Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay Somaliland 50- sanno kahor qaadacday Xuduudihii uu sameeyey isticmaalkii ee kala ahaa Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaanu sheegay inaanay hadda waxba ka jirin oo wahtigaasi la qaadacay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay goob ay su’aalo kuwaydiinayeen Qurba joogta Somalida ah ee ku nool Ingiriiska, ayaa waxa kale oo uu sheegay inaanay Xukuumaddiisu diyaar u ahayn Gala go’a Somalia oo ay ka shaqayn doonaan midnimada somalila.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayey Su’aal ay waydiisay gabadh dhalasho ahaan ka soo jeedda Gobolada Bariga Somaliland, ayaa waxa uu ku jawaabay “Sool, Sanaag iyo Cayn Somaliyada maantu way ka badantahay oo in Somaliland iyo loo kala hadlayo, anaga wax na kala Saaraya oo na kala geynayaa ma jiraan, waxa la inagu qaybiyaa ee tadku cuskadaan waxay tahay, xagna Ingiriiskii ayaa gumaysan jiray xagna Talyaanigii, taasna Somalia iyada oo mid ah konton sanno ka hor waxay sheegtay inaanay aqoonsanayn Xuduudihi isticmaalkii, markaa Goboladaas Sool, Sanaag iyo Cayn waxay ka mid yihiin dalka, dhalinyarada joogtana”
Madaxweynaha Somaliland Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay “Waxaan didiin sheegayaa anagu diyaar uma nihin inaanu fadhiisanno meel kala go’a Somalia ah, laakiin waxaabu diyaar u nahay inaanu fadhiisaanno meel kasta oo mid nimada Somalia ka imanayso”
Sidoo kale Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay Somalia mid keliya tahay min Raaskaambooni illaa Saylac “ Somalia waa mid min Raaskaambooni illaa Saylac”
Hadalkan Madxweynaha Somalia, ayaa ku soo beegmaya xilli ay labada dal ee Somaliland iyo Somalia kala saxeexdeen dhowaan heshiis ay labada dhinac isla qaateen, kaas oo qodob ka mid ah uu nuxurkiisu ahaa in labada dhinacba ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee wax yeeli kara sii socodhada wada hadaladdada labada dhinac,
hargeysa somaliland
↧
Madaxweynaha Somalia Oo Sheegay In Xuduudihii Gumaysiga Ee 1960-Kii Ay Soomaalidu Qaadacday, Saylac Ilaa Raasmaaboonina Mid Yihiin
↧