Beydhabo (Sh.M.Network) Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobollada Bay iyo Bakool Korneel Xasan Beydhabo oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Ka hadlay qorshaha Ciidamada dowladda ee Gobolladaasi Ku sugan.
Taliyaha ayaa tilmaamay in qorshohooda ugu Weyn uu Yahay sidii Al Shabaab ay Kaga Cirib Tiri Lahaayeen Gobollada Bay iyo Bakool Meelkasta oo ay Kaga sugan yihiin isagoo Xusay in haatan Ururka Al Shabaab aysan Lahayn awood ay kaga Hortagaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayna Billaabeen in Tuulooyinka ay isku Uruursadaan iyagoo Koox Koox U soconaya si ugu Yaraan Ciidamada dowladda ay ugu Geestaan Weerar dhabba Gal ah.
Xasan Beydhabo Taliyaha Ciidamada dowladda ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa dhanka Kale Kahadlay sida ay Ku howl Galayaan Ciidamada Ka socda Midowga Afrika ee halkaasi Gaaray wuxuuna Carabka ku dhuftay in weli Ciidamadaasi aysan Howl Gal Billaabin oo ay weli Ku jiraan in ay Degaan Xarumihii Fariisimo Milatari u Noqon Lahaa.
Sikastaba ha ahaatee Gobollada Bay iyo Bakool waxaa Ku dagaalamaya Ciidamada Dowladda oo ay taageerayaan Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Ethiopia iyo Ururka AL Shabaab
↧
Taliska Ciidamada Bay iyo Bakool oo Ka Hadlay Qorshahooda Ku wajahan Al Shabaab
↧