Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Lamaane laga soo furtey burcad badeed

0
0

Lamaane u dhashey dalka Koonfur Afrika oo kudhawaad labo sano ay burcad badeed ku haysteen Somalia aya la sii daayay


Heshiis Dhexmaray Somalia & Somaliland

0
0

Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta gaadhay heshiish kaddib markii la soo afjaray wadahadal duleedka London uga socday ergooyin ka kala socday dowladda iyo Somaliland.

War-Murtiyeed ka kooban 8 qodob ayaa laga soo saaray gaba-gabadii wadahadahaasi oo muddo laba cisho ah ka socday duleedka London, waxaana ka mid ahaa qodobada ay gaadheen labada dhinac.

1: In wadahadallo ay sii socdaan oo u dhaxeeya DKMG (ama ciddii baddasha) iyo Somaliland iyadoo la tixraacayo shirarkii magaalooyinka London iyo Istanbul.

2: In la qaato hannaan mideysan oo ka hortagaya wax alle wixii caqabad ku noqon kara in labada dhinca ay wadahadalkooda sii wataan.

3: Inay labada dhinac ka go’an tahay sii socoshada wadahadalka iyadoo labada madaxweyne loogu baaqayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan u kulmaan si ay dib ugu eegaan horumarka wadahadallada.

4: In beesha caalamka ay labada dhinac ugu baaqeen inay sii wadaan fududeynta wadahadalada, iyadoo ay ku jirto inay labada dhinac ka taageeraanm khubarro dhinaca sharciga, dhaqaalaha iyo aarrimaha amniga isugu jira.

5: Inay labada dhinac is weydaarsato khibaraddaha dhexdooda ah, si si wanaagsan ay ula shaqeeyaan beesha caalamka, gaar ahaan horumarka iyo gar-gaarka bini’aadanimo ee ladaba dhinac la siinayo, iyagoo ku baaqay in gargaarkaasi la kordhiyo.

6: Inay labada dhinac iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada, xagjirka iyo danbiyada waaweyn,

7: Inay labada dhinac iska kaashadaan la dagaallanka burca-badeedda, badda iyo bariga ah, danbiyada baddaha, kaluumaysiga sharcidarada ah iyo suntan lagu daadinayo badda.

8: Waxay labada dhinac ku celiyeen taageerrada ay u hayaan ina la soo afjaro xilliga KMG ee Soomaaliya.

War-murtiyeedkaasi kaddib ayaa VOA wareysi la yeelatay, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee DKM, C/samad Macalin Max’uud iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Dr. C/laahi Max’ed Cumar.

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

0
0

1-Su’aal Sheeg kumuu ahaa Khaliifkii xukumaayey Islaamka xilligii la-furtay Beytul Maqdis?
1-Jawab: Waa Cumar Bin Khadaab Rc.
2-Su’aal Sheeg Caasimadii dowladdii Cusmaaniyiintii ?
2-Jawab: Waa Istantul oo ku taalo dalka Turkiga.
3-Su’aal Sheeg Caasimadii dowladdii Cabaasiyiinta?
3-Jawab: Waa Baqdaad oo ku taalo dalka Iraaq.
4-Su’aal Sheeg Sheekhii soo saaray Higaadda Qur’aanka ee Af Soomaaliga?
4-Jawab: Waa Sheekh Yuusuf Al kowneyn.
5-Su’aal Sheeg Waa imisa Adeeraddii Nebigeyna (NNKH)?
5-Jawab: Waa Afar Waxayna kala yihiin” 1- Xamza Rc, 2-Cabaas Rc, 3-Abii Daalib, 4-Abii Lhab.
6-Su’aal Sheeg imisa ayaa ka soo Islaamtay Nebigeyna Adeeradiis? Maxayna Kala yihiin?
6-Jawab: Waxaa ka soo Islaamtay labo, Waxayna kala yihiin” Cabaas Rc, iyo Xamza Rc,
7-Su’aal Sheeg Nebigeyna Markuu geeriyoonaayey Imisa Xaas ayuu qabay?
7-Jawab: Wuxu qabay 9 xaas.
8-Su’aal Sheeg Magaca Boqor-weynihii dowladdii Furus?
8-Jawab: Wuxu ahaa Kisraa.
9-Su’aal Sheeg Magaca Boqor-weynihii dowladdii Ruum?
9-Jawab: Wuxu ahaa Qaysar.
10-Su’aal Sheeg Xaas kamid ah Xaasaskii Nebigeyna (NNKH) oo Asal ahaan ka soo jeeda Yahuud?
10-Jawab: Waa Safiya Bintu Xuyeey.Q

Czech oo laga cirib tiray ciyaaraha Qaramada Qaarada Yurub “Daawo Sawirada”

0
0

Kulankii ugu horeeyay ee Quarterfinals ciyaaraha qaramada qaarada Yurub oo la ciyaaray ayaa xalay la ciyaaray kaasi oo ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana lawada sugayay.
Xulka qaranka Czech Republic ayaa laxay la ciyaaray wadanka Portugal waxaana ciyaartaan ay ahayd mid lawada sugayay natiijada ka soo bixi doonta.
Ciyaartaan ayaa waqtigii loogu talagay waxay ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday xulka qaranka wadanka Portugal.
Ciyaaryahanka C. Ronaldo ayaa guul weyn gaarsiiyay xulkiisa wuxuuna u suurta galiyay in ay u soo gudbaan Afar dhamaadka ciyaarahaan.
Ciyaartaan ayaa waxaa gorsoore ka ahaa Howard Webb (England)
Xulka Portugal ayaa waxa uu sugayaa labada wadan ee Faransiiska iyo Spain kii soo baxaa kuwaasi oo caawa maahane habeenka xiga ciyaari doona.






Dad la sheegay iney gaajo ugu dhintay Magaalada Muqdisho ?

0
0

Guddoomiyaha Maamulka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ka warbixyay Xaaladda Nololeed ee barakacayaasha ku sugan Degmadaasi. Dhabaneey ayaa sheegey in Degmadaasi ay ku sugan yihiin Barakacayaal fara badan oo qaarkood ay ka soo barakaceen Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Duleedada Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa sheegey in dadkaas barakacayaasha ay haysato dhibaato Guri la’aaneed, mid caafimaad la’aaneed iyo waliba Raashiin la’aaneed.Dhabaneey ayaa hoosta ka xarriiqay in Todobaadkan dad tiradoodu ay gaarayso illaa Todaba Ruux oo isugu jiray Caruur iyo waayeel inay Gaajo iyo dar xumo ugu geeryoodeen qaybo ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala Degmada Hodan.
Dhabaneey ayaa ka codsaday Hay’adaha Samafalka in ay dadkaas la soo gaareen Daryeelka aadanimo ee ay u baahan yihiin isla markaana si ay u caddeeyaan baahida ay qabaan dadkaas iyaga lagala soo xiriiro.
“Ma garanayno sida ay Hay’aduhu wax u hayaan” ayuu yiri Dhabaneey isagoona farta ku fiiqay in ay jiraan Bakhaaro Hay’aduhu ay leeyihiin oo ku yaala gudaha degmadaas isla markaana uu Raashiin fara badan ka buuxo isagoona is weydiiyay Cidda raashiinkaas loo keydinayo iyo goorta la qaybinayo waa siduu hadalka u yiriye.
Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka eek u sugan gudaha Magaalada Muqdisho in gurmad deg deg ah loo fidiyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha Degmada Hodan.
Guddoomiyaha Degmada Hodan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii u dambeeyay qaybo ka mid ah Xeryaha bara kacayaasha eek u yaala Muqdisho ay ka soo yeereysey cabasho aad u ballaaran iyagoona ka cabanayay Hooy Xumida haysata iyo Roobabka ku da’aya.

Warmurtiyeed goor dhow laga soo saari doono Shirkii Road-Mapka ka

0
0

Nayrobi-(GMN) Waa Daqiiqado kadib la saxiixayaa Qodobadii ay ku heshiiyeen Saxiixayaasha Road-Mapka oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulan uga socda Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.
Waxaa socota qabanqaabada Xaflada qodobadaasi lagu saxiixayo iyadoo la filayo inay hadalo ka jeediyo dhinacyda siyaasada Soomaalida ee ka qaybgalaysay kualnka.
Wararka hordhaca ah ee aan ka helayno shirka ayaa tilmaamaya in Qodobada lagu heshiiyay ay kamid yiiin.
1- in la saxiixo 12 Julley magacyada ergada ansixin lahayd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub ee Dalku yeelanayo.
2- ku dhawaaqida Magacyada Guddiga Farsamada ee badali lahaa guddiga Dastuurka.
3- Soo bandhigida Dastuurka sida ugu dhakhsaha badan lana baahiyo.
War-murtiyeedka SHirka ayaadaqiiqado kadib lagu dhawaaqayaa waxaana idin balanqaadaynaaa inaan idin soo gudbino sida ugu dhakhsaha badan.

Madaxweyne Shariif oo markale ku celiyay in uu yahay musharax madaxweyne

0
0

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu doonayo in markale uu qabto xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu yahay Musharax u tartamaya Doorashada soo socota.
Wareysi uu siiyay wakaalada wararka AFP ayuu Madaxweyne Shariif Sheegay ku sheegay in uu diyaar u yahay in uu markale sii qabto xafiiska madaxweynaha haddii la doorto, iyadoo hadda dowladda uu hoggaamiyo ay u hartay wax ka yar labo bil.
“Haddii run la sheegayo Maamulkeyga Soomaaliya waa uu ku haboon yahay waa haddii markale la i doorto,” ayuu u sheegay Shariif oo hadda ka qeyb galaya shir looga hadlaayo xilliga kala guurka Soomaaliya oo ka socda caasimada Kenya ee Nairobi.
“Intii aan awooda Madaxweynaha hayay waxa aan go’aasaday in aan dadaal badan ku bixiyo la dagaalanka argagixisada kuwaas oo qatar weyn ku ah gobalka oo dhan ,” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
“Waxa la joogaa xilligii la dhisi lahaa qaranimada, sharci darada kuma lahan meel Mustaqbalka. waxa aan isleeyahay in aad awood u leedahay in markale xilka Madaxweynaha laguu doorto” ayuu ku sii daray.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa la doortay bishii January 31-keedii, 2009-ka, waa 47-jir, hadda doonaya in uu markale noqdo madaxweynaha soo socda ee dalka Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa hadda doonaysa inuu dhamaado xilka KMG ah oo ku eg bishan August, taas oo madaxda Dowladda KMG ah ay u taallo shaqo adag oo la rabo inay ku dhameyso waqtiga u harsan, waxaana ka mid ah kuwaas in la sameeyo Dastuur cusub, la soo doorto baarlamaan cusub iyo Madaxweyne.
Si kastaba waxaa soo badanaya Musharixiita dooneysa i ay qabtaan xilka Madaxweynaha kuwaas oo ay ka mid yihiin dad horey uga dhex muuqaday xagga Waxbarashada laakiin hadda doonaya inay dhinaca siyaadda tijaabiyaan.

Shirkii Roadmap-ka ee Nairobi Oo Lasoo Gabagabeeyay

0
0

Shirkii saxiixeyaasha Roadmap-ka ayaa lagu soo gebagabeeyay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyadoo Saxixeyaashuna ay isku afgarteen qodobbo muhiim ah oo ku saabsan ka gudubka marxaladda KMG-ka ah.
Munaasabada lagu soo gabagabeynayay kulan muddo sadex maalmod ah saxixeyaasha Roadmap-ka uga socday magaalada Nairobi ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ugu sareysa, madaxda mamaullada Puntland ,Galmudug, Ahlsunwaljamaca,  wakiilo kasocday Q.M iyo caalamka.
Madaxweynaha jamhuuriyadda  Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in go’aanada la isku raaca ay ku mideysanyihiin saxiixeyaasha Roadmap-ka shacabkuna ay taageeraan dastuurka.
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyay guddigii soo qaban qaabiyay dastuurka.
Sidoo kale Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo khudbada xiritaanka munaasabada ka jeediyay hadal ayaa ka codsaday dadka Soomaliyeed in ay ka qeybqaataan meelmarinta dastuurka cusub ee dalka uu yeelanayo.
Shirka maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa waxa uu halkaas ka socday muddo sadex maalin ah waxaana ka qeyb galay saxiixayaasha Roadmap-ka iyadoo intii uu socday shirka looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay qariirada nabadda.


Dhacdo layaab leh oo dhex maray Islaan waayeel ah oo Muslimad ahayd iyo nin Gaal ahaa

0
0

Islaan waayeel ah Alla ka cabsi badan ayaa waxay daris la ahayd nin mulxid ah, ama diidan jiritaanka Ilaahay (sw). Mar walbo waxay dadku ku dhahdaa: “Mahad Ilaahay baa leh”.
Hase ahaatee ninkii mulxidka ahaa ayaa aad u dhibsaday kalmadaas, asaga oo ku yiri Mu’minadii: “Hadalkan jooji, Ilaahay ma jiree.” Waxaa timid abaar dadka dhib u gaysatay, dadkaasi waxaa ka mid aheyd duqdii mu’minada ahayd. Ninkii mulxidka ahaa ayaa wuxuu maalin maqlay iyadoo Ilaahay (sw) tuugaysa oo leh: “Ilaahayow baahi baa I hayso ee kaalmo I sii. Ilaahayow gaajada naga baabi’i oo barwaaqo noo keen.”
Markaas ayuu damcay inuu ku ciyaaro duqda mu’minada ah. Kadib ayuu intuu jawaan reeshin ka buuxiyay saq dhexe u dhigay albaabkeeda. Markay soo kacday ayay aragtay cuntadaan albaabka u taalo. Markaas ayay farax dartii la tiri: “Alxamdullilah. Ilaahay baa mahad leh.” Mulxidkii ayaa ka soo booday gurigiisa, kuna dhawaaqay: “Haye, ma sheekadaas ayaad keentay? Ilaahayga aad sheegayso ma jiro, cuntana kuma siinin, ee anaa kuu keenay.” Duqdii ayaa intey qososhay, kadib tiri: “Alxamdullilah. Ilaahay intuu cunto i siiyay ayuu hadana shaydaan iiga soo qaaday.”

Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar.

Fiiro Gaar ah: Qofkii isku xiraa Allaah SW Qofkaas waa qofka kaliya ee liibaanay Adduun iyo Aakhiraba.

SOMALIA: Al Shabaab military commander in ambush

0
0

MOGADISHU — Heavily armed al Shabaab insurgents killed a military commander in the outskirts of Mogadishu on Thursday as clashes continue in rebel-held areas in the south of the country.
A firefight broke out between government troops and the al-Qaeda affiliated militant when the group ambushed a military supply convoy traveling from the town of Afgoye.
A military source, who was not authorised to speak to media, said the district commander of Elasha Biyaha, Mr. Afrah Ali Afrah was killed.
He said the insurgents attacked the convoy with rocket-propelled grenades, machine-guns and automatic rifles and the battle blazed on for several hours. He added the ambushers fled after government troops arrived in the area from an army base in Afgoye, about 30km (18.5 miles) north-west of Mogadishu.
Elasha was the scene of other violence just under a month ago when the rebels ambushed an armored convoy carrying president Sheikh Sharif Ahmed– narrowly escaping.
Elasha sits between the strategic town of Afgoye and the capital and is largest refugee camp inside Somalia housing more than 400,000 internally displaced people.
In May the area along with the agricultural town of Afgoye were secured during a joint military operation by AMISOM and Somali troops flushed out al Shabaab fighters. However challenges security challenges remain and al Shabab carries out daily attacks.
Al Shabaab fighters occasionally infiltrate into the IDP making it difficult for the Somali troops and AMISOM to fully secure the corridor that leads to much of Somalia’s south. The town fell in May under
Somalilandpress
June 22, 2012

Dagaal ka Dhacay Ceelasha Biyaha

0
0

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya cidiamada dowladda iyo kuwa ururka Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii maleeshiyada ururka al-Shabab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen baabuur ay leeyihiin ciidamada dowladda oo sahay u waday ciidankooda ku sugan Afgooye.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ciidamada oo uu ku jiro taliyihii ciidamada dowladda ee Deegaanka Ceelasha biyaha sida uu VOA u xaqiijiyay  C/qaadir Max’ed Nuur Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose.

Wararka olympiga

Nuqulkii u Danbeeyey ee Dastuurka oo la Saxiixay

0
0

Madaxda Soomaalida ayaa Nairobi ku saxiixay nuqulkii ugu danbeeyey ee qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya.

War murtiyeed goor dhowayd ka soo baxay magaalada Nayroobi ayaa lagu sheegay in nuqulkan la saxiixay uu yahay midka ay soo dhammaystireen Guddigii Frasamada ee Dib u eegista datsuurka oo lagu sameeyey bishii hore magaalada Addis Ababa. Waxay kaloo isku raceeen guddi loo bixiyey Fududaynta Hawlaha Farsamo oo uu madax u noqonyao Wasiirka Datsuurka iyo Dib u heshiisiinta Cabdiraxmana Xoosh Jibriil.

Xilliga ay kulmi lahaayeen ergada ansixinta datsuurka ayaa dib loo durkiyey oo laga dhigay 12-ka Juulaay ilaa 20-ka Juulaay, iyadoo la sheegay in guddigaasi ansixinta la kala diri doono markii ay u codeeyaan ansixinta ku meelgaadhka ah ee Qabyo-qoraalka.

Dib u Dhis weyn oo ka Socda Muqdisho

0
0

Magaalada Muqdisho oo beri lagu naaneeysi jiray Xamar Cadey ayaa iminka u muuqata mid ka soo kabaneysa bur burkii ay dhaxalsiiyeen colaad  sokeeye iyo dagaalo dhinaca awoodda ah oo magaalada ka dhacayay 21kii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa hadda ka soconaya magaalada Dhismooyin cusub iyo dayac tir dadku ay ku sameysanayaan guryihii ka bur buray, taasoo muuqaalka magaalada durbadiiba wax ka bedeshay.

Waxaa dhinaca kale dib u dhiska socda, ka faa’idaya dadka xoogsatada ah oo aad aroor walba arkeyso iyadoo jidadka magaalada qul qulaya oo shaqooyin u jarmaadaya.

Warbixin ku saabsan arintaasi oo maqal ah halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

Danjire Mahiga Oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Saxiixayaasha Roud-Map-ka

0
0

image: 

Nairobi (RBC) Wakiilka gaarka ah ee xogyaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa tallaabo horrumar leh ku tilmaay heshiiskii lixda saxiixayaasha hbaraaca marxalada loogu gudbaayo KMG ah ku gaaray jimcihii shaley magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
War uu soo saaray Mahiga ayuu ku sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid dhabaha u sii xaaraya in horro loo socda oo wax wada jir ah ay yimaadaan, taas oo soo afjareesa xiliga KMG ah”
“Xiliga KMG ah waxa ku dhamaanayaa wax ka yer 60-cisho ma heeno waqti aan kumin” ayuu ku sii daray wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo madaxa xafiiska siyaasada QM ee Soomaaliya ee UNPOS.
Heshiiska looga baxaayo xiliga KMG ah waxa saxiixay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra’iisal wasaare Cabdi Wali Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo wakiilo matalaya Ahlu Sunna waljamaca.
Kulan waxa looga hadlay heshiiskii ugu dambeeyay ee lagu gaaray Addis Ababa, dalka Ethiopia, kaa oo socday 21-kii ilaa 23 May, waxana ay hoggaamiyaasha Soomaalida isku raaceen in la sameeyo gudd qaran oo soo sameeya dastuurka uu yeelan doono dalka ku yaala bariga Africa.
Shirkii Nairobi, waxa ay saxiixayaasha si rasmi isku raaceen dastuurska cusub kaa oo si rasmi ah loo shaacin doono, sidoo kale waxa saxiixi doono madaxweyne Shariif Sheekh Axmed sida lagu heshiiyay.
Sidoo kale saxiixayaasha waxa ay isku raaceen in la sameeyo guddi baratakool ah oo muhiim u ah howsha in ay howsha fududeeyaan si loo dhameestiro xiliga KMG ah.
Golahan NCA waxa ay kulan ku yeelan doonaan caasimada Muqdisho, laga bilaabo 12 ilaa -20 July, kaddibna wasxa cod loo qaadi doono dastuurka cusub ee Soomaaliya uu yeelanaayo kaa ugu dambeen dadka loo gudbin doono.
” Xiligan waa in aan gacan ka geesano hanaaka socda ee wax lagu soo dooranaayo ,” ayuu yiri Mr. Mahiga .
War uu soo saaray Mahiga ayuu ku sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid dhabaha u sii xaaraya in horro loo socda oo wax wada jir ah ay yimaadaan, taas oo soo afjareesa xiliga KMG ah”
“Xiliga KMG ah waxa ku dhamaanayaa wax ka yer 60-cisho ma heeno waqti aan kumin” ayuu ku sii daray wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo madaxa xafiiska siyaasada QM ee Soomaaliya ee UNPOS.
Heshiiska looga baxaayo xiliga KMG ah waxa saxiixay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra’iisal wasaare Cabdi Wali Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo wakiilo matalaya Ahlu Sunna waljamaca.
 


Ciidamada Amisom oo sheegay inay la wareegeen deegaanada Ceel Macaan iyo Cisaleey

0
0

Taliska ciidamada Amisom ayaa shaaca ka qaaday in howl galo qorsheysan ay shalay ku qabsadeen deegaanada Ceel Macaan iyo Cisaleey oo ka tirsan Gobolka shabelaha dhexe, halkaasoo ay ku yaalaan garoon diyaaradeed iyo deked macmal ah oo shaqeyneysay xilliyadii hogaamiye kooxeedyada.
Saraakiisha Amisom ayaa sheegay in deegaanada Cisaleey iyo Ceel Macaan ay yihiin kuwo istiraatiiji ah, isla markaana ay ku yaalaan waqooyi bari magaalada Muqdisho.
“Deegaanada Cisaley oo garoon diyaaradeed leh iyo Ceel Macaan oo leh Deked waa deegaano istiraatiiji ah, Al-Shabaab waxay ka mid tahay meelaha ay lumiyeen”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Amisom.
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay hub kala soo degi jireen dekeda ceel Macaan, dagaalyahanada ajaaniibtana ka soo dagayeen sida lagu yiri.
“Howl galkii shalay wuuu guuleystay, ciidamadeena iyo kuwa dowladda waxaa u suura gashay in meelaha ka baxsan Muqdisho aan ammaankooda xaqiijino”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan deegaanada ay lumiyeen, waxaana tani ay qeyb ka noqoneysa iyadoo horay deegaano dhowr ah loogala wareegay.

Madaxweyne Shariif oo sheegay in la adkeyn doono xiriirka Itoobiya

0
0

Madaxweynaha soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inay adkeyn doonaan xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya, isagoo ammaanay howl galada ciidamada Itoobiya ka wadana gudaha Soomaaliya. Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Nairobi ayuu sheegay in xirirka dowladaha deriska uu muhiimad gaar u leeyahay, isagoo ka dhawaajiyay in Itoobiya door ku leedahay nabada Soomaaliya. “Itoobiya xiriirkooda [...]

Abuu Mansuur “Mareykan anigaa idin sheegaya halka aan joogo, ma dhuumanayo waa i kanaa”

0
0

Mukhtaar Roobow oo lagu naaneyso Abuu Mansuur ayaa sheegay in aanu isaga Mareykanka iska qarineyn, kadib markii shalay masaajid ku yaal Buurhakaba uu ka jeediyay hadal layaab ahaa oo uu ku cadeeyay in Mareykanka uu u sheegayo meel kasta uu joogo.
Abuu Mansuur ayaa sheegay in aanu cabsaneyn, meel walba oo dhulka uu ka soo jeedana uu ku marayo si xoriyad ah, waxaana uu xusay inuu joogo Buurhakaba.
“Mareykanow iyo Obama waa i kanaa, halkaan ayaa joogaa, Buurhakaba Masaajidka ku dukaday salaadii jimcaha, jimcihii horena Tiyeeglow ayaa joogay”ayuu yiri Abuu Mansuur.
Waxaa uu sheegay in lacagaha la dul dhigay madaxooda ay magac dil ku tahay dadka Muslimiinta, waxaana uu cadeeyay in gaalada oo idil ay meel walba dagaal kula jirto dadka Muslimiinta.
“Liiska Argagixisada la idinku daray, idinkana liiska jahana, gaalo waa isa soo baheysatay, Mareykanka wuxuu dhahay argagixisa ka cirib tiraa Soomaaliy iyo Afganistan, aaway hee maba suulin, idinkana meel walba waa ku halaagsami doontaan”ayuu sii raaciyay.
Mareykanka ayaa dhowaan soo bandhigay liiska 7-ka tirsan saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, kuwaas oo madaxooxa uu dul dhigay 33-milyan doolar, lacagta ugu badan ee 7-da Milyan waxaa madaxiisa la saaray hogaamiyaha Shabaab Axmed Godane.

Muxaadaro, Geerida Nabiga, SCW, Qaybta 1-aad

Koox An La A Qoonsan Oo Ganacsade Soomaali ah KuToogtay Gobalka NFD

0
0

Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu Dilay   xeryaha dhadhaab ee gobalka NFD sida uu sheegay guddoomiyaha Ururka qoxootiga Soomaalida ee halkaasi Cabdi Fataax Ismaacil.

” Waxa aan maqalnay rasaas saacada markii ay aheyd 8-dii fiidnimo, saacad kaddib waxa aan ku soo aragnay meydka ninka dukaan lahaa, waxaa naloo soo sheegay inay toogteen afar nin oo hubeesan kuwaas oo aan heybtooda lagaraneenin” ayuu sheegay.
Sidoo kale labo boolis ayaa lagu dhaawacay qaraxyo ka dhacay magaalada Mandheere oo ku taala soohdinta Soomaaliya, waxaana loola cararay isbitaal goobta ku yaala.
Waxa soo kordhaya amni darida ka taagan xeryaha qoxootiga gobalka NFD tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii hore.
Xeryaha dhadhaab waxa ay hooy u yihiin ku dhawaad 460,000 oo qof , bishii October,labo shaqaalaha hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheen ee MSF oo u dhashay dalka Spain ayaa laga afduubtay xeryahaas kuwaas dableey hubeesan ay la soo aadeen Soomaaliya.
Waa qofkii seddaxaad ee halkaas lagu dilo tan iyo bishii March ee sanadkan sida ay lee yihiin saraakiisha ammaanka xeryahaas.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live