Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Puntland oo kaqeyb galaysa shirka Kooxda Xiriirka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaliya.

$
0
0


Agaasimaha Guud ee la dagaallanka Burcad-badeedda ee Puntland, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa gaaray Copenhagen, Caasimadda Waddanka Denmark.
Agaasimaha ayaa casumaad ka helay Dawladda Denmark oo marti galinaysa kulanka 12aad ee Kooxda Xiriirka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaliya (Contact Group on Piracy off Coast of Somalia) ee loo yagaan WG2, oo badanaaba lagaga hadlo arrimaha khuseeya Sharciga. Kulankan ayaa socon doona bishan April 9 -11, 2013.
Ducaysane, ayaa inta shirku socdo, waxa uu kulamo gaar-gaar ah la yeelan doonaa, wafuudda ka socota wadamada Faransiiska, Oman, Yemen, India, Maldives iyo Seychelles oo uu kala xajoon doono arrimo la xiriira Somalida ku xiran Wadamadaas.
Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda dekedaha Puntland ay la wareegtay maxaabiis burcadbaded ah oo lagasoo wareejiyay Dalja Jasiirada Seycheles kadib hishiis dhexmaray Puntland iyo jasiiradaas.
Buraannews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>