Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Golaha Wasiirada oo laga yareenayo 18-kii Wasiir iyo Qaar Kamid Ah Magacyacada Wasiirada Cusub

$
0
0

Ilo wareedyo muhiim oo Heshay Shabakadda Buraannews.com ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra isul wasaaraha Somalia ay isla garteen in tirada xubnaha golaha wasiirada laga yareeyo 18-kii wasiir ee ay ahaayeen xukuumadihii ugu dambeeyey, hase ahaatee weli lama oga tirada kale ee ay isku raaceen Laakin Warar Si Hoose aan u Helnay ayaa Shegaya In Tirada Wasiirada Noqonayaan 13 Wasiir oo loo Qeebsaday Min Sadax wasiir oo Afarta Beel ee ugu Waa wayn ay Qaadanayaan Halka Wasiir kale ee Soo Haray Qaadanayaan Beesha Shanaad .
Xubno ku dhow dhow villa Somalia ayaa sheegaya in madaxweynaha ka hor inta aanu magacaabin raisul wasaaraha uu horeyba u sii diyaariyey liis ay ku qoran yihiin raggii qaban lahaa 8 wasaaradood, kuwaasoo la sheegayo inuu ka soo xulay rag ka tirsanaa xisbigiisa PDP Waxaana Ugu Cad Cad Ragaas Qabanaya Wasiirada
 Dr Maxamed Nuur Gacal Waxaa Loo wadaa Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta
 Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Waxaa Loo wadaa Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka
 Faarax C/Qaadir Maxamed Waxaa Loo Wadaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare
 Jamacaal Maxamed BaroowWaxaa Loo wadaa Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya .

Sidoo kale Xisbigiisa PDP Wuxuu qaatay Wasiiradaan oo aan wali Helin Magacyadoda oo Sadaxan Waxayna Kala Yihiin ?:
 Wasiirka Maaliyadda & Lacagta.
 Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka badda, circa & Dhulka
 Wasaarka Arimaha Dibada
 Wasiirka Gaashaandhigga
 Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga

Wasaaradahan ayaa ah kuwa inta badan horey loo soo diyaariyay ayna ansixiyeen raga ugu sareeya Xisbiga Talada Dalka Haya ee PDP ,waxaana Wasiiradan badankooda laga soo xulay xubno katirsan Xisbigaan.
Dhanka kale Liiska illaa hadda la diyaarsan ee golaha wasiirada ayaa waxaa la xaqiijinayaa ineysan ku jirin rag horey uga soo mid noqday xukuumadihii Hore waxaana dhamaantood ay yihiin kuwo ku cusub saaxada siyaasada Somalia oo la mid ah madaxda ugu sareysa dowlada
Wixii Warar ah ee Ku Saabsan Wasiiradaan iyo Magacyada Dhiman Waxaa Rajaynaynaa in aan Idiin Soo Gudbin doono Waqtiyada dhow insha Allah ee Isha ku Haya Shabakadda Buraannews.com Markasta .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>