Qarax culus ayaa wuxuu caawa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana lala beegsaday Xaruun Militari, oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Huwanta.
Gees ka gees Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mar kaliya laga maqlay sawaxan aad u xoogan, oo loo adeegsaday walxaha qarxa, iyadoo loo maleynaayo inay tahay miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.
Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay Warshadii Hilibka ee Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, oo ay fariisimo ku lee yihiin Ciidamada Huwanta ee Magaalada Kismaayo ku sugan.
Qaraxa kadib ayaa waxaa bilowday rasaas xoogan oo ay ridayaan Ciidamada Huwanta ee Magaalada Kismaayo ku sugan, kuwaa oo iyagu durbaba bilaabay inay raadiyaan cidii qaraxaasi ka dambeysay.
Qaraxaan ayaa waxaa loo maleynayaa in uu geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, hase ahaatee wixii warar ah oo ku soo kordha faah faahinta qaraxaan kala soco wararkeena dambe.
↧
WAR DEG DEG: Qarax culus oo caawa ka dhacay Magaalada Kismaayo
↧