Tripoli(Sh.M.Network)—Tahriibayaal Soomaali ah oo ku wajahnaa Magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalka Liibiya ayaa ku dhintay Deegaan ka tirsn dalka Lipiya kuwaasi oo saaraa Gaari tareel ah oo ay saareed Shamiito waxaana halkaasi ku dhintay dad qiyaas ahaan Gaaraya 26 Ruux halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.
Max’ed Cabdi Naxar oo Ka mida Wariyaasha Idaacadda Shabelle oo ku sugan Magaalada Tripoli ee dalka Lipiya ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi ay dhinteen kadib Markii Shamiito Saarneed Gaariga uu dhinac ula jaleecay taasi oo keentay Rogmashada Gaariga kadibna dadkaasi ay ku baabe’een.
Wariye Naxar ayaa Sidoo kale Tilmaamay in ay Jiraan dad Soomaali ah oo ka bad baaday Rogmashada Gaarigaasi kuwaasi oo Gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Lipiya kadibna ay Xabsiga utaxaabeen.
Safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Lipiya Ambasador Ceydaruus oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay jirto dhcadadaasi ay ku dhinteen Soomaalida hase ahaatee ay maalinta birito ah gaari doonaan Goobta ay Mashaqadani ka dhacday isagoo Xusay in si hordhaca ay dowladda Lipiya kala hadleen arintani.
Dalka Lipiya ayaa Marin u’ah qul qulatada Soomaalida ee iyagu utahriiba qaybo ka tirsan dalalka Yurub Sida Waddanka Talyaaniga.
↧
Soomaali tahriibayaal ah oo gaari uu kula Rogmaday dalka Lipiya
↧