Safiirka Dowladda Jabuuti ujooga dalka Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyey waxay ka aaminsan yihiin cunuqabateyntii hubka ee Somaliya si KMG ah looga qaaday.wuxuuna sheegay safiirku inay Xukuumada Jabuuti soo dhaweyneyso xayiraada hubka ee laga qaaday dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay safiirka Jabuuti ugu magacaaban Soomaaliya inay mar walba ku taageerayaan dowladda Cusub ee soomaaliya sida ay ugu guuleysatay isbadalka ay dalka kusoo kordhisay iyo in 20 sano kadib heshay xayiraadii hubka ahayd oo laga qaaday,isagoo tibaaxay inay tani u horseedi karto dowladda Soomaaliya inay dib u yagleesho ciidamo awood leh oo difaaca dadka iyo dalka Soomaliya.
Danjire Dubad ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay ku dadaalaan sidii mudada halka sano ah ee laga qaaday cunaqabteynta hubka ay uga faa’iideysan lahaayeen gaar ahaan sidii ay uqalabeyn laheyd ciidamada xoogga dalka ayna ka fogaadaan shakiga beesha caalamku ay ka qabto inay hubka ay dalka dowladdu keeneyso uu ugacan galo xooggaga mucaaradka ah sida uu yiri .
↧
Dowladda Jabuuti oo ka hadashay xayiraadii hubka ee laga qaaday dalka Soomaaliya
↧