Muqdisho (Sh.M.Network) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhisida Maamullada dalka Lagala Tashan doono Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Max’ud oo Booqasho Hal Maalin ah ku tagay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ku saabsan dowlad Wanaaga iyo Sidii Dowladda Soomaaliya ay Ku tiigsan Lahayd Yoolkeeda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Hoosta ka Xariiqay in dhisidda Maamul Goboleedyada dalka in ay tahay Waajib dastuuri ah Balse waxa uu Ku Nuux nuuxsaday in dhisidda Maamul Goboleedyada Lagala tashan doono Maamullada haatan jira qaarkood , qeybaha Kala duwan ee Bulshada Ku nool Bobollada Maamullada loo sameynayo isagoona Carabka ku dhuftay in dhisidda Maamul Goboleedyada dastuurka dalka La waafajin doono.
Prof: Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in dowladdiisa ay tahay Mid Ka shaqeyneysa dib U heshiisiinta iyo Isu Keenida Shacabka Soomaaliyeed ee Kala Irdoobay intii dalka uu bur bursanaa.
↧
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dhisidda Maamul Goboleedyada Bulshada Lagala tashanayo
↧