Mweynihii hore ee Somaliland, Dahir Rayaale ayaa sheegay in khilaafkii Xisbiga UDUB uu si sharci ah ku dhamaaday sidoo kalena aanu jirin musharax.
Hadalka Daahir Rayaale ayaa yimid kaddib markii maxkamadda sare ee Somaliland ay khilaafkaasi soo afjrtay.
Daahir Rayaale ayaa sheegay in wax musharax ah aanu xisbigu lahayn.
Khilaafka xisbiga ayaa u dhaxeeya Daahir Rayaale oo ah guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa, wuxuuna sidoo kale salka ku hayaa sharcinimada guddoomiyenimada Daahir Rayaale.
Warbixin arrintaasi ku saabsan qeybta hoose ee qoraalka ka dhageyso.