Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Wasiir Kulan La Yeeshay Danjire Reer Masar Ah Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

$
0
0

“Waad Aragteen Dalkan Nabad-gelyadiisa Iyo Waxay Qabsadeen”
Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. C/waaxid C/qaadir C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka danjiraha dalka Masar u fadhiya Jabuuti.
Wasiir C/Waaxid oo ka hadlay kulanka uu la yeeshay safiir ku xigeenka dalka Masar fadhiya Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in xidhiidh qoto dheeri ka dhaxeeyo dawladaha Somaliland iyo Masar, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay sidii ay u dhinaca inkaaniyaadka uga taageeri lahaayeen wasaaradda warfaafinta Somaliland.
“Waanu idinku soo dhawaynaynaa dalka Jamhauuriyadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta. Xidhiidhka labada dawladood mid taariikhiya ayuu ahaa waligiiba dhinac kasta oo ay tahay haddii la eego xaga ganacsiga iyo haddii ay noqoto dhinaca aqoontaba. Masar iyo Somaliland xidhiidh joogto ah ayay waligood lahaayeen, waanad aragteen dalka nabadgalyadiisa iyo sida dadka reer Somaliland ugu midaysan yihiin iyo siday wax u qabsadeen, taasina waa ta idinku dhiiri-gelisay in aad dalka timaadaan,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Warfaafintu.
Wasiirku waxa uu u soo bandhigay dublamaasigaasi waxyaabaha ay dawladiisu ka caawin karto wasaaradda warfaafinta, waxaanu yidhi “Dawladda Masar, waa dawlad weyn oo ka mid ah duwalka waaweyn ee afrika iyo islaamkaba, waxyaabo badan oo aan iska kashan karno ayaa jira gaar ahaan wasaaradda warfaafinta oo ay ka kooban yihiin waxyaabaha aanu qabsan karno sida daraadeed, waxaan idinka rajeynaynaa in aad naga gacan siisaan tababarrada qalab idaacadeed iyo mid Telefishan-ba in aad naga gacan siisaan.”
Safiirku xigeenka dalka Masar u fadhiya Jabuuti oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulan uu la yeeshay wasiir ku xigeenka iyo safiirka.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Madaxweynaha Jsl Oo Qadiyadda Somaliland Uga Waramay Wargeyska Ugu Weyn Dalka Ingiriiska

$
0
0

Daawo: Hees, Ka Hadlaysaa, Kasbashadda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Kalsoonida Shacbiga ?

$
0
0

Weriyayaal Waa Weyn Oo Si Cilmiyaysan U Muujiyay Muhiimadda Diwaan-Gelinta Madaniga Ah

$
0
0

Somalia: 2020 Petroleum strategy for Production

$
0
0

Mogadishu (HAN) October 22, 2014 – Public diplomacy and Regional Energy Security and safety news. The geopolitical leverage achieved by large petro-exporting states has been a major challenge for the U.S. and its allies, therefore, what does Somali oil ...
Weblinks: 

UN officials visit Barawe district

$
0
0

Barawe district, one of the strongholds of Al-shabab in Southern Somalia was captured by Somali national army together with African Union peace-keeping troops after operation Indian Ocean was fully launched. Briefing the media in his office days after the ...
Weblinks: 

Somalia's Radio Shabelle owner's UK passport seized

$
0
0

A court in Somalia has ordered the seizure of a radio station owner's UK passport after he was accused of threatening national security. Somalia-based Radio Shabelle owner Abdi Malik, who was arrested in August, appeared in court handcuffed. The judge ...
Weblinks: 

SOMALIA: Insecurity can be tackled only through getting legitimacy and confidence from the public- Minister

$
0
0

Mogadishu (RBC) Somali Minister of Information Mustaf Dhuhulow has hosted an important meeting between AMISOM and Somali Police forces and Civil Society groups in the Ministry of Information compound in Mogadishu, on Tuesday . The aim of the meeting was to ...
Weblinks: 


Amiirka Al-Shabaab oo ka bad-baaday shirqool lagu dili rabay (Xog cusub)

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online ) – War goor dhow na soo gaaray  ayaa sheegaya in Ammiirka Maleeshiyada uu ka bad-baaday isku day dil oo uu la maaganaa Ku-xigeenkiisa.
Horjoogaha ayaa la sheegay in gaadiid uu watay loo galay wadada, kadibna lagu huwiyay rasaas, iyadoona la sheegay in halkaasi uu uga dhintay hal kamid ahaa ilaaladiisa.
Ka badbaadida dilka Hogaamiyaha ayaa yimid kadib markii uu qabtay shir ay kuwada kulmayeen Hogaanada qaabilsan la dagaalanka Dowladda iyo AMISOM, shirkaasi oo uu ka dhashay isfahan waa.
Warkan oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, ayaa sidoo kale sheegaya in arrintan ay salka ku hayso khilaaf muddo socday oo la xiriira hogaanka Al-Shabaab, oo xubni sare aysan weli ku qanacsaneyn Axmed Diiriye in loo magacaabay.
Dilka Hogaamiyaha uu ka badbaaday ayaa waxaa maleegay sida la sheegay sarkaal lagu magacaabo Mahad Kartaay.
Arrintaani ayaa la sheegayaa inay colaad hor leh ka dhex abuurtay maleeshiyada, waxaana jira horjoogayaal kale oo Khilaafkaasi awgii uga baxay Maleeshiyada.
Geerida Axmed Godane kadib ayaa la rumeysan yahay in Maleeshiyada uu soo foodsaaray burbur baahsan, taasi oo horseed u noqotay Khilaafka ka dhashay magacaabista hogaamiyaha cusub.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wax ka baro caddaalad darradii xilligii Road Map-ka lagu sammeeyey beelaha iyo deegaanada Koonfurta Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cadaalad daradii dhacday xiligii ROAD MAP-ka oo Dastuurka Federaalka la qoray, waxaa sameeyay oo wax laga weydiinayaa Madaxweynihii Hore ee DF Somalia Sheekh Sharif Sheekh Axmed,  oo xiligii dastuurka la qorayey aaminsanaa in mar labaad loo dooran doono inuu noqdo Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya oo aan ku meel gaar aheyn.
Xiligaa Dastuurka Federaalka KMG ah laqorayey ayaa qorshahii Road Mab-ka oo uu ku jiray qoritaanka Dastuurka Federaalka ayaa wuxuu gebi ahaan gacanta u galay Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo Ra’iisul Wasaarihii DF Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas. Labada mas’uul oo isku beel ah kana soo jeeday Maamulka Puntland ayey u suurta gashay inay sidii ay rabaan u qortaan Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Dastuurka ayaa qofkii si taxadar leh u aqriya uu fahmi karayaa in ujeedada dastuurkani ahayn in Soomaaliya noqoto qaran lamid ah wadamada Caalamka, waayo dastuurka ayaa ah mid isku qasan, qodobo badan iska hor imaanayaan, looguna talo galay in khilaaf joogto ah ka dhex jiro Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Somalia.
Dastuurkan ayaa sidoo kale u qoran inay awooda iyo matilaada ay isku haystan Dawladaha xubnaha ka noqonaya Federaalka iyo Dawlada Federaalka Somalia. Mas’uuliyiinta qortay dasturka ayaa sidoo kale xooga saaray inaan wax laga bedelin. Link-gaan ka aqriso Dastuurka Federaalka ee Dawladda Soomaaliya hadda ku shaqeyso.http://www.parliament.gov.so/index.php/so/publications/finish/10-dastuurka/14-dastuurka-ku-mmeelgaarka-ah
Mas’uuliyiinta Dastuurkan qoray ayaa ugu talo galay in gobolada qaar iyo dadka degan xuquuqdooda ku duudsiiyaan, iyaga oo diidey in loo noqdo 8-dii gobo ee xiligii Somalia xornimada qaadatay. Dastuurka ayaa lagu saleeyay 18 gobol oo aan ku imaan si caddaalad ah. Gobollada dulmiga uga badan lagu sameeyay waxaa kamid ah Ex- Banaadir (Goboladii Ex Banaadir oo in maamulo lagu kala daro loo qorsheyay, Caasimada Muqdisho xuquuqdeeda meel dhexe laga laadlaadiyo), Gobolka Hiiraan (Hiiraan oo ah gobolka kaliya ee 1960-kii ahaa gobol kamid ah 8-dii gobol ee xiligaa ayaa noqonaya gobolka kaliya oo aan labo gobol laga dhigin, xiligii gobolada laga dhigay 18-ka Gobol), Mudug iyo Galgaduud (Labadaan gobol oo la qorsheeyay in qaab dastuuri ah loogu diido inay noqdaan Maamul ka mid noqda Federaalka Somalia), Gobolada Bay iyo Bakool oo laga reebay Gobolka Gedo oo ay hore u wada ahaayeen Alta-Juba (Jubada Sare) iyada oo beelaha deegaan ahaan u badnaa Alta Juba aan wax tashi ah laga gelin.
Cadaalad darada kale ee hadda socota ee loogu magac daray VISION 2016 waxaa geystay oo wax laga weydiinayaa Madaxweynaha DF Somalia Prof. Xasan Sheekh Maxamud.
1-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ogolaaday qorshayaal sharci daro ah, cadaalad daro ah, isaga oo aqoonsaday Maamulo/dawlado ka mid noqonaya federalka Somalia oo aan ku imaanin sidii sharciga ahayd oo baarlamanka Soomaaliya ansixiyey. Qorshaha baarlamaanka ansixiyey oo aheyd dhismaha dawlad goboleedyada bey aheyd inay ka billowdaan dhismaha maamul kasoo billowda heer tuulo, heer degmo ilaa heer gobol, labadii gobol ee is raacayana ku yimaadaan rabitaanka shacabka goboladaas. Link-gaan website-ka baarlamanka ka aqri sharciga Maamullada degmooyinka iyo Goboladahttp://www.parliament.gov.so/index.php/so/publications/finish/27-sharciyada-la-ansixiyay/81-sharciga-maamullada-degmooyiinka-iyo-gobollada
2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo ogolaaday in Dawladda Federaalka Somalia halka Federaalka lagu yahay ay noqoto Magaalada Muqdisho, Go’aamada Baarlamanka iyo Maamulka Xukuumada ay ku koobnaadaan Muqdisho, Canshuuraha miisaaniyada u noqonaya DF Somalia ku koobnaato oo ka timaado Ganacsatada iyo shacabka Magaalada Muqdisho, DF Somalia oo maamulaysa canshuurta reer Muqdisho aysan masuuliyad iska saarin dadka canshuur bixiyayaasha ee reer Muqdisho loogu qabto dhaqaalaha ka yimaada canshuurta laga qaado adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin sida iskuulaadka, Isbitaalada, Nabadgelyada, Nadaafada, dib udhiska Jidadka, Korontada, biyaha, shaqo loogu sameeyo shacabka Muqdisho. Fiiri Link-gaan miisaaniyada Wasaaradda Maaliyadda ee ku salaysan canshuurta Muqdisho iyo sida loo qeybsado’http://www.mof.gov.so/wp-content/uploads/2014/04/Approved-Appropriation-Act-for-2014-00005.pdf
Xubnaha Dawladda Federaalka Soomaliya iyo Shaqaalaha u shaqeeya ee lagu magacaabo “Civil Servant” ee uu hayo list-gooda Cali Dheere, kuwaas oo iska maamusha canshuurta reer Muqdisho, una shaqeeya sida inay yihiin golaha deegaanka iyo golaha fulinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaan aheyn inta badan dad kasoo jeeda Muqdisho.
Xubnahaan ayaa ah kuwo deeq bixiyayaasha caalamka wax ka weydiiyaan dhinacyada caafimaadka, Waxbarashada, Dib u dhiska, Amniga iyo adeegyada kale ee reer Muqdisho iyo Gobolada aan aheyn Somaliland, Puntland iyo Maamulka Juba.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda qabaailka samaystay Maamul ee Puntland iyo Juba xeeladii ay rabaanba ha isticmaalaane oo xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa mushaarkooda ka qaata canshuuraha laga qaado shacabka Muqdisho, sidoo kale Xubnaha ugu muhiimsan Golaha wasiirada oo Maamula Canshuurta reer Muqdisho waxaa kamid ah.
1-Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane oo beel ahaan aad ugu dhow hogaamiyaha Maamulka Juba Ahmad Madoobe, qorshaha miisaaniyadiisa ebid kuma darsan in canshuur mideysan dalka laga qaado, gaar ahaan Maamulada Federaalka Somalia ka midka ah ee Puntland iyo Juba, Maamuladaas oo gacanta ku haya 2 kamid ah ilaha dhaqaalaha dalka oo ah Dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo. Xuseen Xalane ayaa ku qanacsan in Canshuurta Federaalka laga qaado kaliya shacabka reer Muqdisho isaga oo isticmaalaya calooshii u shaqeyste kasoo jeeda Ex Banaadir oo ku magacaaban Wasiiru dawlaha Maaliyada Cabdullahi Maxmed Nuur. Cabdullahi Maxamed Nur ayaa canshuurta Magaca Federaalka looga qaado magaalada Muqdisho hadda gaarsiiyey Canshuurta beriga, Guryaha, Caanaha, Cowska, Shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha , isaga oo canshuurtaa u geeya marka laga reebo qeybta uu reebto Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise iyo Wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane oo beelaha ay kasoo jeedaan aan maamulkooda lagu faragelin canshuurta Ganacsatada, Dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo.
2-Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciiser wuxuu kasoo jeedaa Puntland, waxaa gacanta loo soo geliyaa canshuurta laga qaado ganacsatada, dekeda iyo Garoonka Muqdisho, shaqaalaha bank-ga qeybaha muhiimka ah wuxuu ka buuxiyey beeshiisa, wuxuu shaqaalaha qeyb yar ka siiyey qaar kamid ah beelaha dega Muqdisho. Bashiir wuxuu ku qanacsan yahay inuu magac ahaana ku magacawnaado Somalia, Canshurta Muqdishana maamulo. Bank-ga maamulka Puntland oo uu kasoo jeedo ebid ma fara gashan, sidoo kale Bank Maamulka Juba Kismaayo ka furteen sidoo kale maba quseeyaan, oo waxaa ay ka yihiin dal kale camal.
Isku soo wada duube Cadaalad darada saameysay beelaha Hawiye, Digil/Mirifle iyo Beesha 5-aad waxaa masuuliyadooda dusha u ridanaya Madaxweynihii hore DF Sheekh Sharif, Madaxweynaha haatan Talada haya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo isagu goostay inuusan sixin dastuurka isku qasan ee dalka Soomaaliya.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo: Xasan Sheekh oo isagoo shacab iska soo dhigay soo duubay Video cajiib ah

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shacabka kala hadlay warbaahinta dowladda,waxuuna si qoto dheer ugu hadlay xaaladda dalka iyo higsiga dowladda uu hoggaamiyo.
Madaxweynaha ayaa soo duubay video soconaya in ka badan 20 daqiiqo, isaga oo sheegay inuu sida qof caadi oo shacab oo kale ah ula hadlayo dadweynaha, oo uusan markan ahayn madaxweyne.
Muuqaalkan waxa uu madaxweynaha kaga hadlay arrimo badan.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Soohdimaha Federaalka – Hakad mise Joogsi? (Faallo uu qoray Yusuf Garad)

$
0
0

Ethiopia waa deris aan wax kala barannay. Marka laga soo tago erayo afkeenna ku milmay sida dooro iyo wanjal iyo qaar kale, waxyaabaha aan ka barannay waxaa ka mid ah nidaamka Federalka ee ku saleysan haybta. Oo aad mooddo in sidiisii loo soo min guuriyay marka laga tago in meeshii qowmiyad ahayd loo qaato qabiil.
Keenna Soomaaliya waxaan qabaa in haddi qabiil lagu saleeyo uu ka liidan doono kan Ethiopia. Waayo?
Dalka Ethiopia wuxuu ka kooban yahay in ka badan 80 qowmiyadood. Tirada guud ee dadka Ethiopia marka 4 loo qeybiyo, saddex qeybood waxaa ah afarta qowmiyadood ee dalkaas ugu waaweyn oo kala ah Oromo iyo Soomaali oo Kushutic isku ah iyo Amhara iyo Tigray oo Semetic ah.
Qowmiyad kasta oo iyadu af gooniya leh waxaa loo qoondeeyay in uu degaankeedu noqdo qeyb Federal ah oo dalka ka tirsan.
Tusaale Soomaalida oo ah qowmiyadda saddexaad ee ugu tiro badan Ethiopia, waxaa laga soo qaaday hal qowmiyad oo waxaa la siiyay hal Dowlad Goboleed oo  xarunteedu ay JigJiga tahay. Ogowna shanta beelood ee Soomaaliya ay siyaasadda qaar ku qeybsatay, shantuba Ethiopia wey deggen yihiin.
U fiirso Soomaalida Ethiopia waa qowmiyad Soomaali ahaan Dowlad Goboleed u wadaagtay.
Dooddeeydu ma aha Federaal ma noo fiican yahay mise maya? Mana aha ha la is hor taago. Su’aalahaas waxaa laga doodi doonaa maalinta la gaaro in cod loo qaado, Insha Allah.
Hadda dooddeydu waxay ku saleysan tahay in aan la isku khadlin qowmiyad iyo beel. Yaan Federaalkeenna hayb lagu saleyn ee degaan ha lagu saleeyo. Laba ama ka badan beelood ee degaan wadaaga, wey jiraane ha barteen in ay Dowlad Goboleed wadaagaan. Taas oo sahli doonta isdhexgalkooda iyo is fahamkooda mustaqbalka. Taas oo iyaduna mustaqbalka dhimi doonta coolaadaha.
Haa, waad u qaadan kartaa in aan ka hadlayo Mudug, weyna dhici kartaa in uu isagu i soo xasuusiyay. Ka muwaaddin ahaan xaq waan u leeyahay in aan ka dhiibto aragtideyda.
Laakiin Soomaaliyadaada ha ka dhigin Mudug uun. Marka la fiiriyo tirada guud ee qabaa’ilka isla deggan hal Gobol, waxaa Mudug ka qabiillo badan Galguduud iyo Hiiraan. Iyagana waxaa siyaasiyiintooda ka mid ah qaar u durbaan tumaya in soohdimaha hadda lagu saleeyo qabiil.
Waxyaabaha iga yaabiyay ee aan Xamar ku maqlay waxaa ka mid ah Matabaan ha laga gooyo Hiiraan oo ha lagu daro Galguduud? Waxaa kale oo aan maqlay Ceel-Dheer ha laga gooyo Galguduud oo ha lagu daro Shabeellada Dhexe. Maxaa dhacay?
Waxaan qabaa Gobollada Soomaaliya in loo daayo sida ay ahaayeen maalintii Dowladda Dhexe ay burburtay 1991. Kolley shacabku wa dulmane oo waxba lama weydiiyee, Gobolladii ay Madaxdoodu oggoshahay markaas Dowladda Federaalku ha aqbasho in ay is raacaan.
Miyaan la baran karin in qabiilku hakad mooyee aanuu joogsiaqoon? Haddii  Gobollada loo kala jarjaro beelaha dega, maanta halkaas wuu ku hakanayaa laakiin ma ku joogsan doonaa? Nidaamka Federaalka yaan laga dhigin, sida qabyaaladda, mid aan Joogsi lahayn.
Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay.W/Q: Yuusuf Garaad Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhageyso: Sh. Shariif oo muddo kadib ka hadlay siyaasada iyo xaalada dalka

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in marwaliba uu diyaar la yahay tallooyinkii uu balan qaaday.
Shariif Sheekh Axmed oo hada ku sugan Magaalada London ee dalka Uk, ayaa Wareysi uu siiyay TV-ga Royal, wuxuu sheegay in dowladda hada jirta loo bahan yahay in lasiiyo fursad wanaagsan oo isbedel ay ku keeni karto.
Waxa uu sheegay Shariif Sheekh Axmed in inta badan uusan la socon siyaasadaha dalka Soomaaliya, balse uu rajeynaayo madaxda dalka Soomaaliya inay sameeyaan isbedel wanaagsan.
Hogaamiyihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu tilmaamay in inta badan uusan waxba kala socon siyaasadaha “Ma Dhageysto Idaacadaha website ma aqristo jaraa’idna ma aqristo marka laga reebo inaan dad ka maqlo sheekooyinka siyaasada jira”Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Ujeedada London uu u tagay ayuu ku sheegay inay tahay in Jaamacada OXFORD ee dalka Uk oo muddo 6-bilood ah waxbarasho ka dhigan doono.
Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu ka baxay Siyaasada dalka Soomaaliya wuxuu uweecday dhanka waxbarashada, isaga oo markii uu degay dalka Uganda waxbarasho bilaabay.Halkan ka dhageyso madaxweyne Shariif
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2014/10/shariif.mp3Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Go’aanka lagu kala goynayo Mudug oo soo bixiyey wixii laga cabsida qabay

$
0
0

Murannada socda iyo su’aalaha laga keenay sameeynta Maamul-goboleedka Bartamaha ayaa dibedda u soo saaray dhibaatooyinka maamul-goboleed dhisidda iyo baahida loo qabo in la dardar galiyo sameeynta Komishanka Soohdimaha iyo Federaalka, siday sheegayaan falanqeeyayaasha siyaasadeed iyo saamileeydu.
Oggolaanshihii bishii July ee in la sameeyo Maamul-goboleedka Bartamaha, oo baddali doona maamul goboleedka Galmudug oo ka kooban gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyo ismari waagii siyaasadeed ee ka dambeeyay oo dhex maray xukuumadda federaalka iyo maamulka Puntland ayaa sigay inay marin habaabiyaan hannaanka federaalnimada.
Usbuucii hore, ayuu ismari waagaas ku dhammaaday wadahadallo dib-u-heshiisiineed oo labada dhinac dhex maray iyo heshiis 12-qodob ah oo dariiqa u xaadhay dib-u-eegidda iyo fulinta dastuurka federaalka ku-meel-gaadhka ah, sameeynta ciidan millatari oo loo dhan yahay iyo in doorashooyin la qabto 2016-ka, iyo arrimo kale.
Hase ahaatee, muhiimaddii ugu weeyneeyd ee laga lahaa wadahadallada dib-u-heshiisiinta — oo ahayd in heshiis laga gaadho sameeynta Maamul-goboleedka Bartamaha — ayaa keenay uun khilaaf dheeraad ah iyadoo ay labada dhinacba dib uga gurteen halkii ay markii hore taagnaayeen oo ay gobolka Mudug labo u kala qeybiyeen.
Sida uu dhigayo heshiisku, labada dhinac waxay go’aan ku gaadheen in Maamul-goboleedka Bartamaha uu ka koobnaan doono koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud, halka uu waqooyiga Mudug qeyb muhiim ah ka sii ahaan doono gobolka maamul-goboleedka Puntland.
Isla markii la shaaciyay heshiiska ka dib, wakiillo ka socda maamul goboleedyada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna wal Jamaaca (ASWJ) ayaa dood ka keenay, iyagoo sheegay inuu dastuurka federaalka ah isagu leeyahay awoodda sameeynta iyo qeexidda xudduudaha, ee aysan siyaasiyiintu lahayn.
Cabdikariim Daauud, oo culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay inay xukuumadda la gudboonayd inay khaladkii hore saxdo ka hor inta aysan ku tallaabsan inay saxiixdo heshiis kale oo kii hore ka hor imanaya.
“Markii horeba waa lagu degdegay in la shaaciyo isku darka labada gobol iyadoo aan si wanaagsan loola tashan dadka gobollada deggan waayo dadka reer Puntland ee deggan Mudug waxay xaq u lahaayeen inay go’aan ka gaadhaan cidda ay raacayaan,” ayuu yiri.
“Maadaama gobol kale lagu soo darayay meel ay Puntland maamusho, waxay xaq u lahayd in lala tashado oo lagu qanciyo,” ayuu yidhi.
Heshiiskii 14-kii October waxaa sidoo kale wax aan jirin ka soo qaaday saamileeyda Maamul-goboleedka Bartamaha, oo uga jawaabay inay hakiyaan wada-shaqeeyntii kala dhexeeysay dawladda federaalka ah.
“Heshiisku wuxuu abuurayaa khilaaf iyo iska hor imaad, waxaana uu shaki kala galinyaa dadka [dega gobollada dhexe],” ayuu Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid yiri. “Qodobbada ay labada dhinac ku heshiiyeen ma ahan kuwa u adeegaya maslaxadda dalka, wada noolaanshaha iyo dib u heshiisiinta.”
“Dastuurka ayaa cid walba ka sarreeya, madax iyo shacabba, laakiin heshiikaas waxaa uu ku xadgudbay dastuurka federaalka ah,” ayuu yidhi.
Komishanka Soohdimaha iyo Federaalka oon wali la sameeyn
Qeybdiid ayaa sheegay inay si gaar ah uga soo horjeedaan qodobka Mudug u kala qeybinaya aagagga waqooyiga iyo koonfurta.
“Qodobkaas waxa uu si toos ah uga hor imanayaa dastuurka federaalka ah, oo sheegaya in laba gobol iyo wixii ka badan ay maamul sameeysan karaan,” ayuu yidhi, isagoo sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu adeegsaday awood aan dastuurku siin oo uu ku kala qeybiyay Mudug. “Qodobka 111-aad ayaa sheegaya in Komishanka Soohdimaha iyo Federaalku uu leeyahay awoodda qeexidda xudduudaha gobollada iyo degmooyinka, walina lama magacaabin komishankaas.”
Daauud, macalinkii culuumta siyaasadda ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay inay la gudbooneeyd xukuumadda federaalka inay marka hore sameeyso Komishanka Soohdimaha iyo Federaalka, oo uu isagu noqdo midka qeexaya ama qeybinaya soohdimaha gobollada.
Waxaa intaas dheer, ayuu yidhi, heshiiska 12-ka qodob ah wuxuu keenayaa dhibatooyin cusub oo khuseeya Puntland oo aysan dawladda federaalku xallin karin.
“Maamul walba oo federaal ah wuxuu xaq u yeelanayaa inuu dalbado heshiis la mid ah midka ay dawladdu la gaadhay Puntland waxaana ay taasi keeni kartaa khilaaf joogto ah,” ayuu yidhi. “Heshiiskan marka la eego, waxa uu dadka Mudug u qeybinayaa qabiil ahaan iyadoo qabiillada Puntland ka soo jeeda la raaciyay dhanka Puntland sidoo kalena qabiillada koonfurta ka soo jeeda la raaciyay maamulka gobollada dhexe waayo dadka deggan ayay isku qabiil yihiin.”
“Qodobkaas heshiiska ku jira waxa uu horseedi doonaa in maamullada kalena ay dalbadaan in dawladdu ay u soo gooyso [oo maamul goboleedkooda ugu soo darto] meelaha ay deggan yihiin dadka ka soo jeeda qabiilkooda oo ka tirsan gobollada kale,” ayuu yidhi. “Tani waxay dawladda u keeneeysaa dib-u-dhac iyo khilaafaad [qabiil] sababta oo ah maamullada oo dhan waa isku xuquuq.”
Dawladda ‘oo ka caga jiideeysa’ sameeynta Maamul-goboleedka Bartamaha
Guddoomiyaha ASWJ Sheekh Ibraahim Xasan Gureeye, oo ka mid ahaa dadkii saxiixay heshiiskii lagu gaadhay Villa Somalia 30-kii July, ayaa sheegay in ay xukuumadda federaalka ah ka sugayaan jawaab ku saabsan waxa ay u baddashay heshiiskii hore loogu gaadhay in labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud loo sameeyo hal maamul.
“Waxaan wadahadallo iyo wada xaajood la galeynaa ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha si ay u caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan dadaallada lagu guda jiro ee maamul u sameeynta gobollada dhexe,” ayuu yiri Gureeye. “Waa wax fiican haddii ay xukuumaddu saxdo khaladkeeda, laakiin haddii ay sixi weydo, waxaan dhisaneynaa maamul aan leenahay waxaanan jareeynaa xiriirka aan la leenahay xukuumadda.”
Gureeye ayaa sheegay inay saamileeydu goor horeba bilaabeen inay wadatashiyo sameeyaan oo ay damacsan yihiin inay horay ugu dhaqaaqaan qodobadii heshiiskii hore.
Dhiniciisa, Madaxweynaha Galmudug Qeybdiid ayaa yidhi, “Kama noqoneeyno go’aankeenna. Waa mas’uuliyad xukuumadda saaran inay wax saxdo sababtoo ah annaga waxaan ku taagan nahay dariiq sax ah. Odayaasha dhaqanka iyo dadka deegaannada ayaa go’aanka iska leh.”
Si walbaba ha ahaatee, xukuumadda federaalka ah ayaa sheegtay in ujeeddada laga lahaa heshiiska ay la gashay Puntland uu ahaa in dib loo bilaabo xidhiidhkii kala dhexeeyay Puntland.
“Waan soo dhoweyneynaa heshiiska, waxaanan u mahad celineynaa cid walba oo ka qeyb qaadatay dadaallada wax lagu dhisayo,” ayuu yidhi Maxamed Keynaan, oo ah agaasimaha warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha, isagoo sheegay inkastoo horumar laga gaadhay dib-u-dhiska Soomaaliya dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay haddana jirto hawl badan oo qabasho u baahan.
“Waxaa laga shaqeeynayaa sidii loo dhisi lahaa komishannada xudduudaha, federaalka, iyo doorashooyinka,” ayuu yiri. “Kuwani waxay u saamaxayaan dawladda federaalka inay maamullo federaal ah ku dhisto hannaan wadatashi.”
Laakiin Keynaan wuxuu sidoo kale ka gaabsaday inuu faallo dheeraad ah ka bixiyo cabashooyinka saamileeyda gobolka bartamaha iyo khilaafka ka abuurmay heshiiska dhex maray Puntland iyo dawladda federaalka ah.
Isha: Sabahi Online
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Al-Shabaab oo duleedka Kismaayo ka dagaalameysa iyo warar sheegaya in…

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal xoogan ku dhex maray Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Maleeshiyada Alshabaab.
Dagaalka oo dhowr saac qaatay ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay Maxamuud Maxamed Qaalib oo ah Taliye  Ku-xigeenka  Ciidamada Maamulka Jubba waxa uuna sheegay in dagaalka ay ku dileen dagaalyahaano ka tirsan Alshabaab.
Maxamuud Maxamed Qaalib waxa uu sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Lugloow oo 13KM u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxa uuna cadeeyay inta dagaalka uu socday ay gacanta ku dhigeen dagaalyahaano halka tiro badana ay dagaalka ku dileen.
Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in Dagaalka ay ku dileen 5 ka tirsan Al-shabaab oo ilaa 4-Qori ay ka furteen, Seddexna ay kusoo qafaasheen dagaalka, waxa uuna sheegay in dagaalka ay ka qeybqaateen Ciidamada midowga Africa ee AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya.
Dhanka kale, waxa uu Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Jubba sheegay in Ciidamo gaaraya ilaa 1,000 Kun Askari oo Tababar loogu soo xiray Duleedka Magaalada Kismaayo,kuwaas oo uu sheegay in ay Duulaan ku yihiin Degmooyinka Bu’aale iyo Jilib.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Waqtiga SOMALIA looga soo saarayo SHIDAALKA oo la shaaciyey, goorma?

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii August ee la soo dhaafay shaaciyey in la rajeynayo in sannadkan gudihiisa la dhamaystiro qorshaha soo-saarka shidaalka iyo gaaska Somalia ayaa waxaa soo baxayo ifafaalo muujinayo in muddo 6 sanno gudaheeda marki ugu horreysay Xeebaha Somalia laga soo saaro Shidaal iyo Gaaska Dabiiciga.
Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federalka, Daa’uud Mohamed Omar ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in muddo 6 sanno lagu soo saaro shidaalka, iyadoo ay soconayaan Wada-hadalladda lala leeyahay Dowladaha si loo qeybsado kharajka ka soo xeroonaya shidaalka.
Wasiirka oo ka hadlay Shirweynihii Caalamiga ee Shidaalka iyo Gaaska Somalia ee lagu soo gebagbeeyey magaalladda London ayaa waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka rajeynayso in sida ugu dhaqsaha badan loogu dhaqaaqo Deegaannadda la calaamadeeyey ee uu shidaalka ku jiro.
Wasiirku waxa uu farta ku fiiqay inay Shirkadaha Shidaalka danaynayaan inay dib ugu soo laabtaan Somalia, waxayna Dowladda Federalka wada-hadal kula jiraan Shirkaddo ay ka mid yihiin Royal Durch Shell Plc, Exxon Monil Corp., BP Plc iyo Chevron Corp.
Inkasta oo aan la xaqiijinin Kaydadka Shidaalka ee Somalia, laakiin qodista dhulka Somalia waxa uu qaab ahaan la mid yahay Dhulka Yemen oo la xaqiijiyey inay leeyihiin kayd dhan 2.7 million oo Fuusto.Xigasho: Businessweek
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Press Release: EUCAP Nestor trains and mentors Somaliland Coast Guard young officers in Berbera

$
0
0

21 October 2014On 21 October, the European Union’s Maritime Capacity Building Mission in the Horn of Africa and Western Indian Ocean (EUCAP Nestor) celebrated the successful completion of a two month Mentoring, Teaching and Training (MTT) programme for thirty young officers of the Somaliland Coast Guard in Berbera from Hargeisa, Berbera and Zeyla, Mait and Las Qoray.
The ceremony took place at the Coast Guard Headquarters in the presence of dignitaries from Somaliland, as well as representatives of the European Union. The Head of EUCAP Nestor Country Office Somalia, Mr. Pierre-Aimé Riccio, attended the last few days of the MTT, as well as the ceremony which was combined with the handover of small equipment and a Rigid Hull Inflatable Boat.
The MTT programme that started in mid-August was aimed at providing the basic foundation knowledge on coast guard functions and operations, as well as the requirements necessary to execute these in a safe and secure manner. It also touched on the functions of the Coast Guard Headquarters. Enabling the Somaliland Coast Guard and authorities to counter maritime crime at sea and ashore more effectively and to work more efficiently with national, regional and international partners is at the core of EUCAP Nestor’s mandate.
The MTT programme was designed and run by the EUCAP Nestor Senior Maritime Adviser for Somaliland, Marco Hekkens from the Netherlands, and made use of the facilities of the Somaliland Counter Piracy Coordination Office, the Berbera Maritime and Fisheries Academy and EUCAP Nestor’s new Field Office in Hargeisa.
Speaking about the preparations for this course, Marco Hekkens said: “lt became clear to me that the further development and future of the Somaliland Coast Guard very much depends on the young generation Coast Guard officers, which are properly mentored, educated and trained for their respective roles. When I discussed this with the Somaliland authorities, this approach was immediately recognized and I could rely on their full support to start the preparations for this pilot programme. I was particularly pleased that Mr. Ali Mohamed Waran Ade, Somaliland Minister of Interior, officially opened the start of the MTT with a speech, asking the students to maximize their opportunity to enhance their individual and collective knowledge. He viewed their maritime education as an investment in the country.”
Admiral Ahmed Aw-Osman Abdi, Commander of the Somaliland Coast Guard said: “Somaliland has over 856 km of Coastline. As a Coastal State we have International Obligations to fulfill. We are grateful for the assistance provided by EUCAP Nestor so far. Capacity Building efforts have to continue to help us in our combat against all sorts of Maritime Crime in our Maritime Domain. The dedication of Marco Hekkens is worth mentioning and we thank him for his good efforts”.
The Executive Director of the Counter Piracy Coordination Office Mohamed Osman Ahmed spent positive words for EUCAP Nestor’s effort in Somaliland: “For 23 years Somaliland did not have an opportunity to train young coastguard officers. This training has been offered at the right time. I am confident that by end of 2016, with the assistance of EUCAP Nestor we will have trained young coastguard officers that combat all sorts of maritime crime on  sea and on shore”.
The ceremony ended with the handover of equipment for the Somaliland Coast Guard. This included several portable as well as some very large binoculars for coastal surveillance, outboard engines and a rigid hull inflatable boat with a large assortment of safety equipment for patrolling coastal waters.
Background
EUCAP Nestor is a civilian EU mission under the Common Security and Defence Policy which assists host countries in the Horn of Africa and Western Indian Ocean region (Somalia, Somaliland, Djibouti, Seychelles, Tanzania) in strengthening their capacity to ensure maritime security and in particular to fight piracy.Sonia KhoudjaSenior Press and Public Information OfficerEUCAP Nestor – Maritime Security Capacity Building  in the HoA and WIOHQ – DjiboutiLot 352 Haramous, Djibouti-Ville, BP 2510, Djibouti Tel: +253 77 083 044Email: Sonia.Khoudja@eucap-nestor.euWebsite: www.eucap-nestor.eu 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Muuqaalka HALBEEG Daawo Waxaa Kala Haysta Daahir Calasaw Khamriga,Beenta, Qaadka Iyo Jacaylka

$
0
0

Decorated soldier from 'Black Hawk Down' battle in Somalia dies at 52

$
0
0

A decorated soldier who participated in the Somalia battle immortalized by Hollywood blockbuster “Black Hawk Down” was reportedly found dead in his Georgia home earlier this month. Retired Command Sgt. Maj. Robert Gallagher, 52, died of natural causes ...
Weblinks: 

Somalia Asks Sierra Leone Troops Be Excluded From Amisom Rotation

$
0
0

Somali leaders have asked that troops from Sierra Leone be excluded from African Union Mission in Somalia (AMISOM) rotations due to the threat of Ebola, Somalia's RBC Radio reported Wednesday (October 23rd). "To avoid the potential risk of transporting ...
Weblinks: 

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live