Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Hadalkii Dowladda Britain Kaga Dooday Magaalada Muqisho

$
0
0


Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-gudoominayay ku simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka garsoorka, cadaalada iyo arrimaha diinta, C/llaahi Abyan Nuur, iyadoo kulanka looga hadlay Hadalkii dhawaan ay Dowladda Britain digniintii  ay kasoo saartay amaanka Muqdisho,
Shirka Golaha Wasiirada ayaa laga sheegay in aysan jirin wax qatar amni dari ah ah oo kajirta Magaalada Muqdisho isla markaana hadalkaasi uu ahaa mid aysan Dowladda Biritan aysan ka fiirsan Ujeed Siyaasadeedna laga lahaa
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdishakuur Cali Mire ayaa kulanka kadib lahadalay Saxaafadda wuxuuna sheegay in Qodobbo badan oo la xiriira arrimaha dalka iyo howlaha xukuumadda ayaa shirka looga hadlay, waxaana intii uu shirku socday warbixin laga dhagestay wasaaradda arrimaha gudaha, iyagoo sheegay in amaanka caasimadda uu aad u wanaagsan yahay, hay’adaha amnigana ay laba-laabayaan howlaha amniga lagu sugayo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiir ku xigeenku in laga hadlay digniintii ay dowaldda Ingiriisku kasoo saartay Muqdisho, isagoo sheegay in wasiiraddu ay isku af-garteen in Britain ay tahay dowlad weyn ayna uga digi karaan muwaadiniintooda meelaha khatarta u arkaan, balse hadda aysan ka jirin Muqdisho khatar lagu waxyeelleyn karo shisheeyaha dalka imaanaya.
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles