Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofey Sucuudiga

$
0
0

Kn: Sidii aan sii sheegney maalmo ka hor madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofey dalka Sucuudiga si uu halkaasi ugu soo cumreysto.
Isaga oo talo ka helaya culumo Soomaaliyeed, ayuu doortey in safarkiisa ugu horeeya uu kusoo qaato guriga eebe, islamarkaasina soo cibaadeysto ka hor inta uusan faraha la galin shaqada tirada badan ee hortaala.
Diyaarad qaas ah ayay boqortooyada Sucuudiga usoo dirtey Madaxweyneh Farmaajo, taasi oo soo celin doonta.
KismaayoNews.com


Ra’isulwasaare Xasan Kheyre, Kheyr Alle haka dhigo

$
0
0

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aroornimadii saakay Ra'isulwasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre, kaasi oo horey oga shaqayn jirey hey;addaha samofalka, islamarkaasina ah nin qurba-joog ah oo degen dalka Norway.
Waa nin dhalinyaro ah kana soo jeeda beesha Murusade, waxaana la filayaa in uu soo magacaabo xukuumad tayo leh.
Mar uu shir jaraa'id ku qabtay Xamar ayuu Xasan Kheyre yiri "Aniga oo danta dadkeyga iyo dalkeyga gudanaya ayaa waxaan balanqaadayaa in aan kuula shaqayn doono si hufan oo hansami leh".
Dareen kala duwan ayay dadka ka muujinayaan Ra'isulwasaaraha cusub, qaar ayaa farta ku fiiqaya in uusan lahayn qibrad shaqo oo dawladnimo, halka qaar kale ay tilmaamayaan in uu yahay nin dhalinyar oo aanan ka bixi karin shaqada culus ee loo dhiibey.
Balse dadka intooda badan ee rajada qaba waxa ay leeyihiin "Kheyr Alle haka dhigo".
KismaayoNews.com

Maxaa horyaallo ra'iisul wasaaraha la magacaabay?

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo shalay la caleemo saaray, ayaa maanta magacaabay ra'iisul wasaare cusub.

Madaxweynaha Puntland oo u Hambalyey Raisul...

$
0
0

Putland waxay si weyn ugu Hambalyeyneysaa Raisul wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta oo 23 Feb uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya U magacaabay xilka Raisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya. Putland Waxay u aragtaa Mudane Xasan Cali Kheyre in uu yahay Shaqsi [...]

Madaxweyne Farmaajo oo Safarkiisii ugu horreeyay ugu...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay Dalka Sacuudi Arabia.
Safarka Madaxweynaha ayaa arrimo badan isugu jira waxaana uu ugu horreyn soo gudan doonaa Cumrada isagoona Xaramka uga soo duceyn doona Umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa uu la soo kulmi doonaa Madaxweynaha Madaxda Boqortooyada Sacuudi Arabia.
Waa Safarkii ugu horreeyay tan iyo Markii Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo la doortay ee uu ugu ambabaxo Dalka Dibaddiisa.

Maxaa horyaallo ra'iisul wasaaraha la magacaabay?

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo shalay la caleemo saaray, ayaa maanta magacaabay ra'iisul wasaare cusub.
Ra'iisul wasaaraha la magacaabay waxaa laga sugayaa inuu hortago labada aqalak ee baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.
Sidoo kale waxaa laga sugayaa inuu la yimaado barnaamij siyaasadeed waafaqsan midka madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra'iisalwasaare
Madaxweyne Farmaajo oo 12 arrimood ka hadlay
Shan arrimood oo madaxweyne Farmaajo horyaalla
"Sidoo kale wuxuu u baahan yahay inuu taageero ka helo shacabka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho", sida uu sheegayo Cabduqadir Xaaji Maxamud Dhaqane oo ka faallooda arrimaha siyaasadda.
"Jagada ra'iisul wasaaraha waa mid muhiim ah oo ugu sareysa golaha fulinta ee dowladda. Wuxuu qabanayaa inta badan howlaha dowladda horyaalla", ayuu sheegay Dhaqane.
Ra'iisul wasaaraha la magacaabay haddii uu helo taageerada baarlamaanka, wuxuu billaabi doonaa inuu soo dhiso golaha wasiirada.
Golahaasi waxay ku saleysnaandoonaa awood qeybsiga 4-5 ee ah sida beelaha Soomaaliya ay awoodda siyaasadda ku qeybsadaan.
SAWIRRO: Xafladda caleemo saarka madaxweyne Farmaajo
Sawiro: Sida madaxweyne Farmaajo uu ula wareegay madaxtooyada
Dad abaarta ay barakicisay oo gaaray Muqdisho
"Waxaa laga sugayaa dowlad farsamo yaqaan ah oo howl qaban karta. Waxaa fiican in xukuumadda bannaanka laga keeno", ayuu yiri Dhaqane, oo siyaasadda ka faallooda.
Xukuumadda la soo dhisidoono waxay wajeheysaa caqabado dhanka amniga ah. Dhaqane wuxuu sheegayaa in golaha wasiirtada ee la soo dhisidoono ay wanaagsan tahay inay si wadajir ah u wajahaan dhibaatooyiinka dhanka amniga.

Qoysas ka cabanaya Dhul Boob ka dhan ah oo ka socda...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Qoysaskaan Soomaaliyeed oo leh Dhulal ay Docomentiyo Sharci ah u heystaan ee soo baxay Sanadkii 1985-tii ayaa waxa ay Cabasho ka muujinayan dhul boon ka dhan ah.
Hooyo Asli Colaad Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in muddo 3 Cisho kaliya loo qabtay si ay u baneeyaan dadkaasi Rayidka ah Guryahood oo si Shrci ah ay ku degan yihiin.
Dhinaceeda Hooyo Faadumo Maxamuud Cigaal ayaa hoosta ka xariiqday Qoysaskaas iska leh Dhulalkaasi Dadka Rayidka ah laga soo rarayo in ay yihiin kuwa aan waxba Galabsan ee Xoog loogu sheeganayo Xasaanadda dowladda loona baahan yahaya in Arrintooda la soo fara geliyo.
Ugu dambeyn Maxamuud Maxamed Cali oo ka mid ah Qoysaskaasi Soomaaliyeed ee Dhulalkooda la boobayo ayaa ka codsaday Dowladda Cusub in ay wax ka qabato Cabashadooda ku saabsan Boobka lagu hayo Dhulkooda ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Muqdisho.
Boobkaan Qaawan ayaa la sheegay in ay iska kaashanayaan Qoysas ay ugu horreeyaan Reer Geelow iyo Reer Arbush oo ah Qoysas Walaalo ah islamarkaana isku gaashaan buureysanayo Dhaca iyo Boobka Hantida Dad kale waxaana ku gacansiinaya Dhaca qoysaskaasi Dhulkaasi Danyartu leeyihiin Nin Magaciisa lagu sheegay Cali taranta oo la ilma Adeer ah Boobayaasha Dhulalkaasi.
Tani ayaa qeyb ka ah falalka looga fadhiyo in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo fara geliyo si wax looga qabto maadaama ay tahay boob aan loo meel dayin oo ka dhan ah dadka Rayid ah ee loogu tagri falayo awodda dowladda weliba iyagoo heysta Docomentiyo Sharci ah.

Daawo; Shir Jaraaid R/W cusub


Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Boqorka Dalka...

$
0
0

Riyadh (Sh M Network)--Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Riyaadh ee Dalka Sacuudiga.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa si diiraan waxaa halkaasi ugu soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Riyadh iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Sacuudiga.
Intaasi kadib, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxuu halkaasi kula kulmay boqorka wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan Binu C/casiis, waxaana ay ka wada hadleen arimo ku saabsan Soomaaliya.
Labada Mas'uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo qaadi la haa xayiraadaha KMG ah ee saaran Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray Dalka Sacuudiga.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa inta uu halkaasi joogo waxuu la kulmi doonaa Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Sacuudiga.

Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka Ceelhuur ee...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelhuur oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya inay halka la wareegen dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab.
Is-gaarsiinta deegaanka ayaa hawada ka maqan,taaso wax adag ka dhigtay in faah faahin badan laga helo kooxda al-Shabaab ee deegaanka gacan ku heyntiisa la wareegtay.
Warar horu-dhac ah oo laga helayo deegaanka ayaa sheegaya markii halka ay gaaren kooxda al-Shabaab inay gubeen guryo iyo goobo ganacsi oo sida la sheegay ay lahaayeen dadka deegaanka.
Sidoo kale,dhaq dhaqaaqyada al-Shabaab ay deegaannada ka wadaa waxaa ay cabsi ku beeren dadka ku nool degmada Hobyo,kuwaaso ka walacsan al-Shabaab inay deegaanka soo-galaan.
Maamulka Galmudug oo deegaannada ka arrimaya wax war ah wali kama usan soo bixin,waxaana la wareegitaan al-Shabaab ee deegaanka Ceelhuur uu ku soo aadaya xilli dhawaahanay ay deegaannada ku yaalla koonfurta gobolka Mudug dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen ciidamo huwan ah oo ay qayb ka ahaayeen ciidamo Marekan ah.
__RBC Radio

Shaqaale ka tirsan hay’adda Save the Children oo...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Inta la xaqiijiyay saddex ruux oo ka tirsan shaqaalaha hay'adda Save the Children iyo darawalkii gaariga u waday ayaa lugu af-duubay deegaan 10 km u jira magaalada Baladweyne oo lugu magacaabo Xujuub.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegtay inay afduubeen shaqalahan ka tirsan hay'adda Save the Children,hay'addana dhankeeda wali wax war ah kama soo bixin.
Wariyaha Raxanreeb ee gobolka Hiiraan,wuxuu ku soo warramaya shaqaalaha la afduubay inay deegaan u tageen howl samafal ah, waxaana ay ka qeybinayeen cuntada loo isticmaalo nafaqo darida ee Plumpnet.
Soomaaliya waxaa lugu bartilmaamedsada shaqaalaha hay'adaha gargaar iyo dadka kale ee ajanibaga,qaarkood waxaa lugu soo furta lacago ay dalbadaan kooxaha afduubka geysta.__RBC Radio

DAAWO SAWIRRO: Boqorka dalka Sacuudiga oo siweyn...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu xilkan hayay booqashadii ugu horreeysay ku tagay dalka boqortooyadda Sacuudiga,halka oo maanta lugu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Farmaajo oo ay waheliyeen wafdi kale oo dowladda ka tirsan,waxaa la sheegay dalkaas inay ku tageen caasumaad rasmi oo boqorka Sacuudiga uu u fidiyay.
Waxaa dalkaas wafdiga ka socday dowladda dhexe ku soo dhaweeyay Amiirka Riyaad, Amiir Faysal Bin Bandar Ibnu Cabdicasiis,Safiirka Soomaaliya ee Sucuudiga Daahir Maxamuud Geelle,wasiirka arrimaha dibadda DFS mudane Cabdisalaan Hadliye iyo diplomaasiyiin safaarada ka tirsan
Madaxwayne Farmaajo iyo Boqorka Sucuudiga Salmaan waxay cutubyo ciidanka qaranka Sucuudiga ka tirsan salaan sharaf uga qaateen madaxtooyadda.
Ka hor inta uusan madaxwaynaha kullan gaar ah la qaadan Boqorka Sucuudiga wuxuu la kulmay dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyadda Amiir Maxamed Binu Naa'if,intaa kaddibna waxaa loo sameeyay wafdiga madaxwaynaha qado rasmi ah oo ay kasoo qayb galeen Gollayaasha wasiiradda iyo Baarlamaanka Sucuudiga.
Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi wuxuu kaddib kullan gaar ah la qaatay Boqorka Sucuudiga, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha siyaasadda.
Caasumaddan waxay ka dhacdey Qasriga la dhaho Al-Yamaama, waxaa kaloo xusid muddan in magalada la suray calanka Soomaaliya kaasoo uu agtiisa ka ba'banayo kan Sucuudiga.
Sidoo kale,waxaa jira kulamo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa inta ay ku suganyihiin Sacuudiga ay la yeelan doonaan madax kale oo ka tirsan wadankaas.
Madaxweyne Farmaajo ayaa siddeedii bishaan lagu doortay magaalada Muqdisho, iyadoo isla maanta inta uusan ka bixin Muqdisho ra'iisul asaare u magacaabay Xasan Cali Khayre.
__RBC Radio

Xog: Xasan Kheyre iyo Xasan Sheekh (Maxaad u baahan...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta xilka Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia u magacaabay Xasan Cali Kheyre.
Ra'isul wasaaraha xilkaasi loo magacaabay ayaa Siyaasad ahaan la sheegay inay aad isugu dhow yihiin Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Cali Kheyre waxa uu si dhow ula shaqeyn jiray Xasan Sheekh, waxaana lagu qiimeeyay inuu kamid ahaa la-taliyayaasha dhanka Hay'adaha Caalamiga waxa uuna si gaara u qiimeyn jiray taladiisa, isaga oo markii dambe ahaa madax ololaha doorashada Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sidoo kale Ra'isul wasaaraha inta ay wada shaqeynayeen uu kala tashan jiray arrimaha Shidaalka, Heshiisyada Hay'adaha ku lugta leh soo saarida shidaalka iyo waxyaabaha la halmaala Kheyraadka ku jira dhulkeena.
Ra'isul wasaaraha waxa uu si muuqata u aaminsan yahay fekerka Damul-Jadiid, walow Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in isaga lagala xisaabtami doono dhibta uu la imaado Ra'isul wasaaraha uu magacaabay.
Ra'isul wasaaraha la magacaabay Xasan Cali Kheyre waxaa lagu yaqiinay Hawlaha Samafalka Aadminimadda, wuxuuna muddo dheer Madax ka ahaa Xafiis gobaleedka Golaha Qaxootiga Norway (NRC) ee Bariga Afrika, iyadoo mudada intaa dhan ay saaxiib dhow wada ahaayen Xasan Sheekh.
Xilka Dhaqdhaqaaqe Samafale ayuu ahaa tan iyo markii uu Dhalashadda dalka Norway qaatay, waxa uu haatan Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain ugu magacaaban yahay Wakiilkooda Bariga Afrika, isaga oo shirkaddaas ku leh saami ah 1.1%, una dhiganta 2 milyan oo dollar.
Dad badan ayaa tan ku macneeyey in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dib usoo nooleynayo Maamulkii uu talada kala wareegay, waxa ayna is weydiinayaan Xukuumada uu dhisi doono Ra'isul wasaaraha cusub oo ay macquul tahay inay kasoo dhex muuqdaan xubno kale oo aad ugu dhow Xasan Sheekh.
Dadku waxa ay sidoo kale hadal hayaan in Xasan Cali Kheyre uu yahay keliya Xasan Sheekh oo dhiig furan, balse inta kale ay wadaagan.
Kheyre ayaa waxaa ku fog tallo ka qaadashada Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Magacaabistiisa ayaa la rumeysan yahay inay ku timid heshiis dhex maray Farmaajo iyo Xasan Sheekh, maadaama kooxda Xasan ay baarlamanka ku leeyihiin ku dhowaad 100 xildhibaan. Waxaa sidoo kale arrintan gadaal ka riixay Fahad Yaasiin oo ah gacanyaraha koowaad eee Farmaajo.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Xasan Cali Kheyre oo Loo Magacaabey Ra’iisal...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa subaxnimada maanta ah ee Khamiista ku dhawaaqey qofka Raysalwasaaraha u noqonaya Xukuumada Federaalka.
Xasan Cali Kheyre ayuu u magacaabey Madaxweynuhu in uu noqdo Raysalwasaaraha Jamhuuriyadda, Goobta uu ku magacaabey waxaa ku sugnaa Afhayeenka Baarlamaanka Aqalka Hoose Jawaari iyo Raysalwasaaraha la magacaabey Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku doortey Xasan Cali Kheyre in uu yahay qof ay wada shaqeyn karaan, maadaama dalkaani xasilooni u baahan yahay, sidaas darteed uu yahay qof ka tarjumi kara himilooyinkiisa.
Mudane Kheyre waxa uu horey uga soo shaqeeyey hay'adda samafalkaee NRC ee laga lee yahay dalka NORWAY oo uu noqdey madaxa Bariga Afrika. Xasan waxa uu haystaa dhalashada dalka Norway.
Xasan Cali Kheyre ayaa kamid noqdey shirkadda SOMA OIL ee ka dhisneyd dalka Ingriiska, waxaana uu noqdey Madaxa Bariga Afrika. Shirkaddan ayuu kamid yahay saamileyda, sida lagu sheegay baaritaano lagu sameeyey shirkadda kadib markii ay soo baxeen fadeexado musuq-maasqu la xiriira.
Xasan Cali Kheyre horey ugama soo shaqeyn arrimaha siyaasadda, waxaase la shegaa in uu yahay shakhsi ku wanaagsan gor-gortanka iyo arrimaha ganacsiga iyo hay'adaha.
Guddiga dabagalka ee Qaramada Midoobey ayaa bishii Maarso 2016 ku eedeeyey Xasan Cali Kheyre in uu xiriir la lee yahay ururada argagixisada sida al-Shabaab iyo kuwo kale oo aan la sheegin. Bishii Luuliyo 2016 ayaa Qaramada Midoobey kiiskaan tirtiteen oo ka masaxeen Xasan Cali Kheyre.
Magacaadda Xasan Cali Kheyre ayaa noqotey mid dad badan aysan fileyn, marka la eego beelaha kale ee sida weyn isugu haystey markii hore, waxaana uu beel ahaanka soo jeedaa Hawiye/Murursade.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Daawo Sawirada: Madaxweynaha Soomaaliya oo Si Diiran...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaarey Boqortooyada Sucuudi Caraabiya halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Wefdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Marwada kowaad ee jamhuuriyadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ka degey garoonka diyaaradaha ee King Khalid International Airport magaalada Riyaadh waxaana garoonka ku soo dhaweeyey Faisal bin Bandar Al Saud, barasaabka gobolka Riyaadh iyo Wasiiru Dowlaha xukuumadda Dr. Mussaed bin Mohamed sida ay qortey SPA.
U adeegaha labada Xaram ee Shariifka ah Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa ku qaabiley Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi halka la yiraahdo al-Yamamah. Labada masuul ayaa ka wada hadley xiriirka labada dal.
Kadib Boqorka ayaa wefdiga Madaxweynaha u sameeyey qado sharaf ay ka soo qaybgaleen qaar kamid ah qoyska Boqortooyada sida ay qortey Wakaaladda wararka ee Sucuudigu.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa lagu wadaa in uu tago magaalada Barakaysan ee Makka halkaasna uu ku cumreysto.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com


DAAWO: Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay...

$
0
0

DAAWO: Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Jubaland, Kuna Baaqay In Lala Shaqeeyo Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Daawo: Hadalkii Ugu Horeeyay Ee Uu Jeediyay Ra’iisal...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hor inta aanu u safrin dalka Sucuudiga magacaabey Raysalwasaarihiisi, kadib markii malintii shalay la caleema Saarey. Madaxweynaha ayaa magacaabey magac ku cusub siyaasadda Soomaaliya oo ah Xasan Cali Kheyre.
Xasan Cali Kheyre Raysalwasaaraha Farmaajo magacaabey ayaa sheegay in uu aqbalay magacaabidda, isla markaana uga mahad-celinaayo Madaxweynaha magacaabistaan.
Wuxuu sheegay in u la shaqeynaayo Madaxweynaha si hufan oo habsami leh. Xasan Ayaa sheegay in markii baarlamaanku ansixiyaan uu soo dhisi doono Dowlad hufan oo shaqeysa.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka dalbadey in ay la shqeeeyaan, isaga oo ballan qaadey in si caddaalad ah uga shaqeyn doono xilkan maadaama xilkaani amaan yahay oo ay sugi doonaan amaanada.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Puntland, Jubaland,Galmudug Iyo Hirshabeele oo...

$
0
0

Maamulada Puntland,Galmudug,Hirshabeele iyo Jubbaland ayaa Warsaxaafadeed ka soo baxay Waxaa lagu Taageeray Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Warsaxaafadeedyada ka soo baxay Maamulada Puntland,Galmudug iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay Taageersan yihiin Magacaabista Ra'iisul Wasaare Kheyre,waxaana ay Baarlamaanka ugu baaqeeyn in ay Deg Deg u Ansixiyaan.
Dhanka kale Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ilaa hada ka hadlin magacaabista Ra'iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya.
Maanta ayey aheyd markii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu soo Magacaabay Ra'iisul Wasaaraha uu soo Xushay,kaas oo sugaya in Baarlamaanka ay siiyaan Codka Kalsoonida.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Muddada arooska siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo?

$
0
0

Qolyaha arrimaha siyaasadda falanqeeya waxay yiraahdaan 'Political Honeymoon Period of a Presidency' amase 'Muddada Arooska Siyaasadeed' ee Madaxweynenimada - waxay timaaddaa waqtiga ama xilliga madaxweyne cusub ku guulaysto doorasho shacabku u oomman yahay isbeddel hoggaamineed ee dalka ka dhaca.
Waxaa lagu qeexaa 'Muddada Arooska Siyaasadeed' ee madaxweyne cusub inay tahay: muddada ka bilaabata maalinta madaxweynaha cusub la doorto ilaa bisha ama dhowrka bilood ee xiga maalintii la doortay. Inta lagu jiro xilliga 'Muddada Arooska Siyaasadeed' - shacabweynaha badankood, golaha baarlamaanka iyo warbaahintu intuba waxay u heellan yihiin inay si niyadsami leh madaxweynaha cusub ula shaqeeyaan waxayna sidoo kale hilow u qabaan inay arkaan isbeddelka madaxweynaha cusub shacabka u yaboohay ee uu ballanta iyo wacadka ku maray inuu la iman doono.
Madaweynaha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidaynu dhammaanteen aragno oo wada og nahay wuxuu ku jiraa 'Muddada Arooska Siyaasadeed' - waxaannu Ilaahay uga baryaynaa inuu ku guulaysto hirgalinta isbeddel horumar leh oo taabanaya dhinacyada: 1) nabadgalyada 2) dhaqaalaha 3) waxbarashada 4) caafimaadka 5) xukun-wanaagga 6) taabbagelinta sharciga 7) joojinta musuqa 8) naqdinta gaalaysiinta/murtad-ka-yeelidda 9) midaynta ummadda Soomaaliyeed.
Marka'Muddada Arooska Siyaasadeed' ee madaxweynuhu haatan ku naalloonayo laga gudbo, waxaa iman doona in xubnaha Golaha Shacabku la xisaabtamaan Golaha Fulinta kaasoo ah maamulka cusub ee dalku yeeshay kana kooban: Madaxweynaha, Wasiirka Koowaad iyo Golaha Wasiirrada.
Golaha Shacabku wuxuu kala xisaabtami doonaa Golaha Fulinta (Madaxweynaha, Wasiirka Koowaad iyo Golaha Wasiirrada) masuuliyadda hawlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin: 1) nabadgalyada 2) dhaqaalaha 3) waxbarashada 4) caafimaadka 5) xukun-wanaagga 6) taabbagelinta sharciga 7) joojinta musuqa 8) naqdinta gaalaysiinta/murtad-ka-yeelidda 9) midaynta ummadda Soomaaliyeed.
Sida ka jirta dalal badan oo dalkeenna ka horumarsan, madaxweyne cusub ama wasiir koowaad (raysal wasaare) cusub inta ay ku jiraan 'Muddada Arooska Siyaasadeed' - waxay uga faa'iidaystaan muddadaas - oo badanaaba ah muddo kooban - inay fuliyaan hawlo-qaran oo ay adag tahay in la taabbagaliyo marka laga baxo 'Muddada Arooska Siyaasadeed'.
Markii Golaha Shacabku sida geesinnimada leh u doorteen Madaxweyne Farmaajo, oo horay u soo noqday Wasiir Koowaad (Raysal Wasaare) shacabweynaha Soomaaliyeed-na tusay waxqabad muuqda oo uu ku fuliyay muddo kooban gudaheed - waxaa si wayn daafaha Dunida looga arkay farxadda iyo damaashaadka ummadda Soomaaliyeed ku soo dhowaysay natiijadii doorashadii xildhibaannadu soo dooreen Farmaajo, taasoo shacabku ku cabbiray oraahdii farax-awgi kula dayoobay gudaha magaalada Jowhar Cabdullaahi Maxamuud Cismaan, isagoo carrabka ka goyn waayay: 'Ar Farmaajo ii geeya, Ar Farmaajo ii geeya..'.
Farxaddaas wayn ee Ummadda Soomaaliyeed ku muujiyeen baahida ay u qabaan dowladnimo run ah - farxaddaas oonka iyo harraadka loo qabo dowladnimadu keentay ayaa iyaduna markeeda keentay 'Arooska Siyaasadeed' ee uu ku jiro Madaxweyne Farmaajo oo maanta la caleemo saaray.
Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Farmaajo waxaa u yaalla hawlo waawayn oo aad u culus siduu maanta u sheegay Madaxweyne Geelle-ha Jabuuti oo ka khudbeeyay xafladda caleemo saarka Madaxweynaha. Waa in Madaxweynaha Soomaaliya ka faa'iidaysto 'Muddada Arooska Siyaasadeed' ee shacabka iyo Golaha Shacabkuba u heellan yihiin waxqabadkiisa - waa inuu ficil kala hor dhaco qodxaha iyo jallaafooyinka tirada badan leh ee ay la maaggan yihiin danley iyo dowlado diiddan in Soomaaliya tillaabo u qaaddo dhabbaha midnimadeeda iyo horumarkeeda.
Fantasiyaha 'Aroos Siyaasadeedka' Farmaajo oo uusan fogayn af-meeriddiisu, ficil dhab ah iyo feejignaan baa looga fadhiyaa Madaxweynaha cusub kaasoo ah: yagleelidda dowlad midnimo qaran oo dejisa qorsheyaal u dhigma barnaamijyadii Rajab Dayib Erdogan iyo Mohamed Mahathir ku hormariyeen shucuubta Turkiga iyo Malaysia.W/Q: Maxamuud Axmed SharmaarkeAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Midowga Mareexaan iyo Murusade ma yahay madasha...

$
0
0

Kaaha muuqanaayaa, kii nabadda weeyaan, Alloow inagu kaalmee, Kariimkoow na gacan qabo, oo isku fur kashka Soomaalida. Intaasi waa ducada aan ku furaneyno faalladeena.
8-dii bishaan Febraayo, shacabka Soomaaliyeed waxay ku asteysteen maalin taariikhi ah, maadaama Baarlamaanka Soomaaliya uu doortay Madaxweyne la aaminsan yahay inuu ka dhabeyn karo riyada dadka Soomaaliyeed oo dhan, dhisi kara dowlad xoogan oo Somalia ah markale, waana Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
54 sanno jirkaan kasoo jeeda beesha Mareexaan, wuxuu degay quluubta shaqsi kasta oo Soomaali ah markii uu qabtay shaqo aysan cidna inkiri karin intii uu hayey talista Wasiirka Koowaad ee dowladdii Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Hase yeeshee, wuxuu ku fashilmay doorashadii 2012kii uu ku guuleystay Xasan Shiikh Maxamuud markaasoo uu miiska loolanka doorashada ka qaatay codad aad u yar.
Afar sanno ka dibna wuxuu soo laabtay isagoo ka diyaarsan sidii hore, wuxuuna ku guuleystay Doorashadii lagu qabtay Muqdisho, taasi waxay farxad gelisay shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo dibad-baxyo waa weyn ka dhigay caasimadda iyo gobollada dalka. Qaabka ay shacabku usoo dhoweeyeen Farmaajo waxaa loo soo qaadan karay tusaale adduunka uga filan inuu dalka dhaca Geeska Africa helay Madaxweynihii uu u baahnaa.
15 cisho ka dib wuxuu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaaraha dowladdiisa isagoo jagadaan u boqray Xasan Cali Kheyre, oo ah 49 sanno jir, beel ahaan Murusade kasoo jeeda, waana markii ugu horreysay ee ay Murusade helaan xilka labaad ee ugu sarreeya Somalia.
Shacabka, Fallanqeeyeyaasha siyaasadda Somalia iyo kooxo kale ayey lama filaan ku noqotay qaabka uu Farmaajo u qadiyey labada beelood ee Abgaal iyo Habar-gidir sababtoo ah midkood labadaan beelood ayaa laga filaayey kursigaan. Balse Farmaajo isbedel ayuu doortay, sidii uu ololihiisu ahaaba.
Tani waxay ka dhigan tahay in labada jago ee dalka ugu sarreeya ay ku midoobeen Mareexaan iyo Murusade, Farmaajo waa madaxweynihii labaad ee Mareexaan ah ee ka taliya Madaxtooyada tan iyo Maxamed Siyaad Barre oo xilkaan hayey muddo 21 sanno ah. Wuxuuna Wasiirka Koowaad ee dowladdiisa ka dhigtay shaqsi aan lagu aqoon siyaasadda dalka, sidoo kalena ay beeshiisu ku cusub tahay booska loo igmaday waana Mudane Kheyre.
Fallanqeeyeyaasha siyaasadda Somalia ayaa aaminsan in go'aanka Farmaajo uu inta badan xiriir la lahaa qaabkii ay xilkaan isugu qoonsadeen Abgaal iyo Habar-gidir, isaguna wuu ka dhex bixiyey jagadaan. Si kale haddii loo macneeyo, dad badan ayaa aaminsan inaan la qaban laheyn wixii la qaban waayey 25kii sanno ee ugu dambeysay oo labadaan beelood uusan midkoodna ka qadin labada kursi ee dalka ugu sarreysa maamuladii kala duwanaa ee dalka soo maray.
Kheyre waa Soomaali inta badan noloshiisa kusoo qaatay dalka Norway, waa ganacsade qurbajoog ah. Waxa ugu horreeya ee laga dhowri doono waa inuu noqdo Wasiir Koowaad oo aan muran iyo dagaal hoose la gelin Madaxweynihiisa, taasoo keeni karta Mooshin iyo Madax Wareer siyaasadeed oo uu dalku galo.
Odoroseyaasha ayaa aaminsan in Farmaajo uu u baahan yahay inaan lagu farogelin afarta sanno ee maamulkiisa, gudaha ama dibadda si uu ugu guuleysto inuu dhanka kale u rogo Sawirka Dowladnimo Xumo ee Soomaalida ka yaalla dunida, haddii uu sidaas la qaato Kheyre ma laga yaabaa inuu Midowga Mareexaan iyo Murusade noqdo madasha nabadda Soomaaliya.
Haa, rajadu ma xuma marka laga fiirsho dhinacyo badan. Waa marka koowaade haddii la waayo muran iyo mooshin.
Waa marka labaade, haddii la waayo farogelin iyo fowdo debedda ah, oo Farmaajo iyo maamulkiisa looga leexdo inay sameeyaan waxa la habboon illaa 2021ka.
Waa marka seddexaade, haddii ay Soomaalida oo dhan u hugaansanto isbedelka dhacay, jidka cusub ee lagu joogo isla markaana ay wadaniyaashu maankooda geliyaan in aysan jirin cid u dhiseysa maamul dowladeed oo u marag la'aan meel ugu fadhisa Soomaaliya.
Kuna darso, dowlad kasta oo dunida ah ayaa qaab beeleed iyo xeerar u gaar ah ku qeybsata xukun awoodeedka, oo qabyaaladda Soomaalida kuma koobna, balse waxay ina dheer yihiin beesha ama xisbiga aan xilalka sarre heyn markasta waxay shaqo daacad ah la garab istaagaan dowladda markaas xukunka heysa... waana arrin ay tahay inay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalidu ku daydaan.
Waxaan sidoo kale la iska indhotiri karin jaceylka shacabka u muujiyeen isbedelka dhacay iyo sida nabadda loogu bisil yahay Soomaalida oo dhan ka dib 26 sanno oo cid kasta ay gurigeeda ku aragtay natiijada ay leedahay dowlad la'aantu.
Waxaa naga xusuusin ah inuh Kheyre u baahan yahay taageerada Golaha Shacabka ama inay ansixiyaan Baarlamaanku ka hor inta uusan soo dhisin Xukuumaddiisa. Balse ifafaale wanaagsan iyo soo dhoweyn heer sarre ah ayuu helay, iyadoo inta badan Maamul Goboleedyada dalku ay taageero u muujiyeen kasoo biloow Puntland illaa Jubbaland, sidoo kalena uu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay Baarlamaanka inay Codka Kalsoonida siiyaan.
Ugu dambeyntii, waxaa la aaminsan yahay in midowga Mareexaan iyo Murusade uu noqon karo madasha nabadda Soomaaliya...Aragtidaada saliimka ah waad nagu kordhin kartaa akhriste.W/Q: Cabdi Mahad Garaad Muqdisho, SoomaaliyaAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live