Ciidamada ka howlgala gudaha magaalada Kismaayo ayaa amar lagu siiyay inay ka baxaan magaalada iyagoo la faray inay degaan xerooyin ku yaala bannaanka magaalada.
Taliyaha ciidamada amniga Kismaayo Maxamuud Qaalib ayaa ku amray ciidanka hubeysan inay ka baxaan magaalada, wuxuuna sheegay in ay u baxaan duleedka magaalada.
Waxa uu Taliyuhu sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay kadib markii askar ka tirsan ciidanka ku sugan Kismaayo ay siyaabo kala duwan u dhaawaceen toban qof oo rayid ah oo qaarkood dhac loo geystay.
Qaalib wuxuu sheegay in ciidan gaar ah oo tiradoodu ay kooban tahay ay la wareegi doonaan xaqiijinta ammaanka magaalada, isagoo dhinaca kalena digniin u diray askarigii jebiga amarka cusub.
Dad ka badan 10 ruux oo ay dhaawaceen askarta magaalada Kismaayo ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
↧
Ciidamada Kismaayo oo amar degdeg ah lagu soo rogay
↧