Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Safafka dheer ee loo galay doorashada Kenya oo sababay in Caruurta laga kireesto eheladooda

$
0
0

Doorashada dalka Kenya oo maanta bilabatay ayaa waxaa dadku ay safafa dheedheer u gelayeen goobaha cod bixinta arintaas oo sababtay in dad badan ay taagnaan waayaan kadibna meelaha qaar ay ka bilaabatay in haweenka caruurta wata lahor mariyo arintaas oo dadka qaar aan caruur waday ay iyana go’aansadeen in  ay caruur kireestaan si waqti fudud ay goobta uga baxaan.
Wariyaasha ku sugan Kenya ayaa waxa ay sheegeen in lacagaha caruuta lagu kala kireysanayay ay marba marka ka danbeysa ay kor u keceysay iyada oo ugu danbeyn ay ka war Heleen gudiga doorashooyinka kuwaas oo bilaabay in ilmaha marka qofka wataahi uu codeeyo oo farta loo mariyo rinjiga muujinaya in uu codeeyay cunugana loo mariyo si qof kale uusan u soo qaadan.
Dalka Kenya ayaa waxaa xilligan soo xirmay qaar kamid ah goobaha cod bixinta iyada oo goobaha qaar oo xilligii ay furmi lahaayeen uu dib u dhac ku yimid loogu daray waqti dheeraad ah si dadku codkooda ay u dhiibtaan.
Shacabka Kenya oo inta codeysneysa lagu sheegay 14 milyan oo ruux ayaa waxa ay soo xulanayaan madaxweynaha hogaamin doona dalkasi sanadaha soo socda kadib markii uu dhamaaday xilligii uu dalka hogaaminayay madaxweye Moy Kibaaki.
Dalka Kenya waxaa doorashadii ugu danbeysay ee 2008-dii ay aheyd mid leesku maan dhafay oo sababtay dhimashada kumanaan Kenyaan ah iyo qaxa malaayiin kale iyada oo tan oo ay ku tartamayaan sideed musharax cabsi laga qabo in ay ka dhashaan dagaallo jinsiga laxariira, waxaana habeenkii xalay ahaa magalada Mambaasa ka dhacay dagaal xooggan oo lagu dilay Police badan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>