Raysul Wasaaraha Xukumadda Itoobiya Haile Mariman Deselaiam ayaa si kulul u canbaareeyay fal fool xun oo ka dhacay dalkiisa, kaas oo ahaa 18 qof oo lagu dilay Magaaladda Baharder ee Gobalka Xabashida ee Kililka sadexaad.
Sida ay sheegtay ama la soo xigtay Warhaahinta Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay in Dilkan uu gaystay Askari Boolis ah oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Itoobiya, kaas oo la sheegay inuu ka soo jeedo Qoomiyadda Xabashida , isla markaasna aan la ogayn sababta uu dilkan u sameeyay.
Madaxwaynaha Maamulka Kililka Qoomiyadda Axmaaradda, ayaa ku tilmaamay falkaasi mid aad u fool xun oo xasuuq ah , isla markaasna dalbaday in Dowladdu ay magdhow ka bixiso arrintasi.
hargeysa Somaliland
↧
Raysal Wasaarada Itoobiya Oo Cambaareeyey Dilka 18- Qof Oo Uu Askari Dawladiisa Ka Tirsani Ku Tilay Bahardar
↧