Waxaa maalmahan loo wada xusul duubayaa ama xawli loogu jiraa, sidii loo
soo xuli lahaa gudiyada marxaladda kala guurka ah, si ay u qabtaan
hawlo badan oo aad u adag, labo ayaase ugu muhimsan gudiyadan, kalana
ah: Ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo soo Xulidda Xildhibaanada.
Intaanba hawshii la gudagalin, ayaa waxaa dhashay tuhun iyo farfiiq,
eedda ayaa dhalatay, ka dib markii la furay Sayladda Suuqa lagu kala
iibsanayo Odayaasha loo igman doono hawlahan.
Inta aanan abbaarin arrimahan, waa muhim ah, inaan dhawr qodob
duljoogsado, oo aan is leeyhahay in la qeexo waa lagama maarmaan, maxaa
yeelay, waxaa isku dhex miliqsan arrimo badan, ujeed iyo ogaalna la
isugu daray, waxyaabaha qaarna laba maldahay! Illeen wax aan dani ka
dambayn ma jiraane.
Marka laga soo tago; abaaraha, gaajada, colaadaha, dagaallada iyo
dhibaatooyinka guud ee Soomaaliya hareeyey, waxaa lala eegtay sadax
arrimood, oo kala ah:
-Dawlado ku meel gaar ah: Labaatanka sano ee burburka lagu jiro, dalka
waxaa soo maray ku dhawaad shan dawlado ku meel gaar, dhaqan ahaan iyo
maskax ahaanba, ku meel gaarka, waxay ahayd inay ka dambayso marlaxad
nagi iyo deganaansho, haddii markii hore loo baahnaa in heerka la joogo
laga gudbo, loona baxshay ku meel gaar, si loo caddeeyo inaysan ahayn
daa’in iyo wax waligeed sii soconaya, balse, ayaandarrada Soomaalida ku
habsatay ayey ka mid tehee, waaba la daa’imiyey.
-Shirar dib u heshiineed: Sida tan hore mugdiga dad badan uga jiro, tan
waxaan filaa inay tahay bannaanyaal iyo wax iska cad. Shirarka la qabtay
iyo sanadaha burburka lagu jiro marka aad is garabdhigto, waxaad ogaan
inaysan kala badnayn oo iska daba dhaw yihiin, kana dhigan qiyaastii in
sadaxdii sanaba mar shir la qabanayey, heer ay noqdeen shirirkani
qubanayaal madashoodaaan la faaruqin, loona madlan yahay dhawr gu’ ka
dibba.
-Ergay cusub: Lixdii sanee u dambaysay, waxaa la soo magacaabay sadax
ergay, oo uu ugu dambeyo mudane Mahiga, haddaad gadaal sii qooraansatana
qoorta ayaa ku daalaysa kaliya, waxaaba laga yaabaa inaad tirin weyso,
dabcan, ujeed la’aan ma ahan, dhammaan qodobadan aan soo xusay, mid
walba waxaa laga leeyahay dan gaar ah, aan isku dayno inaan fahamno. Kan
hore, ee “ku meel gaarka” waa waligaa garab rarato iyo geeddi ha ka
gudbin. Kan labaad, ee “Shirarka dib u heshiineed” waa waligaa gabraarta
shisheeyaha ha ka guurin. Kan ugu dambeeya, ee “Ergay cusub, waa
waligaa basaas ha noo kaa dhex joogo.
Arartan gaaban ka dib, aan u daadego dulucda qormada, oo u badnaa doonta
tilmaamo iyo talooyin. Sidaa awgeed, waxaan ka sii cudurdaaranayaa
qofkii aan igu aragti ahayn, inuusan ii ciilloon, maya, inuusan iga
caroon. Ujeedku ma ahan qof iyo qabiil, kali iyo koox. Waxaanse farta ku
fiiqi doonaa meelo badan, waana midda aan ka sii afeefanayo, illeen waa
tii la yiriye: “Hadalkaaga hortiisa afeef ayaa la dhigtaa, Gurigaaga
hortiisana ood”.
Marxaladda Kala guurka ah
Laba sano oo ku meel gaar ah ka dib, iyo sanad “Kampala Accord” loogu
waqlalay, ahaase xadgudub ka dhan ah Dastuurka Dawladnimada iyo
Dadnimada, maadaama mudaduu madax ahaan lahaa dhammaystay, haddana
Kaadir Musaveni ayaa u kordhiyey, inaw Meles ogaana maanka ku hay.
Iminkase waxaa la marayaa gabagabadii gugaa Musafani gooyee, maxaa
goobta lala iman?.
Weydiinta madaxa daalinaysa ayaa ah: (Horta Ku meel gaar inaan ka baxno
yaa dani ugu jirtaa? Ma anaga [Soomaalida] Mise Shisheeyaha [Dunida])
Aayaheenu wuxuu mar walba ku xiran yahay hadba warcelinta laga baxsho
weydiintan, micnaha labada dan midda xoog yeelata ayaa xarigga noo
qaban, aanse kala qaadee, haddii anaga dani noogu jirto, ma leenahay
hoggaan xilkas ah? Ma leenahay madax qaran? Ma leenahay Maamul adag
amaba jira? Ma leenahay ......? Ma leenahay......? Ma leenahay....? Ma
leenahay....? Ma leenahay....?.
Haddiise ay dani ugu jirto shisheeyaha, haddaa, maxaa loogu dig iyo dam
leeyahay? Maxaa loogu wada hamuun qabaa? Wax aan dhibkiisa mooye,
dheeftiisu muuqan, maxaa loogu wada dhadhabayaa? Waan filaa inay dad
badan u caddahay raggan aqoon yahanka lagu sheegayo, inay yihiin
dullaaliin daboolan, oo ay dhammaan wada matalaan shirkado shisheeye.
Maxaa yeelay, mid walba markuu yimaado, wuxuu heshiis la galaa shirkado
gaar ah, oo uu ka qaato xoogaa laaluusha ah iyo sandareerta yar.
Waxa loo wada xusul duubayo, ayaa ah in mar qura eraga: “Ku meel gaarka”
laga gudbo, danta laga leeyahay ayaana ah, in shirkadahan shisheeye,
wixii loo saxiixo aan lagu soo dabagalin, illeen wixii ay maanta la
saxiixdaan MAFIYADAN berri ayaa la duri karaaye, maadaama aysan wadanka
ka jirin dawlad buuxda, haddaba aqriste, ma kula qumman tahay in
xeeladdaasi meel marto?.
Dal aysan deganaan guud iyo mid gaaraba ka jirin, waa yaabe: sidee uga
gudbaa ku meel, markii horaba la galiyey? Aqriste, armaad is tiraa,
ninkani waa kuwa buka ee qaba, in dalka Maxmiyad la galiyo! Maya, bal si
kale u eeg, armaanba hadda Maxmiyad aan magacaabnayn ku jirnaa? bal
sadarrada sare aqriska ku celi. Hubaal inaad garan, inaannaan gob madax
bannaan ahayn.
Marka laga soo tago caddaanka dalka Badda iyo Cirka ka eegta, wadanka
waxaa maamulan jirtay Xabashi, hadda waxaa wadaag la noqotay Ugand iyo
Kenya, ninkay caad ka saaran tahay, ha u fiirsho qaabka wadanka loo
maamulayo, hase ku kadsoomin magac bixinta aan meelna haysan;
Madaxweyne, Ra’isul wasaare, Wasiirro, Xildhibaanno IWM.
Guddiga Dastuurka
Ugu horrayn, tirada guddigan iyadoo lagu wareersan yahay, ayaa waxaa noo
koobay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh
sheegayna in ay horay u ahaayeen soddon qof [30], haddana ay yihiin
sagaal qof [9] oo uu ku tilmaamay “khubaro” -Sir iyo caad ogayaal- waa
siduu hadalka u dhigee, sagaalka sargaal wuxuu ka xusay mudanayaashan
-oo dabcan uu wada ammaanay-: Caasha Kiin Faarax Ducaale, Prof jawaari,
Dr Cali Siciid Faqi, Shukri Diini iyo Xannaan.
Guddigan waxaa la magacaabay markuu dhammaaday shirkii dib u
heshiisiinta ee Kenya lagu qabtay sanaddii 2004-tii, waxaa lala
magacaabay guddiyo gaarayaa ilaa saddax iyo toban guddi, waxaa ka mida
guddiyadaa Guddi dib u heshiisiinta.
Dawladda Shariif ayaa isku dayday inay guddiga xubno ku darsato, la
laaqa Dhariga la Karinayo, qas iyo qalalaasaba ha looga jeedee, waase ku
guuldarraysatay! Haddaba su’aasha ayaa ah: Guddigani awoodda intaa la
eg siduu ku helay? Xaggeese ka keenay?.
Mid aan sir ahaynse aan sheego, in guddigani maalintii la aasaasay ilaa
iminka uu mushaar joogta ah qaadanayey, taa kaliya ma ahan, Guddigani
waa ka safar badan yahay madaxda dawladda, oo haddaa, yaa ka bixiya
qarashka safarka? Maya, horta sidooda yaa biila? lacagta ku baxda xaggee
laga keenaa? Xafiiskee siiyaa? Guddigani Xafiiskoodu xaggee ku yaallaa?
Mise waa garab rarato Lap Top-ku Kilkisha ugu jiro, walina aan gaarin
iPad!
Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya, in Guddigan maalintii la
magacaabay ilaa maantadan ay ku baxday qarash badan, aqriste lacagtu ma
yaree, bal kurisga xajiso, inta aanan kuu sheegin, waa inaan kuu sii
digaaye, waxaa lagu beelay beeso dhan hal Malyan oo Dallar [1Milyan$]
haddaba yaan la oran dalku muxuu Sabool u yahay? Illeen Yuubatadan ayaa
wixii soo galiba u yuurartee!
Dastuurka qabyo qoraalka ah
Dastuurkan waxaa lagu madalsan yahay, in la soo bandhigo bartaha bisha
may ee foodda nagu soo haysa, sidaa awgeed, mashaqada ugu darani way soo
socotaa, oo waxan ay Dastuurka ku sheegayaan, waxaa ku jiro qodobo
aysan iyagu qorin, sida ka muuqatana ay qorteen dalalka dariska ah,
qodobada qaarna waxaaba qortay qabiillada qaarkood, oo aadba moodda inay
ku fillaa waysay, sadbursiga ay maanta ku hayaan beelaha intooda kale,
awal ayaanba qaati ka taagnayn afar iyo bare, ma waxay noo soo wadaan
goosgoos aan gabina gaari karin?.
Balaan ku hormaro qodobka la yaabka leh ee ah: “Jinsiyadda/Dhalshada” Dastuurka qabyo qoraalka ah waxaa ku qoran sidan:
CUTUBKA 2AAD-JINSIYADDA
Qodobka 11aad-U-dhalashada Jinsiyadda
(1) Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.
Qodobka 12aad-Muwaaddinnimada lagu heli Soomaaliyeynta
(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa,
buuxiyeyna shurrdaha sharciga Jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu
dalbado Soomaaliyeyn.
(4) Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu
Soomaaliyeeyo guur ama deggnaansho kuma xirna in uu buuxiyey ka hor ama
ka dib taariikhda dhaqangalka Dastuurka.
Balaan jeexjeexo qodobka Jinisyadda, mid waa inaan isla wada qirnaa,
inaan nahay dal xitaa aan SABOOL lagu tilmaami karin, intaa waxaa noo
sii dheer, inaan ku jirno dawladaha dhan walba ku fashilmay, haba ugu
darnaadaan dhanka ammaanka, maamulka iyo garsoorka, waaba haddii
raadkood la hayee.
Sidaa waxaan u leeyahay, qofka marka uu mudnaado Jinsiyad/Dhalasho,
wuxuu yeelanayaa xuquuq uusan markii hore lahayn, maya, wuxuu la mid
noqonayaa Muuwaadinka Soomaaliyeed, ee aan la Soomaaliyeyna. Haddaba,
miyeysan habboonayn inaan arrinta si fudud loo gudagalin? Waa midda
koowaade, dhaqaalo uma haynno, in qof walba oo shan sano na dhexjooga
aan dhalasho dhab ku siino. Anagii ayaa naf la caari ah, ee sideen dad
kale ku xammili karnaa? Aniga iima dhadhamin.
Midda naxdinta leh ayaa ah, in qodobkan ay qorteen dawladaha ay ciidanka
ka joogaan wadanka, si gaara Xabashida, oo danteedu tahay inay ku
yeelato Soomaalida dhexdeeda, dad badan oo la Soomaaliyeeyey, micnaha
dad asal ahaan ka soo jeedo wadankeeda, balse, xaq buuxa ku leh
Soomaaliya. Haddaba, maxaa ka horjoogsanaya in ay berri madax noqdo?.
Waxaan la yabaa dad badan oo muran ka kenay qofka Soomaaliga ah ee xil
qabanaya inaysan shardi u ahayn inuu Muslin ahaado! Waana meesha kaliya
ee laga hadlay ilaa iminka, waxaa ku soo xiga midda sadbursiga. Waaba
yaabe, dadkan maba u muuqdo wadankan xaraashka ah, ee la leeyahay qof
walba wuxuu noqon karaa Muwaadin Soomaaliyeed, sida iyo saabku muhim ma
ahan, waaba laguu sadrayee ku dul susub, sina ha uga seerayn.
Berri waxaa soo socda kuwa madaw iyo caddaan isugu jira, oo aan Soomaali
ahayn, lase leeyahay waa Soomaali, Muslinnimana haba sheegin warkeed,
oo xukunka qaban doona. Hadda ayeyba billaabatay, dad la siiyey
dhalshada, sida ay sheegayaan xog hoose oo laga helay Waaxda Jinsiyadda
ee Xamar, aanse ka wardhawrno maalmaha! Wallee inay wax riman yihiine.
Run ahaan, qodobkan wuxuu keeni doonaa in dad badan oo iminka Soomaaliya
jooga, ujeedna loo geeyey, ay berri ku doodi doonaan, inay Soomaali
yihiin, maxaa yeelay, waxay Soomaaliya deganaayeen in ka baddan shan
sano, oo uu Dastuurkani xadidayo, Qoraaga sare: C/qaadir Cusmaan Max’ud
(Aroma), ayaa Naynaas ahaan ula baxay (Oromo) isagoo ku muujinaya
Afrikaannimadiisa, kana cararaya Carabnimo ama Carabayn.
Markuu burburkii dhacay, ayuu ku baraarugay kuwa la leeyahay waa Oromo
masaakiin ah, oo dadkii qaarijin ku dhammeeyey, ka dibna, Naynaastii ku
badshay (Aromo) oo ah geed udgoon.
Malaha meeshii C/qaadir Cusmaan Max’ud (Aromo) uu ka dagaalamayey ayaan
maanta maraynaa? Maxaa yeelay, qodobkan waxaa ka dhalanaya in Ajaanib
badan ay xaq u yeeshaan dhalshada Soomaali. Hubaal in dad badan kugula
doodayaan, in ay jiraan Soomaali badan oo qurbaha ku haysta dhalsho
kale. Aanse caddeeyee, tan iyo kuwaas kala duwan, markaan yeelano
dhaqaalaha dawladahaa oo kale, ee aan dal dhisan iyo dad deggan yeelanno
ha la gaaro, ee maanta miyey mudan tahay in sheeko caynkaa ah Dastuur
naloogu qoro?
Waxaa jira dalal badan oo naga hodonsan, oo aan qodobkani u qornayn,
sida S.Afrika, Jappan, S.korea, Malesia, UAE IWM, kuwaaba kuma
degdegine, waa maxay kadlayntan anaga nagu jirta? Wallee inaan shaki ku
jirin, inay Xabashi qoratay qodobka Jinsiyadda/Dhalashada, ee
Soomaaliyeey, armay maanta ku habboon tahay, inaan raggan iska qabanno?.
Dhanka kale, dawlado reer Yurub ah, ayaanba ku bixin dhalashada shan
sano, ama kuba baxsha shantaa oo shuruudo lehe, sidey ku dhici kartaa
dal G8 [Dawldaha warshadaha ku hormaray] ku jira, sida Italia, in
dhalashada lagu helo toban sano oo degaansho ah, annagu aan shan sano oo
daganaashao ah ku bixinno? Aniga iima cuntamin, aqriste, adna?.
Waxaan gudcur ku jirin oo aan u baahnayn hillaabasho, in guddigan iyo
kuwa la mid ah, ay dalka ka dhigayaan mid aan la kala xigin. Ma kuu
joogaan Gaangaystarro aad isaga maaro waysay, waa laguu hayaa halkii aad
gayn lahayd, waa Soomaaliya. Ma leedahay kooxo Calooshood u
shaqaystayaal ah, waa laguu yaqaan meesha aad ku beeri lahayd, waa
Soomaaliya. Ma ku xiran tahay MAFIYA, waa laguu yaqaan meesha ay
mashaariicdiinnu ka hirgalayaan, waa Soomaaliya.
Fisha, qaybta xigta ee qormada.
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com
Fikradu qoraaga ayaa iska leh