Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka ayaa wuxuu maanta uu ka badbaaday weerar lagu doonaayay in lagu dilo, kadib markii Ciidamada Militariga ay ka war heleen.
Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Marka ku sugan ayaa waxay ka war heleen in rag hubeysan oo Al Shabaab ka tirsan ay soo dhoobteen Deegaanka Buufow, ee duleedka Magaalada Marka.
Ciidamadii Al Shabaab ee soo dhoobtay Deegaanka Buufow ayaa waxay ka war heleen in General Dhaga Badan, uu ka soo baxaayo Magaalada Marka, uuna ku sii jeedo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, sidaasi daraadeed ayaa waxay u soo diyaar garoobeen sidii ay ku qaarajin lahaayeen Jananka.
Balse Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku baxay Xoogagaasi, ayaa waxay ku guuleysteen inay goobtaasi ka baacsadaan, isla-markaana baabuutii uu la socday General Dhaga Badan ayaa waxay goobtaasi ku soo mareyn si xarako leh.
Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaan weli ka hadlin weerarkii maanta lagu doonaayay in lagu qaarajiyo, oo ay kahor taggeen Ciidamada Militariga ee Soomaaliya.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay marar badan ay isku dayday inay qaarajiso General Dhaga Badan, oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya.
↧
General Dhaga Badan oo ka bad baaday weerar qorsheysan oo lagu doonaayay in lagu dilo
↧