Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Bada Somaliland Oo Ka Hadlay Safar Shaqo Uu Ugu Kicitimidoono Dhawaan Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Yaman

$
0
0

 
Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Cabdilaahi  Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa sheegay inuu  u Kicitimi doono dalka Yeman ee dhinaca badda jaarka kala ah Somaliland, halkaas oo uu sheegay inuu  kulmo kula soo yeelan doono,  Wasiirka Kalluumaysiga ee dalkaasi, kaas oo ay  ka wada hadli doonaan arimaha Kalluumaysiga sharcidarada ah ee Xuduudaha Badda ee labada dalka dhexeeya lagu soo galo.
Wasiir Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu la hadlaayay Talafeeshinka Home-Cable Tv, waxana uu sheegay in Wasiirka Kalluumaysiga Yeman u qaabilsani Kaluumaysiga  uu kala soo Xidhiidhay inay iska Kaashadaan Somaliland Kalluumaystada Sharcidarada ah ee dhibaatada dhinaca Badaha labada dal ay  ku soo galaan,isaga oo sida kale Wasiir Geel ka hadlay Kulan ay Wefti uu ka tirsan yahay dhawaan kaga soo laabteed dalka Belgium.
Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) oo arimahaasi ka hadlaayay waxa uu yidhi“Ishaalaahu waxa aan u bixidoona Safar dalka Yaman,si aan ula kulmo Wasiirka Kaluumaysiga dalkasi waxanan filaya in kulankaasi dhaco badhtanka Bisha June,si looga wada hadlo iskuna meel dhigno  sidii waxan wax  looga qabanlaha waayo iyaguna(Yaman) way cabanayaan  oo Wasiirkooda  Kaluumaysigu waaka Xidhiidhka noola yimid oo Doonyo bilaasharci ku soo galaaya Badooda ayay ka cabanayaan”
Wasiir  Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) oo ka hadlaalyay Shirka ay la yeesheen dhawaan Wafti uu ka tirsana Masuuliyiin reer Belguim ah waxa uu yidhi“Waxa aanu soo gudbinay aragtidii nalaga sugaayay ee ku saabsaneyd halka Somaliland marayso iyo sidii ay dawladnimadeeda u soo dhigatay,Budhcad badeeda iyo halka aynu caalamka kaga jirno in aynu soo bandhigno,sida Safiirkii Turkiga oo nay loo soo diray Qusulkii iyo Xubno kale oo dawladahaasi ka socda aad baanu marka u qaada dhignay wixii go,aan lagalahana waanu ka gaadhnay”
 
HARGEYSA SOMALILAND


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>