Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay Maxkamadda Sare ee Kenya oo joojisay talaabo la doonayey in dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida, waxana marti ku ah Guddoomiyaha Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Bariga Afrika, Xasan Shire Sheekh
Wicitaanka: Xasan Shire Sheekh
Turkiga oo ka Jawaabay Qaraxii Muqdisho
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga, ayaa sheegay in ay sii wadayaan dadaaladii ay ku taageerayeen Somalia, isla markaana ayna qaraxyadii dhacay niyadda ka jabin doonin sii wadidda taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Somalia: Miisaaniyadda Ciidanka oo la Kordhiyey
Wasiirka Maaliyadda Somalia Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in xukuumaddu ay ansixisay kordhin lagu sameeyey miisaaniyadda ciidanka, taas oo lagu bixin doono mushaharka iyo daryeelka ciidamada.
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Shacabkeenna iyo ciidankuba waa inay si wadajir ah u garab istaagaan Walaalaha Turkiga”
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiirrada arrimaha gudaha iyo ammaanka iyo wasiirka difaaca ayaa maanta booqday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya; isagoona gudaha safaaradda kulan kula qaatay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Kamaludin Kani Torun.
Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeyey shacabka iyo dowladda Turkiga weerarkii ay Xarkada Al-shabaab ku qaaday shalay xarun ay deggenaayeen shaqaalaha safaaradda [...]
Daawo Sawirada Qaybtii Labaad Ee Soo Dhaweyntii Shekh Xuseen Nuur Qalinle Ee Dhawaan Ku Guulaystay Abaalmarinta Caalamiga Ah
Muuqaalada Qaybtiii labaad ee Sawirada soo dhaweyntii Sh. Xuseen Nuur Qalinle oo si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanada Dila Iyo Gorayacawl, hadaba muuuqalada qaybtii labaad ee aanu idiinka soo diyaarinay halkan ka daawo .
Wasaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Sheegtay In Uu Dhamaaday Madaarkii Hargaysa isla Markaana La furi Doono Maalinta Ciidal Fidriga
Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa manta si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu dhamaaday dhismihii Run-way-gaMadaarka Hargeysa oo socday sanad iyo dheeraad.
Agaasimaha Protocolka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa sheegtay saaka in hawshii dhismaha Run-way-ga ee madaarku dhamaatay, isla markaana Munaasibadda Ciidal Fidriga si rasmi ah loo furi doono hawlihii Madaarka oo dhan.
Galabta ayaa la filayaa [...]
Daawo Sawirrada Iyo Video-ga Muuqaaladii Iyo Warbixin Xiisa Badan Oo Aan Idiinka Diyaarinay Soo Dhawayntii Reer Boorama U Sameeyeen Sheekh Xuseen Nuur Qalinle Oo Dhawaan Ku Guulaystay Abaal Marin Caalamiya
Boorama-(Idhanka) Shacabka ku dhaqan Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa maanta si weyn u soo dhaweeyay Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo dhawaan ku guulaystay abaalmarinta Caalamiga ah ee barayaasha Qur’aanka Kariimka ah.
Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo toddobaadkii hore dawladda Sucuudigu guddoonsiisay abaal-marinta Caalamiga ah ee Macalimiinta Qur’aanka adduunka, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay [...]
Hargeysa: Ciidamadda Booliska Oo Heegan Buuxa Ku Jira Ka Dib Xogo La Sheegay In Ay Heleen Amaanka oo Larabo in Khalkhal Lagaliyo
Hargeysa (Idhanka) – Ciidamadda Amaanka ee Somaliland ayaa Heegan Culus la geliyay 4-kii saacadood ee la soo dhaafay, ka dib Markii ciidamadda Mukhaabaraadku ay heleen weeraro ismiidaamin ah oo ku soo fool leh.
Jidadka waaweyn ee Caasimadda Dhex mara ayaa lagu arkayaa ciidamadda Booliska oo heegan Culus ku jira kuwaas oo baadhaya gaadiidka kala duwan ee [...]
Guurtida iyo Hargeysa Oo Kayaabey Shahaado Uu Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Guurtidu Magaca Guurtida Ku Gudoonsiiyay Wasiirka Madaxtooyada
Hargeysa (Idhanka)-Inta ugu badan ee Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland iyo Bulshada kunool Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland gaar ahaana Caasimada Hargeysa ayaa fajaciyo amakaag ka qaadey kadib markii Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Somaliland Siciid Jaamac Cali uu Shahaado Gudoonsiiyay Arimaha nabadeynta lagusuntey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan taas, oo wax lalayaabo ay ku [...]
SIR CULUS: Magacyada Madaxda Al-Shabab ee u Xidhan Godane, Kuwa uu ku Raad Joogo + Qaabkii uu u Dilay Afghani & Burhan
Sarkaal sare oo dhuumasho ku jira ayaa faafiyey sababta dhabta ee ururka Alshabaab dagaalkoodu ka bilowday. Nnkan oo magaciisa ku sheegay Abuu Yusuf ayaa warkan ku qoan shabakad ey isticmaalaan ururka alqaacida/alshabaab isagoo warqadaan u qoray Amiirka Ururka Al-shabaab Axmed Cabdi
Godane. Waxaa xusid mudan in Bartaan Internetka horay loogu faafiyey
qoraalo, Fataawaad Cabashooyin , waraysiyo
ay bixiyeen masuulyiin ka tirsan ururka Al-shabaab kana soo horjeeda
Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane . Ragga Qoraalada ku faafiyey
Bartaan Internetka ayaa waxaa ka mid ah Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad
Ibrahim Afgaani, Sh Xassan Daahir Aweys, Zubeyr Muhaajir , Abuu Yuusuf ,
Abu Mansuur Al-amriiki, iyo qaar kale.
Abu Yuusuf ayaa qoraalkiisa waxaa uu arar uga dhigtay in u jeedadda
uu qoraalkaan ugu qorayo Hogaamiyahah Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ay
tahay ka dib markii uu uu ka leexday Manhajkii saxda ahaa , kuna dhacay
xadgudub diineed oo ay ugu horayso banaysiga dhiiga dad Islaamka iyo ka
fogaanshaha ku dhaqan ka shareecadda islaamka.
Abu Yuusuf ayaa waxaa kale oo uu ku eedeeyey hogaamiyaha Al-shabaab
in uu yahay mid hawadiisa ku socda, diidayna in lagu kala baxo shareecad
Islaamka iyo in uu raaco go,aankii Maxkamada Islaami ah ee ururka
Al-shabaab, waxaa kale oo uu ku eedeeyey in uu diiday wadatashiga iyo in
Khilaafka ka dhex aloosan ururka Al-shabaab dhexdiisa lagu xaliya
Maxkamada Islaamiga ee ururka isagoo intaas ku daray in uu xiray
garsoorihii Maxkamada Islaamiga ee ururka Al-shabaab.
Abu Yuusuf ayaa waxaa sidoo kale oo uu ku eedeyeey hogaamiyaha ururka
Al-shabaab Axmed Godane in uu banaystay dhiiga dadka Muslimiinta ah
gaar ahaan Mujaahidiinta oo uu u kala qaybiyey kuwo Ansaaar ah iyo
Muhaajiriin ah ayna ugu xiran yihiin Xabsiyo halka buu yiri
Muhaajiriinta oo ah xoogaga ka dhinac dagaalama Al-shabaabna uu u gacan
geliyey Gaalo, halka qaar kale oo ka qayb qaadan lahaa Jihaadka ka socda
Soomaaliya loo diiday in ay yimaadaan dalka Soomaaliya.
Abu Yuusuf ayaa waxaa uu dusha uga tuuray Hogaamiyaha Al-shabaab
Axmed Cabdi Godane in madaxda muhaajidiinta iyo culimaduba uu ka
fogeeyey hogaanka, uuna u diiday xuquuqda ay lahaayeen gaar ahaan marka
la qaybsanyo[Ganaa’imta] iska daa in wax la taree lagu weeraro Bam
gacmeedyo Masaajidda Alle sidda ka dhacday magaalada Kismaayo iyo
Puntlland.
Abuu Yuusuf ayaa ku tilmaamay in hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi
Godane uu kooxdiisa ka dhiga jamaacaddii Muslimiinta ee aan qofna
khilaafi karin cidii khilaaftan ay mudanayso dil .Abuu Yuusuf ayaa xusay
in kooxda Al-shabaab ay hadda tahay mid u gacan gashay Ina Godane oo uu
siddii uu doono uu ka yeelo qofkii uu rabo uu dilo kii uu rabna uu xiro
ama iska daayo.
Abuu Yuusuf oo ka sheekeynaya qaabkii Axmed Godane u dilay Ibraahim Afgaani iyo Macalin Burhaan
Abuu Yuusuf ayaa qoraalkiisa waxaa uu uga sheekeeyey qaabkii loo
dilay Ibraahim Xaaji Miicaad Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan ka dib
isku daygii dilka ahaa ee uu ka badbaaday Abu Mansuur Al-Amriiki oo
hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu u diray ciidankiisa
amniyaadka si ay u soo qabtaan ama u dilaan balse Abu Mansuur Al-amriiki
ayaa is difaacay kana fakaday shirqoolkaas Xili uu ku sugnaa degaanka
Raama Caddey.
Abuu Yuusuf ayaa qoraalkii ku sheegay in 10-kii bishii Shacbaan 1434
maalin Isniin xili salaadii Maqrib la tukaday oo uu Ibraahim Xaaji
Miicaad Afgaani ka soo baxay goob uu ku sugnaa oo ku taal degmada
Baraawe uuna soo aaday balan uu la lahaa rag ka tirsan ururka Al-shabaab
ka dibna ciidan ka tirsan Amniyaadka oo ka amar qaata hogaamiyaha
Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa rasaas la dhaceen ilaa uu naf baxay
xili uu ku qaylinayey ‘’Walaahi idinku waxaa tihiin Daalimiin.’’
Abuu Yuusuf ayaa ka sheekeeyey wax dhacay markii la dilay Ibraahim
Afgan waxaa uu yiri ‘’ Mid ka mid ah saaxiibad Ibraahim Afgaani ayaa
waxaa uu wacay saaxiibkiisa waxaa uu u sheegay in qof la dilay laguna
dilay meel u dhow gurigii uu deganaa Ibraahim Afgaani ka dibna wiilkii
ayaa waxaa uu si toos ah u wacay Teleefankii Ibraahim Afgani waxaa ka
qabtay mid ka mid ah ciidanka Amniyaadka dhowr jeer, markaas oo uu
gartay in qofka la dilay uu yahay Ibraahim afgani. Wiilkii ayaa waxaa uu
wacayXikmatyaar [waxaa uu u xiran yahay hadda ururka al-shabaab] waxaan
uu wiidiyey Ibraahim Afgani waxaa uu ku yiri ma ogi ka dibna waxaa
magaalada Baraawe ku faafay warkii in la dilay Ibraahim Afgaani ka dibna
hogaamiyaha Al-shabaab waxaa uu hawada ka saaray is gaarsiintii degmada
Baraawe.
Abuu Yuusuf oo qoraalkiisa sii wata ayaa yiri ” Dilka ka dib ayaa
waxaa uu Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu soo geliyey
degmada Baraawe ciidan gaaray ilaa 800 waxaa ay bilaabeen howl galo ay
ku qabanayaan qof walba oo taageersanaa Ibraahim Afgaani ama ka soo
horjeeday Hogaamiyaha ururka Al-shabaab”.
Abuu Yuusuf ayaa waxaa kale oo qoraalkiisa uu ku sheegay qaabka loo
dilay Cabdi xamiid Macalin Xaashi Colhaye loona yaqaan Macalin Burhaan
waxaan uu yiri ” Sh Macalin Burhaan waxaa laga soo qabtay gurigiisa ka
dibna waxaa toogtay ciidanka amniyaadka ee ka amar qaata Axmed Cabdi
Godane.”
Abu Yuusuf oo ka sheekaynay wax dhacay markii la dilay Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan
Markii uu soo baxay warka in la dilay Macalin Burhaan iyo Ibraahim
Afgaani ayaa waxaa kooxda Axmed Cabdi Godane sidda caadiga u ah waxaa ay
faafiyeen been ah in aan Ibraahim Afgaani aan la dilin ee uu xiran
yahay iyagoo ka baqay haddii ay ciidanku ogaadaan dilka Ibraahim Afgani
in ay gadoodaan.
Maalmo ka dib ayaa Afhayeenka dhinac howlka ee Al-shabaab Cabdicasiis
Abu Muscab waxaa uu sheegay in Ibraahim afgani iyo Macalin Burhaan ay
la dagaalameen ciidanka Al-shabaab ka dibna ay saas ku dhinteen ka dib
markii ay diideen in ay isku dhiibaan ciidanka , haddaba Abu Yuusuf ayaa
waxaa uu is wiidiyey haddii labada wadaad ee la dilay ay dagaalameen
aaway ciidanka ka dhaawacmay am aka dhintay ururka Al-shabaab.?
Abuu Yuusuf ayaa ku tilmaamay hadalada uu mariyey saxaafadda
Afhayeenka ururka Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab mid been abuur ah
isagoo weliba xusay in Cabdicasiis Abu Muscab uu ahaa ninkii ka soo
cararay dagaalkii ka dhacay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka
Soomaaliya.
Abu Yuusuf oo ka sheekaynay dadka ilaa hadda u xiran Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane
1. Xikmatyaar oo ahaa ninkii dhalinyarad ahaa ee ku baray hogaamiyaha
Al-shabaab Axmed Cabdi Godane Mucaskarkii Salaaxudiin sidda Qoriga
Ak-47 ah loo furfuro.
2. Cabdi Rabi Daxdaax oo ahaa Khadhiib isagoo Masjid ku yaal Baraawe
ka sheegay in xaqa loo noqdo oo khilaafka ka dhex jira ururka Al-shabaab
lagu xaliya Kitaabka Alle
3. Zubayr Muhaajiri oo ahaa Madaxii Garoorka Maxkmada ururka Al-shabaab waxaa uu ka yimid dal ka mid ah reer Galbeedka.
4. Macalin Xamzah oo ahaa mid Xifdisan Quraanka kariimka habeenkii la
dilay Ibraahim Afgani baa lagu amray in uu yimaado ciidanka Xizbada ka
dibna waa la xiray.
5. Abu Khubayr Al-Anzaari oo ka yimid dal Carabeed
6. Muhaajir Farance waa nin ka yimid faransiiska magaciisana aan aqoon
7. Cabdirizaaq u socday reerkiisa oo degan Gobolka Bay
8. Sh Cabdirashiid Abu Yoonis Wuxuu masuul ka ahaa dhinac Dacwada gobolka Banaadir
9. Sufyaan waxaa uu ka shaqayn jiray qaybta siyaasada waxaa ay qaraabo yihiin Madaxweynaha Puntlland Faroole
10. Mukhtaar Qani oo uu ahaa masuul ciidan ahna Muhaajir waa la xiray
ka dib markii lagu eedeeyey in uu magan geliyey ,Abuu Mansuur
Al-Amriiki, Khadhaab Masri, Usaama Biridhaani
11. Abu Dalxa Soomaali loona yaqaan Samatar ka yimid dalka Maraykanka
Abu Yuusuf oo ka sheekaynay dadka hogaamiyaha ururka Al-shabaab Ina
Godane aan weli u gacan gelin balse lagu daba jiro waxaa ka mid ah
1. Sh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur waxaan loo khiyaar geliyey in uu kala doorto saddex arrimood oo kala ah.
A) In uu howsha ururka soo galo balse uusan ka hadal waxba
B) In uu marayo halkii uu maray Ibraahim afgani oo ah dil
C) In uu ku sugnaado gurigiisa oo uu aamuso
2. Sh Xassan Daahir Aweys oo ahaa masuul sare oo ka mid ah ururka
Al-shabaab madaxna u ahaa ururkii Xisbul islaam oo isago habeen madow si
qorsoodi ah uga baxay degmada Baraawe ka dib markii uu adkeysan waayey
Dulmiga Axmed Godane iyadoo markuu uu Sh Xassan daahir Aweys u gacan
galay Dowllada Federaalka uu Ina Godane ku eedeeyey in uu yahay mid
yoolkii Jihaadka luminaya ama khaldaya xiriirna la sameeyey sirdoonka
Dowldda Federaalka taas oo ah dulmi iyo mid cadaalada ka fog.
3. Cabdifitaax Maxamed oo ahaa Kalkaaliyihii Sh Xassan Daahir Aweys
oo hadda ku xiran xarunta Nabadsugida ee Dowllada Federaalka ee
Soomaaliya
4. Sh Abuu Yaasir Al- Maqdisi oo ka badbaaday shirqoolkii lagu dilay Sh Abuu Camaarah iyo 8 xubnood oo kale
5. Abu Mansuur Al-amriiki oo ahaa masuulkii ciidanka Gobolka Banaadir
iyo Bay iyo Bakool marna noqday ku xigeenka golaha Shuurada ee ururka
Al-shbaab oo isagu ka badbaaday isku daygii lagu dili lahaa xili uu ku
suganaa degaanka Raamacadey.
6. Khadhaab Masri noqday masuul ciidan ee Gobolka banaadir
7. Usaama Biridhaani loona yaqaan Usaama Bakistaani waxaa uu dalka Soomaaliya yimid xiligii Maxaakimta
8. Zakariye Ismail loona yaqaan Zaki waxaa uu saaxiib la haa
hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaamihii uu joogay Bakistaan
waxaan uu ka yimd dalka Swedan, waxaa uu masuul ka ahaa Xabsiyadda
ururka Al-shabaab. Zakariye Ismail waxaa lacag dhan 3 milyan oo dollar
ku raadinay dowllada Maraykanka
9. Cumar Maxamed Abu Ayaan ka yimid dalka Swedan waqtigii Maxaakimta waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Ibraahim Afgani.
Abu Yuusuf oo ka sheekaynay dadka Muhaajiriin ah oo laga saaray dalka Soomaaliya una gacan galay ciidanka kenya
Abuu Yuusuf ayaa isagoo sii wata qoraalkiisa waxaa uu ka sheekeeyey
rag Muhaajiriin ah oo intii ay qabteen ciidanka ka amarqaata Axmed
Godane ay qasab uga saareen xuduuda Soomaaliya ka dibna qaar la qabtay
halka kuwa kalena ay si dhuumasho ugu soo laabteen xadka Soomaaliya.
Dadka Abuu Yuusuf xusay in Xadka la geeyey ka dibna si dhuumasho ku
soo laabtay ayaa waxaa ka mid ah Xakiim Masri halka Cadhalaahu Turki iyo
usaama Shaami ay u gacan galeen ciidanka dalka Kenya.
Abuu Yuusuf ayaa is wiidiiyey sababta uu Barre Aadan Shire Hiiraale
iyo ciidan la socda oo dagaal looga soo saaray magaalada Kismaayo ay
hadda joogaan degaano ay ka taliyaan Al-shabaab oo dhaawacoodu yaal oo
uu weliba Barre Hiiraale ka sheegay Idaacaddaha in ciidankiisa iyo kan
ururka Al-shabaab ay dagaal kula jiraa hal cadow arrinkaas oo
hogaamiyaha ururka Al-shabaa Axmed Godane uu arkayo maqlayana.
Abuu Yuusuf ayaa qoraalkiisa waxaa uu ku xusay in Xassaan Xuseen
Aadam uu dhexdabaashay Khaladaadka jira isagoo fatwooday in ciddii wax
ku khilaafta Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane uu mudan yahay dil .
Abu Yuusuf ayaa waxaa uu ku Shabahay Xassaan Xuseen Aadam, Sh Abu qataad
Al-Falastiini oo isagu fatwooyin Khaldan bixiyey xiligii dagaaladu ay
ka socdeen dalka Jazaair.
Dhinac kale Abuu Yuusf ayaa ku sheegay qoraalkiisa in qof uu la
hadlay uu u sheegay in Xassaan uusan fatwooni in qofkii Khilaaf Axmed
Godane la dilo ayna jirto in qoraal loogu tacsiyey nayo Ibraahim Afgani
iyo Macalin Burhaan lagu soo daabacay webka gaar uu u keeyahay Xassaan
Xuseen balse uu sheegay in uusan qoraalka wax war ah u hayn Abuu Yuusuf
oo qoraalkiisa sii wada ayaa yiri ”Waxaa u sheegayaa Xassaan Xuseen in
arrinka ah in uusan Fatwoon in la laayo kuwa khilaasah Axmed Godane
aysan waxba u taraynin ilaa uu ka bari noqonayo kuwa dilay Ibraahim
Afgani iyo Macalin Burhaan.”Halkaan ka eeg qoraalka Abuu Yuusuf ee lagu
faafiyey shabakataljahad.com ama Halkaan ka akhriso
Ugu dan bayntii ayaa waxaa Abuu Yuusuf uu qoraalkiisa kaga sheekeeyey
Taariikhda Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan iyo wax ay qabteen waxaa
kale oo uu soo hadal qaaday saxaafada Ururka Al-shabaab gaar ahaan
Radio Furqaan iyo Idaacadda Al-andulus oo dhamaantood ku hadal afka
Al-shabaab.
Hargeysa: Daaweynta Xoolaha & Caafimaadka Dadka
Magaalada Hargeysa waxaa maanta lagu qabtey kulan looga hadlayey tayada iyo isticmaalka daawooyinka xoolaha. Khubarada ka qeybgashey kulanka ayaa xusey in tayada daawooyinka xoolaha oo liidataa ay saamayn ku yeelato caafimaadka nolosha bani’aadamka.
Madaxweynaha Somalia oo markii ugu horeysay ka hadlay Xeerka saxaafada Somalia
Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta waxaa ay kulan la qaateen Maamuladda Warbaahinta Dalka.
Kulankan madaxweynuhu uu la qaatey Madaxda Warbaahinta Dalka ayaa waxaa qeyb ka yahay kulamo hore oo bahda Saxaafadda ay ula qaadanayeen Madaxda ugu sareysa Dalka isla markaana looga hadlayey xerka saxaafadda.
Wariyeyaashi ka qeyb galay kulankaasi ayaa soo jeediyey aragtiyo kala duwan oo ku aadan xeerka Saxaafadda Amniga Weriyeyaasha Kor u qaadista Aqoonta Suxufiyiinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulankaasi furey ayaa waxaa uu sheegey in aan haatan loo baahnen in bahda warbaahintu ay isku mashquuliso wax kabedelida xeerka saxaafada Dalka.
Buraannews.com-Muqdisho
Howllo bur burin goobaha sharci darada ah oo ka dhacday Degmada Karaan ee G-banaadir
Maamulka Degamadda Kaaran ee Gobalka Banaadir ayaa waxa ay degmadaasi ka wadaan howlo burburin ah,waxaana la burburinayaa guryaha sharci daradda ah ee ka dhisan degmadaasi.
Howlaha inta badan waxaa ay ka socdaan xafadaha ku teedsan Isgoska Degmadda kaaraan ee Gobalka Banaadir iyadoo gebibi ahaanba guryaha sharci daradda ah ee ka dhisan Degmadaasi la burburinayo.
Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa goobtaasi joogey markii ay howsha burburinta socotey iyadoona an isku deyney in aan Gudoomiyaha Degmada karaan arintaani wax ka weydiino balse nooma surta gelin arinkan isagoona sheegey in markii ay dhamato howsha uu saxaafadda shir jara’id u qabanaayo.
Buraannews.com-Muqdisho
Warbixin ku salaysan Sadbursiga cad ee Xukumadda Siilaanyo Ku hayso Gobolka Awdal /Salal Iyo Cawaaqib Xumadda ay keeni karto
Qaraxyo iyo dilal kala gooni ah oo maanta ka dhacay Muqdisho
Qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Xaafada KPP ee degmada Hodan ayaa waxa kasoo baxaya warar dheeraad ah iyadoo la sheegayo in hal qof uu ku dhintay qaraxaasi.
Qaraxa waxa la tilmaamay inuu ahaa miinada dhulka hoostiisa lagu aaso oo haleelay gaari nuuca yar ahaa inkastoo dadka goob joogayaasha ah ay leeyihiin gaari ayuu ku xirnaa qaraxaasi.
Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu la socday gaariga waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in ruuxa dhintay uu ahaa dhaqtar ka howlgali jiray xarumaha caafimaad ee kuyaalla Muqdisho.
Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta waxay gudaha Suuqa Bakaaraha ku dileen Askar katirsanaa ciidamada Dawlada Federaalka Somaliya.
Askarta la dilay waxa la sheegay inay ahaayeen kuwa canshuuraha qaada ayaa waxa lagu dhex dilay Suuqa Bakaaraha Qeybta lagu iibiyo Khudaarta waxaana meesha gaaray dilka kadib ciidamo katirsan dawlada meydkiina meesha kasoo qaaday.
Dilalka iyo Qaraxyada ayaa maalmahan dambe kusoo badanaya magaalada Muqdisho waxaana Amniga uu umuuqdaa mid faraha kasii baxaya.
Buraannews.com-Muqdisho
Mashruuca Soomaalida London ee Walaal Afuri
Dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool dalka Britan ayaa magaalada London dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ka waday mashruuc loogu magac daray "Walaal Afuri" kaasi oo lacag afur ah loogu aruurinayey dadka masaakiinta ah ee ku nool dalka Soomaaliya.
Galmudug oo xukuno kala duwan ku riday dad eedesanayaal ah
Maxkamada darajada kowaad ee Maamulka Galmudug ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal ku xirnaaa Xabsiga dhexe ee Maamulka Galmudug ee Gaalkacayo.
Dadka la xukumay ayaa waxa ay ku eedeysanaayeen arimo la xiriira Amni daro iyo Dad ku eedeysanaa dil loo geysatay Dad shacab ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Deegaanada maamnulka Galmudug.
inta ay socotay maxkamadeynta ayaa waxa Su’aalo la weydiiay qaar ka mid ah eedeysanyaasha iyadoo qaar kamid ah Dacwadaha loo gudbiyay Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
gudoomiyaha Maxkamada darjada Koowaad Ee maamulka Galmudug maxamed Cilmi Gulaate oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay dadka ay maanta Xukunada ku rideen ineey iskugu jireen dad lagu soo qabtay falal Amniga lagu carqaladeynaayo iyo sidoo kale dad ka dambeeyay Dilal ka dhacay Deegaanada Maamulka Galmudug
arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa Xili ciidamada Amaanka ee Maamulka Galmudug ay ka wadaan Howlgalo Amaanka Lagu xaqiijinaayo Deegaanada Maamulka Galmudug.
Buraannews.com-Muqdisho
Faroole oo magacaabay Wasiiru dowlaha gaadiidka iyo Badaha Puntland
Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa magacaabay Wasiru dowlaha Dekedaha gaadiidka iyo Badaha ee maamulka Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa u igmaday xilkaasi Cabdishakuur Mire Aadan oo isagu hore u ahaa wasiir ku xigeenka wasarada dekadaha,gaadiidka bada iyo la-dagalanka burcad badeedka.
Wasiirka Cusub ayaa hore isagu waxa uu usoo qabtay wasiirkii Warfaafinta maamulka Puntland waxaana maanta loo magacaabay Wasiru dowlaha Dekedaha gaadiidka iyo Badaha ee Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in xilka loo magacaabay C/shakuur Mire Adan mid kasoo bixi kara aqoontiisa uu uleeyahay.
Buraannews.com-Muqdisho
Somaliland oo soo bandhigtay qorshe ay ku doonayso inay ganacsiga ku kala xadayso.
1.In dhaqangelin lagu sameeyo sharciga kala xadaynta ganacsiga kaas oo u qaybinaya ganacsatada afar qaybood oo kala ah:
Soo dejiye, Dhoofiye, Jumladle iyo Tafaariiqle
2.Wasaaradda ganacsigu waxa ay samayn doontaa xadka lagu kala saarayo jumladlaha iyo tafaariiqlaha
3. Wasaaradda ganacsigu waxay samayn doontaa xog ururin la xidhiidha dhibaatooyinka ka dhasha kala xadayn la’aanta ganacsiga isla markaana ay u soo bandhigto shacabka iyo dawladaba.
4. In ganacsatada la siiyo muddo ku filan inay qaataan liisamada ku habboon ganacsigooda, mudadaas ka dibna aan la aqbali doonin ganacsade bilaa liisan ah, iyadoo ganacsade waliba uu liisanka ka qaadan karo gobolka uu joogo.
5. Sharcigani waxa uu dhigayaa in ganacsadaha qaata liisanka soo dejintu aanu iibin Karin jumladda, ganacsadaha kale ee qaata liisanka jumladuna aanu iibin Karin tafaariiqda.
6. Wasaaraddu waxay kormeer joogto ah ku samayn doontaa dhaqdhaqaaqa ganacsatada si loo hubiyo habsami u socodka kala xadaynta ganacsiga.
7. Ganacsadaha ka baxa waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharci ah sida digniin la siin doono, ganaax lacageed iyo in lagala noqdo liisanka ganacsi.
HARGEYSA SOMALILAND
Hoos Ka Daawo: Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam Oo Warbixin Faahfaahsan Kabixisay Waxqabadka Wasaradeeda Iyo Waxa U Qorshaysan Ee Ay Rabto Inay Qabato.
Hargeysa (Idhanka) Marwo Samsam Cabdi Adan ayaa si qoto dheer ugu warantay wax qabadka wasaradeeda waxbarsho mudadii ay xilka haysay halkan kadaawo.
Idhanka.com