Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

War-Saxaafeed : Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali Oo Bayaan Ka Soo Saaray Tabashada Somaliland Ay Ka Qabaan.

$
0
0

War-Saxaafadeed ka soo baxay aqalka Odayaasha Beesha Warsangali ayaa Lagu Sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ilaa wakhtigii dhidibada loo taagay ay ka Gaabinaysay Shacabka Beesha Warsangali  oo ah Kuwa Had iyo Jeer geed dheer iyo Mid Gaaban u Fuulay qaabkii loo Dhamaystiri lahaa Hirgalinta iyo Baahinta Maamulka Somaliland.
Nuqul ka mid ah War-murtiyeedkaasi oo Warbaahinta la soo Gaadhsiiyay ayaa lagu Xusay in ay Aad odayaashu uga Cabanayaan Sida Jamhuuriyadda Somaliland uga Caga Jiidayso inay Adeegyada Bulshada Soo gaadhsiiso Gobolada Barriga Gaar ahaan.
In Kastoo Warkaasi ka soo Yeedhay Duubabka Dhaqanka ee Beesha Warsangali uu ahaa mid Xanbaarsan Dhaliilo dhanka Mashaariicda ah hadana waxa lagu Lamaaniyay in dhanka Ciidanka ay Jamhuuriyadda Somaliland ka Gaabisay  inay Kobcsio Ciidanka ku Mushaharka qaata Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ugu wayn tahay Guutada 93-
Warka ka soo baxay Odayaasha dhaqanka ee Beesha Warsangali waxa lagu xusay sidoo kale in Jamhuuriyadda Somaliland dabarka kaliya ee u dhexeeyay uu ahaa Ciidanka taasina aad Moodid in lagu Xad-Gudbay.
Cabashada ugu Ba’an ayay dusha uga Tuureen Hogaanka ugu Sareeya ee Ciidanka Somaliland General Shaqale.
Gen Shaqale ayay Duubabka dhaqanku ku dhaliileen inuu Xukuumadii tan ka Horaysay uu si Gaar ah Ciidanka Beesha Warsangali  ugu Hayay Isha  ee ku Jira Somaliland,isaga oo Dhowr jeer Kala Qo Qobay ama Ciidanka Hoosn u dhimis ku sameeyay.
“Maantana wuxuu Sameeyay inuu Dhabihii Hore raaco  oo Ciidamadii Seefta si Gaar ah ula dhex galay markaa Ama Ina Shaqale ayaa ku Waynaandoonaan Jamhuuriyadda Somaliland ama Beesha Warsangali  iyo Ciidanka ayay Tix Galindoontaa”Ayuu Yiri odayaasha mid ka mid ahi.
Docda kale Odayaasha Warsangali waxay ka hadleen in aanu metelin Haba Yaraatee Wasiirka Gaadhaandhiga JM Somaliland Axmed Xaaji Cadami.
“Wuxuu Yiri 27- Cuqaal iyo Nabadoona ah ayaa soo saaray War-Saxaafadeedkan si Toos ahna waanu ugala Xaajoondoonaan Madaxda Sare ee Somaliland Arintan si wax looga qabto.
“Maanta war na soo gaadhay wuxuu Sheegayaa in Ciidanka mid ka mid ahi uu Daryeel xumo u Geeriyooday qayb badani uu dhaawac soo gaadhay waxana ay ku Sugan yihiin Bixin”Ayuu Yiri Nabadoon C/raxmaan Maxamuud Jaamac.
 
Hargeysa Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>