Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Chelsea oo Dhulka Kujııday Kooxda Tottinham Kana Soo qaaday Awoodeyda Waxba Daawo Sawırada:

$
0
0

Chelsea ayaa Muujisay galabta inay tahay koox dhinac kasta ka dhisan oo damac wayna uu ka hayo Horyaalka Premier League.
Wiilasha dhaxda ka ciyaara ee J. Mata,Oscar iyo xidiga Eden Hazard ayaa ahaa kuwo si aad ah isku fahmay oo dhinac waliba ka jahwareeriyey kooxda Tottinham.
Kooxda Chelsea ayaa umuuqatay mid kusoo talagashay Galabta inay guul gaarto oo kaliya waxaana dhinac waliba ay ka weerartay wiilasha kooxda Tottinham
Goolka kowaad ee kooxda Chelsea ayaa waxaa dhaliyey G. Cahill 18-daqiiqo markii ay ciyaartu mareysay waxaana qeybtii hore ay kusoo idlaatay ciyaarta 1-0.
Qeybtii lakiiin gool Barbara ah ayaa waxaa la timid kooxda Tottinham  waxaana ay ka heleen daafacooda W. Gallas gool labaad ayaa waxaa raacsaday J. Defoe 54-daqiiqo markii ay aheyd Ciyaarta hogaankana u dhiibay kooxdiisa
Lakiin waxaa intaasi kadib diiday guuldaro gaarta kooxdiisa ninka reer Spain ee J Mata oo labo gool oo isxigay u dhaliyey kooxdiisa hogaankana si dag dag ah ayey Chelsea uqabatay.
Weeraro badan oo ay qeybihii dambe soo qaadeen xidigaha kooxda Totinham ayaa waxaa ay noqdeen kuwo ay jilibka u Aasteen xidigaha kooxda Chelsea.
Balse rajo waliba oo ay laheyd kooxda Tottinham waxaa diiday oo biyo qaboow ku shubay xidigii garoonka ninkii ahaa ee J. Mata oo dhamaadkii Ciyaarta kubad aad uquruxbadneyd siiyey Ciyaaryahan  D.Sturidge oo goolkii 4-aad ku quusiyey kooxda Tottinham.
Waxaana Guud ahaan Ciyaarta ay kusoo idlaatay 4-2 oo ay guushu ku raacday kooxda Chelsea waxaana Sidaasi Chelsea ay kunoqotay kooxda wali hogaaminaysa horyaalka iyada oo walina aan dhinaceeda dhulka la dhigin.

 

 

 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>