Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in deeqihii malaayiinta dollar ahaa ee Somalia loogu yaboohay Shirkii London ku soo geba geboobay ay rajaynayso in ay ka hesho qaybteeda, sida lagu heshiiyey Shirkii Ankara ee Somaliland iyo Somalia
Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ka filayo in Deeqaha Beesha Caalamku ugu yaboohday in ay qaybteeda ka hesho sidii Shirkii sanadkii hore ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar , waxa kale oo soo dhaweeyey qodob ka mid ah war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii London ee arrimaha Somalia, kaas oo soo dhaweynayey qodobadii ka soo baxay Shirkii Ankara ee wada hadalada Somaliland iyo Somalia, waxaanu yidhi “Waxaanu soo dhaweynaynaa Xukuumadda ahaan qodobkii afraad ee ka soo baxay Shirkii London ee arrimaha Somalia, kaas oo Waddamadii Beesha Caalamka ee ka soo qayb galay ay ku soo dhawaynayeen qodobadii ka soo baxay Shirkii Ankara ee dhex maray Somaliland iyo Somalia bishii April, waxaanan u arkaa qodobadkaasi mid muhiim u ah Somaliland oo dalalkii ka soo qayb galay oo 50 dawladood kor u dhaafayey I taageerayeen wada hadaladaasi iyo in ay sii socdaan, iyaga oo Somaliland iyo Somalia ka wada hadlay xidhiidhkooda Mustaqbalka iyo sidii looga midho dhalin lahaa in ay Somaliland iyo Somalia ay noqdaan laba dal oo jaar ah oo nabad ku wada nool, markaa arrintaasi waanu soo dhawaynaynaa Xukuumadda ahaan.”
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo aanu weydiinay in Deeqaha lacageed ee malaayiinta Dollar gaadhaya ee Dalalkii ka qayb galay Shirkii London ugu yabooheen Somalia in Somaliland qaybteeda ka helayso, madaama heshiiskii Turkiga ee Somaliland iyo Somalia dhigayey in Deeqaha Beesha Caalamka la wadaago, wuxuu ku jawaabay Wasiirku “Sida uu dhigayey qodobka Afraad ee Heshiiskii Ankara waxa uu ahaa in labada dhinac (Somaliland iyo Somalia) ay wadaagaan deeqaha caalamka laga helo, gaar ahaan kuwa ay Somalia hesho aanay ku jirin kuwa Somaliland tooska loo siiyo, markaa waxaanu ka rajaynaynaa sidii Shirkii hore ee London ee sanadkii hore Somaliland ay u soo gaadhay Deeqihii Beesha Calaamka in imika Deeqaha Somalia loogu yaboohay in qaybta horumarinta Somaliland inteeda ka hesho.”
Dhinaca kale, Waddamada Beesha Calamka ee ka qayb galay Shirkii arrimaha Somalia ee London lagu soo geba gebeeyey shalay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ku dhex maray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.
Shirkan oo ay marti gelisay Dawladda Ingiriiska oo maalin ka socday Magaalada London, isla markaana ay ka qayb galeen in ka badan Madaxda ka socotay in ka badan 50 dawladood oo lagaga hadlayey arrimaha Somalia, ayaa war-murtiyeedkii laga soo saaray waxa ku jiray qodob ay sheegeen Waddamada ka soo qayb galay in ay ku soo dhaweynayaan wada hadaladii Somaliland iyo Somalia u dhex maray dalka Turkiga, iyaga oo xusay in ay wada hadaladaasi ahaayeen qaar ay labada dhinac ku cadaynayaan xidhiidhkooda Mustaqbalka.
Qodobka ku jiray War-murtiyeedka laga soo saaray Shirkii arrimaha Somalia eek u saabsanaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia. Waxa uu u dhignaa sidan “Waxaanu soo dhaweynaynaa wada hadaladii dhex maray Dawladda Federalka Somalia iyo Dawladda Somaliland ee ka dhacay Ankara bishii April, si ay u cadeeyaan Xidhiidhkooda Mustaqbalka, kaas oo ka soo bilaabmay kulankii Chevening bishii June 2012.”
Sidoo kale, Qodobkan waxa lagu sii yidhi “Waxaanu soo dhawaynaynaa qodobadii ka soo baxay Shirkii Ankara. Waxa kale oo aan bogaadinaynaa doorkii fududaynta ahaa ee Dawladda Turkigu ka qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Somalia.”
Shirkan Arrimaha Somalia ee lagu soo gunaanaday Magaalada London ee Xarunta Boqortooyada Ingiriiska, ayaa waxa ka qayb galay in ka badan 50 dawladood, iyada oo marti gelinta Shirkaasi ay lahayd Dawladda Ingiriisku, waxaana Shirgudoominayey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cemaron.
Somaliland ayaa Shirkan loogu soo casuumay, iyada oo si cad u diiday, ka dib markii ay sheegtay in aanay dani ugu jirin shacabka Somaliland, isla markaana uu Shirkaasi gaar u yahay Somalia.
HARGEYSA SOMALILAND
haregeysa somaliland
↧
Xukuumadda Oo Sheegtay In Ay Qaybteeda Ka Filayo Deeqaha Loogu Yaboohay Somalia, Waddamada Caalamka Oo Taageeray Heshiiskii Ankara
↧