Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Shir madaxda Somalida ugu socdo Nairobi

$
0
0

Magaalada Nairobi waxaa ka furmey shir laba maalmood soconaayo oo ay ka qeyb-galayaan saxiixayaasha Road Map-ka


Shirkii Somalia iyo Somaliland oo Bilaabmay

$
0
0

Waxaa si rasmi ah manta uga furmay deegaanka Kent ee duleedka London wadahadaladii loo balansanaa ee u dhexeeyay DKMG iyo Somaliland sida uu VOA Somali uu u xaqiijiyay Mas’uul ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee dalkan Britain.

Kulamaddan ayaa ka soconaya dhismaha qadiimiga ah ee Chevening House oo kamid ah goobaha lagu qabtay kulamadda siyaasadeed ee gaarka ah.

Labada wafdi ee DKMG iyo Somaliland waxaa ay isugu jiraan Siyaasiyiin, Wasiiro iyo Xildhibaano ay kala hogaaminayaan Wasiirka Amniga iyo Arrimaha gudaha ee Dawladda KMG Cabdisamad Macalin Maxamud iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Max'ed C/laahi Cumar.

Waa markii ugu horraysay oo labadda dhinac ay kulan yeeshaan muddo 20 sano ah, waxaana uu daba socdaa shirkii London lagu qabtay 23 February oo qodobadii kasoo baxay lagu muujiyay in ay DKMG iyo Somaliland ay ka heshiiyaan mustaqbalkooda siyaasadeed iyo xiriirka ay yeelanayaan.

Saxeexayaasha Road-mapka oo Nairobi ku Shirsan

$
0
0

Shirk ay ka geybgalayaan saxiixayaashii Road-mapka loogana hadlayo xilliga kala guurka ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wasiirka dastuurka DFK Cabdirahmaan Xoosh Jabriil oo shirk ka qeybgalay ayaa VOA u sheegay in Beesha caalamku ay ku caadinayso saxiixayaasha inay wajahaan dhamaeystirka xilliga kala guurka.

Soomaalidii Ugu Badanayd oo Ka Qalinjabisa Jaamacada OSU

$
0
0

Nasro Jama - Graduated from The Ohio State University College of Education and Human Ecology, Spring 2012
Columbus, OH – Tiradii ugu badnayn ee arday Soomaaliyeed oo dhowaan ka qalinjabiyay jaamacada – The Ohio State University , OSU.  Jaamacadan oo kamid ah kuwa ugu waa weyn dalka Mareykanka isla markaana ah jaamacada gobolka Ohio ugu weyn ayaa waxay soo saartaa afar dufcadood sanad walba. Sanada ayaa waxaa jaamacada OSU ka baxday ama waxbarashadoodii dhamaystay ardaydii ugu badnayn ee Soomaali asalkoodu ka soo jeedo. Dufcadii ugu danbaysay ee qalinjabisay bilowgii Juun oo dhamayd 10 kun oo arday ayaa waxaa ku jiray 37 arday oo Soomaali ah. Waxaana lagu qiyaasaa ardayda Soomaalidaa ee sanad walba ka qalinjabisa OSU illaa 200 oo arday, waxayna kordhisay tirada qalinjabinta African-Americanka . Waxaa kaloo xusid mudan in ay jiraan arday badan oo iyana ka baxay jaamacadaha kale ee gobolaka ku yaal oo ah illa dhowr iyo toban jaamacadood.
Munaasabad si gooni ah ay u soo abaabushay xafiiska Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ohio, Somali Community Association ayaa Axadii waxaa loogu hanbalyeeyay dhamaan dhalinyaradii ka qalin jabiyay jaamacada bishan Juun. Waxaana xafladan ardayda kala soo qeyb galay qaar kamid ah masuuliyiinta, wax-garadka iyo aqoon yahanada Soomaaliyeed ee deegaanka. Waxaa masuuliyiintaas kamid ahaa: Ambassador Cabdikarim Cali Cumar oo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Mareykanka, Mudane Cabdullahi Salaad Warsame oo horey u soo nowday Wasiir ahaana jiray Duqii magaalada Muqdisho, Dr. Maxamed Cawali, Dr. Maxamed Warsame, Prof. Cabdirizak Cumar,   iyo gudoomiyaha Jaaliyada Xasan Cumar  oo isagu abaabulay munaasabada.
Ardaydan ayaa si weyn loogu hambalyeeyay waxaana lagu baraarujiyay masuuliyada qoys iyo mida qoomiyeadeed ee saaran. Dardaarankii ardayda loo soo jeediyay waxaa uu ahaa mid ku wajahan siday sare ugu sii qaadi lahaayeen tacliintooda sare iyo mansabkooda shaqo.
Mudane Cabdullahi Salaad ayaa ardaydan OSU ka qalin jabisay waxaa uu xasuusiyay fursadan ay heleen inaan dhamaan Soomaalidu horeyna u helina hadana in dhalin badani aysan haysan. Waxaana uu ka taariikheeyay sida barashada culuumta sare u ad-kayd.
“Xaalad adag ayaan wax ku soo baranay, barasahda culuumta sare ee heer jaamacadeedna qaalibay nagu ahayd, walina waa ku qaali inta badan da’yarta Soomaaliyee”, ayuu yiri Cabdullahi Salaad. Oo intaa ku daray inay heerka waxbarashada ummada Soomaaliyeed aad u-kobcay walise baahidii aqooneed taagan tahay.
Dhanka kale Dr. Cawale iyo Prof. Cabdirizak ayaa ayagu talooyin dhowr ah iyo bogaadin u soo jeediyay aradayda. “ Waxaan ahay dhakhtar, wallow mudo ay igu qaadatay hadana waan ka guul gaaray himadaydii wax-barasho, waxaana aaminsanahy inaad adinkuna heerkayga iyo mid ka sareeya gaari kartaan”, ayuu yiri Cawale. Halka Cabdirizak uu ardaydan ku booriyay inaysan mudo dheer camal la’aan noqon ama aysan ka dhex bixin macaahida waxbarasho, asagoo yiri, “tani waa tilkaabadii kowaad, waxaa laydinka rabaa inaad fahamtaan suuqa shaqo iyo cidaad cilmigan ugu shaqayn lahaydeen sidaas ku heli lahaydeen oo aan ahayn runtii hawl sahlan xiligaan”.
Ambassador Cabdikarim ayaa asna dardaarankiisa ku wajahan ardaydan iyo aqoonyahanada jaalliyada Soomaaliyeed. Waxaana uu aad ugu cel-celiyay in masuuliyadii ummadeed ee saarnayn ay korortay aysana lafahooda oo kaliya wax u baran ee ummad balaarani oo aad u habacsani sugayso, waxuuna yiri, “ummadani ayadaa is burburisay, maskadiina iyo cidii hagi lahayn guddahana dibada ayay ku soo aruureen, waxaan qabaa in masuuliyad weyn maanta ina wada saaran tahay, adinka dhalintaana gooni idiin saaran tahay, waa inaad mustaqbalkiina iyo kan kuwa idinka danbeeya jahaysaan adinkoo is kaashanaya”.
Inta badan ardaydu wali waa shaqo raadis, “xoogga waxaan saarayaa inaan shaqo helo, Mareykanka gudihiisa” waxaa tiri Nasro Jaamac.  Laakiin Maxamed Kore oo bartay culuumta la xariirta Batroolka waxaa uu ii sheegay inuu shaqo ka helay New Orleans oo uu shirkad halkaa dagan u shaqo bilaabayo. Waxaa kaloo iyana dalka Malaysia shaqo macalinimo ka heshay Qorshe Xasan oo ku takhasustay luuqada English ka iyo culuumta bulshada. Waxayna xustay inay shaqadani lamid tahay miday halkan ka qaban lahayd oo kale marka la eego mushaarada iyo hawshaba.
Koboca heerka waxbarasho ee Soomaalida reer Ohio ayaa ah mid aad isu soo taraya sanadahan dambe, waxaana muuqata in jaalliyadu muhiimad gooni ah siiso kobcinta tacliinta ubadka. Jaalliyada Soomaaliyeed ee reer Ohio ayaa lagu qiyaasaa tiro ahaan illaa 60 kun, waxaana dugsiyada sare iyo jaamacada ka baxa arday aad u badan. Taasina waxay kaalin weyn ka qaadataa xasilinta dhaqaale iyo deegaan ahaaneed ee Soomaalida reer gobolkan.
 Daawo Sawirada

 
 Ahmed Adan, The Somali Press

Shirka Somalida Ee London

$
0
0

Waxa  maalintii labaad ka sii socda magaalada London wada hadal dhex marayay ergo ka socotay DKMG ah ee Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Kulankan oo shalay ka furmay halka la yirahdo Kent ee duleedka London ayaa shalay la isku mari waayay agendayaasha la doonayay in Maanta  shirku uu si toos ah u guda galo.

Waxaa kaloo laga yaabaa maadaama shalay shirku aanu wax talaaba ah qaadin in la kordhiyo waqtiga oo shirku sii socdo ilaa iyo gelinka hore ee jimcaha berita ah.

Wareysi ku saabsan shirka oo aan saakay la yeelanay wariyeheena Ridwaan Xaaji Cabdi wali halkan hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

Natiijada Masar oo dib loo dhigey

$
0
0

Ku dhawaaqidda natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalka Masar ayaa dib loo dhigay.

Waxaa la filayay in guddiga doorashooyinka ee dalkaasi uu maanta ku dhawaaqo natiijada.

Gudiiga ma sheegin maalinta lagu dhawaaqi doono cida ku guuleysatey doorashada.

Howl-wadeenada ololaha dooraashada ee labada
musharrax ee ku tartamayey wareega labaad ayaa sheegtey in ay ku
guuleeysteen doorashada.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegey in
musharaxooda Maxamad Mursi uu ku guuleystey doorashada, lakin ninka ka
soo horjeeda, Axmed Shafiw oo maalmihi ugu dambeeyey ee Mubarak Raisal
Wasaare ka ahaa dalkaasi, ayaa isaguna guul sheeganaayo

Muxaadaro - Xanta iyo iskudirka 1-5 ~ By Sheikh Abuukar Xasan Maalin

Muxaadaro - Xanta iyo iskudirka 2-5 ~ By Sheikh Abuukar Xasan Maalin


Muxaadaro - Xanta iyo iskudirka 3-5 ~ By Sheikh Abuukar Xasan Maalin

Muxaadaro - Xanta iyo iskudirka 4-5 ~ By Sheikh Abuukar Xasan Maalin

khilaaf laga soo sheegayo saxiixayaasha Roadmapka lagu saxiiixay Garowe.

$
0
0

Shirkii shalay uga furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya
dhinacyada saxiixay Roadmapka  Soomaaliya ayaa la sheegaya inuu soo
kala dhex galay khilaaf xoogan oo ku aaddan wax ka bedelaad lagu sameeyay
qodobadii dastuurka markii hore lagu saxiixay Garowe.


Sidoo kale dhinacyada shiraya ayaa ku kala aragti duwanaaday qaabka loo
wajahayo soo xulidda ergooyinka ansixinaya dastuurka iyo soo xulidda
Baarlamaanka cusub.


Shirka ayaa intii uu socday waxaa laga dhex-xulay Guddiyo isku soo
dubarida qodobada ay ku kala aragti duwan yihiin xubnaha shirka ka qeyb
galaya, kuwaas oo dib u habeyn ku soo sameynaya kadibna ku soo celinaya
saxiixayaasha, waxaana la sheegay in dhaliilo kulul loo jeediyey kadib
markii ay ku guuldareysteen inay fuliyaan qodobo ay dhowr jeer oo hore
ku heshiiyeen, iyadoo dhinaca beesha caalamka lagu dhaliilay bixin
la’aanta qarashkii logu talogalay shirka.


Shirka u socda dhinacyada saxiixay khariidada nabadda Soomaaliya ayaa
waxaa looga danleeyahay dhamaystirka xiliga KMG ah, waxaana ka qeyb
galaya madaxda dowlada KMG, maamulada Puntland, Galmuudg iyo wakiilo ka
socda Ahlusunna iyo xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay Soomaaliay
UNPOS oo isugu shirka soo qabanqaabiyey.
Sidoo kale waxyaabaha ugu muhiimsan ee ajandaha Nairobi ayaa ah sida uu
sheegey wasiirka dastuurka dowladda KMG Soomaaliya C/raxman Xoosh
Jibriil ku dhawaaqida xubnaha Guddiga farsamada oo dhawaan shirkii Addis
Ababa lagu go’aamiyey ,samaynta Guddiga xalinta khilafaadka Beelaha iyo
weliba sidii dastuurka cusub loo soo bandhigi lahaa iyo xulida ergadii
ansixin laheyd.
Mr. Xoosh Jibriil waxa uu sheegey in wakiiladii beesha caalamka ee ka
qeybgalay shirkii shalay ay ku booriyeen saxiixayaasha geediga nabada
Somalia inay dar-dargeliyaan dhamaystirka howlaha qabyada ka ah qorshaha
tubta nabada ee lagu wado dowlad Soomaliyeed inay dhalato dhamaadka
August 2012.
Kulanka Nairbobi ayaa wasiirka dastuurka Somalia cadeeyey inuu daba
joogo go’aanadii bishii hore Addis Ababa shirkoodi ka soo baxay ee ahayd
in si joogto ah kulamo u yeeshaan saxiixayaasha Road Map-ka.

Lamaane Afduub loo Haystay oo la sii Daayay

$
0
0

Lamaane u dhashay dalka Koonfurta Afrika oo muddo 20 bilood ah afduub ahaan loogu haystay dalka Soomaaliya ayaa la sii daayay.

Wasiirka difaaca ee DKMG, Xuseen Carab Ciise ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ay gacan ka geysteen siideynta lamaanahan.

Lamaanahan oo lagu magacaabo, Deborah Calitz and Bruno Pelizzari ayaa tan iyo bishii October ee 2010-kii afduun ahaan loo haystay, iyadoo markaasi ay burcad-badeed hubeysan ay doonidoodiika soo afduubteen xeebta koonfur bari Afrika.

Burcad-badeedda ayaa horey u dalbaday lacag madax furasho ah oo gaaraysa 10 malyuun oo Dollar si loo sii daayo lamaanahan, ma cadda in la soo furtay iyo in lacag madax furasho ah lagu bixiyay siideyntooda.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa afduub ku qabsaday darzino maraakiib ah oo marayay biyaha Geeska Afrika shantii sannadood ee la soo dhaafay, waxayna burcad-badeeddani uruursadeen lacago madax furasho ah oo gaadhaysa boqolaal malyuun oo Dollar. 

Weerarada ay geystaan burcad-badeedda ayaa bilihii u danbeeyay hoos u dhacay, iyadoo maraakibtuna ay qaadeen talaabooyin ay isku ilaalinayaan iyo iyadoo ciidamada badda ay in badan gaafwareegayaan xeebaha Soomaaliya.

Sheikh Abuukar Xasan Maalin - Shafeecada iyo Xoowt-ka Rasuulka SCW 3/4

Ahlu Sunna oo sheegtay inay wada hadal la galayso Maamulka Ximan iyo Xeeb

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa shaaca ka qaaday in wada hadal ay la galayaan Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka arrimiya deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Galgaduud Axmed Xasan Ciyow oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan qorshe wada hadal iyo waan waan ay kula galayaan Maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu muddo badan kala dhaxeeyo khilaaf baahsan.
Axmed Xasan Ciyow waxa uu tilmaamay inay jiraan xiriiro ay la sameeyeen sida uu hadalka u dhigay Madax ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka arrimiya qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Sooimaaliya, isagoo shaaca ka qaaday in Maamulka Ximan iyo Xeeb uu yahay Maamul wax badan ku horumaray islamarkaana ay haboon tahay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Maamulka Ahlu Sunna.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulkiisa uu wado qorshooyin Ciidamo boolis ah loogu sameynayo bartamaha Soomaaliya oo ay Maamulaan Ahu Sunna iyo Ciidamo awood leh oo gobolkaasi ka ciribtira Al Shabaab
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo khilaaf sababay gacan ka hadal uu u dhaxeeyo Maamullada Ahlu Sunna iyo Ximan iyo Xeeb oo ka wada arramiya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaal U dhexeeya Ciidamada DKMG somalia & kooxda alshabab oo ka Qarxay Belad xaawo

$
0
0

Dagaalo culus oo khasaare nafeed geystay ayaa saaka waxay ka dhaceen qeybo ka mid ah gudaha iyo hareeraha degmada B/xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada KMG Somalia iyo kuwa ahlu suna iyo xoogagaa Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaaladan ay qarxeen saaka waaberigii xiligii salaada subax ay gudaha degmadaas weerar dhowr jiho kaga qaadeen kooxda  Al-shabaab, halkaasoo ay fooda isku dareen ciidamada dowlada KMG Somalia iyo kuwa ahlu suna iyo  kooxda  Al-Shabaab.
Goob joogayaal ayaa sheegay in labada dhinac uu gudaha degmadaas iyo hareeraheeda ku dhexmaray dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dadka degmadaas ku noolaana ay la soo deristay cabsi iyo walaac ayna awoodi waayeen iney ka soo baxaan guryahooda dagaalada awgood.

Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ayaa inta laga warqabo ku dhaawacmay dagaallkaas iyadoo ay jiraan warar sheegaya in labo ka mid ah dadkaas dhaawaca ahaa ay dhinteen, lamana inta uu dhan yahay khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaas.
 
Warar ka Widhwidh Online


Muxaadaro - Xanta iyo iskudirka 5-5 ~ By Sheikh Abuukar Xasan Maalin

Washington: Arrimihii Xawaaladaha oo laga Hadlayo

$
0
0

Xubno ka tirsan Congresska Maraykanka ayaa dhageysanaya dad Soomaali ah oo sharxaya sida ay lagama maarmaanka u tahay furida xawaaladdu. Arrintan ayaa laga yaabaa inay keento xal laga gaaro ismari-waagii u dhexeeyey xawaaladaha Soomaalida iyo bangiyadii adeegyada siin jiray.

Haddii arrintan lagu guuleystay waxa dadka Soomaalida u fududaan doonta inay si fudud lacago ugu diraan qaraabadoodii, iyada oo wax dabagal ah aan lagu sameyn.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Guddoomiyaha Degmada Hodan oo ka Warbixiyay Dad Gaajo Ugu Dhintay Degmada Hodan

$
0
0

iyo Xuseen Carab Ciise oo ah Ku simaha Raiisul Wasaaraha oo maanta soo Bandhigey Lamaanayaal u Dhashay Dalka Koofur Afrika oo Af Duub ahaan Loogu Haystay Soomaaliya.
Warbixin Degmada Hodan, Muqdisho:
Guddoomiyaha Maamulka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ka war ixyay Xaaladda Nololeed ee barakacayaasha ku sugan Degmadaasi. Dhabaneey ayaa sheegey in Degmadaasi ay ku sugan yihiin Barakacayaal fara badan oo qaarkood ay ka soo barakaceen Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Duleedada Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa sheegey in dadkaas barakacayaasha ay haysato dhibaato Guri la’aaneed, mid caafimaad la’aaneed iyo waliba Raashiin la’aaneed.Dhabaneey ayaa hoosta ka xarriiqay in Todobaadkan dad tiradoodu ay gaarayso illaa Todaba Ruux oo isugu jiray Caruur iyo waayeel inay Gaajo iyo dar xumo ugu geeryoodeen qaybo ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala Degmada Hodan.
Dhabaneey ayaa ka codsaday Hay’adaha Samafalka in ay dadkaas la soo gaareen Daryeelka aadanimo ee ay u baahan yihiin isla markaana si ay u caddeeyaan baahida ay qabaan dadkaas iyaga lagala soo xiriiro.
“Ma garanayno sida ay Hay’aduhu wax u hayaan” ayuu yiri Dhabaneey isagoona farta ku fiiqay in ay jiraan Bakhaaro Hay’aduhu ay leeyihiin oo ku yaala gudaha degmadaas isla markaana uu Raashiin fara badan ka buuxo isagoona is weydiiyay Cidda raashiinkaas loo keydinayo iyo goorta la qaybinayo waa siduu hadalka u yiriye.
Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka eek u sugan gudaha Magaalada Muqdisho in gurmad deg deg ah loo fidiyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha Degmada Hodan.

Guddoomiyaha Degmada Hodan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii u dambeeyay qaybo ka mid ah Xeryaha bara kacayaasha eek u yaala Muqdisho ay ka soo yeereysey cabasho aad u ballaaran iyagoona ka cabanayay Hooy Xumida haysata iyo Roobabka ku da’aya.
Xuseen Carab Ciise oo ah Ku simaha Raiisul Wasaaraha oo maanta soo Bandhigey Lamaanayaal u Dhashay Dalka Koofur Afrika oo Af Duub ahaan Loogu Haystay Soomaaliya.
Xuseen Carab Ciise oo ah Ku Simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ku Meel gaarka Soomaaliya ahna Wasiirka gaashaandhigga oo maanta Saxaafadda Shir Jaraa’idu ugu qabtay gudaha Muqdisho ayaa halkaa ku soo ban dhigay Lamaane u Dhashay Dalka Koofur Afrika oo ku dhawaad Laba Sano Kooxo Bur cad Badeedda Soomaalidu af duub ahaan ugu haysteen gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Carab ayaa sheegey dadaal badan oo ay xukuumaddu sameysey in lagu Guulasytay in Lamaanahan Xoriyadoodu dib u helaan isla markaana ay sii daayeen Kooxihi Bur Cadda ahaa ee ku dhawaadka Labada sano af duubka u haystay Lamaanahan.
Bruno Borzoi iyo Xaaskiisa oo Kooxaha afduubka u haystay ay hore u weydiisteen si loo soo daayo Afar Milyan oo Doolarka maraykanka ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku Guulaysatay in Lamaanahaas ay dib u helaan Xoriyadooda.
Bruno Borzoi oo Asal ahaan ka soo jeeda Dalka Talyaaniga hayste Dhalashada Koofur Afrika ayaa isaga iyo xaaskiisa waxaa la af duubay xiili ay marayeen Xeebaha Dalka Tanzaniya taasoo loo soo gudbiyay gudaha Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda ku meel gaarka ayaa sheegey in ay jiraan wax xoogaa Lacago ah inkastoo uusan caddeyn cadadka lacagtaas keliyana ku cel celiyay in dadaal badan oo ay sameeyeen ay u suurta gashay in la soo daayo lamaanahan dibna loogu duulin doono dalkooda.
Borzoi oo isagana Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu aad u wanaagsan yahay Caafimaadka isaga iyo xaaskiisaba isla markaana uu u mahad celinayo dhamaanba Shacabka Soomaaliyeed iyo intii gacanta ka gaysatay soo deyntooda.

Lamaanahan ayaa muddo sideed Bilood gacanta ugu jiray kooxo Burcad Badeed Soomaali ah kuwaasoo ku gor gortamayay in laga siiyo lacago madax Furasha ah taasoo ugu dambayntiina suurta gashay in la sii daayo ka gadaal markii Lacago laga bixiyay.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Shirkii Ay Yeelanayeen Saxiixayaasha Roadmap-ka Oo Weli kasocda Dalka Kenya

$
0
0

Shirka ay yeelanayeen saxiixayaasha Road map-ka ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Niarobi ee xarunta dalka Kenya iyadoo ka qeybgalayaasha shirkaasi ay maanta si gaar ah u eegayaan waxyaabaha illa haatan ka hirgalay meel marinta Roadmap-ka.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambaasadoor Maxamed Cali Nuur  Ameerica ayaa Radio Muqdisho uga waramay waxyaabaha looga hadlay shirka ka socdo maalintii labaad wadanka Kenya waxa uuna xusay in si gaar ah looga hadlay qorshaha geedi socodka nabada.
Ambaasadoor Maxamed Cali Nuur ayaa intaa kudaray in shirka looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay shirarkii ka dhacay Garoow Gaalkacyo iyo Adis Ababa.
 
 

Maxaa ka soo baxay shirkii London uga socday Soomaaliya iyo Somaliland ?

$
0
0

Shirkii u dhaxeeyay Maamulka Somaliland iyo Dowladda KMG Soomaaliya ee uga socday duleedka Magaalada LOndon ayaa la soo gaba gabeeyay, kadib labo maalmood wada hadalo u socday Gudiyo kala matalayay.
Shirkan oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen, saxaafadana aad looga ilaaliyay ayaa labada dhinac ka soo saareen qodobo dhowr, oo horu dhac kulamo kale oo gogol xaar u ah, kaasoo dhowaan ay yeelanayaan madaxda labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in labada gudi ay isku raaceen qodobo aan qeyb ka aheyn wada hadalada oo markii hore ahaa in aan lagu soo darin ajandayaasha, kaasoo ahaa arrinta madax banaanida.
Qodobada sida horu dhac ah ay isugu gaareen ayaa waxaa ka mid ah
1-In Labada Madaxweyne ay si dhaqse ah isku arkaan, si ay u sii wadaan wadadan halkan u bilowday
2-In wada hadalada ay sii socdaan, si loo sii ambaqaado lagana mira dhaliyo.
3- In la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda, lagana hortago sunta warshadaha ee maraakiibta shisheeye ku qubayaan xeebaha Soomaaliya.
4-in la sameeyo Qubaro xaga qaanuunka ah oo ay ugu yeertaan labada dhinac xaga la tashiga sharciyada.
5-in ay ka wada shaqeeyaan kaalmada xaga bani’aadanimada si loo gaasiiyo  dadka u baahan  in beesha Caalamka ay soo kordhiso kaalmooyinka xaga bani’aadanimada iyo horumarinta.
6-In ay taageersan yihiin sidii looga gudbi lahaa xilliga KMG
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in aan la soo hadal qaadin arrinta gooni isu taaga, isla markaana qorshuhu aheyn qadiyada Somaliland, isagoo ka gaabsaday in kulamada kale lagu soo qaadayo in in kale
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in xilligan oo wada hadalada ay yihiin kuwo bilow ah aan looga hadleyn arrinta gooni isu taaga, isla markaana looga hadli doono kulamo kale.
Wada hadaladan oo ah kii u horeeyay ee si fool ka fool ah isu soo hor fariistaan labada dhinac tan iyo markii Somaliland ku dhawaaqday 1991-dii inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live