Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo uu dagaal culus ka holcayo

$
0
0

Dagaalo xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaannada Xaawo-Cabdi iyo Siinka Dheer oo ku yaala inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu  yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qadeen fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanadaasi iyadoo aan la ogeyn halka ay ka soo qaadeen wararada.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa degaannadaas iyadoo dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna wararku sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kaalmo ka heleen ciidamada AMISOM, kuwaasoo dagaalka u adeegsanaya hub cul culus oo dhawaaqooda magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah laga maqlayo.

Dagaalyahannada Al-shabaab oo laga saaray inta badan gobollada dalka Soomaaliya ayaa haddana waxay wadaan dagaalo u badan ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo qaraxyo ay u adeegsanayaan bambaanooyinka gacanta laga tuuro, kuwa dhulka lagu aaso iyo kuwa jirka bani’aadamka lagu rakibo ee qaabka ismiidaaminta loo adeegsado, kuwaasoo ay dad fara badan ku galaafteen.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>