Ciidanka amaanka Gobolka Mudug ayaa goor dhawayd gacanta ku dhigay nin ka tirsan Kooxihii dhaca ka gaystay xawaalada kaah xarunteeda magaalada boosaaso
Ciidamda ayaa lagu soo wargaliyey in Guri kuyaal Xaafadda Garsoor uu kujiro Mid kamdi ahaa kooxihii Dhaca iyo dilka ka gaystay Xarunta Xawaaladda Kaah iyadoo ay ciidanku gaareen goobtii lagu soo sheegay hasa ahaatee weerar ayuu ciidamada kala horyimid ninkii ay usocdeen ciidanka waxaana halkaasi uu qasaaro ka soo gaaray mid kamdi ahaa ciidankii howlgalka waday iyadoo midkalana uu ku Geeriyooday
Ciidanka ayaa usuurta gashay in markii dambe ay gacanta ku dhigaan ninkii ku jiray Guriga waxaana loo kaxeeyay Xabsiga Dhexe sida uu xaqiijiyay Taliyaha Qaybta Booliska Puntland Jaamac Sandaqad
Kooxihii dhaca iyo dilka ka gaystay Xawadda Kaah ee boosaaso ayaa qaarkood lagu qabtay Garoowe waxaana la sheegay in ay dhuumaalaysanayeen 2kamdi ahj kooxahaasi hasa ahaatee waxaa Ciidanka Maantay Gacanta ugalay Midkamid ah Kooxihii dhaca ugaystay Xawaaladdii Kaah
↧
Ciidamada Ammaanka Puntland Oo Gacanta Kudhigay Midkamid Ah Kooxihii Dhaca Iyo Dilka Kagaystay Xawaaladda Kaah
↧