Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

The mayor of Mogadishu opened the self-reliance...

$
0
0

Mogadishu, March 17th. 2018-- H.E. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) the Governor of Benadir and Mayor of Mogadishu, opening the self-reliance program intended to alleviate the difficulties the IDP's are faced with, congratulated the population of the region on how they are supporting the vulnerable. The Governor pointed out that, self-reliance and the populations' cooperation [...]
storvideo: 


Jawaari Heeskaan ayaa Maanta u Shidan

$
0
0

17th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Guddoomiye Jawaari Heeskaan ayaa Maanta u Shidan. Dhageyso Oo Dhuux Jawaari wuxuu ku sameeyay Raisal-Wasaare Saacid Shirdoon Iyo Raisal-Wasaare Abdiwali Sheekh, ayaa Maanta haysta.
[embedded content]
storvideo: 

Aqalka Sare ee oo guddi u magacabay xalinta...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan baarlamaanka iyo xukuumadda federaalka Somalia, ayaa waxaa guddi arrintaan xalliya magacaabay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Guddigan ayaa waxaa lagu magacaabay kulan ay maanta yeesheen xubnaha guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga doonayaa guddigan inay si hoose ku xalliyaan khilaafkan sii kordhaya.
Sidoo kale, Guddiga oo ka kooban toddoba xubnood ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Hawsha guddigan ayaa lagu sheegay inay tahay la kulmidda labada dhinac ee xiisadda taagan isku haya, si loo dhageyso dhinac walba tabashadiisa, isla markaana xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan oo qarka u saaran inuu curyaamiyo hawlaha hay'adaha dastuuriga ah ee Dowladda.Haddaba, Xubnaha Guddigan ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin;

  1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi - Guddoomiye
  2. Mowliid Xuseen Ducaale - Xubin
  3. Zamzam Ibraahim Cali - Xubin
  4. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) - Xubin
  5. Maxamuud Axmed Mashruuc - Xubin
  6. Maxamed Amiin Sh. Cismaan - Xubin
  7. Muxyadiin Sh. Cali Jaamac - Xubin

Ugu Dambeyn, Magacaabidda Guddigan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka taagan, kaasoo haatan maraya in labada dhinac ee uu khilaafku u dhexeeyo ay isku adeegsadaan awood ciidan.PUNTLAND POST
The post Aqalka Sare ee oo guddi u magacabay xalinta khilaafka ka dhashay Mooshinka Jawaari appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha soo noq...

$
0
0

Garowe(SONNA) Shirkii wadatashiga qorshaha loogu samenayay soo kabashada u adkeysiga Abaaraha Soomaaliya ayaa maanta lagu soo geba gebeeyay Magaaladda Garowe ee Xarunta Dowlada Goboleedka Puntland, waxaana muddada shirka uu socday diiradda lagu saaray qodabo badan oo ay ka mid yihiin soo nooleynta ilaha dhaqaalaha iyo wax soo saarka, iyo qodabo kale.
Munaasabadda xiritaanka shirka waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Wasiirada maamulka Puntland , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda qorsheynta iyo Agaasimiyaasha guud ee dowladdaha xubnaha ka ah dowladd Federaalka iyo madax kale.
Agaaasimaaha guud ee Wasaradda qorsheynta Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane ayaa sheegay in maamulada ay soo dhawenayaan wax ka qabashada abaaraha soo noq noqday.
"haddii aan nahay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhaxe waxaan bogaadinayaa horumarka dowladda gobaleedka puntland, arinta hadii aan gudo galo waxaa inoo muuuqda in la soo qaaday talaabooyin waa wayn ee wax looga qabanayo abaarahan".ayuu yari Agaasime Cabdiwaaxid
Cabdulqaadir Maxamed Aadan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka ayaa waxuu xusay in maanta ay muhiiim tahay in Soomaaliya ay qorsheyso sidii loo heli lahaa qorshaha kabasho u adkeysi abaaraha.
"maxsuulka shirkan laysku raacay waxaa ay yahiin qodobo dhowr ah oo ay ka mid yahiin soo nooleynta ilaha dhaqaalaha wax soo saarka dadka, halkaan jooga wax ay sameyn karaan qorshaha qaranka soomaaliyeed waa muraayada qaranka heer federaalka iyo mid dowladd gobaleed,marka waxaan sameynay afarta cisho ee aan halka joognay shaqooyin badan oo wax looga qabanayo abaarahan soo noq noqday, iyadoo layska qaadanayo warbaxintii ka soo baxday qiimeyntii ku saabsaneyd isla qaadayashada abaaraha soo noqday ee DINA.130 taalabo oo waa wayn ah ayaa wax looga qabaayaa soo kabahsada abaaraha, waxaana la eegayaa mudnaanta maamul walbo uu leeyahay". ayuu yari Agaasime Maxamed Aadan
Wasiirka Qorsheynta dowladd Gobaleedka Puntland Shire Xaaji Faaray ayaa sheegay in maanta meel wanaagsan qaranka soomaaliyeed uu jooga uu ka hadlayo wax keenay abaaraha soo noq noqday.
"waxaa muhiiim ah in aan ogaanno wax soo cel celiyay abaaraha aan dursano hadii si wadajir ah howshan u qabaneyno waa muhiim si uu qarankeena u gaaro horumar iyo barwaaqo".
Wasaaradda Qorsheynta iyo kuwa dowladd gobaleedyada waxaa ay wadaan dedaallo ku aadan sidii dalka loogu sameyn lahaa qorshe wax looga qabanayo abaaraha soo laab laabtay dalka.Abdirahsiid Nuur Ibraahiim
storvideo: 

Xog: Maxaa Jawaari lagu haystaa oo mooshinka looga...

$
0
0

Muqdisho-(Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa laga gudbiyey mooshin ka ah oo ay saxiixeen illaa 107 Xildhibaan.
Haddaba ilo-waredyo ku dhow xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday arrimo dhowr ah oo ay sheegeen in lagu haysto Jawaari.Lacag baad ah:
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xukuumadda iyo Madaxda ugu sareyso dalka waydiistay in la siiyo lacag aad u badan oo Malaayiin Dollar ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku hanjabay inuu xukuumadda Mooshin ka keeni doono haddii aan lacagtaas la siin.
Madaxda ugu sareyso dalka ayaa Jawaari si cad ugu sheegay inaan la siin doonin lacag baad ah isla markaasna aysan arrintaas aheyn nadaam dowladeed oo ay u muuqato inay tahay xilliyadii hoggaamiye kooxdeedyada.Mooshin ka dhan ah Kheyre:
Jawaari ayaa bilaabay markii lacagta loo diiday inuu Mooshin ka diyaariyo Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana arrintaas ka war helay Ra'isulwasaaraha iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Markii laga war helay mooshinka uu Jawaari wado ayaa waxaa isna laga diyaariyey mooshin aad u adag oo ay saxiixeen ilaa 107 Xildhibaan.
Jawaari ayaa markaas kadib dhexda ka galay xaalad wareer ah oo keentay inuu ku tunto qodobo dastuuri ah iyo kuwa kale oo ka tirsan xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.Jawaari iyo Xukuumaddii hore:
Guddoomiye Jawaari ayey waligii caadi u aheyd inuu baad ka qaato madaxda ugu sareyso dalka, wuxuuna lacago waali ah ka qaadan jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Jawaari ayaa Mar kasta dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ugu hanjabi jiray inuu mooshin ka keeni doono haddii aan la siin lacago Malaayiin Dollar ah oo sharci darro.
Guddoomiye Jawaari ayaa heshiis dastuurka ka dhan ah la galay Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dhammaantood ah xubno uu isaga magacaabay, wuxuuna guddiga joogtada ah ka dhigtay meel uu marsiisto Mooshinada uu rabo halka kuwa kalana uu ku hor istaago.Xaaladda Jawaari:
Guddoomiye Jawaari oo u bartay baadii uu ka qaadan jiray dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hadda ku jiro xaalad halis ah waxayna xildhibaano 100 gaarayo ka codsadeen inuu is casilo maadaama lagu helay falal liddi ku ah Dastuurka Dalka.
Waxay u badan tahay in Jawaari meesha uu ka bixiyo doono haddii aysan xaaladda sida ay tahay iska badalin.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La...

$
0
0

Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La socodka iyo ka warqabka Xuquuqul Insaanka,gaar ahaanna Hannaanka cadaaladd-marinta dambiilayaasha iyo eeday-sanyaasha ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Garoowe ee caasumadda dowladda Puntland.
Mashruuca oo soconaya muddo 2 sano ah(jan 2018 - Jan 2020)
ayaa waxaa maal gelisay Midowga Yurub,waxaana fulin doona Kaalo, PSU,iyadoo ay gacan ka geysan doonaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Madaxa Banaan ee Difaacaha Xaquuqda Aadanaha iyo sidoo kale Dalladda Daneeyayaasha aan Dawliga ahayn ee Puntland (PUNSAA).
Mudadaas 24-ta bilood ah waxaa qorshuhu yahay in si dhow loola socdo xabsiyada iyo goobaha dadka lagu xiro ee magaalooyinka waaweyn ee Puntland Garowe, Galkacyo, Qardho & Bosaso. Ilaa 3,000 oo qof ayaa si toos ah iyo si dadban uga faa'ideysan doonta mashruucan sida qorshuhu yahay.
Ujeedada Mashruucan ayaa ah; in la xoojiyo dowrka Daneeya-yaasha Aan Dawliga ahyn ee Kormeerka iyo la socodka Xuquuqul Insaanka, si gaar ah; Xuquuqda eedeysana-yaasha, dambiilayaasha iyo sidoo kale maxaabiista iyo si gaar ah hannaanka cadaalad marinta eedeysanyaasha & dambiilayaasha.
Waa markii ugu horeysay ee Midowga Yurub uu si toos ah u maalgeliso mashruuc uu fulinayo urur maxalli ah inta la ogyahay Somalia. "Waxaan aaminsanahy 27 sano oo KAALO Jirtay in ay kaashan doonto dhamaan bahwadaagta kala duwan ee mashruucan isla markaana waxqabad dhab ah iyo guulo taariikhi ah lagaari doono" waxaa sidaa yiri Maxamud Sh. Xamid (Gudomiyaha PSU & Kaalo).
Dhanka kale Maxamed Yusuf oo ah guddoomiyaha difaacaha xuquuqul insanka Puntlanad oo khudbad dheer jeediyey ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada mashrucan"xaaladda liidata ee xabsiyadeena iyo guud ahaan ba tabashada laga sheeganayo hannaan keena cadaaladda iyo danbiyada ayaa mudan in wax laga qabto. waxaana hortiina ka ballan qaadayaa in KAALO & PSU aan taageero mug iyo miisaan ba leh la garab taagnaan doono isla markaana mashruuc kaliya maaha'e ay naga dhab tahay sidii loo ilaalin lahaa loona difaaci lahaa xuquuqda asaasiga ah ee bulshada",ayuu yiri Maxamed yuusuf
Gudoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame ayaa sidoo kale soo dhoweeyey mashruucan,isagoo ku tilmaamay inuu mudan yahay in la iska kaashado sidi kor loogu qaadi lahaa tayada xabsiyada Puntland.
Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale baaq u diray dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan sidii lo ilaalin lahaa xuquuqda insaanka isla markaana aanan lo qaadan mashruuc oo kaliya balse sido kale arrin diinteena iyo dhaqan keenuba nafarayo.
Saraakiil Somali iyo ajnabi ah oo kala matalayey UN-ODC & EU CAP ayaa iyagauna madasha ka hadlay iyaga oo ka warbixiiyey shaqooyinka la xiriira ka hortagga danbiyada, amniga iyo ilaalinta xuquuqul insaanka ay ka wadaan Somalia si gaar ah Puntland. Waxayna sidoo kale ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan fulinta iyo mira-dhalka mashruucan.
Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Dhaqan celinta Puntland Mudane Salah Xabiib ayaa khudbadiiisa ku aadan daahfruka mashruucan ku muujiyey sida ay uga go'antahay ilaalinta xquuqda bini aadamka ee dhammaan Puntland. Wasiirka oo si wata hadalkiisa waxa uu yiri:"Xaqiiqdii ma jirto waqti kaga haboon xilligan oo loo qareemi lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada xabsiyadiina iyo si guud in loogu doodo sidii oo dhowri lahaa xuquuqda asaasiga ah ee danbiilayaasha iyo eedeysanayaashaba".
Gabagabadii; mashruucan ayaa noqonayaa mid ka taageeraya bulshada rayid ka ah sidi ay si dhow ula socon lahaayeen ilaalinta xuquuqul insaanka. Waxaana la isla qaatay sidii xabsiyada looga dhigi lahaa goobo dadka wax lagu baro oo tayadoodu sarayaso.
Wasiirka cadaaladda ayaana gabagabadii si rasmiya u daahfuray mashruuca.Halkaan ka eeg sawirrada daah-furka
,
The post Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La socodka Xuquuqa Insaanka oo Garoowe lagu daah-furay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Yuu noqon karaa ra’isalwasaaraha xiga ee Itoobiya?

$
0
0

Isbahaysiga talada haya ee itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra;isalwasaraha xiga ee wadanka. Qofka la doorta ayaa mas’uuliyad adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata.

Yuu noqon karaa ra’isalwasaaraha xiga ee Itoobiya?

$
0
0

Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra'isalwasaraha xiga ee wadanka. Qofka la doorta ayaa mas'uul adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata.
Rai'salwasaarihii hore ee itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa 15-kii febaraayo ku Dhawaaqay in uu iska casilay xilka raisal-wasaaranimada iyo gudoomiyhii xisbig EPRDF, jagadaasi oo uu hayay tan iyo 2012-kii
Xisbiga is bahaysiga EPRDF waxa uu ka koobanyahay afar xisbi siyaasadeed oo ku saleeysan qaar ka mid ah qowmiyadaha dega itoobiya.
Balse khilaaf soo kala dhex galay isbahaysigaan ayaa adkeeyay in la saadaaliyo qofkii uu noqon lahaa ra'isalwasaaraha xiga ee dalka itoobiya.
Isabahaysigan ayaa talada wadanka hahay tan 1991 kadib markii ay burburtay dowaladdi shuuciga ahayd.
Waa kuwaan toddobada nin oo u sharaxan jagada ra'isal wasaaraha ee itoobiya.
1. Lemma Magersa
Waa madaxweeynaha goblka Oromiya iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga OPDO.
47 jirkaan ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray bariga Welega ee gobolka oromiya.
Bishiii Decembar ee la soo dhaafay waxa uu cambaareeyay dilka loo geeysanayo dadka dibedbaxayaasha ah. waxa uu sidoo kale ogolaaday in uu wadahal la yeesho ururada mucaaradaka ah.
Waxaa loo arkaa in uu yahay musharax awooda in uu mideeyo wadanka balse waxa ku adag waddadii uu u mari lahaa in uu ku farsiito kurigaasi oo mahan xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka.
2. Abiy Ahmed
Waa gudoomiya xisbiga OPDO, waxaana loo arkaa in uu yahay qofka loo saadaalinayo in uu bedelo ra'isalwasaarhii hore.
Waa siyaasi caaqil ah sidoo kalana aqoontiisu sarreyso.
Waxaa uu ku dhashay caasimadda Agaro ee gobolka Oromiya waxa uuna ka soo jeedaa qooys isugu jira muslimiin iyo masiixiyiin.
42 jirkan ayaa xisbiga OPDO ku biiray dabayaaaqadii Sideetameeyadii.
Waxa uu la soo shaqeeyay Milatariga waxaa uuna gaaray jagada Colonel.
3. Debretsion G Michael
Mr Debretsion waxa uu ku dhashay Shire oo ku taalla waqooyiga gobolka Tigeeryda. Waxa uu dhiganayay oo uu dhexda ku joojiyay jaamacadda Addis Ababa waxa uuna ku biiray koox hubeeysan oo ka soo hor jeedday dowladdi markaasi jirtay.
Markii dambe waxa uu aaday dalka Talyaaniga halkaasi oo uu ku soo qaatay tababar ku saabsanaa technologi-yadda. Markii uu wadanka dib ugu soo laabatayna waxa uu gobolka Tigreeyda ka aasaasay raadiye lagu magacaabo "Dimtsi Weyane".
markii isbaheysiga EPRDF uu la wareegay talada wadanka waxa loo magaacabay ku xigeenka Hay'adda Sirdoonka ee Qaranka.
Haatan waa gudoomiyaha xisbiga TPLF iyo wasiirka warfaafinta.
Itoobiya oo siidaynaysa 2,000 oo maxaabiis ah
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya oo is casilay
Boqolaal qof oo lagu xiray dalka Itoobiya
4. Demeke Mekonen
Waa ra'isalwasaare ku xigeenka ee wadanka.
Waxaa uu xisbiga is bahaysiga ee EPRDF ku biiray kadib markiii uu dhameeyay jaamacadda, sanado yar kadibna waxa uu xubin ka noqday baarlamaanka gobolka Amxaarada.
Bartamhii sanadkii 2000 waxa uu noqday madaxweeyne ku xigeenka gobolka Amxaarada, sanad ka dibna waxa uu ka mid noqday xubnaha sarsare ee xisbiga ANDM.
Sanaddi 2013, waxaa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga EPRDF.
Ka hor inta uusan siyaasadda ku soo biirin waxa uu ahaa macalin. Waxaa uu soo noqday Wasiirka Waxbarshada ee dalka Itoobiya.
5. Workneh Gebeyehu
Waa xubin ka tirsan xisbiga OPDO iyo wasiirka arrimaha Dibedda ee Itoobiya.
Waxa uu dhashay lixdameeydii waxa uuna sanado badan soo ahaa Taliyaha Booliska ee Federaalka.
Dhamaadkii sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay wasiirka gaadidka jagadaas oo uu hayay muddo afar sanadood ah.
6. Siraj Fegessa
Waa wasiirka difaaca ee itoobiya .
Waxa uu inta badan ka soo muuqdaa warbaahinada marka ay dowladda ay ka hadleeyso xaaladaha amarka degdegga ah ee uu wadanka ku jiro.
Waa xubin ka tirsan xisbiga SEPDM oo ah xisbiga uu iska casilay ra'isalwasaarahii hore waxaana loo magaacabay gudoomiye ku xigaanka xisbiga
7. Shiferaw Shigute
Waa xoghayaha isbahaysiga EPRDF. Waxa uu soo noqday wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya.
Waa gudoomiyaha cusub ee xisbiga SEPDM waxa uu bedelay ra'isalwasaarihii xilka iska casilay.
Waxa uu ku dhashay Haroressa oo ku taalla gobolka Galbeedka ee Itoobiya. Waxa uu ahaa macalin ku biiray siyaasadda.
Dadka qaar ayaa sheegaya doorashada loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga SEPDM ayaa waxa ay gogol xaar u tahyay suurtagalnimada ah in uu noqdo ra'isulwasaaraha xiga ee itoobiya.
storvideo: 


Dooni ay saaraanaayeen dad muhaajiriin ah oo...

$
0
0

Ilaalada xeebaha ee dalka Giriigga ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof oo muhaajiriin ah oo ay ku jiraan afar caruur ah ay dhinteen kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qarqantay badda u dhaxeeysa Turkiga iyo Greek-gga.
Waxaa la aaminsanayahay in doonida ay saarnaayeen dad kor u dhaafaya labaatan qof iyadoo dadkaa qaarna weli lala'yahay Waxaana socoda baadi goob loogu jiro dadkaasi.
Wasiirka socdaalka ee Giriigga Dimitris Vitsas, ayaa sheegay in dalka Greek-gga uusan raali ka ahayn kana noqon doonin in ay dadka ku dhamaadaan jasiiradda Aegean.
Sawirro laga qaaday soo galooti oo abaal marin lagu helay
QM: 250 qof ayaan ka cabsi qabnaa inay ku dhinteen xeebaha Liibiya
Waxaa uu intaa ku daray in xalka kaliya ee lagu xakameeyn muhaajiriinta uu yahay in la soo saaro taalabooyin laga qaado dadka wax tahriibiya kuwaas oo muhaajiriinta ka caawiya wadooyinka ay maraan.
Midowga yurub ayaa sheegay in sanadkii hore ay aad u yaraayeen muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka tallaabo soohdimaha wadamada yurub tan iyo markii ay biloowdeen musiibada tahriibeyaasha afar sano ka hor.
Midoowga yurub ayaa heshiis la sixiiday 2016-kii taas oo sababtay in uu aad u yaraato tirade dadka u gudba Geek-gga.
storvideo: 

Warbixin: Muranka Jawaari iyo Xukumadda Kheyre

$
0
0

Murankan siyaasadeedee u dhaxeeye Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka iyo Xukumadda Kheyre oo sii xogeystay 24kii saacadood ee la soo dhaafay

Traditional elder killed in Mogadishu

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Unidentified gunmen on Saturday killed a well known traditional elder in the Somali capital Mogadishu.
Family members who confirmed the attack told Hiiraan Online that Ahmed Abdulle Jim'ale was hit by several gunshots fired by unknown gunmen.
Jim'ale was taken to Erdogan Hospital in Mogadishu where he succumbed to his injuries while undergoing treatment.
The assailants managed to escape from the crime scene.
The security officials arrived at the scene shortly after the murder and could not apprehend the killers.
Al-Shabab which carries out attacks against government officials, elders and other civil servants has reputedly claimed the responsibility for the attack.
The group killed dozens of traditional elders who played a pivotal role in forming Somali parliament and the government.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Who will be Ethiopia’s next prime minister?

$
0
0

Ethiopia's ruling coalition is due to meet soon to choose its next leader. That person will automatically become the prime minister. They will be taking on the role at a time of bitter internal wrangles and violent protests.
Prime Minister Hailemariam Desalegn announced on 15 February that he would resign as both the chairperson of Ethiopia's ruling coalition EPRDF and as prime minister - a position he had held since 2012.
So that leaves the 180-strong EPRDF council to choose the next prime minister.
The coalition is complex.
EPRDF is made up of four ethnically based political parties: the Amhara National Democratic Movement (ANDM); the Oromo People's Democratic Organisation (OPDO); the Southern Ethiopian People's Democratic Movement (SEPDM) and the Tigrayan People's Liberation Front (TPLF).
While the ANDM and OPDO have roots in Oromia and Amhara regions, which together account for more than half of Ethiopia's population, it is the minority TPLF from Tigray region that controls the military and security apparatus and is seen as the dominant party in the coalition.
Bitter internal wrangles within the ruling coalition have however made it difficult to predict just who will become the next prime minister.
To make matters worse, the government failed to quell anger when it declared a state of emergency. Demonstrators in the west defied a ban on protests and marches became violent.
The coalition, which has been in power since 1991 after toppling the communist regime, is at a crossroads.
The bitter infighting is between reformists who feel the country is headed the wrong way and conservatives keen on maintaining the status quo and the grip on power.
Here's a run down of the top seven contenders for prime minister.
From left to right: Abiy Ahmed, Debretsion Gebremichael, Lema Mergessa, Workneh Gebeyehu, Demeke Mekonnen1. Lemma Magersa
He is the current President of the Oromia Regional State and deputy leader of the OPDO.
The charismatic Mr Lemma is seen as a fearless and eloquent reformer. He was once quoted as saying he was ready to go out and join demonstrators if the government did not heed the demands of protesters especially from his region.
The 47-year-old was born and raised in East Welega, Oromia.
Last December he condemned the killings of protesters and the federal security forces' intervention in the Oromia region without his region's consent. He has also offered to hold dialogue with opposition groups.
He is deemed as an acceptable candidate who can unify the country but his path to the top seat is complicated. He's not a member of the federal parliament, the House of People's Representatives, a requirement to become prime minister.
Last December, a cartoon depicting Mr Lemma as the biblical Moses parting the Red Sea was widely shared on social media, showing just how his popularity "as a man with answers to the country's problems" had soared.
Despite his meteoric rise within the ruling party and Ethiopia's complex politics, his critics believe he is too inexperienced to take on the intricacies of the EPRDF.2. Abiy Ahmed
The current leader of the OPDO, Mr Abiy, is seen as the front-runner in the race to succeed the outgoing prime minister having just been elected to head the party.
He is an astute politician with impressive academic and military credentials.
He was born in the city of Agaro in Oromia and comes from a mixed Christian-Muslim family. The 42-year-old joined the OPDO in the late 1980s.
He has served in the military and rose to the rank of Lieutenant Colonel. He also took part in the UN peacekeeping mission to Rwanda.
He was the founder and director of the country's Internet Security Agency between 2009 and 2012 after which he became the minister for science and technology.
He is seen by many as outspoken and competent and a person who leans to a participatory leadership style.
Mr Abiy is younger than the other potential leaders and is believed to have huge support among the Oromo youth as well as other ethnic groups.
His critics however say that as an EPRDF insider, he won't offer much of the change demanded by protesters.3. Debretsion G Michael
Mr Debretsion was born in Shire, located in the northern Tigray region. He dropped out of his studies at the University of Addis Ababa to join the armed struggle.
During this time he travelled to Italy where he completed training in communications technology. After which he established the regional TPLF radio station known as "Dimtsi Weyane".
Soon after the EPRDF came into power in 1991, Mr Debretsion served as the deputy to the head of the intelligence bureau.
He has been serving as the Director of the Information and Communication Development Agency since 2006 but also served as a deputy prime minister.
He is the chairperson of the TPLF party and the deputy head of state for the Tigray region as well as the minister for information and communications.
Activists and opposition political parties argue that the TPLF dominates the political power in the coalition, so his election as prime minster would be a controversial move that would be likely to deepen divisions within the coalition and further inflame feelings of exclusion among the Oromo and Amhara communities.
Mr Debretsion is a member of the House of People's Representatives.4. Demeke Mekonen
He is the current deputy prime minister.
He joined the EPRDF after university and a few years later became a member of the Amhara region council.
During the mid-2000s he became the deputy chief of the Amhara regional state and a year later became a member of the ANDM executive committee.
While on duty as chair of the ANDM, in 2013, he was appointed the deputy chair of the EPRDF.
Prior to coming to power, Mr Demeke was a teacher and served as the education minister.
Mr Demeke, who is a member of the House of People's Representatives, is known to be a low-key player in the federal government.
It is unlikely the ANDM will take the prime minister's position as the party has held the deputy prime minister position for so long.Ethiopia's ethnic make-up:

  • Oromo - 34.4%
  • Amhara - 27%
  • Somali - 6.2%
  • Tigray - 6.1%
  • Others - 26.3%

Source: CIA World Factbook estimates from 20075. Workneh Gebeyehu
He is a member of OPDO and is the current foreign affairs minister.
Born in the late 1960s, Mr Workneh has served for many years as the commissioner for the federal police commission.
In the late 2000s he was appointed as transport minister, a position he held for four years.
A member of the OPDO since the late 1980s, Mr Workneh has since the late 2000s served as a member of the executive committee for both the OPDO and EPRDF.
He is a member of the Addis Ababa city administration council but not a member of the House of People's Representatives.6. Siraj Fegessa
Ethiopia's current defence minister has been the face of the state of emergencies announced in October 2016 and again in February 2018.
He has constantly appeared on state media articulating the conditions imposed by the state of emergency.
The sharply dressed but straight-faced politician is seen as one of the least favourite to become the new prime minister.
He is a member of the SEPDM, the same party as the recently resigned prime minister and has just been announced as its deputy leader, further complicating his ascendancy to power.
Some analysts say his party might argue that Mr Hailemariam never finished his term and therefore might suggest that Mr Siraj or someone from within SEPDM for the premiership. This is however highly unlikely.7. Shiferaw Shigute
He is currently working with the secretariat of the EPRDF, previously he was the minister of education, and president of the southern Ethiopia regional state.
Mr Shiferaw is the newly elected chairman of the SEPDM replacing the recently resigned prime minister who was also the chairman of the party.
Born in Haroressa, in the southern Ethiopia region, Shiferaw was a teacher before joining politics.
When the outgoing prime minister was still the region's president, Mr Shiferaw was deputy president of the southern Ethiopia regional state government.
When Mr Hailemariam became deputy prime minister and foreign minister under the late Meles Zenawi's administration, Mr Shiferaw assumed the presidency of the region.
Some people say his election as the chairman of the SEPDM was intended to enhance his chances of becoming prime minister.
Mr Shiferaw is a member of the federal parliament from which the prime minister will be elected.
Source: - BBC NEWS
storvideo: 

Ministry for Security says more police were deployed...

$
0
0

The Ministry of Security refuted reports claiming the parliament building was forcibly taken over by forces loyal to the executive.
The initial report by Somali parliament, speaker, Mohamed Osman Jawari accused the prime minister, Hassan Ali Kheire of spearheading the raid on Lower House.
Speaking to the media, Somali state minister of Security, Hassan Moalim Hussein said the forces were sent to secure the parliament.
"We are the ones who asked the police chief to send soldiers to reinforce the soldiers who were guarding the parliament and he accepted our request, our responsibility is to secure the Parliament," said Hussein.
For his part, the chief of the police, Bashir Abdi Mohamed said the soldiers dispatched will maintain the stability of the House as the row within parliament members is escalating.
Mohamed vehemently distanced the police forces from the blame laid by the House Speaker, Mohamed Osman Jawari, saying the law enforcement is established to serve the public not individuals.
Jawari who spoke to the media last night accused the government of sending forces to take over the parliament.
The political crisis has been escalating since early this week when dozens of Somali lawmakers submitted motion against the speaker.
On Wednesday, the Parliament General Secretary, Abdihakim Haji Abdi Buh announced the motion against Jawari was dropped after it failed to get the required quorum.
Source: Hol
storvideo: 

Xil. Khadiijo Diiriye oo sii ololisay xiisada ka...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somalia, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa weerar afka ah ku qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in Xildhibaanada baarlamaanka aysan Guddoomiye Jawaari ka aqbali doonin in la arbusho Mooshinka.
Khadiijo Maxamed Diiriye, oo goobjoog ka aheyd kulan ay yeesheen xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Jawaari ayaa sheegtay in mooshinkaas aan laga laaban karin ilaa baarlamaanka la horgeeyo,halkaasna lagu kala bixi doono.
''Waxaan kasoo horjeednaa in nalagu mashquuliyo Mooshin ka laabasho, waxaan halkaan ka qireynaa inaan laga laabankarin Mooshinka ilaa laga horgeeyo baarlamaanka''
Khadiijo Maxamed Diiriye, waxa ay tilmaantay in xitaa Guddoomiye Jawaari uu waxbadan ku weynkaro haddii uu ka meermeero Mooshinka, waxa ayna soo jeedisay inuu soo dadajiyo in loo qaado codka ama uu ogolaado is casilaad.
''Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari yuusan u muuqan in laga baxay, haddii uu kusii dhago adeego waxa ay dhibaato u keeneysaa karaamadiisa,aqoontiisa,laakin mooshinkaan uusan noqon doonin mid banaanka looga baxo''
Waxa ay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye intaa ku dartay "Xaqiiqdii 184 xildhibaan hadii uu mooshinkan gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka, laakin hadii uu gaaro waa wax cad,waxaana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan''
Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale sheegtay in Guddiyada joogtada Golaha shacabka ay ku tunteen sharciga dalka, isla markaana ay hareer mareen dastuurka iyagoo aan dhex dhexaad ka aheyn Mooshinka.
Dhinaca kale, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Guddoomiye Jawaari ugu baaqday inuu qaato go'aan geesinimo leh ka hor inta aan lagu bahdilin baarlamaanka hortiisa.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Warbixin: Muranka Jawaari iyo Xukumadda Kheyre

$
0
0

Murankan siyaasadeed ayaa sii xogeystay 24kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo beesha caalamka iyo hey'adaha bulshada rayidkuna ay ku baaqayaan in xiisadda la dejiyo si loo badbaadiyo guuliha ilaa iyo hadda laga gaaray dowladnimada, amaanka Somaliya.
Dhinaca kale, Maanta waxaa magalada Muqdisho shir Ja'raaid ku qabtay Xubo Xildhibaana ah oo u badan kuwo ku jira Golaha Wasiirada Xukumadda Ra'isul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo ugu baaqay Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Dowladda Federalka Somaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari, inuu is casillo.
Arintan ayaa imaaneysa iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Gudoomiye Jawaari ay ku eedeeyeen xukumadda inay iyada ka dambeyso moshinkan Muranka siyaasadeed dhaliyay.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa warbixintan kooban ku eegaya.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:05:53 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Akhriso bayaan: Hay’ada Culimada oo war rasmi ah...

$
0
0

Mudisho (Caasimadda Online) - Hay'adda culumada soomaaliyeed iyada oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta
diinta iyo danaha ummadda kana duulaysa Axkaamta iyo ujeedooyinka Shareecada
islaamka ,kana welwelsan, si gaar ah ,khilaafka xooggan ee ka dhex taagan barlamaanka , waxay soo saaraysaa bayaankan soo socda:

  1. Hay'adda culimadu waxay xasuusinayaan xibnaha barlamaanka ee sharafta leh in ay

ku taagnaadaan kana run sheegaan dhaartii ay ku mareen magaca ilaahay in ay
ilaaliyaan danta dadka, dalka iyo diinta.

  1. Hay'adda culumadu waxay ugu baaqayaan dhammaan xibnaha barlamaanka,

guddiyadiisa iyo guddoonkiisa in ay ilaashadaan nidaamkii iyo xeer hoosaadkii ay
dhigteen kuna heshiiyeen. Nabigu Sl~ llh `lyh wslm)wuxuu yiri( shrwThm `l~ lmslmwn.(

  1. Hay'adda culumadu waxay ugu baaqaysaa dhaamaan hay'adaha dastuuriga ah in ay

is ixtiraamaan isna kaashadaan, wixii khilaaf ahna ku xallistaan si waafaqsan
.(ftqw llh w'SlHw dht bynkm)(l'nfl:1: (yiri wuxuu ilaahay.sharciga

  1. Culimadu waxay ka digayaan falalka iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara In uu

dalku dib ugu noqdo wixii dumiyay oo ahaa qabyaalad, dulmi, danaysi iyo qof
.(wl tnz`w ftfshlw wtdhhb ryHkm)(l'nfl:46:(yiri wuxuu ilaahay . jeclaysi

  1. Culimadu waxay usoo jeedinayaan dhamaan siyaasiyiinta inay dalka ka ilaaliyaan

faragelin shisheeye, dhowraana midnimadiisa iyo madax banaanidiisa.

  1. Culumadu waxay caddaynayaan inay diyaar u yihiin xallinta khilaafka taagan,

waxay bogaadinayaan soona dhawaynayaan dadaalada socda ee lagu xallinayo
khilaafka .

  1. culimadu waxay u dardaarmayaan dhamaan shacabka soomaaliyeed in ay

ilaashadaan diintooda,dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda, kana
digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wadajirkooda keenina kara tafaraaruq iyo
khilaaf.
Wa bilaahi towfiiq- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Maxaa kala socotaa 7 Shakhsi oo uu midkood noqon...

$
0
0

Adis Ababa (Caasimadda Online) - Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra'isalwasaraha xiga ee wadanka. Qofka la doorta ayaa mas'uul adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata.
Rai'salwasaarihii hore ee itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa 15-kii febaraayo ku Dhawaaqay in uu iska casilay xilka raisal-wasaaranimada iyo gudoomiyhii xisbig EPRDF, jagadaasi oo uu hayay tan iyo 2012-kii
Xisbiga is bahaysiga EPRDF waxa uu ka koobanyahay afar xisbi siyaasadeed oo ku saleeysan qaar ka mid ah qowmiyadaha dega itoobiya.
Balse khilaaf soo kala dhex galay isbahaysigaan ayaa adkeeyay in la saadaaliyo qofkii uu noqon lahaa ra'isalwasaaraha xiga ee dalka itoobiya.
Isabahaysigan ayaa talada wadanka hahay tan 1991 kadib markii ay burburtay dowaladdi shuuciga ahayd.
Waa kuwaan toddobada nin oo u sharaxan jagada ra'isal wasaaraha ee itoobiya.1. Lemma Magersa
Waa madaxweeynaha goblka Oromiya iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga OPDO.
47 jirkaan ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray bariga Welega ee gobolka oromiya.
Bishiii Decembar ee la soo dhaafay waxa uu cambaareeyay dilka loo geeysanayo dadka dibedbaxayaasha ah. waxa uu sidoo kale ogolaaday in uu wadahal la yeesho ururada mucaaradaka ah.
Waxaa loo arkaa in uu yahay musharax awooda in uu mideeyo wadanka balse waxa ku adag waddadii uu u mari lahaa in uu ku farsiito kurigaasi oo mahan xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka.2. Abiy Ahmed
Waa gudoomiya xisbiga OPDO, waxaana loo arkaa in uu yahay qofka loo saadaalinayo in uu bedelo ra'isalwasaarhii hore.
Waa siyaasi caaqil ah sidoo kalana aqoontiisu sarreyso.
Waxaa uu ku dhashay caasimadda Agaro ee gobolka Oromiya waxa uuna ka soo jeedaa qooys isugu jira muslimiin iyo masiixiyiin.
42 jirkan ayaa xisbiga OPDO ku biiray dabayaaaqadii Sideetameeyadii.
Waxa uu la soo shaqeeyay Milatariga waxaa uuna gaaray jagada Colonel.3. Debretsion G Michael
Mr Debretsion waxa uu ku dhashay Shire oo ku taalla waqooyiga gobolka Tigeeryda. Waxa uu dhiganayay oo uu dhexda ku joojiyay jaamacadda Addis Ababa waxa uuna ku biiray koox hubeeysan oo ka soo hor jeedday dowladdi markaasi jirtay.
Markii dambe waxa uu aaday dalka Talyaaniga halkaasi oo uu ku soo qaatay tababar ku saabsanaa technologi-yadda. Markii uu wadanka dib ugu soo laabatayna waxa uu gobolka Tigreeyda ka aasaasay raadiye lagu magacaabo "Dimtsi Weyane".
markii isbaheysiga EPRDF uu la wareegay talada wadanka waxa loo magaacabay ku xigeenka Hay'adda Sirdoonka ee Qaranka.
Haatan waa gudoomiyaha xisbiga TPLF iyo wasiirka warfaafinta.4. Demeke Mekonen
Waa ra'isalwasaare ku xigeenka ee wadanka.
Waxaa uu xisbiga is bahaysiga ee EPRDF ku biiray kadib markiii uu dhameeyay jaamacadda, sanado yar kadibna waxa uu xubin ka noqday baarlamaanka gobolka Amxaarada.
Bartamhii sanadkii 2000 waxa uu noqday madaxweeyne ku xigeenka gobolka Amxaarada, sanad ka dibna waxa uu ka mid noqday xubnaha sarsare ee xisbiga ANDM.
Sanaddi 2013, waxaa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga EPRDF.
Ka hor inta uusan siyaasadda ku soo biirin waxa uu ahaa macalin. Waxaa uu soo noqday Wasiirka Waxbarshada ee dalka Itoobiya.5. Workneh Gebeyehu
Waa xubin ka tirsan xisbiga OPDO iyo wasiirka arrimaha Dibedda ee Itoobiya.
Waxa uu dhashay lixdameeydii waxa uuna sanado badan soo ahaa Taliyaha Booliska ee Federaalka.
Dhamaadkii sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay wasiirka gaadidka jagadaas oo uu hayay muddo afar sanadood ah.6. Siraj Fegessa
Waa wasiirka difaaca ee itoobiya .
Waxa uu inta badan ka soo muuqdaa warbaahinada marka ay dowladda ay ka hadleeyso xaaladaha amarka degdegga ah ee uu wadanka ku jiro.
Waa xubin ka tirsan xisbiga SEPDM oo ah xisbiga uu iska casilay ra'isalwasaarahii hore waxaana loo magaacabay gudoomiye ku xigaanka xisbiga7. Shiferaw Shigute
Waa xoghayaha isbahaysiga EPRDF. Waxa uu soo noqday wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya.
Waa gudoomiyaha cusub ee xisbiga SEPDM waxa uu bedelay ra'isalwasaarihii xilka iska casilay.
Waxa uu ku dhashay Haroressa oo ku taalla gobolka Galbeedka ee Itoobiya. Waxa uu ahaa macalin ku biiray siyaasadda.
Dadka qaar ayaa sheegaya doorashada loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga SEPDM ayaa waxa ay gogol xaar u tahyay suurtagalnimada ah in uu noqdo ra'isulwasaaraha xiga ee itoobiya.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com

storvideo: 

Safar uu Madaxweyne Farmaajo Berri ku aadi lahaa...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Caasimadda Online)- Wararka hadda kusoo dhacayo xafiiska warqabadka Caasimadda Online ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu dib u dhac ku yimid safar uu madaxweyne Farmaajo ku aadi lahaa dalka Qadar maalinta Berri ah.
Sida xogta sheegeyso Madaxweyne Farmaajoo ayaa dib u dhigay safarkiisa maadaama uu jiro khilaaf weyn oo uu dhaxeeyi xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii lasoo gudbiyey mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku mashquulsan yahay sidii loo xallin lahaa khilaafka soo kala dhex galay Baarlamaanka Soomaaliya waxaana arrintaaa darteed dib loogu dhibay safar uu Madaxweynaha Berri ku tagi lahaa dalka Qadar.
Madaxweynaha ayaa dowladda Qadar la qaadan lahaa kulamo looga hadlayo xiriirka labada dowladood iyo sidii loo hormarin lahaa.
Khilaafkaan uu doonayo madaxweynaha ayaa yimid kadib markii Guddoomiye jawaari ay 107 xildhibaan ka gudbiyeen mooshin xil ka qaadis ah kadib markii lagu soo eedeeyey inuu ku tuntay dastuurka Dalka u yaalo.
Maanta ayey aheyd markii ku dhawaad 100 xildhibaan ay Jawaari usoo jeediyeen inuu is casilo lamana ogo haddii uu aqbali doono.
- Online
Xafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ergo ka socota labada Kuuriya iyo Mareeykanaka oo ku kulmaya finland

$
0
0

Wakiillo ka kala socda waddamada kuuriyada woqooyi, mareykanka iyo kuuriyada koonfureed ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulan ku yeeshaan dalka Findland.

Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Xildhibaanada...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Waxaa kordhay Xildhibaanada ku biiraya Mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijinaya in hadda ay soo baxeen Xildhibaano cusub oo ku biiray mooshinka.
Waxaa sidoo kale la helay tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Sixiixay ilaa iyo hadda iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan, iyada oo laga yaabo in tiradu ay sii kororto saacadaha soosocda, hannaanka beelaha lagu qeybsaday kuraasta baarlamaanka marka loo eego ayay Xildhibaanadu uga kala yimaadaan sidan.
1) Beesha Shanaand 22 Xildhibaan.
2) Hawiye 32 Xildhibaan.
3) Digil iyo Mirifle 47 Xildhibaan.
4) Daarood 29 Xildhibaan.
5) Dir 43 Xildhibaan.
Wadarta guud ee Xildhibaanada ayaana noqoneysa 173 Xildhibaan, Guddoomiye Jawaari ayaana si uu Xilkiisa u waayo u baahan 184 Xildhibaan waxaana sida ay hadda wax usocdaan u muuqataa in Mudane Jawaari oo uu weyn doono Kalsoonida Baarlamaanka.
Culeyska ugu badan ee ku yimid dhinaca Guddoomiyaha ayaa soo baxay kadib markii shalay iyo habeen hore ay Saxaafadda la hadleen Xubno Golaha shacabka galangal fiican ku leh oo ay Ka mid tahay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay meesha kasaaraan Jawaari oo ay ku eedeeyeen Xil gudasho la'aan.
Jawaari oo dhinaca kale ku tashanayay Xubnaha Xildhibaanada ee Qabyo iyo Daljir ee Baarlamaanka ku jira ayaa ku hungoobay in u keenaan Xildhibaano difaaci kara.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live