Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Obama iyo Bush oo sheegay in ay kala qaybsanaan wayn ka jirto Maraykanka

$
0
0

Barack Obama iyo George W Bush oo horay madaxweyneyaal u soo noqday ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka Maraykanka, arrintaas oo loo arko dhaliil maldahan oo ka dhan ah Trump


Saaka oo Jimca ah waa maalintii toddobaad Qaraxii...

$
0
0

Saaka oo Jimca ah waa maalintii toddobaad Qaraxii Oktoobar 14.
Oct 20, 2017 -
Waxaan mar kale u tacsiyeynayaa ehelka Soomaaliyeed ee qaraxii Oktoobar 14 ku waayay qof ay jecel yihiin. Samir iyo Iimaan ayaan Ilaaheey uga baryayaa.
Dadka aan waxba galabsan ee iyaga oo nolol maalmeedkooda la harjadaya sida maangaabnimada iyo arxan la'aanta ah loo dilay waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu ka waraabiyo naxariista Jannada.
Dhaawaca dalka gudhiisa ama dibaddiisa lagu daweynayo waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu dhakhso u bogsiiyo.
Qof kasta oo si toos ah ama si dadban gacan uga geystay howlaha gurmadku wuu ku mahadsan yahay waxaanna Ilaaheey uga baryayaa in uu ajar iyo farxad ka siiyo
Wasiirka arimaha dibadda Somaliya yuusuf Garaad Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Obama iyo Bush oo sheegay in ay kala qaybsanaan wayn...

$
0
0

Barack Obama iyo George W Bush oo horay madaxweyneyaal u soo noqday ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka Maraykanka, arrintaas oo loo arko dhaliil maldahan oo ka dhan ah hogaaminta madaxweyne Donald Trump.
Obama ayaa ku baaqay in dadka Maraykanku ay diidan siyaasadda "kala qaybinta" iyo "cabsida" Bush-na wuxuu soo bandhigay eedkale oo ah in nolosha dadka lagu hayo "xoogsheegasho iyo yasid"
Haddaladaas ayay meelo kala duwan ka jeediyeen, midkoodnanase ma soo hadal qaadin magaca madaxweyne Trump.
Trump oo aad u naqdiyijiray madaxweynihii uu badalay ayaan wali arrintan ka hadlin.
Madaxweyneyaashii hore ayaa caadiyan ka xishooyin jiray in ay meel fagaare ah wax kaga sheegaan madaxda badasha Obama markii uu xafiiska ka tagayayna wuxuu sheegay in ixtiraaankaas uu sii wadi doona inta uu Trump xilka hayo sidii uu sameeyay George W Bush oo isaga ka sii horreeyay.
Laakiin aamusnaanta ayuu joojiyay tan iyo markii ay soo baxday dadaallada uu Trump ku doonayo in uu ku nasakho oo ku badalo daryeelka caafimaadka ee Obamacare iyo waliba mamnuucitaankii "Muslimiinta" ee muranka badan dhaliyay iyo isaga bixiddii heshiiskii cimilada ee Paris.
storvideo: 

Madaxweynaha Maamaulka Hirshabeelle oo ku baaqay in...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel kaga soo wada jeestaan gumaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Waare oo la hadlayay Barlamaanka Maamulka hirshabeele ayaa sheegay in nabad diidka Al shabaab ay ka go,an tahay gumaadka iyo bur burinta Shacabka Soomaaliyeed taasina ay daliil u tahay Qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska soobe kaasoo ay u dhinteen dad Shacab ah.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in haddii ay iskaashadaan Dowladda Federaalka ah iyo Shacabka laga hortagi karo waxkasta iyo falkasta oo ay doonayaan Maleeshiyaadka nabad diidika ah ee Al shabaab ay ku dhibaataynayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka madaxweyne Waare ayaa ku soo aadaya iyadoo 14-kii bishan magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax xoogan oo Al-Shabaab ay ku laayeen dad shacab ah kuna bur buriyeen hantiyo fara badan oo ay lahaayeen Shacab Soomaaliyeed.
Maamul Goboleedyada dalka ayaa isku wada raacay in meel looga soo wada jeesto Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab gumaadka ay ku hayaan Shacabka aan waxba galabsan ee mar waliba Qaraxyada ay ku dhameynayaan.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleKuuriyada waqooyi oo Australia uga digtay siyaasadaha Trump
Next articleKuwait oo si ku lul u weerartay dhibaatada Israel ay ku hayso Falastiin

storvideo: 

Dibadbaxayaal Maraykanka ku carqaladeeyay khudbadii qolyaha garabka midig ee fog

$
0
0

Dibadbaxayeel halhays ka dhigtay "Gurigooda ha aadaan Nazi-gu" ayaa carqaladeeyay khudbad ay jaamacadda University of Florida ka jeedin lahaayeen qolyaha ay la wayntahay caddaannimadu.

48 sano kadib Farmaajo muxuu ka yeeli doonaa go...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Berri oo Sabti ah, waa munaasabadda xuska inqilaabkii 1969kii , kaas uu Maxamed Siyaad Barre ka geytay Soomaaliya, maalintaas Siyaad Barre waxaa uu ka sameeyay afgambi taariikhi ah, waxaa uu dalka kula wareegay qaab aan dhiig ku-daadan, isaga oo laalay sharciyadda dalka sida Dastuurka, waxaa uu kala diray dhamaan hay'adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka.
48 sano kadib, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isku magac iyo beel wadaagaan waxaa uu hor-iman-doonaa berri baarlamaankii uu Maxamed Siyaad qufulka ku jabiyay isaga oo sharciyad iyo taageero ka raadsanaya, si dalka u galo xaalad cusub.
Xilligaas October 21, 1969kii, Jaalle Siyaad waxaa uu Idaacadda ka sheegay sababta uu inqilaabka u sameeyay , Khudbaddii ugu horeysay ee Barre Idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in Cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda.
Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka kusoo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay Inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda.
Khdbadda Madaxweyne Farmaajo ee October 21, 2017ka lama oga arrimaha ay xoogga saari-doonto, Laakin marka la fiiriyo xaaladda uu dalka ku jiro iyada oo maanka lagu hayo dhacdadii 14kii October iyo Khudbadii uu Khamiista ka jeediyay garoonka Koonis, waxaa muuqata in uu raadinayo taageerada baarlamaanka labadiisa aqal iyo midnimo qaran, waxaa uu dalban-doonaa in ay ku garab istaagaan in uu isticmaalo awoodihiisa dastuuriga ah.Mar haddii labada Hoggaamiye aan isbar-bar dhignay, Ka waran Labada Baarlamaan?
Baarlamaanka uu Maxamed Siyaad kala diray October 21, 1969kii waxaa uu ahaa hal aqal, nidaam Jamhuuri ahaa, waxaa uu ka koobnaa 123 Xildhibaan, waxaa ay kala matalayeen in ka badan 60 xisbi, waxaa 100 Xildhibaan wax ka badan ku lahaa Xisbiga SYL, Madaxweyanaha, Ra'isul Wasaaraha iyo Ra'isul Baarlamaanka inta waxaa ay ka tirsanaayeen SYL, awoodda baarlamaanka waxaa ay aheyd mid xadidan.
Baarlamaanka 2017ka, waa labo aqal, Nidaam, federaal ah ku dhisan, tiro ahaan waa 329 Xildhibaan, waxaa ay ku yimaadeen qaab beeleed, madaxweynaha, Ra'isul Wasaaraha iyo Ra'isul Baarlamaanka inta waxaa ay ku yimaadeen qaab ka duwan kii 1969kii, marka laga hadlayo isla xisaabtan hey'adaha fulinta, waxaa awood badan baarlamaanka maanta jira.
Hadaba, Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Sabtida, Ma Noqon-doontaa mid lagu inqilaabayo xaaladda amni-darro ee dalka ka jirta? Ma noqon-doontaa mid lagu inqilaabayo cabsida heysata shacabka Soomaaliyeed? ma noqon-doontaa mid taariikhi ah oo isbadal amni iyo dhaqaale dalka gelisa mise waa khudbad la mid ah kuwii uu horay u jeedin-jiray?
Isha G. News- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Dibadbaxayaal Maraykanka ku carqaladeeyay khudbadii...

$
0
0

Dibadbaxayeel halhays ka dhigtay "Gurigooda ha aadaan Nazi-gu" ayaa carqaladeeyay khudbad ay jaamacadda University of Florida ka jeedin lahaayeen qolyaha ay la wayntahay caddaannimadu.
Khudbaddii uu Richard Spencer ka jeediyay Gainesville ayaa horseeday in gafarnatooraha Florida uu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah.
Meesha lagu qabanayo kulankan bannaankeeda waxaa istaagay booliis iyadoo boqolaal dad ah ay ku dhawaaqayaan "Spencer-roow gurigaaga aad!"
Khudbaddiisan ayaa imaanaysa labo billood ka dib markii isu soo bax ay Charlottesville ka dhigeen qolyaha midigta fog ay horseeday in ay haweenay dhimato.
Dad xoogaa ah oo taageersan Spencer ayaa waxaa ka tanbatay dadkii dibad baxayay iyaga oo ku qaylyay khudbaddii uu jeedinayay.
"Guriga aadi mahayo, halkan ayaan maantoo dhan taagnaan haddaan rabo," ayuu yiri Spencer
Qaar ka mid ah dadka ayaa sii waday in ay carqaladeeyaan iyaga oo qaadaya halkudhagyo ay ka mid yihiin "Halkan lagama doonayo Nazi-yiin".
Jaamacadda ayaa sheegtay in aysan rabin in uu khudbad "qalafsan" jeediyo Spencer, balse ay u hogaansameen sharciga oo u ogolaaday.
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog...

$
0
0

Magaalada Caynaba ee xarunta gobolka saraar waxa maanta lagu soo gabo-gabeeyay wadahadaladii u socday dawladda somaliland iyo khaatumo, wadahadalaadaasi oo socday labadii sanno ee u danbeeyay taasi oo ka dhalatay gogoshii nabadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland u fidiyay dadka deegaanada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle.
Wadahadaladani oo si weyn labadii sano ee u danbeeyay uga socday dalalka imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo Somaliland gudaheeda ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Caynaba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiska ay gaadheen labada dhinac ayaa waxa hadalka qaatay Prof: galaydh oo si weyn u sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay Galaydh in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.
Shirkaasi muhiimka ah ee ay Somaliland iyo Khaatumo ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba galabta 20/20/2017, ayuu madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka jeediyey khudbadan: "Madaxda-dhaqanka, Madaxda Khaatumo, Madaxda Dawladda, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Marti-sharafta kale, ee madashan fadhida, dhammaantiin, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe "Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu"
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Milgo iyo Maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb-galo munaasibaddan taariikhiga ah, ee lagu soo af-jarayo, khilaafkii dheeraa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Khaatumo. Sharaf weyn bay ii tahay, Madaxweyne ahaan, in aan maanta ku guulaysanno, xal u helidda khilaafkaa, dhaawaca ku ahaa midnimada iyo wada-jirka Umada Somaliland. Dhinaca kale, waa Eebe Mahaddii, in aanu, aniga iyo saaxiibkay Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo aanu wadaagno, sooyaal taariikheed oo dheer, aanu bogsiinnay boogihii iyo nabaradii labada dhinac, isla markaana aanu maanta isku mabda iyo mawqif siyaasadeed nahay.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xal-u-helidda khilaafka ina soo dhex-galay, wuxuu ahaa mas'uuliyad umad ahaan ina saaran, si gaar ahna, wuxuu ahaa xil noo saaran labadayada Oday, ee jaalka ah. Tan iyo intii, Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland, dib loo yag-leelay, waxa jiray tabashooyin iyo saluug, ay tirsanayeen beelaha deegaanada Gobolka Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Sanaag Bari. Nasiib darro, ma dhicin in si rasmi ah, marnaba khilaafaadkaa, loogu xalliyo hab-dhaqan ama mid siyaasadeed toona.
Hogaamiye ahaan, markii aan haaneeday hogaanka dalka, bilowgiiba, waxaan ku baaqay wada-hadal iyo gogol nabadeed. Xukuumaddaydu, waxay xoog saartay, dardar-gelinta siyaasad ku dhisan nabadayn, wada-hadallo iyo dib-u-heshiisiin. Mudadii labada sanno, ee u dambaysay, waxaanu agaasinay shir doceedyo gaar-gaar ah, oo aanu ku marti-qaadnay Madaxda Dhaqanka iyo Kuwa Siyaasadda, ee deegaanadaa Gobolka Sool. Shirarkaas goos-gooska ah, ee kala du-duwanaa, ugamaanu jeedin in aanu ku qaybino, ama ku kala qo-qobno wax-garadka bulshada ku dhaqan deegaanada kor ku xusan.
Hase-yeeshee, waxay ujeedadu ahayd, in ay u noqdaan gogol xaadh, shir-weyne balaadhan oo ay ku wada xaajoodaan Somaliland iyo Wax-garadka deegaanada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Waxa mudan, in aan si gaara u xuso Shirweynihii Magaalada Adhi-cadeeye, iyo Kii Awr-boogays, ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland, iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hijiinle iyo Cabdiraxmaan Harti. Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo, Garaadadii, Cuqaashii, Wax-garadkii iyo hal-doorkii, ka-qayb-qaatay qabsoomida shirkaa, iyo meel marinta go'aamadii ka soo baxay. Sidaa darteed, waxaanu dhawri doonaa, dhammaan heshiisyadii is-kaashiga, iyo wax-wada qabsiga ahaa, ee dhex-maray labadayada dhinac. Waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona dhawaan, inuu dhaqan-geliyo go'aamada Shirkii Awr-boogays.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan soo dhaweynayaa, midnimada iyo heshiiska maanta aanu kala saxeexanayno, maamulka iyo madaxda khaatumo, kaasoo Shacbiga Somaliland u hor-seedaya; Horumar, iskaashi iyo isku-duubni. Waxaannu fulin doonaa heshiiskan, ka kooban Saddex iyo Tobanka Qodob, isla markaana, waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona, dhaqan-gelinta go'aamada heshiiskani uu xambaarsan yahay.
Waxaan kula dardaarmayaa, kuna adkaynayaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, 13-ka bisha December, 2017-ka, in uu mudnaan siiyo, dib-u-dhiska iyo horumarka deegaanada Gobollada Sool, Buhoodle, Xaysimo iyo Sanaag Bari. Sidoo kale, waxaaan kula talinayaa in uu qaban-qaabiyo shir-weynihii guud ee baaqday. Midnimada iyo Wada-jirka Umada Somaliland, waa mid leh muhiimad weyn, oo aan marnaba, mad-madow la gelin Karin.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Laba ILAAH Baa u Daawo Qaaday, Labana Iyagaa Daawo Qaatay". Haddaba, waxaan leeyahay, umadda Somaliland, ILAAHAY ayaa u daawo qaaday, oo waa kuwo wadaaga dal, dad, daaq, deegaan, debci, diin iyo dhaqan guun ah.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Si loo xaqiijiyo, isla markaana loo xoojiyo Midnimada Shacbi-weynaha Somaliland: Waxaan aamin-sanahay, in la qayb-sado, hawsha, halabadda iyo hantida Qarankan, Curdinka ah. Waxaan aamin-sanahay, in Beelaha iyo Bulshada Somaliland yihiin, kuwo siman oo leh xaq, xuquuq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan aamin-sanahay, in cadaaladdu tahay, waxa keliya ee ay umadi ku walaaloobi karto, ama jiritaankeedu uu ku waari karo.
Walaalayaal,
Waxaan gar u arkaa, in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago. Waxaan gar u arkaa, in wixii qal-damay la saxo. Waxaan gar u arkaa, in la dheeli tiro awood qaybsiga talada dalka. Waxaan gar u arkaa, in la idinka tiro, tabashada iyo turxaan kasta oo aad tirsanaysaan. Waxaan xal u arkaa, in loo baahan-yahay in dib u eegis lagu sameeyo, Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, uu yeelan doono, mustaqbalka. Walaalayaal, mar labaad ayaan ku celinayaa, oo waxaan leeyahay, ma nihin, dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee waxaynu nahay dad isku dan, iyo isku dal ah. Waxaynu nahay, dad ka dhigan Sakaaradii la yidhi "Laba Tun, oo la kala qalo ma leh".
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan kula dardaarmayaa, Bulshada Somaliland in ay wada-tashadaan, oo isku-tashadaan, isla markaana ay adkeeyaan nabada, midnimada, kalsoonida iyo is-aaminka dhexdooda. Ugu dambayn, waxaan hambalyeynayaa, Xubnaha Guddidii Wada-hadalka, laba geesoodka ahayd, ee ka kala socotay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo bud-dhig u ah guushan. Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa, Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo muujiyey geesinimo iyo go'aan adayg, si uu u mideeyo dadka iyo dalka Somaliland".
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu Boggeena iyo Beerkeena, Burcad isu-mariyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu tubta toosan, inagu hanuuniyo,
ALLAHAYOW, Aamiin, Aamiin, Aamiin
Gunaanadkii shirkana Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu yidhi" Waxa weeyi nuxurku :-
In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.
In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay'adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.
storvideo: 


Soomaalida Norway oo mahad-celin u jeedisay Turkiga

$
0
0

Kn: Masuuliyiin matalayay Soomaalida Norway ayaa manta ubax mahadnaqeed gudoonsiiyay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya dalka Norway.
Soomaalida ayaa uga mahadcelisay dalka Turkiga caawimaadda joogtada ah ee walaalnimadu ku dheehantahay ee had iyo goor ay la garab taaganyihiin Soomaaliya. Safiirka Turkiga, Safak Gokturk ayaa sidoo kale Soomaalida uga mahadceliyay dareenkooda walaalnimo, wuxuuna sheegay inay dawladdiisa ka go'antahay in la sii xoojiyo xiriirka qatada dheer ee ka dhexeeya labada dal.
Masuuliyiinta Soomaalida ayaa safiirka u sheegay inuu madaxweynaha Turkiga ka gaarsiiyo salaan ay uga sidaan Shacabka Soomaaliyeed.
storvideo: 

Death toll from truck attack rises to 358

$
0
0

Somali authorities on Friday evening announced the death toll from last Saturday’s deadly truck bomb attack in the capital Mogadishu had risen to 358.
“The attack claimed 642 victims, including 358 deaths and 228 injuries, with 56 other people also missing,” Information Minister Abdirahman Omar Osman told a press conference.
A total of 122 seriously injured people were airlifted for medical treatment in Turkey, Kenya, and Sudan, he added.
Internal Security Minister Mohamed Abukar Islow said the government had arrested several people over the deadly attack.
The militant group al-Shabaab, blamed for the deadly bombing, evacuated the districts after learning that a well-armed force was heading their way, he added.
Prime Minister Hassan Ali Khaire declared war against al-Shabaab after the truck bomb attack.
The post Death toll from truck attack rises to 358 appeared first on Shabelle.

Farmaajo, nabadoon Soomaaliyeed baan rabaa inaan noqdo

Death toll from truck attack rises to 358

$
0
0

Somali authorities on Friday evening announced the death toll from last Saturday's deadly truck bomb attack in the capital Mogadishu had risen to 358.
"The attack claimed 642 victims, including 358 deaths and 228 injuries, with 56 other people also missing," Information Minister Abdirahman Omar Osman told a press conference.
A total of 122 seriously injured people were airlifted for medical treatment in Turkey, Kenya, and Sudan, he added.
Internal Security Minister Mohamed Abukar Islow said the government had arrested several people over the deadly attack.
The militant group al-Shabaab, blamed for the deadly bombing, evacuated the districts after learning that a well-armed force was heading their way, he added.
Prime Minister Hassan Ali Khaire declared war against al-Shabaab after the truck bomb attack.
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska soobe ee magaalda Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadkii ku...

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska soobe ee magaalda Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta Soomalaiya Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 358 qof iyo 228 qof oo dhaawac ah.
Wasiirku waxa uu sheegay in sidoo kale nolol iyo geeri la la'yahay 56 qof halka 99 qof oo kolkii hore dhaawac ahaan cusbitaalada loo dhigay hadda cusbitalka laga saaray.
Sida uu sheegay Eng. Yariisow, 122 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaanna waddamada Kenya, Turkiga iyo Suudaan si halkaa loogu soo daweeyo.
Tiro kale oo dhaawac ah ay jiifaan cusbitaalada Muqdisho.
Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in dhowr qof loo soo qabtay qaraxa, balse waxa uu ka gaabsaday in wax faafaahin ah uu ka bixiyo maadaama buu yiri uu wali baaritaan socdo.
Ku dhowaad toddobaad ayay ku qaadatay dowladda in ay hesho xogta rasmiga ee dadkii ku waxyeelloobay qaraxii Muqdisho.
Ilaa saddex guddi oo dowladda ay u saartay xaaladdan, hay'ado iyo kooxo mutadawiciin ah ayaa soo uruuriyay xogtan ay haatan dowladda shaacisay.
Dowladdu waxay sheegtay in hadda la soo gabo gabeeyay wejiga koowaad ee gargaarka deg degga ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan la filayaa in uu hadal ka hor jeediyo xubanaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo la filayo in uu kala hadlo xaaladda ammaan ee dalka soo wajahday iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu dooneyso in ay qaaddo, kaddib qaraxii lagu hoobtay.
storvideo: 

Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis ku gaaray Caynaba

$
0
0

Magaalada Caynaba waxaa maanta lagu soo gabo-gabeeyay wadahadal Somaliland iyo Khaatumo labadii sano ee u danbeeyay uga socday imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo gudaha Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galayr oo goob joog ka ahaa shirka ayaa saxiixay heshiiska ay gaareen labada dhinac.
Cali Khaliif Galayr oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday Caynaba, isagoo xusay in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag Bari wuxuuna ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo heshiiska maanta ay kala saxiixdeen maamulka khaatumo, kaas oo uu sheegay in uu Shacabka Somaliland u hor-seedayo Horumar, iskaashi iyo isku-duubni, wuxuuna balandaaqay in uu fulin doono heshiiska.
Gunaanadkii shirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Somaliland iyo Khaatumo, kaas oo u qornaa sidan.
In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.
In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay'adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.PUNTLAND POST
The post Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis ku gaaray Caynaba appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Gaas oo kormeeray Jidka barakaysan

$
0
0

21st October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Qalabkii Jidka barakaysan ee Ceel daahir Laamiga lagu saari lahaa Laamiga ayaa laga soo raray dalka Hindiya, oo Soomaaliya soo gaari doona waqti dhow
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 20 October 2017 kormeeray dhismaha wadada ceel-daahir - ceerigaabo oo dhismeheedo meel wanaagsan marayo, waxaana Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey kormeerkooda ku gaadheen 5km oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ceel-daahir oo iyadu ah goobta laga bilaabay wadada, 55km ayaa wadada loo dhamaystiray caro-tuur iyo jayba, 15km oo kamid ahna isbuucan gudihiisa ayaa la dhigi doonaa caro-tuurka iyo jaygaba, guud ahaan wadada inta lagashaqeeyey ayaa ah 70km
[embedded content]
Post navigation
- Maxay noo dilayaan? 21 Oktoobar -
storvideo: 

Xeerka Faysal Cali Waraabe IYO SNM

$
0
0

21st October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Gabdhii ka soo jeeda Somaliland oo guursata nin ka soo jeeda Beelaha kale ee Koonfurta Soomaaliya , Waa dayro oo mar danbe duriyadda reer Sheekh Isaaq ma shaqayn karto
[embedded content]
storvideo: 

Hooyo labo wiil ku weyday weerarkii Muqdisho

$
0
0

Iyadoo toddobaad laga joogo markii uu dhacay qaraxii lagu halaagsamay ee ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, ayaa weli waxaa socda gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha iyo dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay.
Qaraxaasi ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dhaxlay dhacdooyin xanuun iyo uur-kutaalo ku reebtay qoysas badan oo Soomaaliyeed.
Dadka uu saameynta ku yeeshay qaraxaasi waxaa kamid ah hooyo lagu magacaabo Xaawa Tahliil Gulleyd oo BBC-da u sheegtay in ilma ay dhashay iyo kuwa ay ehel yihiin ba ku weyday qaraxii Soobe xili ay ku guda jireen xisaabinta hanti u taalay labo carwo si ay uga bixiyaan sako.
''Hooyo waxaan weerarka ku waayay labo kamid ah wiilasheyda, mid aan habirir u ahay, mid ay qaraabo ahayeen ilmaheyga iyo xaaska mid kamid ah wiilasheyda oo carwa ku lahaa isgoyska Soobe,'' sidaasi waxaa BBC-da u sheegtay hooyo Xaawo.
Xaawa Tahliil oo u muuqatay qof samarsan ayaa u sheegtay BBC-da in caruurta iyo hantida ku burburtay weerarka ay tahay wax uu Ilaahay siiyay, haatan uu isaga oofsaday.
Mar aan wax ka weydiinay darenkeeda, maadaama caruurteda ay ku dhinteen weerarka ayaa waxay tiri waxaan ku shukriyay Allah weyn, waxaana xiliga uu weerarka dhacayay ay sheegtay inay ku sugneed deegaanka Hobyo.
''Markii la isoo sheegay geerida ubadkeyga waxaan ku sugnaa deegaanka Hobyo, oo waxaan halkaasi la joogay waalidiinti idhashay, waxaana Xamar imid iyadoo caruurteydi la aasay'' waxaa sidaasi BBC-da u sheegtay hooyo Xaawo.
Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska soobe ee magaalda Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta Soomalaiya Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 358 qof iyo halka 228 qofna ay ku dhaawacmeen.
Wasiirku waxa uu sheegay in sidoo kale nolol iyo geeri la la'yahay 56 qof halka 99 qof oo kolkii hore dhaawac ahaan cusbitaalada loo dhigay hadda cusbitalka laga saaray.
Sida uu sheegay Eng. Yariisow, 122 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaanna waddamada Kenya, Turkiga iyo Suudaan si halkaa loogu soo daweeyo.
Tiro kale oo dhaawac ah ay jiifaan cusbitaalada Muqdisho.
Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in dhowr qof loo soo qabtay qaraxa, balse waxa uu ka gaabsaday in wax faafaahin ah uu ka bixiyo maadaama buu yiri uu wali baaritaan socdo.
storvideo: 

Somalia to declare ‘state of war’ against al-Shabab

$
0
0

Somalia’s president is set to declare a “state of war” against the al-Shabab terror group, a military official said Friday.
President Mohamed Abdullahi Mohamed will soon announce the declaration against the group, which has been blamed for the country’s deadliest attack, a Somali army official said on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the press.
The official said the Somali government expects the U.S. to play a “supportive” role in a new offensive which the president is set to launch Saturday, according to the Associated Press.
Somali Army spokesman Capt. Abdullahi Iman said early Saturday that through the offensive, the government aims to eliminate fighters from al-Shabab’s “fortresses” located in the Lower Shebelle and Central Shabelle regions of southern Somalia.
On Saturday, a massive truck bomb exploded in the Somali capital, Mogadishu, killing at least 358 people and injuring scores more.
The post Somalia to declare ‘state of war’ against al-Shabab appeared first on Shabelle.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo War...

$
0
0

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Shanta Madaxweyne dowlad goboleed, ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo qodobo kale.
War murtiyeedka oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyed qaraxii ay dadka badan ku dhinteen 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka mashquulsan tahay arrimihii Amniga, isla markaana ay xoogga saareyso siyaasado dadka iyo dalka sii kala fogeynayo.Hoos ka Aqriso War-murtiyeedkaPUNTLAND POST
The post Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo War-murtiyeed ka soo saaray xaalada Amni dalka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live