Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Xaflad si heer caalami ah loosoo agaasimey oo ay soo qaban Qaabiyeen Ardayda Maakhir iyo Jaaliyada Maakhir ee Magaalada Kampala

$
0
0

Sabt 28 12 2002 Xaflad si heer caalami ah loosoo agaasimey oo ay soo qaban Qaabiyeen Ardayda Maakhir iyo Jaaliyada Maakhir ee Magaalada Kampala ee wadanka Uganda ayaa habeenimadii Sabtida ahayd ka dhacday hotelka weyn ee Equatoria International Hotel ee badhtamaha Kampala, xafladan ayaa ujeedkeedu ahaa Xilwareejin Ururka Sanaag Somali Students Association iyo weliba Maamuusida 35 arday oo ka qalinjebisay jaamacadaha kala gedisan ee Uganda

 

 
Xafladan oo ay ka soo shaqeeyeen gudi qaban qaabo oo katirsan ururka Sanaag Somali Students Association ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala, sida Aradayda iyo gudoomiyayaasha urarada ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Kampala, Cuqaal, Ganacsato, waalidiin, ururada bulshada rayidka ah, xubno ka kala socday Jaaliyadaha Maakhir ee Itoobiya, Suudan, Kenya iyo culimaa’udiin.
 

 
Xaflada oo si habsami leh kubilaabatay ayaa kooxda qaban qaabada xafladu ay faah faahiyeen ajandaha xaflada kaasi oo ahaa in ururka ardayda Maakhir ee xilkiisi u dhamaaday uu ugu talo galay xafladan xil wareejin, iyo weliba in lagu maamuuso 35 arday oo ka qalinjebisay kuliyadaha kala gedisan ee Heerka Tacliinta Degree Level iyo Master Level oo ardaydu ay isugu jireen.
 

 
Khudbado iyo hadalo kala gedisan oo isugu jiray dhiirgelin, tahniyad, hanbalyo iyo dardaaran ayay soo jeediyeen dadki ka hadlay goobta iyadoo uu shirka furay Gudoomiyaha Jaaliyada Maakhir ee Uganda Mudane Maxamed Aadan Isse Jagac, isagoo u hanbalyeey lana dardaarmay ardayda qalinjebisay, waxaa goobta ka hadlay, gudoomiyayaasha, ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada kala ah Cavandish University iyo St Lowrence waxaa goobta hadalo koob kooban kasoo jeediyey Saleebaan Cismaan Saalax,oo kuhadlay Jaaliyada Maakhir Nairobi iyo Maxamuud Yooke oo kuhadlayey Jaaliyada Eithopia Maakhir. Mama Qaali ayaa sidoo kale ku hadashay magaca Haweenka, Qaali oo kamid ah xubnaha ugu fir fircoon ee Jaaliyada Maakhir, ,waxaa sidoo kale kelmedo wax ku ool ah kasoo jeediyey gudoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Uganda Mudane C/rashiid Maxamud Xuseen “Shabeel”, C/raxmaan Xassan Yussuf ayaa ku hadlay magaca ardayda qalinjebisay, sidoo kale waxaa khudba wax ku ool ah kasoo jeediyey goobta  gudoomiyayaasha Ardayda Jaamacada ee Puntland, Khatumo, Somaliland, iyo Juba and South Central of Somalia.
 

 

 

 
Gudoomiyaha Xilka wareejiyey ee Ururka Sanaag Somali Students Association mudane Abdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad dheer kasoo jeediyey goobta isagoo ka sheekeeyeey ujeedooyinkii ururka loo aas aasay iyo waxqabka mudada sanadka ah ee uu xilka soo hayey, sidoo kale gudoomiyaha cusub ee xilka madaxtinimo la wareegey Mudane Axmed Maxamud Jama ayaa hadalo kooban kaso jeediyey goobta oo ku saabsanaa sii laba jibaarida iyo dar dargelinta hawlaha ururka
 

 
Ururka ardayda Maakhir ee Uganda ayaa waxaa la aas-aasay mudo haatan laga joogo afarsanadood iyadoo ururku intii uujiray uu wax weyn ka qabtay xaaladaha ardayda Maakhir ee Kampala, midnimada, iyo taageerida ardayda wax kabarata Uganda.
 

 
Xaflada  oo ay kasoo qeygaleen dad kor udhaafaya dhowr boqol oo qof ayaa kusoo geba gebowday jawigii iyo habkii loogu talo galay iyadoo 35kii arday ee qalinjebisay la gudoonsiiyey hadiyado kala gedisa, sidoo kale waxaa hadiyado iyo shahaado sharaf lagu doonsiiyey qaybta fulinta iyo qaybta board-ka  ururka ee uu wakhtigoodu dhamaaday, xafladan ayaa ku dhamaatay habsamidii loogu talo galay iyadoo idil ahaan bulshoweyntii Soomaaliyeed ee kasoo qeybgashay isugu hanbalyeeyeen
 

HOOSKA DAAWO SAWIRADA SHIRKA



















Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles