoodba faraya in aan carruurta la gelin dagaallada iyo khilaafaadka hubaysan.
Tiro malahan inta jeer ee Maleeshiyada Alshabaab ay carruur u adeegsatay qaraxyo naf hawarnimo ah oo dad badan oo biri-mageydo ahi ku hoobteen.
Qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay Afgooye inkastoo uusan wax khasaare nafeed ah gaysan, haddan awaxaa fuliyay canug ay Shabaabku khaldeen una qanciyeen in uu naftiisa gooyo.
Shareecada Islaamku maxay ka qabtaa Marin habaabinta carruurta iyo dagaal gelintooda, waa mowduuca toddobaadkan ee Barnaamijka Tubta Toosan oo uu nagala qeyb galayo Sheikh Muuse macallin Cagaweyne.
Halkan ka dhageyso Barnaamijka oo dhanTUBTA 18 06 2012

Yemen oo sheegtay in Nin Soomaali uu fuliyay weerar ismiidaamin lagu dilay Abaanduulihii Ciidamada Yemen

0
0

Dowladda Yemen ayaa shaaca ka qaaday in nin dhalashadiisa tahay Soomaali uu ka dambeeyay weerar is qarxin ah oo shalay ka dhacday Magaalada Cadan ee dalka Yemen, kadib markii uu la socday Taliyaha Ciidamada Yemen u qaabilsanaa Aaga koofureed uu isku biimeeyay nin jaakadaha qarxa xirnaa.
Wasaarada gaashaandhiga Yemen ayaa sheegtay in Jen. Salem Cali Qatan lagu dilay weerarka is qarxinta, isla markaana gaarigiisa uu isku qarxiyay ninka jaakadaha qarxa xirnaa.
Warka ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in ninkan Soomaaliga ahaa uu meel u dhow guriga Taliyaha uu ku sugnaa, waxaana markii uu soo baxay kadib uu isku qarxiyay gaarigii uu saarnaa.
Taliyaha ciidamada Yemen u qaabilsanaa Gobolka Koofurta ayaa dhowaan ka qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Gobolka Koofurta ee Abyan, kaasoo looga saaray maleeshiyaad taabacsan Al-qaacida.
Dowladda Yemen ayaa waday dagaalada iyo weerarada ka dhanka ah Al-Qaacida, waxaana tan iyo markii uu xilka madaxtinada qabtay Abdalrabouh Mansour Hadi ay dar sar gelisay dagaalada ka dhanka ah.
Boqolaal dagaalyahano Soomaali ah ayaa ka bar bar dagaalama maleeshiyaadka Al-qaacida, iyadoo dhowaan lagu dilay weeraro cirka iyo dagaalo ka dhacay dalka Yemen

Al-Shabaab oo sheegtay weeraro jidka ey ugu galeen Ciidamada dowladda

0
0

Afhayeenka Kooxda Shabaab ee dhinaca dagaalada u qaabilsan C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegtay in weeraro qorsheysan ay saacadihii u dambeeyay ka fuliyeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
“Waxaan
shalay dhowr weerar oo kamiin ah ka fulinay wadada isku xirta Muqdisho
iyo Afgooye, gawaari badan Tikniko ahaa ayaa wadada u galnay, qasaare
ayaana gaarsiinay”ayuu yiri Abuu Muscab.
Abuu Muscab ayaa xusay in weeraradaas ku dileen ilaa dhowr askari ka
tirsan dowlada, waxaana uu xusay in weerarkii koowaad ay ka fuliyeen
deegaanka Xaawo Cabdi sida uu yiri.
“Weerarki u horeeyay waxaa uu ka dhacay halka la yiraahdo Xaawo Cabdi,
meeshaas waxaa ku dilnay sideed askari, mid waxaa uu ahaa sarkaal”ayuu
yiri.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa beeniyay sheegashada Shababa, iyagoo
cadeeyay in aanu jirin wax weeraro ah oo ka dhacay dhabaha u dhaxeeya
Muqdisho iyo Afgooye.
Al-Shabaab ayaa tan iyo markii laga qabsaday degmada Afgooye iyo
deegaanada isku xira Muqdisho Afgooye, waxay wadeen weeraro ku dhufo ka
dhaqaaq ahaa.


Muxaadaro Cusub Fadliga Quraanka [ Islington Islamic Center Al-Risaala Masjid ]

Ganacsato La Maalgelinayo

0
0

13 qof oo ganacsato ah ayaa ku guuleysatay tartan ganacsi oo 292 ay ka qeybgaleen Somaliland oo ay maalgelineyso hay’adda USAID ee horumarinta iyo gargaarka Mareykankanka.

13 kan qof ayaa si cadaan loogu qeybin doonaa lacag ku dhow hal milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Mashruucan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Somaliland laga fuliyo ayaa waxa uu xoogga saarayaa dhinacyada kaluumeysiga, beeraha iyo ganacsiyada yar yar.

Warbixintaasi halkan hoose ka dhageyso.

Dibed-baxyo ka dhan ah militariga Masar

0
0

Boqolaal ruux ayaa tegay garoonka Taxriir kadib markii uu Golaha Militariga uu ku dhawaaqey in uu yeeshey awood dheeri ah

Raiisalwasaare Gilani oo xukunka maxkamad ka qaaday

0
0

Maxkamada sare ee Pakistaan ayaa go'aan ku gaartay Raiisalwasaaraha Pakistaan Yusuf Raza Gilani inuusan xilka hayn karin.

Mubarak oo cisbitaal loola cararey

0
0

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaayo xaaladda caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak, qaar waxay leeyihiin wuxuu qarka u saaranyahey geeri.

Xusni Mubaarak oo shalay cusbitaalka loola cararay kadib markii sida la sheegay uu wadnuhu istaagay. Geeridiisa waa la isku khilaafay

0
0

Waxaa shalay cusbitaalka loola cararay Xusni Mubaarak, madaxweynihii hore ee Masar, kas oo haatan ku jira Xabsiga si uu xukun cimrigaa haku furto ah uu halkaas ugu qaato.

Warar kala duduwan ayaa sheegaya in Xusni uu shalay xaalad khatar ah galay kagadaalna loola cararay cusbitaalka sida la xaqiijiyayna wuxuu ku jiraa haatan qolka dadka nolol-geerida u dhexeeya lagu sii hayo ee mashiinada lagula hab-dhiska neefsashada iyo qulqulka-garaaca dhiiga iyo wadnaha lagula rakibo.

Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegaya in odaygu geeriyooday laakiin wararkaas wax xaqiijinaya ma jiraan inkastoo la xaqiijiyay in wadnihiisu uu mar shalay shaqada joojiyay.

Xusni Mubaara oo mudo ka badan rubuc  qarni ka talinayay Masar ayaa waxaa xukunka ka tuuray dad xeyraansan oo oo xamili waayay xukunkiisi xoogga ku saleysnaa ee mudada dheer dalkaas ka jiray.

halgankanet@gmail.com 

Xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa dadka deegaanka iyo Shabaab oo ka taagan Jannaale

0
0

Xiisado coolaadeed oo u dhaxeyaya malleeshiyaadka Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa ka taagan mid ka mid ah deegaanno hoos taga Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose.
Wararka ka imaannaya deegaannka Jannaale ayaa sheegaya in deegaanka Jannaale iyo deegaanno hoos taga ay ka taagantahay xiisado colaadeed oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo malleeshiyaadka shabaab,  kaas oo ka billowday dadka deegaanka oo ka biyadiiday amar ay soo saareen malleeshiyaadka shabaab oo ahaa in guryaha iyo deegaannadaasiba ay u banneeysaan horjoogayaasha shabaab ee baxsadka ah.
Intaas kadib dadka shacabka ah ee ku nool deegaannno kala duwan oo hoosyimaada Jannaale ayaa billaabay in u diyaargaroobaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen malleeshiyaadkaasi maadaama ay si qasab ah uga barakicinayaan guryihii iyo beerihii ay halkaasi ku lahaayeen.
“uma dulqaadandoonno waana ka dagaalameyna damaca ay shabbaab ku doonnayaan in ay nagu barakiciyaan isla markaana la wareegaan hantideenna,  hubna waan heysanaa” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha deegaankaasi oo la hadlay Radio Muqdisho.
Wixii ka dambeeyay markii qar ka mid ah horjoogayaasha shabaab madaxooda la dulsaaray lacago mallaayiin dollar ah ayaa waxa ay kordhhiyaann cadaadiska bulshada ku nool deegaannnada ay wali dalka kaga harsanyihiin.


Maamulka Gobolka Hiiraan oo faah faahin ka bixiyay waxyaabo qarxa lagu diyaarinayay Guri ku yaal B/weyn

0
0

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guri ku yaal magaalada B/weyn, kadib markii ciidamada dowladda howl galo shalay gelinkii dambe ka sameeyeen ku soo qabteen.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ee xaga ammaanka Axmed Cismaan cabdalla (Axmed Injir) ayaa sheegay in howl galkan uu ka dambeeyay markii ciidamada lagu soo wargeliyay in waxyaabo qarxa lagu diyaarinayay guri ku yaal xaafad ka mid ah B/weyn.
“Ciidamada nabadsugida waxay howl gal qorsheysan ku qaadeen guri lagu farsameynayay waxyaabaha qarxa, gaadiid lagu diyaarinayay in ismiidaamin lagu sameeyo”ayuu yiri Axmed Injir.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaraxa ahaa mid diyaarintiisa ka socotay guri aqal ahaa, oo la sheegay in laga ijaaray nin dhowaan yimid, waxaana uu xusay in ninkaas iyo ninkii guriga ka kireeyay ay soo qabteen.
Axmed Inji ayaa intaa ku daray in howl galkan uu ahaa kii u horeeyay ee ciidamada ku guuleystaan, markii ay shacabka ku soo war geliyeen, isagoo xusay in waxyaabihii qarxa ee u badnaa gumaca Hoobiyaha ay ku wareejiyeen Ciidamada Itoobiya sida uu yiri.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda ee ku sugan B/weyn ay wadeen howl galo ammaanka lagu sugayay, waxaana maalmahan ammaanka uu ahaa mid ka soo reynayay.
 

Shirka u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta ka furmaya Magaalada London

0
0

Wada hadaladii la filayay inay dhex maraan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa la filayaa inay maanta ka bilowdaan magaalada London ee dalka Britain, iyadoo gudiyadii labada dhinac uga qeybq aadan lahaa wada hadalada ay gaareen.
Sida wararku sheegayaan wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud ayaa gaaray magaalada London, iyadoo xubnaha uu horkacayo ay yihiin gudiga dowladda u matalaya wada hadalada.
Wararka ayaa sheegaya in wada hadalada ay soconayaan labo maalmood, iyadoo maalinta berri uu ku eg yahay, waxaana sidoo kale goob joog ka noqonaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Britain.
Gudiga Somaliland u matalaya wada hadalada waxaa hogaaminaya wasiirka arrimaha dibada Maxamed cabdulaahi Cumar, kaasoo dhowaan sheegay in ahmiyadooda koowaad uu yahay sidii ay u muujin lahaayeen mowqifkooda ku aadan madax banaanida.
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/samad macalin Maxamuud ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in natiijooyin wanaagsan ay ka soo baxaan wada hadalada, isla markaana uu meel wanaagsan ku dhamaanayo.
Dowladda Britain ayaa dooneysa in labada dhinac ay isku qanciyaan inay gaaraan xal, hadii Somaliland madax banaaneyso ay noqoto mid dowladda Soomaaliya ay ogolaato, isla markaana xaalka noqdo mid meel dhow la isugu yimaado.
Hase ahaatee Gudiga dowladda Soomaaliya ayaan ku fududaan doonin inuu ogolaado in Somaliland ay gooni noqoto, halka Somaliland go’aankeeda ah inay Soomaaliya ka mid noqoto uu yahay mid aanu dhici doonin.
Wada hadaladan oo ah midkii u horeeyay ee si fool ka fool ah ay isugu yimaadaan labada dhinac tan iyo markii Somaliland horay u go’aansatay inay noqoto dal madax banaan ayaa ah mid si gaar ah ay Soomaalida isha ugu heyso.

Saxiixayaasha Road Map-ka oo maanta ku kulmaya magaalada Nairobi

0
0

Shir gaar ah oo ay leeyihiin kooxda saxiixayaasha barnaamijka roadmap-ka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Kulanka oo noqon doona mid ay albaabada u laaban yihiin ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa hadii lagu dhameystiri karo waqtigi lagu balamay in lagu dhameeyo heshiisyadi hore ee ahaa in bisha August lasoo dhiso dowlad cusub iyo in kale.
Iyadoo la tixraacayo warmurtiyeedki kasoo baxay Kulanki Addis Ababa, saxiixayaasha waxay isla ogolaadeen in la sameeyo Gole Ansixiya Dastuurka kaasi oo ka imaanaya beelaha Soomaalida.
Intaasi kadibna waxa ay soo magacaabayaan baarlamaanka, ilaa laga dooranayo madaxweynaha cusub 20-ka August ee soo socota, hase ahaatee waxaa shaki laga muujinaya in waqtigi loogu tala galay lagu dhameeyo.
Waqtiga odayaasha in ay ku ansixiyaan dastuurka loo qabtay ayaa ku beegan maanta oo ah 20-ka June, walina waxba kama naasa cada arintaasi, sidaasi daraadeedna arinta ugu weyn ee loo qabtay shirka maanta Nairobi ayaa ah sababtaasi.
Ra’isul wasaaraha oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Nairobi, sidoo kale dhinacyada kale ee saxiixayaasha, sida Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna ayaa iyana gaaray.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif oo ku sugnaa boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xalay isna gaaray magaalada Nairobi, si uu gelinka dambe ee maanta uga qeyb galo.
Kulan saxiixayaasha ayaa la sheegay inay dibad joog ka yihiin xubnaha beesha caalamka, waxaana shirkan noqonaya mid lixda saxiixayaal u gaar ah.
 

Muxaadaro, Mucjisadii Nabiga, Sheekh Qardhaawi

Somalia iyo Somaliland oo kulmay

0
0

UK ayaa wadahadal uga billowday ergooyin labada dhinac ka socda.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live