General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaa wuxuu caawa ka badbaaday weerar qarax oo lagu doonaayay in lagu qaarajiyo, inkastoo ay tiisu wax ka dhineed.
Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan) iyo Saraakiil kale oo ku sugnaa Xaruuntii Dalxiiska ee Magaalada Jowhar, ayaa waxaa caawa lala eegtay qarax bambaano.
Niman dhalinyaro ah ayaa waxaa la sheegay inay bambadaan ku soo korooseen goobtii uu ku sugnaa General Dhaga Badan, iyadoo uu ujeedkoodu ahaa inay wax yeelo ugu geystaan.
Hase ahaa General Dhaga Badan ayaan wax khasaaro ah ka soo gaarin qaraxaasi, isla-markaana Ciidamada Dowladda ayaa waxay fureyn rasaas xoogan.
Balse Ciidamada Dowladda uma suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kuwii qaraxaan ka dambeeyay, oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, oo laba cisho kahor lagala wareegay gacan ku heynta Magaalada Jowhar.
Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaan weli ka hadlin qaraxaan oo sameeyay sawaxan xoogan, waxayna dadka qaarkood u heysteen qarax miino in uu yahay.
↧
General Dhaga Badan oo markale caawa ka badbaaday qarax lala eegtay
↧