Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Beledweyne: Kulamo Amniga Looga Hadlayo oo ka Socda iyo Dadweynaha oo Ka Cabanaya Dhac iyo Dil Baahsan

$
0
0

image: 

Beledweyne (RBC) Kulamo amaanka magaalada Beledweyne looga arinsanayo ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo mudo ka badan shan bilood ay gacanta ku hayaan ciidamada Ethiopia iyo maleeshiyaadka maamulka DKMG ah u magacawday.
Nabadoon Aadam Niuur oo  ka mid ah odayaasha Beledweyne oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in kulamada amniga ay dalbadeen dadka deegaanka oo isugu jira ganacsatada, odayaasha iyo culimada kadib markii amaandarrida ka taagan Beledweyne ay noqotay mid baahsan oo faraha ka sii baxaysa.
Odayaasha kulanka ka codsaday maamulka magaalada waxay sheegeen in habeen iyo maalinba maleeshiyada maamulka ay dadka dhac iyo dilba u geystaan isla markaana xaalada ay hadda u eg tahay mid faraha ka sii baxaysa sidaasi darteedna looga baahan yahay masuuliyiinta inay xal keenaan.
Gudoomiyaha maamulka magaalada Beledweyne Sheekh Cismaan Barre ayaa isaguna sheegay inay soo gaartay cabashada odayaasha Beledweyne isla markaana kulamada maalmahan ka socda magaalada ay ku saabsanyihiin si si wadajir ah wax looga qaban lahaaxaalada amni ee laga deyriyey ee magaalada ka jirta.
Sheejh Cismaan wuxuu walaac ka muujiyey maleeshiyaadka qabiil ee magaalada ku sugan kuwaasoo iyagoo hubeysan magaalada dhex socda ayna suurtagal tahay in wax kasta rayidka u geystaan.
Kulamadan xiriirka ah ee looga hadlayo amaanka magaalada Beledweyne ayaa yimid kadib markii saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay magaalada Beledweyne xaafado ku yaalla ay ka dheceen fa;lal dad lagu boobay iyo dhalinyaro lagu dilay kuwaasoo ay geysteen maleeshiyada maamulka ee ku sugan magaalada.
Wararka deegaanka laga helayo ayaa sidoo kale sheegaya in kulamada amniga ku saabsan ay ka soo qeybgaleen saraakiisha ciidanka Ethiopia ee jooga magaalada.
Ciidamada Ethiopianka ayaa toogtay toddobaadkii hore saddex ka tirsan ciidamada maamulka Beledweyne kadib markii ay israsaaseeyeen magaalada dhexdeeda.
 
 
RBC Radio


Ra’isul wasaare C/weli Gaas iyo wafdi wasiiro ah oo gaaray magaalada Kambaala ee ugandha

$
0
0

Kambala-hobyonet)Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha xukuumada KMG C/weli maxamed Cali ayaa waxaa ay gareen magaalada Kambala ee xarunta dalkaasi Ugandha,halkaasi oo ay shalay u ambabaxeen.
Wafdiga Ra;isul wasaaraha ayaa la sheegay inay inta ay joogan Kambala kulamo la yeelan doonaan madaxda ugu sareysa ee dalka Ugandha gaar ahaan madaxweyne Yoweri Museveni.
Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka hor inta aaney kasoo duulin garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa uu saxaafadda u sheegay in halkaasi waa dalka Ugandha uu u tegi doono ka hadalka xiriirka labada wadan ee iminka xiriir wanaagsan leh iyo sidii loo xoojin lahaa.
Ugandha ayaa hormuud u ah howlgalka nabad iaalinta ee AMISOM iyadoo ciidamada ugu faraha badan ee ka socda qaaradda usoo dirtey dalka Soomaaliya,kuwaasi oo dagaalo ay kula jiraan xarakada al-shabaab ku garabsiinaya DKMG oo awoodeedii sidaasi u buurneyn.
 
www.hobyonet.com

FAHANKA QALDAN EE ISLAAMKA MUXAADARO SH QUDHUBI

Jabuuti oo ciidamo dheeraad ah usoo direysa Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha jabuuti mudane ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku dhawaaqay in ciidamo dheeraad ah uu usoo dirayo Soomaaliya kuwaas oo ku biiraya ciidamada Amisom ee ka howlgala gudaha dalkeenna Soomaaliya.
Mudane Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa hadalkan ka sheegay munaasabaddii xuska maalinta xorriyadda oo shalay dalkaasi laga xusay.
“ ciidamo dheeraad ah ayaan u direeynaa Soomaaliya kuwaas oo saraakiishii hoggaamineysay ay nala joogaan munaasabaddan,  waxaana ciidamadan lagu magacaabaa Hiil oo waxey u hiilinayaan walaalohooda Soomaaliyeed, cadowga ayeeyna ka celinayaan, ciidamadanna waxeey ku biiridoonaan ciidamadii ay jabuuti hore ugu dirtay Soomaaliya kuwaas oo ka mid ah Amisom” ayuu yiri madaxweyne Geelle oo hadalkan ka jeediyay munaasabdii xuska maalinta xorriyadda oo shalay ka dhacday dalkaasi.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa hore uga joogay Soomaaliya ilaa Sideed Boqol oo Askari kuwaas oo haatan ka howlgala Muqdisho iyo gobolka Hiiraan.

Xulka Spain Oo Soo Gaaray Ciyaarta Finalka Tartanka Yurub 2012-ka [Warbixin & Sawsirro]

$
0
0

image: 

Ukrain (RBC) Kooxda Spian ayaa xaley gool ku laad ku dubatay kooxda Portugal oo ka mid ahaa kooxaha loo saadalinaayay sanadkan in ay ku guuleetaan koobka tartamada Yurub ee ka socda dalalka Polan iyo Ukarin.
Kooxda Spain ayaa soo bandhigay ciyaar aad loo jecleestay, oo ah ciyaaraha lagu yaqaan, taas oo qalqal badan ku abuurtay difaacyada iyo goolhayaha kooxda Portugal, laakin kooxda Portugal ma ahayn koox dab yar shideesa waayo, waxa u ciyaara ciyaartahano bar yaqaan kooxda Spian oo ay isku koox ama koobka Spain ee Laliga ka wada ciyaaran.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Donbass Arena ee dalka Ukrian ayaa labada koox waxa ay qeybtii koobaad soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleestay, taas oo labada dhinac ay iska beerdareeyeen fursado goolal loo fishay.
Si kastaba, Kooxda Portugal oo markii hore dar-dar ku soo gashay garoonka ayaa si fiicasn loo dasrsay, taas oo keentay kooxda Spian in ay la ciyaaraan kubad gaagaaban, oo jahwareer ku riday xidiggahaha Portugal.
Ciyaartii xaley waxa ka qeybgalay 48,000 oo qof, waxa kaloo jiray malaayin shaashadaha dunidda kala socday bal cida ka soo gudbi karta wareega Semifinals-ka tartanka Yurub 2012-ka oo sanadkan xiiso iyo xamaasad wata.
Xitaa waxa la arkayay garsoorihii ciyaarta Cüneyt Cakir oo u dashay dalka Turkey oo mararka qaar la dhacay ciyaarta ay soo bandhigeen labada Team, ciyaarta sidaas ayaa 90-ka daqiiqo ay ku dhamaatay 0 iyo 0.
Waxa lagu daray si lookal saaro 30-diaqiiqo oo dheeri ah, laakin 120-daqiiqo oo la ciyaaray waxa ay ku dhamaatay 0 iyo 0, sidaas waxa loo dhigay rigoorooyin ama gool ku laad.
          Siddee loo tuuray gool kulaadyada ama penalty-ga
Gool ku laadyada ama penalty-ga waxa ku hormaray kooxda Portugal waxa u tuuray ciyaaryahan Pepe waa uu dhaliyay, waa dhinaca Spian u tuuray Xavi Alonso isana waa uu dhaliyay.
Nani ayaa dhinaca Portugal u tuuray waana uu dhaliyay, dhinaca Spian waxa u gamay Gerad Piqué isana waa uu dhaliyay sidaas [2 iyo 2] goolkii seddaax waxa ka khasaariyay kooxda Portugal Alves, halka kii seddaxaad uu u dhaliyay Spian Sergio Ramos, waxa ay aakhirkii ku dhamaatay 2 iyo 4 rigoorooyin oo ay ku badisay kooxda Spian, sidaasna ay u imid ciyaarta kama dambeesta koobka Yurub oo ka dhacaya magaalada Kyev ee xarunta dalka Ukrain July 1.
Sidoo kale waxa caawa jirtya ciyaar adag oo dhexmareysa xulalka German iyo Italy, waxana ciyaartan ka dhaceysaa garoonka National Stadium, ee ku yaala magaalada Warsaw ee xarunta dalka Poland, waxana dhexdhexaadinaya garsoore u dhashay dalka France oo lagu magacaabo Stéphane Lannoy
 



RBC Radio
============
Xafiiska Wararka Ciyaaraha Bariga Africa
 

AMISOM: Hub iyo dagaalyahanno ayaan ku qabanay howlgalkii Balcad

$
0
0

Muqdisho:  (Sh. M. Network)   Taliyaha Ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya Paul Lokich oo ka warbixinayay la wareegitankii Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ee degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxa uu sheegay in hub badan ay ka furteen Xarakada Al Shabaab oo ay kala wareegeen degmadaasi.
Paul Lokich ayaa tibaaxay in howlgalkaasi uu u dhacay sidii loogu talagalay islamarkaana ay Ciidamada AMISOM gacanta kusoo dhigeen agab kala duwan oo Militari sida uu hadalka u dhigay.
“Waxan ka qabsanay Al Shabaab 32-fooneeye oo ah kuwa Ciidamada lagu hago, 35-Bambaanooyin 25, gantaal ah nuuca garabka laga rido, 36-illaa 24 oo ah agabka lagu qaado Rasaasta, 2800 oo rasaas ah iyo agab kale oo Militari oo aad u badan” sidaasi waxa yiri Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya Paul Lokich.
Warbixintaani oo uu daabacay Wargeyska kasoo baxa dalka Uganda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada dalka Uganda ay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen siddax ruux oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay Magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe. 
Ugu dambeyn Paul Lokich ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaani uu yahay mid muhiim u ah ammaanka dalka Soomaaliya islamarkaana lagu baahin doono gobolada kale oo ay Maamulaan Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya.
 

Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo doonaayay inay dhibaato ka abuuraan Degmada Balcad oo gacanta lagu dhigay

$
0
0

image: 

Waxaa wax lala-yaabo noqotay markii Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu qabtay rag ka tirsan Ahlu Sunna Gobolada Dhexe, oo abuuraayay fal lid ku ah ammaanka Degmada Balcad.
Waxaa shalay galab Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu arkay gaari tikniko ah oo si xowli leh ugu dhex soconaaya, isla-markaana gaariga ayaa wuxuu jiiray haweeney markaasi mareysay laamiga, iyadoo xaaladda haweeneydaasi ay tahay mid liidata.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan dambiila-yaasha, isla-markaana gaarigii gaarigaasi watay ayaa waxaa tiradoodu lagu sheegay ilaa 11 nin, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda.
Markii raggaan wareysi lala-yeeshay ayaa waxay sheegeen inay ka tirsan yihiin Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, waxayna taasi keentay arin cakiran oo soo kala dhex gaashay Dowladda iyo Ahlu Sunna, balse Dowladda ayaa waxay ku goodisay inay raggaasi Maxkamad soo taaggi doonto.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Jiinow Calasow, oo Warbaahinta Magaalada Muqdisho la-hadlay ayaa wuxuu sheegay in raggaasi iyagoo aan ka tirsaneyn Al Shabaab, ay doonayeen inay dhibaato ka geystaan buu yiri Degamda Balcad.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu ku hanjabay in raggaasi ay soo taaggi doonaan Sharciga, ayna ku qaadi doonaan Sharciga waxa uu ka qabo dambiga ay galeen, maadaama uu sheegay inay fal qal-qal leh ay ka wadeen Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Turkiga oo ciidammadiisa dhaqaajiyay

$
0
0

Turkiga ayaa xoojiyay ciidanka u fadhiya soohdinta uu la leeyahay Suuriya.


Sheekh Shariif iyo Siilaanyo oo Kulmay

$
0
0

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha DKMG, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd kulan ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka Emirate-ka.

Kulan oo ay marti-galisay dowladda Emirate-ka ayaa wuxuu daba socdaa shirarkii London iyo Istanbul iyo waliba kulankii toddobaadkii hore magaalada London ku dhexmaray ergooyin ka kala socda DKMG iyo Somaliland.

Ujeedada kulankan ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii ay labada dhinac u taageeri lahaayeen hannaanka geeddi-socodka wadahadallada labada dhinac ee bilowday toddobaadkii hore.

Labada mas’uul waxay ku heshiiyeen inay wadahadallo sii socdaan in guddiga labada dhinac loo ogolaado inay sii wadaan wadahadal si loo caddeeyo xiriirka mustaqbal ee labada dhinac dhexmari kara.

Imaraadka oo balan qaaday lacago lagula dagaalamo burcad badeeda somalida

$
0
0

Dowladda Isku taga Imaaraadka Carabta ayaa ugu deeqday dowladda KMG Soomaaliya lacag gaareysa 1-milyan oo doolarka Maraykanka ah, taasi oo ay kaga goleedahay in lagu dar-dar galiyo la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida, islamarkaaana kor loogu qaado tayeynta ciidamada Badda Soomaaliya. 
Sheekh C/llahi Bin Zayid Alnahyan oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaradka Carabata oo ka hadlayay deeqdaasi la cageed ee Soomaaliya la siiyay ayaa sheegay in qatarta burcad badeeda ay sameyn ku leedahay dhamaan aduunka sidaasi darteedna loo baahanyahay in laga hortago. 
Dhinaca kale Axmed Bin Saliim oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Badda Imaaraadka oo isna ka hadlay kulankii looga hadalayay buracad badeeda ee ka dhacay Magaalada Dubai ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in burcad badeeda ay haatan u afduubanyihiin maraakiib badan iyo la heystaal gaaraya ilaa iyo 200-qof, kuwaasi oo loo baahanyahay in laga shaqeeyo sidii looga soo furan lahaa kooxahaasi. 
Burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay in sanadkan weeraradoodu ay hoos u dhaceen 28% marka loo eego sanadkii 2011-kii oo in ka badan boqo weerar ay ku qaadeen Maraakiibta istic maasha xeebaha Soomaaliya iyo biyaha Caalamiga ah.

Qarax iyo dagaalo ka dhacay Sh/dhexe oo dowlada oo ka warbixisay

$
0
0

Maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qarax iyo dagaalo ka dhacay Magaalada Balcad iyo Tuulooyin hoostaga. 
Guddomiyaha gobolka Sh/dhexe ee dowladda KMG Soomaaliya Cabdi Jiinoow Calasow oo la hadlay Shabakada Warabaahinta Shabelle ayaa waxa uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qarax miino oo lala eegtay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Balcad iyo iska hor imaadyo kala duwan oo ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ku dhaxmaray deegaano hoostaga degamadaasi. 
Cabdi Jiinoow Calasow ayaa waxaa uu sheeagay in shalay gelinkii danbe ay Ururka Al Shabaab qarax miino la eegteen Ciidamada dowladda ee ku sgan degamada Balacad ee gobolka Sh/dhexe, hase ahaatee wax qaasaro ah uu san u geysan ciidamada dowladda sida uu hadalka u dhigay, laakiin dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in uu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada dowladda ee qaraxa lala eegtay. 
Guddomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa sidoo kale ka hadlay iska hor imaadyo kala duwan oo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ku dhaxmaray, Hareeri-Caadle iyo Garas-Bintoow oo ah Tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, waxaana uu sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen 4-dagaal yahan oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab. 
Cabdi Jiinoow Calasow Guddomiyaha gobolka Sh/dhexe ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa tibaaxay in goobihii laga saaray Ururka Al Shabaab ee degmada Balacad aan baaritaano buuxa lagu sameeyn sida uu hadalka u dhigay. 
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee kusgan degamada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ay sheegeen in ay ka hortageen qaraxyo  Al Shabaab ay ku aaseen guriyo ku yaala degamadaasi.

Sh. Shariif oo mar Labaad maanta la kulmaya madaxda Somaliland

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in maanta uu kulan Labaad la qaato Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.
Kulanta madaxda ayaa la filayaa in mar Labaad uu maanta ka dhaco Hotelka uu Madaxweyne Sheekh Shariif  ka degganyahay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Mas’uuliyiinta Labada dhinaca ayaa ka wadahadli doona arrimo ku saabsan qaddiyada Soomaaliweyn iyo sidii  loo xallin lahaa mushaakilaadka jira, waxaana wadahadalladan soo dhaweeyay ummadda Soomaaliyeed oo u arka isu soo dhawaasho dhex martay Soomaaliweyn.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii madaxda Soomaaliyeed ay wadahadallo ku yeesheen Hotelka madaxweyne Shariif uu ka degganyahay magaalada Dubai,  iyagoo soo saaray war murtiyeed ay ku xusnaayeen qodobbo muhiin ah oo ay ka mid ahaayeen in la sii wado wadahadallada labada dhinac.

KENYA: Big money in little Mogadishu

$
0
0

NAIROBI — On a visit to a bank in Eastleigh, a Nairobi neighbourhood, Richard Etemesi was taken aback by the appearance of a customer. “He had dollars all over his body – in his socks, his belt; he was just piling out cash, half undressed in the branch manager’s office,” says the chief executive of Kenya’s Standard Chartered bank.
Such are the informal and unexpectedly wealthy ways of Eastleigh, a dishevelled neighbourhood built on trade, tax evasion, smuggling and regional connections. It is home to a number of Kenya’s unofficial bank balances generated by traders whose cash is stuffed under flowing robes. Since the political collapse of neighbouring Somalia more than 20 years ago, traders from that country have made their second home in what was once an Asian residential estate. So strong is their trading network that this area in the heart of the Kenyan capital is better known as “Little Mogadishu”.
It hardly looks wealthy. Women in long veils pick their way through rutted roads filled with rubbish and hawkers. Street sellers guard bags of charcoal piled up in the mud, and containers double as high-end shop fronts offering smuggled goods. But despite the puddles and the rubbish, bankers joke that Kenya’s currency rates are not determined until Eastleigh turns in its daily numbers.
Hassan Guleid, chairman of the Eastleigh Business District Association, says the neighbourhood turns over more than $100m a month. “The whole Somali economy washes out in Eastleigh,” adds Etemesi, who is also chairman of the Kenya Bankers Association.
The success is down not only to illegal practices, but a different notion of wealth. Somali businessmen have no truck with costly showrooms or expensive credit, often plumping for scale over profit margins.
“Somalis are business-minded people,” says Abdi Wali Abdullahi, a former army captain who entered Kenya as a refugee in 1991. Now 50, he imports spaghetti from Turkey and Dubai, and sugar from Mombasa, storing everything in a big warehouse in Eastleigh. “We get a lot of facilities. Since I came here, I got education for my children. We are working, have our businesses here,” says Abdullahi. “It’s free of charge in Somalia,” he adds in a nod to the informal business environment that makes imports cheap. “We pay no taxes or customs.”
The regional trading hub does not just attract Somalis; buyers come from as far as Burundi and Rwanda for clothes and electronics. “You can get anything you want here,” says Paul Kioko, a non-Somali Kenyan who works in the area. “Eastleigh is like the headquarters of east and central Africa as well as the headquarters of the Somali people.”
Along downtrodden streets, low-rise shopping malls named Emirates, Bangkok and Hong Kong are testament to far-flung trading partners. Shiny new hotels filled with chandeliers and restaurants selling fancy cakes display the time in Dubai, Beijing and London. “Eastleigh is at the centre of a network of trade that connects the Arabian peninsula, Somalia, Kenya and east and central Africa, with the Somali business community as the common thread,” said Farah Abdulsamed, an analyst at Chatham House, the UK think-tank, in a report last year.
Goods are flown tax-free from Dubai via Eldoret in western Kenya and trucked to Eastleigh, or imported by sea to Mombasa or Somali ports and trucked onwards. Such is the intoxicating mix of formal and informal, that despite the area’s reputation for smuggling and tax evasion, Standard Chartered has never received a counterfeit banknote at its Eastleigh branch. “It’s a bit of the Wild West. You’d expect there to be some fraud [or] robbery, but strangely enough, no,” says Etemesi.
Business in Eastleigh operates on the hawala system of money transfer. Built on total trust and fear of reprisals, Somalis abroad entrust their money to agents, whose corresponding agents – often family members – pay in the cash at the other end, believing they will be repaid in cash or goods at some point in the future.
“Somalis have a very different code in terms of how they run business – a handshake means a lot more than a signed piece of paper: ‘I need to trust you and know the clan that you come from, because if you screw me or shaft me, I know where to find you; the clan will know where to find you,’” says Etemesi, adding that his first Eastleigh branch failed until they replaced the bank manager with a Somali.
Standard Chartered is just one of several international banks whose shiny facades clash with the detritus around them. Edward George, head of soft commodities research at Ecobank, a pan-African bank, says so far banks have only had a tiny share of Eastleigh’s business but are eager to grab a larger and more formal slice. The neighbourhood is thought to reach $3m a day in black market currency trades alone. George says Somali traders also dominate soft commodity movements throughout the region, in everything from rice to sugar and flour.
“Most of this trade takes place off the radar, using a complex web of hawala lenders, local traders and businessmen. They operate in cash, outside the global banking system, channelling goods into east Africa and beyond,” says George. “Given the sheer volume of goods passing through Eastleigh, it is natural that commercial banks want to get involved in what is a very lucrative trade.”
The area has plenty of money to play with. Somalia receives more than $1bn a year in remittances, which have helped transform Eastleigh’s economy. In addition, a proportion of piracy ransoms, worth up to $400m a year, has provided seed money for transport start-ups, says Guleid. A property boom paid for by laundered money has also boosted prices.
The area’s reputation as a Somali enclave has led to problems, not least because of historic suspicion between ethnic Somalis and other Kenyans.
“There’s a deeply rooted Kenyan problem that … stigmatises the Somali as separatist and not part of the national story,” says David Anderson, professor at Oxford university’s African Studies Centre, who is researching Eastleigh. The mutual enmity dates back to a long-running war against Kenyan Somali secessionists that began in the 1960s. Despite recent efforts to suppress census results, it was eventually revealed that, since 1989, the number of ethnic Somali Kenyans has risen dramatically, to 2.3m. “They are easily demonised as a threat to Kenyan identity and stability, and perceived to have business practices that are discreet and exclusionary,” he says.
Kenya’s unprecedented invasion of Somalia last year, alongside a series of grenade attacks in Kenya linked to supporters of al-Shabaab, the militant Somali Islamist group, has raised tensions further. Kenya’s assistant minister of internal security, Orwa Ojode, said last year that al-Shabaab had its tail in Somalia and its head in Eastleigh, promising “the mother of all operations” against the area. “We will kill those who stay in Eastleigh, those al-Shabaab,” said one man, speaking after a grenade attack in downtown Nairobi earlier this year. “They’re all the same. As long as they are not citizens, they should be ferried back.”
Guleid says Nairobi is “extremely vital” for al-Shabaab, and warns against heavy-handed tactics that fuel xenophobia. “If Eastleigh goes out of control, if they’re intimidated, if you push them to the wall, that will be good fodder for al-Shabaab,” he says.
Human Rights Watch says police round-ups and extortion of money from those who cannot produce Kenyan identity cards have long been a regular feature of Eastleigh life. Mohamed Amin, 21, is one of many Somali refugees who fled home and made his way here without legal papers. “We can’t leave Eastleigh at night. The police ask for ID so it is so difficult for us,” says Amin, who arrived in 2000 and today earns 40 cents an hour selling TVs and mobile phones in a small kiosk.
Yet Kenya’s high Somali population may also keep it safe, forcing al-Shabaab to look elsewhere rather than risk any harm to Somalia’s financial hub. And while Kenya’s parliamentarians complain a shirt in Eastleigh sells for far less than downtown Nairobi, thanks to tax evasion, economic gain helps overcome long-term enmity.
“Just about everything the Kenyans say about Eastleigh is wrong. Alongside the Somali money that undoubtedly does go into Eastleigh, there’s much more Kikuyu [the most populous Kenyan ethnic group] money as well,” says Prof Anderson.
Standard Chartered’s Etemesi argues Eastleigh’s property boom and thriving economy may be fleeting – a store of value for Somalis who one day want to return home as the failed state begins to put itself back together. “They’re not going to put their cash in Mogadishu for now, they certainly can’t put it in the west, and it’s just too complicated because of money laundering laws to put the money in a bank. So they buy or put up property, but it’s not because they want to own it,” says Etemesi.
Already diaspora Somalis are going back, following military gains against al-Shabaab over the past year. “If things ever come right in Somalia, we’ll see a lot more business shift. When the time comes, they’ll flog everything and take their cash back to Mogadishu,” Etemesi says. For now, though, Eastleigh’s boom days are far from numbered.
FT
June 29, 2012

Madaxweynaha maamul goboleedkla puntland oo ka soo hor jeestay kulankii Shariif iyo Siilaanyo waa maxay sababtu?

$
0
0

Dubai:  (SONNA) Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in wadahadaladii dhexmaray Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland aysan wax dan ah ugu jirin Umada Soomaaliyeed. 
C/ramaan Sheekh Max’ed Faroole Madxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo la hadlay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in wadahadaladii ay ku yeesheen dalka Isku taga Imaaraadka Carabta Shariif iyo Siilaanyo uu yahay mid iyaga u gaar ah, islamarkaana aanu wax dan ah ugu jirin Umada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay. 
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo hadlkiisa siiwata ayaa waxa uu tilmaamay in markii ay ka qeybgaleen kulankii saxiixayaasha Roadmap-ka ee ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu u sheegay in Imaaraadka Carabta ay ku kulmidoonaan Madxweynaha Somaliland Siilaanyo, hase ahaatee waxyaabihii uu u sheegay in ay kawada hadlidoonaa arrimo ka duwan looga hadalay kulankan labada Mas’uul ay yeesheen. 
Faroole waxa uu ugu danbeen sheegay in waxii ay kawada hadleen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ay yihiin kuwa aan u cuntamin sida uu dalka u dhigay Shacabka Soomaaliyeed.

Faah faahin dheeraad ah ah oo ka soo baxeysa kulankii Shariif iyo Siilaanyo iyo shaki laga muujiyey in labadoodu si gooni ah ku kulmeen

$
0
0

Kaddib kulan ay ku yeesheen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo Magaalada Dubai ee dalka Isku taga Imaaradka Carbta ayaa waxa ka soo baxaya faah faahin dheeri ah qodobadii ay ku heshiiyeen labada Mas’uul. 
Shariif Sheekh Axmed iyo Siilaanyo ayaa isku raaceen in ay iska kaashadaan la dagaalanka burcad badeeda, Argagixisada iyo sidoo kale in la dar dargaliyo wadahadalada labada dhinac u dhaxeeya, xitaa hadii uu dhamaado waqtiga dowladda KMG Soomaaliya ee hada jirta. 
Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo ku wehliya safarka Madaxweyne Shariif uu ku joogo dalka Iskutaga Imaaradka Carabta ayaa warbaahinta u sheegay in kulan muhiim ah ay wada qaateen Madaxweyne Shariif iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mr Siilaanyo, islamarkaana ay kawada hadleen sida uu hadalka u dhigay sidii loo sii dar dar galin lahaa wadahadalada u bilaawaday Soomaaliya iyo Somaliland. 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Max’ed C/llahi Cumar oo isna la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da  ayaa sheegay in labada Mas’uul ay kawada hadleen sidoo kale dar dargalinta wadahadalada labada dhinac u dhaxeeya in wada shaqeyn ay ka yeeshaan la dagaalanka Argagixisada iyo burcad badeeda. 
Madaxweyne Shariif iyo Siilaanyo kulanka ay yeesheen kuma soo qaadin gooni isutaaga Maamulka Somaliland, hase ahaatee waa markii ugu horeysay 1991-dii ilaa iyo iminka oo ay is arkaan Mas’uuliyiin kala mataleysa dowladda KMG Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.


Dibadbax lagu taageerayo kulankii madaxda soomalida ee Imaaraadka oo lagu wado inuu ka dhaco muqidho.

$
0
0

Waxa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka dhaco dibad-bax lagu taageerayo kulankii shaley ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka isku tagga imaaradka carabta Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamamuu Siilaanyo.

Qaban-qaabada bannaanbaxa ayaa waxa uu hadda ka socdaa Garoonka Banaadir Stadium ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, waxaana dibad baxan soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.
Waxa jidadka soo gala gasroonka Koonis hadda ku soo qulqulaya sida uu soo sheegayo wariye ka tirsan RBC Radio dad wata calanka Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo ku faraxsan in ay lamabada madaxweyne ay kulmaan.
Sidoo kale waxa lagu wadaa in bannaanbaxan ay ka qeybgalaan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha 16-ka degmo iyo shacabka ku nool caasimadda Muqdisho
Ammaanka goobaha bannaanbaxa uu ka dhacayo ee garoonka Banaadir Stadium ayaa la adkeeyay, waxaana jira ciidamo badan oo halkaas la soo dhoobay.
Sidoo kale waxa la filayaa in ay halkaas tagaan masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah Soomaaliya, kuwaas oo hadalo halkaas ka soo jeedin doona.
Wixii ku soo kordha warkan markasta kala soco Raxanreeb.com sidoo kale sawirro ayaan idiin soo gudbin doonaa marka uu bilowdo.

Dil iyo af duub Dhadhaab ka dhacay

$
0
0

Qof ayaa la dilay midna waa la afduuby xerada Qaxootiga ee Dhadhaab

Samafalayaal lagu Afduubtay Dhadhaab

$
0
0

Dabley hubeysan ayaa xerada IFO II ee Dhadhaab waxay maanta ku afduubteen afar shaqaalaha gar-gaarka oo u dhashay dalka Norway kuwaasoo u shaqeynayay hay'adda NRC.

Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay darawalkii shaqaalahan oo u dhashay dalka Kenya.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa xilliyadan danbe waxaa ku soo badanaya amni-xumo baahsan oo saameyn ku yeelatay qaxootiga iyo waliba shaqaalaha gar-gaarka ee u dadkaasi caawiya.

Bishii October ee sannadkii hore ayaa laba haween ah oo samafalayaal ah una dhashay Spain laga afduubtay xeryahaasi, iyadoo aan la ogeyn ilaa wakhtiga meesha haweenkaasi lagu hayo.

Morsi oo Maanta La Dhaarinayo

$
0
0

Madaxweynaha Dhawaan la doortay ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa lagu wadaa in saakay oo sabti ah loo dhaariyo xafiiska madaxtinimada.

Dhaartan ayaa ku soo beegmeysa maalin un ka dib markii Mr. Mursi oo qudbad u jeediyay kumanaan taageerayaal ah oo isugu soo baxay fagaaraha Taxriir Square ee magaalada Qaahira, uu ku dhaartay inuu noqon doono madaxweynaha guud ahaan shacabka masar isla markaana uu rabitaankooda ku shaqeyn doon.

Wariyaha VOAda ee Qaahira Xuseen Cusman Xuseen Saxnuuni ayaa inooga waramay. halkan hoose ka dhageyso.

Munaasabad calanka lagu saaray saqda dhexe oo xalay Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

$
0
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay looguna dabaal
degayay 1-da Luulyo 52-guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada
Koofureed xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii
Gobolada Koofur iyo Waqooyi ayaa xalay laga xusay Magaalada Muqdisho,
waxaana xafladii ugu ballaarneyd ka dhacday Xarunta Madaxtooyada.

Munaasabada ka dhacday Madaxtooyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen
Marwooyinkiisa, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano,
Saraakiisha ciidanka qalabka sida iyo AMISOM, qeybaha bulshada iyo marti
sharaf ah.

Bilowga Xaflada ka dhacday Madaxtooyada ayaa waxaa lagu soo bandhigay
heeso iyo suugaan ay soo bandhigeen Hobolada qaranka ee Waabari,
iyadoo martidii ka qeyb gashay ku madadaaliyay suugaan kala gedisan oo
wadani ah, kaasoo si qiiro leh ugu beertay ka qeyb galayaashii.

Abaarihii 12-ka habeenimo ayaa la saaray Calanka Jamhuuriyada
Soomaaliya, waxaana kooxda Baambeyda ee Muusikada ay garaaceen astaanta
qaranka, iyadoo Madaxweyne Shariif uu salaan sharaf ka qaatay
Ciidamada qalabka sida oo u diyaarsanaa inay salaan sharaf siiyaan.

Intaas kadib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo
khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay ayaa bogaadiyay shacabka
Soomaaliyed munaasabada 52-guuradii ka soo wareegatay Xornimada
Gobolada Koofureed iyo is raacii Gobolada Waqooyi iyo koofur.

“Salaan kadib waxaa jeclahay inaan shacabka ugu hambaleeyyoi
xoriyadii dalka 52- guuradii ka soo wareegatay, is raacii gobolada
waqooyi iyo koofur, shacabka meel walba ay joogaan waxaan leeyahay
hambalyo, sanadkan kiisa guul barwaaqo iyo nabad iyo dhibaatada laga
soo kabsado Alle ha inagu gaarsiiyo”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo u
mahad celiyay Ciidamada qalabka sida iyo Ciidamada AMISOM guulihii ay
gaareen.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Dowladnimada ku timid fikir dadka
dhan isla garteen, isagoo xusay in xornimadii kadib aan la helin
himilooyinkii shacabka, hase ahaatee ay haatan rajeynayaan in wixii
dhacay aan dib loogu laaban.

Shariif ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Al-qaacida ay fikir ahaan,
siyaasad ahaan iyo milateri ahaan ay bur bureen, isagoo cadeeyay inay
noqon doonaan marxalada soo socota taariikh ay xusaan shacabka
Soomaaliyed.

Ugu dambeyn Munaasabadii xalay ka dhacday Madaxtooyada oo aheyd tii
ugu ballaarneyd ee sanadihii u dambeeyay aanay ka dhicin dalka ayaa
waxaa wehliyay munaasabado si gaar gaar ah lagu weyneynayay oo lagu
xusayay 1-da Luulyo, waxaana ay ka kala dhaceen degmooyinka
Howlwadaag, Wardhiigley, Shibis, Dharkeenley iyo degmooyinka kale ay
ahaayeen kuwo isku mid ah oo jawi nabad ah ay ku soo idlaadeen.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live