Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inay dhawaan dalka Ingiriiska uu ka furmi doono wadahadaladii ay beesha caalamku baaqday bishii Febuary sanadkan ku baaqday inay dhexmareen Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka waxa uu sheegay in wadahadalada oo hakadgalay la bilaabi doono dhawaan, ka dib markii ay xukuumada KMG Soomaaliya ogolaatay inay wax ka qabato qodobadii muranka dhaliyey, isla markaasna ay dowladda Ingiriiska dhankeeda ogolaatay sida uu yiri inay martigeliso wada xaajoodyada labada geesoodka ah.
“Xukuumada KMG Soomaaliya waxa yogolaatay inay wax ka qabato khilaafka ka yimid dhankeeda, waxaanu wadahadalada aanu ku soo bandhigi doonaa qadiyadda aqoonsiga Somaliland, wax ka duwanna marnaba lagama hadli doono, dowladda Ingiriiskuna waxay noo ogolaatay inan dalkeeda ku shirno” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo intaasi ku daray in wadahadalo hoose oo labada dhinac u socday ay jireen in muddo ahba, mana sheegin cidda ay wadahalka la lahaayeen iyo cidda ay la kulmeen.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya wakhti dowladda KMG iyo maamulka Somaliland isku khiaafsanyihiin sida wada hadalada looga qaybgalayo ka dib markii dowladda KMG ay ku soo dartay ergadeeda labo wasiir oo ka socda Puntland, kuwaas oo Ay Somaliland sheegtay inay labadooduba ka soo jeedaan Somaliland, taas oo ay ka biyo diideen maamulka Somaliland.
↧
Maamulka Somaliland oo sheegay in wadahadaladii u dhexmari lahaa dowladda KMG iyo Somaliland dhawaan lagu qaban doono dalka …
↧