Muqdisho (Sh.M.Network)— Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxa uu beeniyay in Ciidamada dowladda ay ku dhisanyihiin qaab beeleed isagoo Carabka ku dhuftay taasi in ay tahay mid aan sal iyo Raad toona lahayn.
Wasiirka ayaa waxaa wax kama Jiraan uu ku tilmaamay hadallo ka soo baxay Masuuliyiin u hadlay Qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka kaasoo ku aadanaa in Ciidamada dowladda ay yihiin kuwa qaab qabiil u dhisan.
Mudane Fiqi ayaa Ciidamada dowladda waxa uu ku sifeeyay in ay yihiin Ciidan Qaran islamarkaana beri ka ah eedeymaha kaga yimid Masuuliyiinta u hadashay Maamul Goboleedyada Qaarkood.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi ayaa dhanka kale waxa uu Xusay in Marxalad Cusub ay Soomaaliya gashay loona baahanyahay in laga shaqeeyo Qaranimada iyo Horumarka dalka.
Hadalka Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi ayaa waxa uu yimid kagadaal Markii ay eedeymo ku’aadan in Ciidanka Soomaaliya uu yahay mid ku saleysan Beel ay ka soo yeereen Masuuliyiin u hadashay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka.
↧
Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay in Ciidamada dowladda ay u dhisanyihiin Qaab beeleed
↧