Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Shimbirtii Quruxda Badneyd! W/Q-Ceelaabe

$
0
0

Meelo badan Aduunyada waxa laga sheegaa in Shimbirihii hore loogu Yaqaaney ay ka dabar go,een.Warar iyo Qoraalo badan oo lagaga Hadlayo arimo la xidhiidha Sababaha shimburuhu u hayamaan ama ugu Yaraadeen badi Wadamada aduunka Ayaa soo baxaya.Qaarado badan wey ka gureen shimbirihii beri hore dul hogan Jirey.Dhawaaqii iyo Codkii Shimbiruhuna habeen iyo Maalinba wuu Yaraadey,si aad Shimbir ku aragto ama kaga Fikirtaana Maskaxda kuma soo Dhawaan.Noocyadii badnaa ee Shimbiruhu lahaan Jirey qaar badan oo ka mid ahina wey Dabar go,een.Quruxdii ay Degaanka iyo Dhirta u lahaan Jireena Ma soo Dhawaan.Nabaad guurka iyo Dhirta La jarey ayaana sababi kara in Shimburuhu u duulaan Dhulalka fog,fog ee Keymaha iyo Dhirtu ku badan tahay.

Haad samada duulayaa ma jiro.shimbiro raxan raxan(Flocks of Birds) u wada socdaa sida lagu arkaa wey adag tahay.Shimbiro badan oo geed saaran lama arko,Geedihii badnaa ee  dusha ay uga bixi jireena waxa badalay Fooqaq dhaadheer.haadka samada duuliyo diinkuba u siman……………..bal u fiirso sida ay u sameyso cufka iyo guriga” Birds Nest”geedka laamihiisa ka soo lusha”Dangling”.ma gurigaasi aan dhaceynin,bal gurigaasi sida ay u sameysey daawo,bal beedka u dhex yaala eeg,bal shimbirta yar ee Gurigaasi ku dhex dilaaci doonta daawo.habka loo sameyey,Dugsoonka,Albaabka(Hole) laga galaayo intuba waa Mucjiso u baahan in lagu Cibro qaato.In badan ayaan daawanaayey Dhowr guri oo Shimbiro uga Dhisnaa geed Laamihiisa kala duwan,Ma garan karo in ay Wakhtigan Habeenkii u soo Hoydaan.Ma garan karo in Beed u dhex Yaalo laakiin hab adag oo albaab leh Ayaa shimbirta keeda Labi u dhisey Gurigaasi.Maxay Shimbirtu ku garatay Geedka ay degan tahay.Boqolaal Km inta ay Duusho Miyaaney hadana Geedkii gurigu uga Dhisnaa ku soo Noqon/laabanin.

Maxay shimbirtu ku garatay guriga lagu Xanaaneeyo iyo Dadkii soo Korsaday intaba.Shimbiro badan ayaa barta dadka iyo guriga lagu Heysto,Kuwaasi oo garabka u saaran ama Gacanta ugu Jira.Shimbiro garanaya wakhtiga la qadeeyo,Hambada halka loo Dhigo,Biyaha barta loogu Shubo iyo Galayda halka loogu daadiyo intaba.Bal abuurtaasi ilaahay daawo,Bal Shaqadeeda Daawo,Bal Dareenkeeda u fiirso.Diigi Ciyi jirey ma joogo,Shimbirihii Heesi jirey may soo Dhawaan.Codka Maqalka dhawaaqa Sameecadaha ayaa Badalay.midhadh xamaam ah oo Meelahaasi ka guuxa iyo qooley ayaa ku sii hadhay aragtida  iyo Garashada dadka.

Marka Shimbir Geed saarani ay  Waste kugu soo Daadiso waxa la odhan Jirey Lacag ayaad Heleysaa,Hadaad is qaniintana waa lagu Xamanayaa.Maxaan lacag helaa Shaadhkiiba wasakh baa iga xumeysee.Shimbirihii caanka ahaa iyo kuwii aan la aqoonin intuba Wey dabar go,een.Shinidii badneyd ee Kolba meel ku soo degi Jirtey sidii hore maaha.Shinidu waxa ay Camal ka dhigatay Hudheelada Macaanka badani yaalo iyo Goobaha shaaha lagu cabo.Shimbirihii sida Gal xareeda Dhulka wadhnaan Jirey Ma joogaan.Shimbirihii Beeraha laga Ilaalin Jirey ee Dalaga cuni Jirey Abaaro Ayaa Dhulkii kaga Dhacay.

Xagey u duusha shimbirtaan is lahaa….. Wuxuu ahaa Qoraal hore aan uga soo Qoray Shimbiro meel ka mid ah Guriga aan ku Noolahay Cuf ka sameystey.Shimbiro Habeenkii ila soo Hoyda,Aroortina marka quraacda loo dhigo iga hor duula.Laakiin marar badan aan Qadada guriga iskugu Nimid.Waxa ilaalisa,oo Cunto iyo biyo meel u dhigta Hooyaday.Ma garan karo halka ay u duuleen ama ku danbeeyeen Shimbirihii yar yara ee ku dhex dilaacay Cufkani.Ma shimbirihii igu soo hor koray ayaa ka duulay guriga oo Duulimaad aan soo noqosho laheyn ku maqan.Waan ogahay in Shimbirka lab reero sugayaan oo Hawlihii Nolosha aduunyo uu ku Mashquuley.oo aanu diba u soo Jaleeciin Cufkii lagu soo Koriyey.

Shimbiraha Hayaame,Hadba Cimilada iyo Jawiga Meel u raaca.Shimbiraha Barwaaqada Jecelee Cida iyo Heesaha isku dara.Shimbiraha quruxda iyo Midabka ku kala duwan,Shimbiraha Afka iyo Codka ku kala duwan,Shimbiraha Bada iyo berigaba ku nool,Shimbraha Culeyska iyo Miisaanka ku kala duwan,Shimbiraha Baalasha iyo baalka ku kala duwan,Shimbiraha Dherarka iyo xooga ku kala duwan.Shimbiraha cidiyaha iyo Cagaha ku kala duwan,Shimbiraha luqunta iyo Laabta ku kala duwan.Shimbiraha beedka ku kala duwan.Shimbiraha Lafaha liqa iyo Kuwa Cayayaanka cuna.Shimbiraha afkooda dheer ku qoda Jirida geedaha.Shimbiraha suuqa lagu kala iibsado ee CAGE xaafada loogu xidho.Shimbiraha Caruurta Daawashada looga Dhigo,Beeraha Xayawaankana lagu Dhex beero.Shimbirtii Quruxda Badneyd Xagey u duushay!CUCKOO………Baaqbaaqa dadka Canjila PARROT.
 
 

Ceelaabe


XOG :Al-Shabaab Oo U Digay Saxafiyiinta Ku Sugan Goobaha Ay Maamulaan

$
0
0
image: 
Maamulka Al-Shabaab ee ka arrimaya magaalada Kismaayo ayaa digiin culus u jeediyay suxufiyiinta ka shaqeeya meelaha ay ka arrimiyaan gaar ahaan gobalada Jubooyinka.

Guddoomiyaha Shabaabka u qaabilsan magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay ciddii lagu arko iyagoo la shaqeenaya wasrbaahinta gudaha dalka iyo kuwa dibadda in tallaabo adag laga qaadi doono.
Wariyaal ku sugan Kismaayo oo ay la xiriiray saxaafada, diidana in magacyadooda ay xigato saxaafadda ayaa sheegay in wariyaasha la sheegay in aysan la shaqeen kasrin ama aysan warar u diri karin Idaacadda gudaha iyo kuwa dibadda.
Warkan Al-Shabaab ay soo saareen ayaa sidoo kale laga baahiyay Idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab Andulus ee magaalada Kismaayo.
Inta badan wariyaashii ka shaqeenaayay goobaha Shabaabka ayaa isaga cararay halkaas iyagoo aaday dhinaca dalka Kenya iyo kuwa soo maciinbiday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya halkaas oo ay ka arrimiso dowladda KMG ah.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka lagu waxyeeleeyo saxaafadda oo ilaa lix suxufi ayaa lagu dilay sanadkan, waxana badankood lagu dilay magaalada Muqdisho.

Muxaadaro - Dhaqanka Wanaagsan 1-4 ~ Sheikh Abuukar Xasan Maalin

Muxaadaro - Dhaqanka Wanaagsan 2-4 ~ Sheikh Abuukar Xasan Maalin

Muxaadaro - Dhaqanka Wanaagsan 3-4 ~ Sheikh Abuukar Xasan Maalin

Masar oo sugaysa natiijada Doorashada

$
0
0

Kumanaan Masaari ah ayaa ku hoydey bartamaha magaalada Qaahira, ka hor intaan lagu dhawaaqin natiijada doorashada madaxtinimada ee toddobaadkii hore dhacdey.

M. Mursi oo Noqday Madaxweynaha Masar

$
0
0

Dalka Masar ayaa lagu dhawaaqay in Maxamed Mursi uu noqday Madaxweynaha cusub ee dalka Masar. Mursi ayaa ku guuleystay 51.7%,  halka Axmed Shafiiq oo la tartamayeyna uu helay 48.3%.

Doorashadani ayaa ahayd mid aad u kala qeybisay dad reer Masar.

Natiijada doorashadan ayey ahayd in Khamiistii hore la shaaciyo, hase yeeshee, Guddiga Doorashada ayaa sheegay inuu u baahnaa xilli dheeraad ah oo uu ku baaro khaladaas ay labada murashax sheegeen inay dhaceen—waa murashaxa ururka Ikhwaanul Muslimiinka, Mohamed Mursi iyo RW-hii hore Axmed Shafiiq.

Intii aan natiijada la shaacin, saraakiisha amniga ayaa waddooyinka magaalada Qaahira iyo meelaha kale ee muhiimka ah usoo dejiyey ciidan dheeraad ah.

 

Mursi Madaxaweynaha Masar

$
0
0

Maxamed Mursi ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Masar. Waa war rasmi ah.


Madasha: Nuqulkii u Dambeeyey ee Q-qoraalka Dastuurka

$
0
0

Barnaamijka waxa maanta marti ku ah Ra'iisal Wasaaraha Somalia, Dr. Abdiwali M. Ali oo joogay shirkii u dambeeyey ee magaalada Nairobi, kaas oo lixda saxeexayaasha ah ee Roadmapka Somalia ay ku shireen, kuna saxeexeen nuqulkii u dambeeyey ee qabyo-qoraalka dastuurka.

Guddiga dastuurka oo sheegay in dastuurkii la qoray lagu soo bedelay magaalada Nairobi

$
0
0

Guddiga dastuurka madaxabanaan ee qaabilsan dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka ayaa sheegay in faragelin lagu sameeyay dastuurkii ay diyaariyeen, isla markaasan qodobo kale lagu daray qabyo qoraalka dastuurka, sidaas awgeed ay go’aansadeen inaysan iyagu horgeynin Odayaasha dhaqanka iyo culimada Soomaaliyeed dastuurka ay Xukuumaddu faagelinta ku sameysay.
Guddoomiyaha Guddiga dastuurka madaxa banaan C/laahi Xassan Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in hogaanka dalka uu ku soo wargeliyey in howshii ay ka hayeen dasruurka loo weeciyey Guddi farsamo oo isugu jira wasiirro iyo xubno kale kuwaasi oo lagu soo magcaabay shirkii saxiixayaasha Road map-ku ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Guddoomiyaha waxaa kale oo uu sheegay inaysan waxba kala socon howlaha ay wadaan Guddigaasi, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Howshii ku aadaneyd in dastuuurka loo bandhigo Culimo’udiinka iyo Odayaasha dhaqanka annagu ma horgeynayo, waayo Xukuumadda ayaa qodobo ku dartay dastuurka, sidoo kalena waxaa la sameeyay Guddi sameeya nuqul kale oo dastuur ah oo waxyaabo badan lagu daray, kuwo kalena laga dhimay”. Wuxuuna intaasi ku daray in shirkii ka dhacay Addis Ababa waxyaabihii ay ku dalbadeen ka qeybgalayaashii shirkaasi loo soo gudbiyey ka dibna ay ku dareen qoraalkii ay hayeen, hase ahaatee ay ka warheleen Guddi cusub oo la sameeyay iyo nuqul cusub oo ka bedelan kii ay gacanta ku hayeen.
Sameynta dastuurka cusub ayaa waxaa horay u mucaaraday qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo dadka ka shaqeynaayey samayntiisa ay ku doodaayeen in dastuurkan uu yahay mid sax ah lagana hirgelinaayo dalka ayaa haddana tani waxay tahay markii ugu horaysay oo uu soo shaac baxo khilaaf ka dhex aloosmay dhinacyada ku howlan samaynta dastuurka cusub.

Maamulka Somaliland oo ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuu kala jarayo qaar kamid ah gobolada Soomaaliya

$
0
0

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee maamulka Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland aysan kala maarmeynin, balse loo bahanyahay in talada iyo go’aanka ay ka yimaadaan dadweynaha labada dhinac, gaar ahaan dadweynaha reer Somaliland ayuu sheegay inay yihiin kuwa leh go’aanka ugu dambeeya ee ah inay Soomaaliya mid ahaatabo amaba kala godo.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in dadka siyaasiyiinta ah ee ku sugan deegaanada Somaliland aysan waxba ka bedelin karin mowqifka dadweynaha waqooyi, isla markaasna ay daweynuhu yihiin kuwa iyagu go’aamin kara midnimo Soomaaliya dhexmata ama kala tagto, wuxuuna dhaliil kulul u jeediyey Madaxweynaha maamulka Puntland oo uu ku eedeeyay inuu ka been sheegayo maamulka Somaliland.
“Faroole waxa uu kala qeybinayaa Gaalkacyo oo laba dhinac ah, marka sidee ayuu Somaliland ugu eedayn karaa inay Soomaaliya kala qeybineyso oo  aysan ka goi karin, nin hal gobol kala qeybinaya ayaa leh Somaliland Soomaaliya kama goikarto, arrinkaasi waa wax la iska yiri, sida aad la socotaan Faroole waxa uu sheegay in Puntland iyo Somaliland marka hore ay wadahadlaan, isla markaasna aysan goosasho jiri kareyn oo Soomaali aaney kala maarmi kareyn, haddii aysan Soomaaliya kala maarmi kareyn muxuu Gaalkacyo u kala qeybiyey” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
“Ma ahan dadka Gaalkacyo kala gooyey oo labo u qeybiyey inay Somaliland dhaliilaan oo ay yiraahdaan Soomaaliya kama go’ikaraan, arinkaasina waa iska riyo maalmeed” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo rajo wanaagsan ka muujiyey wadahaladii London ku dhexmaray dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo uu sheegay inay fursad u tahay Somaliland.

Ciidamadda Amisom oo laga saaray dhul ay horey uga qabsadeenXoogaga Shabaab

$
0
0

Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxaa dib looga soo qabsaday dhul ballaaran oo ay horey uga saareyn Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, iyadoo xilligaan dhulkaasi uu gacanta uu ugu jiro Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo Jimcihii la-wareegay Dekada Macmalka ah ee Ceel Macaan, ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay dib ula wareegay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Amisom iyo kuwa Dowladda ayaa waxay iskaga soo baxeyn Ceel Macaan, kadib markii ay goobtaasi ku soo dhawaadeen boqolaal ciidamo ah oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, oo isaga kala yimid qeybo ka mid ah Gobolada Dhexe.
Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom oo u muuqday in goobtaasi looga tiro batay ayaa waxay taasi keentay inay iskaga soo baxaan, waxaana xalay Ceel Macaan ku hoyday Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo kulamo kula qaatay dadka Deegaanka.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba Kutukade), oo Saxaafadda la-hadlay ayaa wuxuu ku faanay in Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom ay baqdin uga soo baxeyn Deegaanka Ceel Macaan, markii ay arkeyn buu yiri Ciidamadda Mujaahidiinta oo wata Calanka Raayada Tawxiidka.
Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran ay ka wadaan Deegaanka Ceel Macaan, halkaasoo ay ka sameysteen dhufeyso ballaaran, oo ay ku doonayaan inay ku difaacdaan.

Maxaad ka ogtahay Burundi?

$
0
0

Burundi waxaa soo marey dagaallo, lakin maanta waxay haysaa wadada nabadda. Weriyaha BBC Maxamud Cali ayaa tegey magaalda Bugarama, oo xudun u aheyd dagaalkii sokeeye, waxaa uu leeyahay maagaladani ayaa astaan u ah sida uu isu badeley dalkaasi

Sheikh Abkuukar Xasan Maalin ~ Tusbaxa iyo Diinta islaamka 1-5

Sheikh Abkuukar Xasan Maalin ~ Tusbaxa iyo Diinta islaamka 2-5


Sheikh Abkuukar Xasan Maalin ~ Tusbaxa iyo Diinta islaamka 4-5

Barnaamij Gaar ah: Xiriirka Somalia iyo Masar

$
0
0

Waa barnaamij gaar ah oo ka hadlaya xiriirka saddex geesoodka ah ee Somalia, Masar, iyo Ethiopia iyo khilaafka wabiga Nile iyo xuduudaha.

Barnaamijka waxa uu eegayaa madaxweynaha cusub ee Masar, Maxamed Mursi iyo siyaasadihiisa ku aaddan Somalia iyo Ethiopia iyo sida ay talaabadaasi Somalia u saameyn doonto.

Muran ka Dhashay Qabyo-qoraalka Dastuurka

$
0
0

Qorshaha qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya loo diyaarinayo ayaa waxaa soo wajahaday marxalad cakiran kaddib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Wasaaradda Dastuurka iyo guddiga madaxa banaan ee diyaarinta dastuurka.

Guddiga madaxa banaan ayaa sheegay in nuqulka cusub ee dastuurka ee Jimchii ay saxiixeen madaxda Soomaalidu uu ka duwan yahah kii ay horey u diyaariyeen, sidaasi darteedna aysan suurtagal u ahayn in guddigu uu nuqulkaasi u gudbiyo ergada ansixin doonta. Cabdilaahi Xasan Jaamac, guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee diyaarinta dastuurka ayaa VOA-da uga warramay go’aanka guddigiisu gaaray.

Dhinaca kale, Wasiirka Dastuurka ee Dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa difaacay nuqulka cusub ee madaxdu saxiixeen, wuxuuna sheegay in nuqulkani aan waxba laga baddali karin loona gudbin doono golaha ansixinta.

Cabdiraxmaan Xoosh, wuxuu guddiga madaxa banaan ee dastuurka ku eedeeyay inay doonayaan inay isbaaro u dhigtaan qorshaha dastuuka, wuxuuna xusay in guddigu shaqadiisii dhamaatay isla markaana aysan faraha la soo gali karin howlaha dastuurka.

Khilaafkan cusub ee u dhaxeeya Wasaaradda Dastuurka iyo guddiga madaxa banaan ee dastuurka ayaan ku soo beegmaya iyadoo waxka yar 3 toddobaad uu ka harsan yahay shirweynaha lagu ansixin doono dastuurka. Ilaa haatan lama oga saameynta uu khilaafkani ku yeelan karo qorshaha ansixinta dastuurka, hasse yeeshee dadka qaarkood ayaa qaba inay noqon karto caqabad hor leh oo soo wajahda qabyo-qoraalka dastuurka oo ay awalba ay ku jiraan qodobo badan oo dadka dhexdooda fikrado ay ka qabaan.

Wareysiyo arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

Saraakiil ka baxsaday Suuriya

$
0
0

Saraakiil 30 kor u dhaaftay oo General ku jiro ayaa Suuriya ka baxsaday oo u galay Turkiga.

Ciidamada XDS oo la wareegay xeradii Hiilweyne kuna sii siqaya Balcad

$
0
0

Ciidamada qalabka sida ayaa saaka la wareegay gacan ku heynta xeradii ciidamada ee Hiilweyne iyo xaruntii Tangiyada gobolka shabeelada dhexe iyadoo ay ciidamadu ku sii siqayaan gudaha degmada Balcad.
Howlgal ay ciidamada XDS iyo kuwa Amisom saaka ka sameeyeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabeelaha dhexe ayeey kula wareegeen xeradii tababarka ciidamada XDS ee Hiilweyne iyo xaruntii Taanguyada iyadoo ciidamadu ay haatan ku sii siqayaan degmada Balcad ee gobolkaasi.
Gen. C/llaahi  Cali Caanood oo ah taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalka saaka uu ku wajahanyahay degmada Balcad oo uu sheegay in ay isla maantaba la wareegidoonaan,  isagoo intaa ku daray in aysan jirin iska cabin weyn oo ay sameeynayaan maleeshiyaadka kooxda argagixisada ah ee Shabaab.
“Ciidamadu waxa ay hadda kaabiga ku hayaan degmada Balcad qorshuhuna waxa uu yahay in ay la wareegaan  gacan ku heynta degmadaasi iyadoo howlgalku u socdo si taxadar leh si loo yareeyo qasaaraha soo gaari kara shacabka degmadaasi” ayuu yiri Gen. Caanood.
Dhinaca kale ciidamada XDS iyo kuwa Amisom waxa ay shalay la wareegeen deegaanka Owdeegle ee gobolka Shabeellaha hoose iyadoo howlgalka xooggiisa ay ciidamadu ka wadaan labada Shabeelle.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live