GAROWE(GMN)-Kooxo hubeysan ayaa Maanta Magaaladda Garoowe waxa ay ku toogteen xildhibaan ka tirsanaa Barlamaanka Puntland.
Dilka Xildhibaanka ayaa waxa ka danbeyey kooxo hubeysan kuwaas oo marka uu dilka dhacay isaga baxsady goobta.
Murxuunka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sheybe Sheekh Maxamuud,waxaana la toogtay isagoo ka soo baxay Masjid ku yaalla Magaaladda Garoowe.
Lama oga sababaha ka danbeysay dilka Xildhibaanka ka tirsanaa Maamulka Puntland.
Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa soo gaaray halka uu dilka ka dhacay isla markaana gacanta ku dhigay dad dilka loogu shakisan yahay.
Gedoonlinenews@gmail.com
Xildhibaan lagu Dilay Garoowe
Maxaa la gudboon madaxweynaha Agoosto?
Ma noqon doonaa madaxweynaha cusubi mid keeni kara xaaladlooga baxo marxalladda lagu jiro maanta?
Shacabka Soomaaliyeed waxaa hor yaalla maanta hawlo badan ooku wajahan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyin kala duwan oo muddo dheersoo jiitamayey. Dhibaatooyinka ayaa waxay u kala baxaan qaar la wada ogyahay oosi aad ah afka loogu hayo in xal loo helo iyo qaar aan si sahal lagu arki karinuna baahan in la iftiimiyo. Kuwa muuqdaa waa amni darrada dalka ka taagan,la’aanta dawlad loo wada dhan yahay, dhaqaale xumida, baahida iyo macluushahaysata caruur iyo haween,barakaca iyo xaaladaha qaxootiga soomaalida ee kunool xeryaha qaxootiga dunida iwm.
Dhibaatooyinka dahsoon ee iyagana xalka u baahan ayaa waxaaka mid ah cuqdada dheeraatay ee ku abuurantay quluubta shacabka, qabyaaladda loofahmay iney tahay jaranjarada keliya ee loogu gudbo mansab siyaasadeed, dareenkamidnimo iyo qowmiyad oo yaraaday iyo in loo arkay madaxtinimadu iney tahayfursad ku soo marta ee lagu noqon karo maalqabeen waqti gaaban gudahood.
Xalka dhibaatooyinkaa wuxuu u kala baxaa laba qaybood oo ah xal ku meel gaar ah iyo mid joogto ah. Xalka ku meelgaarka ahoo u gogolxaadhaya xalka joogtada ah ayaa ah
Habka looga bixi karo amni xummida dalka ka jirta.
Habka lagu abuuri kara xaalado bulshadu ay ku fahamto mecnaha iyo danta laga leeyahay dimoqraadiyadda.
Sidii loo dhisi lahaa xoog militari ka madaxbannaan siyaasadda gudaha ee dalka. ( waa ineynu ka khibrad qaadanaa dhacdooyinkii dalka masar oo marka dawladda iyo shacabku ay isku dhaceen , xoogga militariga wuxuu qabtay hawl dhexdhexaad difaac ah ee kama uusan qayb gelin rabshadaha ka socday dalka masar )
Dhibaatooyinka hor taagan ku tallaabsashada xal joogto ahwaxay u kala baxaan qaar ka imaanaya gudaha dalka iyo kuwo dibedda:
In dawlad waliba ee somaliya u dhalata aysan helin fursad iyo waqti ay ku meel mariso dhammaan hawlahaa culus .
in qaar ka mid ah xubnaha dawladda ay ku fekeraan iney mas’uuliyadoodu tahay fursad soo martay noloshoooda oo markaa ay muhiim tahay iney ka faa’ideystaan , halkaasna hawlihii aysan u qabsoomin sidii la rabay.
In aysan qaybsiga jagooyinka xafiisyada dawladdu iyo hawlaha mas’uuliyadaha dawladda ku xidhnaan khibradda iyo aqoonta shaqaalaha ee ay tahay YAAD U DHALATAY ama BEESHEE KA SOO JEEDDAA.
Carqaladaha hor taagan dawlad kastoo somaliya u dhalata eekaga timaada dibedda dalka :
Ø In dawladaha deriska la ah soomaaliya aydoonayaan dhismaha dawlad soomaaliyeed ee aan halis ku ahayn amnigooda,markaanawaxaa dhacaysa iney hor joogsadaan si toos ah ama si dadban dawladda markaa aanu janjeedhin himilooyinka siyaasadeed ee ay ka leeyihiin soomaliya.
Ø Somaliya oo ah dawlad 100 % muslim ah ayaa marwalba waxay welwel ku haysaa waddamada yurub iyo markeykan in ay diintaislaamka ku fido shucuubta la deriska ah , markaana waxaa laga shaqeynayaasidii ay itoobiya gacan ugu yeelan lahayd abuurista dawlad aan khatar ku ahaynamnigeeda.
Ø Ayadoo ay dadweynuhu u bisleen dhinaca maskaxiyo aqoonba iney fahmaan qorshe walboo siyaasadeed ee dawladdu la timaadomarkaa si sahal ah bey warbaahinada dunida saamayn ugu yeelan karaan ra’yigadadweynaha soomaaliyeed.
Haddaba maxaa lagudboon madaxweynaha cusub si uu u meel mariyo barnaamijka soo celintaamniga iyo midnimada somalia .
Inuu ilaah ka cabsado oo uu xasuusto xisaabta maalinta qiyaame.
Inuu ku dhaqaaqo habka odaydhaqameed-aqoonyahan kaasoo ah in beel waliba ay la timaado koox ka kooban oday dhaqameed oo ay weheliyaan laba aqoon yahan oo ku abtirsada beeshaa.
In dawladda cusub ay ku dhaqaaqdo barnaamij dadweynaha loogu wacyi gelinayo laguna diyaarinayo sidii hab goboleed kadibna loogu gudbo hab dimoqradi ee axsaab siyaasadeed lagu abuurayo.
inuu ku dhaqaaqo hab cusub oo loo yaqaan xanib biyomareenka. In la daboolo isha oo la xanibo meesha ay biyuhu ka soo baxayaan baa ka fiican in mar walba biyaha soo daatay la nadiifiyo. Taasoo loola jeedo in maadaama sababta ugu weyn ee dagaalanka loogu jiro kuraasta siyaasadda ay tahay in faa’iidooyin dhaqaale iyo mid awood siyaasadeed laga helayo, waxaa muhiim ah in kursigu noqdo mid aan laga heleyn in ka badan faaiidada qofku shaqeystay ee dawladdu ay ka war hayso , shacabkuna ay la socdaan. Mushaharada madaxweynaha iyo xubnaha dawladdiisa iyo waxyaabaha ay xaq u leeyihiin waa inuu noqdaa warbixin aan shacabku ka daboolneyn.
Inuu raadiyo si kastaba hab wadahadal iyo is afgarasho lagula yeelan karo kooxda alshabaab ama koox walboo ka hor imaata horusocodka soocelinta midnimada dalka.(waa ineynu xasuusanahay iney xubnaha ururkani ku jiraan dad soomaali ah markaana lagala tashan karo sidii loo gaari lahaa is afgarasho siyaasadeed.)
Inuu ku dhaqaaqo barnaamijka shaki bixinta iyo qalbi dejinta dadweynaha kaasoo ah dood uu ra’iisalwasaaraha iyo dawladdiisa iyo mucaaradka ka soo horjeeda ay ku yeelanayaan xarunta baarlamaanka ayadoo si toos ah looga daawanayo telefishanada dalka iyo kuwa dadweynaha soomaaliyeed ay daawadaan oo idil.In qaar ka mid ah shacabka ay goob joog ka ahaan karaan doodahaasi ,halkaasna lagu lafaguro dhammaan mowduucyada siyaasadeed ee la hadal hayo si kutirikuteen ahna dadku ay uga sheekeystaan. Barnaamijkaa in la qabto todobaadkiiba mar.
In mid ka mid ah doodahaa uu wasiirka maaliyadda iyo madaxweynaha ay ku soo bandhigaan qaabka dejinta maaliyadda dalka, miisaaniyadda sanadka soo socda , dakhliga soo galay , sida loo maamuli karo iyo arrin walboo ku saabsan dhaqaalaha oo si cad ay dadku u maqlayaan. In markaana la weydiin karo su’aalo ku saabsan haddii la tuhunsan yahay in ay wax lacag ah maqan tahay. Shacabku waxay xaq u leeyihiin iney dareemaan in hantida qaranka aysan ahayn mid madaxweynaha iyo dawladdiisu ay si gaar ah u leeyiin ee ay tahay hanti qaran loo wada dhan yahay.
In la sameeyo Guddiga xisaab xil maleh oo ka kooban culumaa’udiin ilaah ka baqaya & aqoonyahano ku xeel dheer sharciga xajiijinta xisaabta iyo dabagalka qaldaadka, laguna dhaariyo maxkamadda ayadoo telefishanka dalka laga wada fiirsanayo iney si cadaalad ah hawshooda u gudanayaan. Guddigaa waxay hawshiisu tahay keliya iney farta ku fiiqaan wax walba oo qalad ah ee soo dhex gala maamulka maaliyadda dalka , maamulka siyaasadda dalka , maamulka maxkamadaha dalka oo ay soo gudbin karaan haddii si caddaaladarro ah wax loo maamulo.
In Guddiga xisaab xil maleh ay baaraan,hubiyaanna in jagooyinka dawladda loo magacaabay shaqaale leh aqoonta iyo khibradda loo baahnaa, iney baaraan in fursadaha shaqo ay u simman tahay dhammaan beelaha soomaaliyeed .Haddii ay la kulmaan wax khayaano ama isdabamaris ahna ay si toos ah awood ugu leeyihiin iney ka soo saaraan qoraal rasmi oo lagu daabacayo wargeysyada dalka ayna u gudbinayaan cadaaladda si wax looga qabto.
Awoodda shacabka waa iney xor ahaataa oo loo fasaxaa iney dibed ubax sameyn karaan markii ay la kulmaan dhaliilo & khayaano ay soo xaqiijiyeen guddiga xisaab xilmaleh.
In madaxweynaha cusub uu si cad ah u soo bandhigaa nooca xiriir siyaasadeed ay dawladdiisu la yeelaneyso wadamada deriska la ah, kalana tashadaa xubnaha baarlamaanka sida arrinta loo qabanayo iyo siyaabaha loogu sharxayo dadweynaha. ( waa ineynu ogaanaa in dawladda Itoobiya aysan marnaba faraha kala baxeen arrimaha siyaasadda gudaha ee somaliya, ayna u haysato taageero xoog weyn ay ka heshay waddamada yurub iyo mareykanka. Arrintani ma ahan mid ugaar ah itoobiya ee waa dhacdo siyaasadeed ku qoran istaraatejiyada siyaasadaha caalamka oo dhan. Haddii tusaale ahaan ay burburto qaranimada waqooyiga kooreeya,waxaa waajib ku noqoneysa koofurta kooreeya iney ka shaqeyso sidii aysan u soo noqon xoog ama dawlad la mid ah tan dawladdii shuuciyadda waqooyiga kooreeya ee ay sameysanto dawlad daciif ah khatarna aan ku ahayn amniga dalkeeda . waxay markaa dawladda kooreeya ayadoo ay la shaqeyneysa xulafadeeda dawladda mareykanka meelo badan oo dalka waqooyiga kooreeya ka mid wax ka baabi’in lahaayeen waayo kharajka, dadaalka iyo jahawareerka kaga baxaya iska difaaca dawladda shuuciyadda ee deriska la ah waxaa ka jaban,kana dhib yar kharajka & dadaalka ku baxaya carqaladeynta iney soo noqoto dawlad taa oo kale ah), Markaa waa inuu madaxweynuhu la yimaadaa siyaasad qun yar socod ah kuna saleysan u qosol cadawga, isuna diyaari dagaal.
Inuu abuuraa xaalad siyaasadda gudaha ee aannu awoodda siyaasadeed ku xirneen shakshiga meesha uu ka soo jeedo,ciidanka iy awoodda ay leeyihiin beeshiisa ee waa inuu ku saleysnaadaa kartida & aqoonta shakhsiga soomaaliyeed.
Inuu ka shaqeeyaa in ayadoo ay soomaliya ku dhaqmeyso sharciyada diinta islaamka haddana ay la yeelato deris wanaag wadamada jiiraanka la ah kana qayb gasho tartarnka horumar ee caalamka ka socda.
inu madaxweynahu daacad u noqdaa mas’uuliyadda xilka adag ( waan ka war haynaa in markii dhulgariir xoog leh ka dhaceen dalka jabaan madaxweynaha dalkaasu wuu ilmeeyey, asagoo islamarkaana ku baaqay in mushahar uusan qaadan doonin bisha ay murugada iyo dhibaatadu haysatay shacabkiisa).
Awes A. Osman
DNS, Stockholm
dennyasomalia@gmail.com
DAAWO SAWIRADA: Banaanbax Lagu Taageerayay 6-da Agoosto Oo Ka Dhacay Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Banaanbax balaaran oo si aad ah loogu soo dhowaynayay ka bixitaankii kooxda Al-Shabaab ee magaaalada Muqdishosanad ka hor ayaa waxa maanta uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Banaabaxayaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobalka Banaadir, waxaana ka soo qaybgalay Madaxda dowlada masuuliyiinta degmooyinka gobalka iyo dadweyne badan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha gobalka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay banaanbaxaan ayaa wuxuu sheegay maanta in ay tahay maalin taariiqi ah.
Sidoo kale Gudoomiyaha gobalka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ugu baaqay dadweynaha ka maqan magaalada Muqdisho in ay dib ugu soolaabtaan, wuxuuna sidoo kale uu sheegay in Muqdisho ay tahay meel ka dhaxaysa caasimada Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo asna dhankiisa ka hadlay banaanbaxaan ayaa wuxusu sheegay in 6sda Agoosto ay tahay maalin taariiqi ah oo loo baahanyahay in la xuso sanad kasta.
Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu intaa uu ku daray hadalkiisa in guushaan ay ahayd mid aysan filaynin in badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed, lasakiin Al-Shabaab laga saaray Muqdisho.
Inkastoo kooxda Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho, mudo halsano ka hor ah ayaa hadana magaalasda Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheesan iyo qaraxyo ay ka danbeeyeen kooxda Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
Gaas iyo Shariif oo Kulmay
MUQDISHO(GMN)-Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxwaynaha Soomaaliya.
Kulanka labadda dhinac ayaa ilo xog-ogaal ah waxa ay sheegayaan inay ka wada hadleen khilaafka xubnaha saxiixiyaasha.
Isla kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday arimo la xiriira xildhibaanadda laga soo xulayo Maamulka Puntland in farta laga saaro Gaas iyo Faroolle oo ka mid ahaa qodobadii Khilaafka sababay.
Kulanka labada dhinac ayaa wali faahfaahin ka bixin Madaxwaynaha iyo Ra’isulwasaaraha labaduba.
Si kasta kulanka ayaa waxa imaanaya xili Madmadow uu soo dhexgalay Madaxwaynaha iyo Ra’isulwasaaraha.
Gedoonlinenews@gmail.com
SOMALIA: Why President Sharif stormed out of the Road Map meeting in rage
image:
Why President Sharif stormed out of the Road Map meeting in rage
Saed Faadi
Email: said.faadi@gmail.com
August 6 2012
OPINION
Media reports opine that President Sharif Sh. Ahmed stormed out of the meeting of Road-map signatories in rage.
If true, it is an inclination that bodes a bad news. To those who have relatively long memories, it was tragic reminiscence of the stormy reconciliation meetings of Somali warlords.
It summons up the days when warlords used to storm out of reconciliation meeting only to be awarded with a rapturous welcome in their political backyard by myopic tribal supporters.
But let me put an important notice on his door. Sir, if you think Somalis today are like those in 1990s – two decades back – you are dead wrong. To hell and gone are the days of political warlordism.
We are closing watching your steps and those of other signatories. Every step you move will go down to the books of story. Because of your current position at this transitional stage – when the fate the country is at a crossroad – you will either build or break your legacy. In simple words, you will either emerge as triumphed statesman or succumb to your worse proclivity to go down to the books of history as a “traitor”. That is why I believe you better trade carefully with this.
This is my spur of the moment advice to the man; I once chose to describe him the phrase “a gentleman par excellence”.
Kicking up the fuss
But I think some central questions still remain unanswered. What really prompted the “cool guy” to kick up the fuss? What political score was President Sharif trying to settle with this uncivilized manner? Was he misadvised by antagonist within his inner circles – masquerading his political loyalists? Who are the “advisers” of the president?
The media speculated two outlandish and minor issues. But my gut feeling is that his political enemies have penetrated into his brain-trust. This is why I believe that this was an attempted take-down of his political career and his bid for a second term.
But let us first interrogate the speculation circulating in the media houses.
The first is bizarre claim is that President Farole of Puntland held Prime minister Gaas in long horse-trading private meeting over who will select and sign the MPs from Khatumo State. This annoyed President Sharif who wanted to claim a stake of the MPs of this particular community. But I think this is untenable guesswork.
I thought this entitlement was given to Somali traditional elders unparalleled, to select MPs from their community. Yet that specific community has the oldest and most respected traditional headship in Somali communities.
It is not also a secret that none of the SSC traditional elders – even the duplicates – are currently faithful to either Puntland or Somaliland administrations. They are unequivocally united in Khatumo State of Somalia.
The swing vote of Dhulbahant MPs that have long perpetuated the inept leadership of Puntland has neither the backing nor blessing of the traditional elders and the community at large. And that is one of the undoing of Faroole Administration.
My take is that there is no apparent reason of making a big fuss over this. When traditional elders submit the list to the vetting board, the final vetted list should be approved by either the political leaders of Khatumo State or Prime Minister of the TFG. The key word here is a“vetted list” – as simple as that. Neither President Sharif nor Farole have got any business to do here.
Another bizarre claim was that “protocols” were breached – as claimed by one of the “ill-advisors” of the president. Again, this is as preposterous as it is untenable.
Since when, I ask, was protocols observed in the shark infested politics of Somalia?
Every Somali who is worthy his or her name knows that President Sharif Sh. Ahmed cannot be ‘mad enough to chew his nails and spit rivets’ because of presidential etiquette, that he does not even believe, was breached.
Sir, you tell that to birds, we are not gonna buy it.
Allow me to make a brief hypothesis on the last moves of the President before I let you make your own conclusive answer to the questions above.
First President Sharif was not actively part in constitution making process. He left the Prime Minster much of the burden and, to take much of the risk of balancing the delicate interest of semi-illiterate tribal elders.
Yet again – In utter contempt for whole process – he has incredibly gone for picnic ride to Bal’ad the day the constitutional assembly delegates were scheduled to vote for the constitution. He neither bothered to address the assembly nor give a public address after the historic vote.
In that faithful day, the Prime Minister and his team worked round the clock to level ground for the take-off of new Federal Republic of Somalia – with a new constitution and political dispensation.
Many believe that President Sharif does not understand – let alone respect- the creed of constitutional governance. And therein lays his main disadvantage. That is the reason the International Community and many Somali intellectuals believe that he should not be entrusted to guard, promote and implement a constitution he does not have faith in it.
In the new order, the President of Federal Republic of Somalia is, “The guardian and promoter of the founding principles of the constitution”.
My second hypothesis is that President Sharif is already sensing a defeat. Generally, he does not have confidence in himself. He is afraid of fair and free contest – even with underperformers like the Speaker of the Parliament Sharif Hassan Sh. Aden.
Remember, he refused to contest with him last year while the Speaker was assertively telling him to face him in the ballot box. He opted for a bitter pill to swallow by sacrificing his close ally and Prime Minister Mohamed A. Farmajo – a move that almost triggered an “Arab Spring”protest in Somalia.
President Sharif is thinking of unthinkable. He is manoeuvring mightily to appoint 50% of MPs as he did in Djibouti charade. He will derail the process to create constitutional crisis. In this, he believes that he can extend his term in office until when he can manipulate the process.
But this is the truest act of a “political suicide”.He will present a golden opportunity to his political rival – the other Sharif– to rein the world. It is a black and white provision in the new constitution that when term of president expires, the speaker of the parliament will automatically take charge of the “chicken coop” in order to steer the transition.
We are keenly and closely watching your steps, Sir. So you better watch you back.
By Saed Faadi,
The author is topical commentator
Email: said.faadi@gmail.com
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Ganacsade caan ah ku diley Beledweyne, kaddib markii uu fahmi waayey luqadda Itoobiya oo ay ku amrayeen in uu istaago
“Luqadda Itoobiyaanka ayey kula hadleen oo ku dheheen istaag, markii uu fahmi waayey ee uu socodkiisii iska sii wateyna waa toogteen…”
Wararka ka imanaya magaalada Bedelweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maanta (Agoosto 6, 2012) ay halkaas ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku dileen ganacse caan ka ahaa magaaladaas.
Ganacsadaha oo magaciisu ahaa Maxamed Xiirey ayaa la sheegay in ay Ciidamada Gumeysigu toogteen kaddib markii afkooda ayagoo ku hadlaya ay ku amreen in uu ka istaago waddo ay ku sugnaayeen.
Laakiin bacdamaa marxuumku uusan fahmayn luqadda Itoobiyaanka iyo waxa ay ka hadlayaan ayuu iska sii watey socodkiisii, ayaguna markaas ayey rasaas huwiyeen, sidaasna uu marxuumkii ku geeriyoodey, sida laga xigtey dad ka ag dhawaa goobka dilku ka dhacay.
Medkii waxaa meeshii ka qaaday eheleda marxuumka.
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa xoog ku haysta qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan oo ay soo galeen December 31, 2011.
Ma aha markii ugu horeysey oo ay ciidanka gumaysiga Itoobiya ay dad Soomaaliyeed si bareer ah ugu toogtaan gudaha Soomaaliya, ama tacadiyo u geystaan ummadda Soomaaliyeed.
Webiga Dhexmara Magaaladda Beled weyne oo Marti u noqdey Meydadka dadkii ku Noolaa Magaaladaas
Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaaladda Beled weyne oo dad Rayid oo ay ku jiraan Ardey ku laayey Magaaladaas
Shariif Xasan: Madaxwaynaha Dan gaar ayuu ka lahaa Muqdisho
MUQDISHO(GMN)-Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka shariif Xasan sheikh Aadan iyo Xubno ka tirsan Saxiixiyaasha oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka hadlay shirkoodii Nairobi.
Shariif Xasan oo hadlay ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay kala hadleen qaabkii loo taageeri lahaa dowladda soo socota.
Su’aal laga waydiiyey Shariif Xasan sababihii ka danbeysay in Madaxwaynaha uu ka soo tago shirka waxa uu sheegay in dano gaar ah ka lahaa Muqdisho sidaana u soo tagay.
“Madaxwaynaha aniga ayaa ugu wakiil ahaa Shirka” ayuu u sheegay Saxaafada Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ra’isulwasaaraha oo isna hadlay waxa uu saxaafadda u sheegay shirar ay ku yeesheen Magaaladda Nairobi ay guullo ka soo gaareen.
Gedoonlinenews@gmail.com
Khaatumo: Heshiiska qeyb kama nihin
Maamulka Khaatumo ayaa sheegey in uusan qeyb ka ahayn heshiis lagu gaarey Nairobi oo dhigayo in mudanayaasha gobolkaasi ay soo kala xulaan odayaal dhaqameed ku kala sugan Muqdisho iyo Garowe.
Khaatumo: Heshiiska qeyb kama nihin
Maamulka Khaatumo ayaa sheegey in uusan qeyb ka ahayn heshiis lagu gaarey Nairobi oo dhigayo in mudanayaasha gobolkaasi ay soo kala xulaan odayaal dhaqameed ku kala sugan Muqdisho iyo Garowe.
Sidee loo la shaqaynkara Ururka la dagaalanka Mandooriyaha Qaadka ee Somaliland. By: Adan Jama Kahin
image:
Waan ku salamay walaal bal sawirkayg yar geli hadad gelin karto.
Asc, waxan akhristaw qaybtii hore idinku sheegay in urur la yidha la dagaalanka maandooriyaha iyo Qaadka ay ka sameyen dhalinyaro sanadkii hore Hargeisa kuwas ah arday Jamacada ka dhigata magaalada. Hadaba iyadoo ay haboontahay in ummad walba qofka u kaca ay taageerto dadaalkiisa, ayaan halkan intiina wanaga jecel ee ah dhalinyarada , culimada iyo aqoonyahaniinta ahba waxanu idinka codsanayna inaad dhalinyarada hawsha bilawday aad garab qabataan.
Hadaan in yar oo warbixin idinka siiyo ururka waxa ka madax ah inan la yidha Mohamed Saciid Mohamed (Burus) waxana ay wada shaqeyaan Mohamed Muhamad Yusuf (Sayidka) iyo gabadh dhalinyara ah oo aad ka daawan doontan halkan urukooda waxa la yidha marka lagu sheego afka qalaad Somaliland Against Drug Assocation (SADA). Awoodoodu inkastaba ha yeelatee waa meel wax laga bilaawi karo ummadana loogu faaiidaynayo. Waxan idin sheegaya in aynu hawshan oo kale halkan oo kaliya ka socon ee xita meelkale oo ka mid mandaqada ay ka bilaabatay sida Puntland oo kale oo dad nala soo xidhiidheen.
Waxan idinkula talinlaha in marka hore ardaydu iyo dhalinyarada isabaabulan dabadeedna hawsha bilaabaan. Waxanay haboon kolay bal marka hore laga bilaabo waciygalin dhinaca bulshada ah, tusaale ahaan caruurta dugiyada dhigata waxay u haystan inuu Qaadku dhaqan yahay oo dhibna uma arkaan, marka waxa haboon iyagana in la la xidhiidho wasaarada waxbarasha si ay dhex geliso xiisadaha dugsiyada wacigelin iyaga caruurta looga digaayo dhibaatooyinka qaadka oo ku hayo bulshada.
Waxan hadalkii ku soo gabagabaynaya haddaad reer somaliland tihin , ba daawada You tubkan , marka kadibna isku daya inaad garab qabtaan dhalinyaradan dadaashay, hadal waxba tari maaye hawsha qofwaliba dhiniciisa ha ka bilaabo.
Halkan guji oo daawo fadlan dhalinyaradan aan kor sheegay oo TV somali channel Studiyihiisa uu waraysanayo.
http://www.youtube.com/watch?v=HNxKpwCBwAU
Mahadsanidin
Adan Jama Kahin
Gudomiye ku xigeenka
la Dagaalanka Qaadka
ee UK iyo Geeska Afrika.
———————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
Saxiixayaasha Roadmapka iyo rabitaankooda sir gaxan “Warbixin”
“Shacab walba madax u qalanta ayuu helaa!” Winston Charchill ayaa yiri, noolaa (30 Novembre 1874 – 24 January 1965). Philosopher Jean-Jacques Rousseau oo noolaa (28 June 1712 – 2 July 1778) wuxuu yiri: “Waxaan ogaaday in wax walba ku xiran yahay asal ahaan Siyaasadda, dhan koostoon u jeesannana waxaan ogaanaynaa in shacab walba aysan matali karin xukuumad aysan samayn!” murti Soomaaliyeed baa dhahaysa: “AJO GUUDKA SARE IYO GUNTA HOOSE WAA ISAGA MID”
Kala guurka la marayo, ku meel gaarka lagu jiray, ee laga guurayo iyo dawlad daa’im ah oo loo guuri doono, waa erayada ugu badan ee maalmahan dhagtaada ku soo dhaca, haddaba, marka marxaladdan oo kale lagu jiro, waxaa bata miliqa iyo labka, micnaha waxaa la isku qaldaa waxyaabo badan, ujeedku waa in la meelmariyo arrimo gaar ah, oo ay wataan dad gaar ah, kana leh dano gaar ah, oo aan lala wadaagayn.
Sidaa awgeed, waxay adeegsadaan waddo walba oo gaarsiinaysa dantaa, aalaaba way qalloocan tahay hilinka ay maraan iyo danta ay gaarayaan labaduba, illeen isma keenayaan dan gaar ah iyo dan guude, gaar ahaan marka midda hore la hormariyo, ee ay noqoto yoolka la tiigsanayo.
Waxaa batay shirarka isdaba joogga ah oo ay leeyihiin kuwan loogu yeero saxiixayaasha Roadmapka, ugu yaraan bishii mar bay kulmaan, wali kaligood ma kulmin, oo ka dhigan sid aysan isu aamin sanayn ama ay isu dagayaan, haddaba, waa kuwama saxiixayshan?
Madaxweyne Shariif xilka waxaa loo soo doortay muddo go’an, markuu u dhammaaday inta Kampala tagay oo Madaxweyne Museveni hoosta ka galay ayuu sanad ku soo darsaday, ee walibana yiri cid ka hadli kartaa ma jirto, waa lama taabtaan qodobbadii aan ka keenay Kampala, kana sara mereenba Axdigii KMG ahaa.
Shariif Sakiin sidoo kale, waxaa xilka ka qaaday intii hore ugu dooratay xilkaa in ka badan, haddana laga fujin waayey, isagu garaadkiisa kuma tagin, garabna waa haystaa, waa “Gardarro garab og lagama guulaysto!” garabka wuxuu ka helayaa canaasir ka tirsan madaxda sare ee dawladda, oo iyagu raalli uga ah inuu sii hayo xilkaa iyo shisheeye uu waligiiba u ahaa kabaqaade, illeen hadduusan kalkaale u ahayn iyaba ma garab siiyeene.
Mudane Cabdiwali Gaas inuu xilka qabtay ka gadaal markii si qasab ah xilka looga qaaday mudane Formaajo ka sokow -igama ahan inaan taageero gaar ah u hayo Formaajo, oo waxaaba iiga filan beentuu dadka ku tiri: “DAN SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY!” ee haddana Kampala isa sii taagay, waa meeshii xilka looga tiriyey, bal adigu meel lagugu ciilay ma u Cillaan saar doonan lahayd?- Aanse u soo laabto Gaase, ee waliba intaa ku ekaysane noqday Profka qabyaaladda, kuma sii ekayasane, dadkii Dastuurka mucaaraday ku tilmaamay dad aan wax garanayn! Mid ayaase hubaal ah inuusan garanayn waxa uu ku hadlayo!
Mudane Faroole isna muddo go’an ayaa xil loo doortay, markii uu dhammaystay ayuu sanad jeebkiisa ah ku darsaday, isagoo waliba u cuskaday Dastuur uu ku ansixiyey qol mugdi ah, oo aan loogu codayn sida Dastuurkii Somaliland oo kale, oo maalin cad dadku u wada dareereen inay meelmeriyaan rabitaankooda.
Mudane Caalin waxaa xilka qaaday baarlamaanka maamulka Galmudug State, dabadeedna is xajiyey, ee Maxkamadda saree maamulka xukuntay in sharci loo raacay xil ka qaadistiisa, ee inta Odayo isu wacday Xamar iyo meelo kale ka kala tagay xaal mastuur lagu gaaray; inuu xilka sii hayo, waaba yaabe, markii hore maxaa xeer iyo xugun loo samaynayey? Haddiiba aan la dhaqangalinayn.
Wadaaddo Camaamadaysan oo Xabashi ku xiran, deegaanka kala daahay inay maamul u sameeyaan, maalin walba u taagan raacda reeb iyo ku dhufoo ka dhaqaaq, saw ma ahan Jinni ku xaqsay iyo tacab khasaaray?, haddana u jeestay inay dagaal la galaan isla ciidan ka tirsan maleeyshiyada DKMG ah ee goballada dhexe. Iyagana ma jiro, Hogaan Rasmiya oo lagu yaqaan, waxay leeyihiin ugu yaraan shan Guddoomiye, Soomoow, Cabduqaadir Macalin Nuur, Xeefoow, iyo Aw libaax oo Hadda dig soo yiri.
Haddaba, saxiixayaashu waa kuwaa aan soo xusnay, mid walbana sheegnay waxa uu yahay iyo sida uu yahay, haddana, marka laga soo tago inay xukunka xaaraan ku wada haystaan, marka laga soo tago inaysan cidna matalin, marka laga soo tago inaysan hoggaamin karin bulshadan, marka laga soo tago inaysan xilkasnimo lahayn, marka laga soo tago inaysan doorasho ku joogin, marka laga soo tago inaysan xukun goyn karin, marka laga soo tago inay adeegayaal yihiin, marka laga soo tago inay xaaraan ku naaxyo yihiin, marka laga soo tago…
Intaa iyo inta aanan xusin marka laga soo tago, waxay dadka ku madax xanuujiyeen khilaafkooda aan dhammaadka lahayn, ee aan lahayn hakad iyo joogsi maalin walbana taagan, sidii loo saxiixay qorshahan loogu yeero “Roadmap” waxaa dhawr kol la qabtay shirar ay isugu yimaadeen ka kala dhacay gudaha dalka iyo dibaddiisa, mid aan is marin waa iyo muran ka taagnayn ma jirin, hadba in koox shirka isaga baxdo yaa dhici jirtay, markay soo carara baaba’do ama laga caratiro ayeyna shirka dib ugu soo laaban jirtay.
Shirkan ugu dambeeyey ee ka dhacay Nairobi ee madaxweyne Shariif isaga baxayse wuxuu ahaa kii ugu liitay dhanka ajandaha ama aragti soo jeedinta marka la eego, munaafaqad ay soo maleegeen sadaxda mudane ee kala ah: C/raxmaan Faroole, Shariif Sakiin iyo Cabdiwali Gaas ayaa madasha la keenay, mid walba midda kale way ka xumeed, marka laga eego dhan walba.
Midda aan maanka gali karin, ee aan marna la qaadin karini waa sida ay uga soo maaxatay, hadday ka soo maaxatana uu la soo shirtagay in mudane Faroole uu isagu soo xulo xildhibaanno beel uusan u dhalan! Marka laga soo tago in beel ay leedahay Odayaal iyo siyaasiyiin matala, haddana, ma ahan markii u horraysay ee mudane Faroole qorshahan gurracan uu la soo galofariisto, waase haddii riyo walbaa hirgalayso!
Sida aan mudane Faroole loogu faragalin soo xulidda Odayada Bari ee ka qaybgala shirkan Muqdisho ka socda, miyuu garan waayey inuusan faraha la galin soo xulidda xunbo beel kale ku matali doona baarlamaanka, waxaa la yiri: “Nin waalan Tolkii baa u miyi rqabee!” qof ama cid mudane Faroole ceshata ma la waayey? Marka laga soo tago dhaleecaynta kaga iman karta odayaasha iyo siyaasiinta uu soo damcay inuu u qoondeeyo mudanayaasha ay baarlamaanka ka helayaan iyo inta maanka fayoobi hagayo! Saw ma ahan isku qaad boos aan u bannaanayn?!
Sida ku cad inta heshiis ee ay wada saxiixdeen kuwan lagu sheego Saxiixayaaha Roadmapka, dhammaan waxaa ku wada xusan in aysan shuqul ku lahayn soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka, oo si taa loo baajo waxaa loo igmaday Odayadan ku shirsan Xamar, ee la daba marshay Ansixinta Dastuurka, haddana looga fadhiyo inay dhawaan soo bandhigaan magacyada xubnaha baarlamaanka, haddana, iyadoo caddaymahaa iyo heshiisyadaasi jiraan, ayuu mudane Faroole doonayaa intuu soo dhaafay xulidda xildhibaannada beeshiisa oo uusan xaq u lahayn marka la eego heshiisyadaa hore, inuu soo xulo xildhibaanno beel kale, aqriste, ma ila amakaaktay?!
Maamulka uu mudane Faroole hoggaansho waxaa unkay Odayo dhaqameedyo, waxaana hoggaansho siyaasiyiin, sidaa si la mid ah, Maamulka Khaatumo State waxaa unkay Odayaasha deegaanka, waxaana hoggaansha siyaasiyiin, haddaba miyeysan habboonayn inaan la gacan dhaafin rabitaanka bulshada Khaatumo State, aanna lagu xadgudbin dareenka dadka deegaankaa deggan, ee marna aan raalli ka ahayn in mudane Faroole uu wax u qaybsho, oo waaba yaabe, miyeysan u qaybsan karin siday shalay maamulkaba u dhisteen?!
Haddii mudane Faroole xaq iyo xilba u leeyahay inuu soo xulo xubnaha xildhibaannada Maamulka Khaatumo State, Odaydan ku shirsan Muqdisho mudada labada bil ka badan, ee la daba marshay Ansixinta Dastuurkan lagu daba dhaggan yahay, ee walina u fadhiya inay soo xulaan xubnaha baarlamaanka beel walba u meteli doonta, haddii ayadoon intaa la eegayn mudane Faroole soo xuli karo maxaa Odayaasha waqtiga looga luminayaa, looguna suntayaa xil aysan hayn?.
Haddii intii heshiis hore loo wada galay ay caddaynayaan in Saxiixayaaha Roadmapka aysan ku lug yeelan karin soo xulidda baarlamaanka, haddii la yiri qofkii ka hor yimaada qorshaha Roadmapka waxaa loo aqoon sanayaa QASWADE, saw isla Saxiixayaashii si toos ah uma jabin qodobbo ka midka ah Roadmapka, dabadeedna noqon maayaan isla ayagu QASWADAYAAL?.
Lixda Saxiixayaal waxaa ka mid ah, culumada Tusbaxlayda AHLUSUNNA, shirarakii hore u dhacay waxaa u meteli jiray C/qaadir Macallin Nuur, shirkan waxaa joogay mudane magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf “Aw Libaax” waa markii ugu horraysay ee shirka Saxiixayaasha ka qaybgalo, haddaba, su’aasha yaa ah, xaggee ka soo galay shirka? Yuu ka sacday? Maya, aan saxee, yuu la socday, oo shirka keensaday? Mudanahan shirka lagu soo kordhiyey waxay muujinaysaa sida loo jabshay qorshaha Roadmapka, sida caadadu ahaydna wadaadada Camaamadaysan waxay ahaayeen goobjoog aan la garwaydiin!
Mudane Cabdiwali Gaas ilaa iminka wuxuu kala garan la’yahay danta beeli mudnaan siin karto iyo danta umadda Soomaaliyeed, waa maroo ma ahan markii ugu horraysay ee uu si dadban ama si toos ah u garabsiiyo mudane Faroole gaar ahaan mawqif la xiriira Maamulka Khaatumo State, waa marka labaade, wuxuu kala garan la’ yahay xilka inuusan u hayn Faroole, wakiil iyo ergana ka ahayn Maamulka Bari, ee uu xulka u hayo umadda Soomaaliyeed, bal sii goob qormadii ahayd: “Gardarrada Gaas oo laga wada gilgishay!”.
Midda kale ee maadda ah marna maaweelada ahi waa soo jeedinta Shariif Sakiin, marka laga soo tago aqoodarrada uu madaxweynenimo ku doonayo, waxaa muuqata inuu aqli iyo aragtina ka arradan yahay, marka ay ayaan noqoto waa gaarkeede, aqriste, bal adba eeg, oo maani aragtida hoos ku qoran sida ay ku suuragalayso ama qofi ku aqbali karo, oo bal ii sheeg sida ay aqli saliim ah uga soo fuli karto? Marka laga soo tago damaca xaddhaafka ah iyo danaystenimada.
Aragtidu waa sidan: “Marka hore madaxweyna ha la doorto!” musharraxna waan ahay- sii baadi goob qormadii ahayd: “Anna Musharrax baan ahay!”- waana tartamayaa, haddaan ku guulaysto waan saan rabay, haddaan guuldarraysto haddana waxaan u tartamayaa guddoonka baarlamaanka.
Waxa waaye labada yaanan mid weynin, oo ka dhigan dhan walba aan ka miisto, haddaan kan waayo aan kan kale helo, si kale, waa “HAL DHAGAX LABA SHIMBIR KU DIL!” sidoo kale waxay la mid tahay: “LUDDA JECLI LAFTA JECLI!” aragtidan Shariif Sakiin haddii gabar Foodleey ah wax ka dheh la dhihi lahaa, tolow maxay ku jawaabi lahayd?!
Waxaa la yiri: “CAQLIGAAGOO BATA MACRIFADAADUU YAREEYAA!” malaha meesha CAQLIGA laga yiri, waxay ku habboonayd in DAMAC laga yiraa, illeen qof caqli lehi, marna kama dhalanayso in caqligiisu macrifadiisa yareeyee, inuu sii badayo ma ahane, haddii caqliguusu batana kumaba sii jirto.
Mudane Caalin in xanuusan yahay marka laga soo tago, inuu bukaan socod yahay marka laga soo tago, inuu qalliin Beerka ah maalmo ka hor galay marka laga soo tago, inuu Istibaal hadda ka soo baxay marka laga soo tago, xaaladdiisa caafimaad, ee si cad looga dheehan karo sawir wadareedkii laga qaaday shirka marka laga soot ago, marka laga soo tagoo…
Mudane caalin waxaa u dhammaaday xilkii uu ka hayey maamulka Galmudug State, sidii horeba uu uga dhaga adaygay codayntii baarlamaanka iyo go’aankii Maxkamadda sare, ayuu haddana mar kale ku gacan sayray labadaba, oo dhawaan baarlamaanka doortay Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” Maxkamadda sarana ansixixay.
Ugu dambayn, damaca beelaysan iyo sadbursiga qabyaaladaysan, hanqaltaagga aflabadi ah iyo rabitaannada sirgaxan, waxay muujinayaan sida ay fog tahay dawlad Soomaali yeelato, mid xunba ha ahaatee, maadaama la yiri: “DAWLAD XUMI DAWLAD BAY DHAANTAA!” oo xitaa mid xun aan la helayn, inta sidan loo dhaqmayo.
Aqriste, bal adba suuree, qaabka ay noqon doonta Dawladda daa’imka ah ee loo gudbi doono ku meel gaarka ka dib? Inta wax walba laga hormarinayo damac beel iyo qorshe qabiil, han qof iyo dan shaqsi, ee danta guud aan dan laga ahayn, Wallee inaan dawlad iyo maamulba hirgalayn, ee maa labada mid la doortoo.
Faallada waxaan ku soo afmeerayaa, tix Abwaan C/aadir Xersi (Yamyam) (AUN) ka jeediyey shirkii Addis Ababa, hilaadintii 1993-dii, tixdaa ood is leedahay waxay ka hadlaysaa manta iyo shir walba oo Soomaali ku saabsan, ee bal ila dhuuxa murtidan qiimaha badan, Abwaanku wuxuu yiri:
Ma wax magac qabiil iyo
Matalaaya ururraa?!
…………………………………..
Mataanaynta Qarankiyo
Haddii magacii naga lumay
Maxay nolosho noo tahay
Kolley Mawdku waa gare
Nafta maysku aasnaa?!
Haddaan weynay maan iyo
Aqli noo maqoorada
Ma inaan gob nahaybaan
Martidiyo shisheeyaha
Masawira niraahnaa?!
Nin walibaa maraad lehe
Inaw Qoys maciin bido
Majarihii xorriyadduna
Ka habaabo marinkii
Maangaabnimaa lehe
Marna mays tiraahdeen
Hanta labada kii mudan?!
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com
Dowladda Maraykanka iyo doorashooyinka xilliga kala guurka Soomaaliya “Warbixin”
Mareykanka wuxuu il gooni ah ku hayaa la dagaalanka argagixisada, taasoo ugu muhiimsan danaha uu mandaqada ka leeyay.
Madaxda Gobolka ,sida Males Zenawi, Ismacil Cumar Geelle iyo Yuweri Musafeni ayaa waxay yihiin kuwo mid kasta xiriir gooni ah la leh Dowladda Mareykanka, dano la xariira la dagaalanka argagixisada oo Al-Shabaab ka mid tahay.
Mareykanka waa maalgeliyaha ugu weyn, Dowladdahaaasina ka kaalmeeya kobaca dhaqaalaha iyo awoodaha difaac, saanad iyo hub ayuu ku taakuleeyaa howlgalaada looga soo horjeedo la dagaalanka argagixisada oo qeyb ka noqotay iskaashiga xariirka caalamiga ah ee dowladdaha.
Mareykanka Madaxdaas kalsooni weyn ayuu ku qabaa, xariir fiicana waa la leeyahay, dhinaca Soomaaliyana waxaa jira Sheekh Shariif inuu xariir dahsoon la leeyahay oo aan weli shaaca laga qaadin, waxayna ku saabsan tahay iskaashi in laga yeesho in Soomaaliya aysan noqon hoy Al-Qaacido ka fal gasho.
Al-Shabaab in laga xoreeyo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan magaalo madaxda Muqdisho ayaa waxay sii xoojisay Saaxiibnimada shaqsiga ee Mareykanku la leeyahay Sh. Shariif Sh. Axmed taasoo la heer ah xiriirka Mareykanka kala dhaxeeyo Madaxda kale ee Gobolka.
Kulankii magaalada Nairobi todobaadkan ku dhex maray Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka iyo xubnaha saxiixayaasha ismagacaabay ayaa waxyaabihii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in eedo dhanka maasuq maasuqa ah qaban waayay madaxda Soomaaliyeed ee lagu soo bandhigay guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay iyo in Dowladda Mareykanka mar kale ku booriso Hoggaamiyeyaasha Soomaalida inaan la masuq maasuqin kaalmooyinka caalamiga ah iyo habka doorashada.
Waaxaas oo dhan marka loo kuurgalo waxay muujinayaan astaamo ah in Mareykanku la dhacsan yahay hoggaaminta Sheekh Shariif, sida Axmed Karazayga Afghanistan oo asna eedo masuq maasuq qaban waayeen xiligii doorashooyinka wadankiisa ka socdeen iyo Nuuri Al-maalikaga Ciraaq oo isna lagu soo saaray doorasho looga tanaasulay kadib markii ay soo baxday inuusan ku guuleysan doonin.
Musharaxiin uu ka mid yahay Cabdiweli Gaas oo afkiisa laga maqal inuu musharax yahay ayaan loo heyn wax daliil ah inuu xariir dhow la leeyahay wadanka uu jansiyadiisa heysto ee Mareykanka. wuxuu Ra’iisul Wasaarenimada ku yimid awood qeybsiga 4.5 iyo isagoo markii hore ka mid noqday golihii wasiirada Farmaajo.
Cabdiweli ayaa xilkiisa Ra; iisul Wasaarenimada weyn doona is sharaxaadiisa kadib hadii uu guuleysan waayo, waxaana loo maleynayaa inuu dib ugu noqon doono Puffalo isaga iyo marwadiisa oo ololaha u heyso.
Marka la tixgeliyo doorashadii hore ee Sheekh Shariif ku yimid xukunka ayaa waxaa la aaminsan yahay iney ku timid taageerada Mareykanka, si loo kala saaro Wadaadada Minditiinta xagjirka ah iyo kuwa Moderati-ka.
Waxaa hada socda doorashadii looga gudbiyay xiliga kala guurka si loo helo dowlad dastuuri ah mudada afarta sano ee soo socoto.
Yaa hoggaamin doona? dadka arrimaha siyaasadda iyo xaalada Soomaaliya u kuurgala waxay adaroosayaan rajooyinka ay qabi karaan dadka u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Sheekh Shariif wuxuu safka hore kaga jiraa suuragalnimada dadka guuleysan kara. Hadii shaaca laga qaado xiriir kalsooni ku dhisan inuu la leeyahay Mareykanka weyba iska cadahay inuu mar labaad kusoo noqonaya awoodii dalka Sh. Shariif Sh.Axmed.
Ali Muhiaddin Ali
muxiyaddiin@hotmail.com
Goobaha caafimaadka iyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed
Walaalayaal waxay warbixintaan kusaabsantahay arin aniga itaabatay oo murugo ay igalisa markasta.
Inkasta oo aan hada Dibada kaganoolahay Waxaan kudhashay, oo kusoo koray gobolada Puntland, waxaan ogahay, oo sitoos ah ula socdaa xaaladaha dalkeena kajira, iyo marxaladaha bur-bur ee dalku soo maray, iyo xaaladaha caafimaad daro ee dalka kajira. Laakiin waxaa jira dhibaatoonyin ay gaystaan dad sheegtay inay caafimaad barteen iyo kuwa kaganacsada dawooyinka. (pharmacist).
Abdi Qani Axmed barre (dhabar Dhacay) waxuu ahaa walaalkey iga yar waxuuna dhawaan kudhintay magaalada gaalkacyo. Xaalada dhimashadiisu waxay ayhayd mid naxdin iyo murugu leh, kasokow qadarta eebe, waxuu udhintay dayacaad iyo khalad aan caadi ahayn oo uu galay nin pharmacist ah, Arintaas waxay kudhici kartaa qofkasta oo bulshada somaliyeed ka mid ah, iyo khaasatan kuwa reer puntland. Waana tan keentay inaan dhacdadaan naxdinta leh idinla qaybsado.
Walaalkey waxaa kudhacay xanuun sanadkaan gudihiisa kujiray magaalada Gaalkacyo dad badana kudhacay. Abdiqani ma aanu aqoon xanuunka yahay waxa uu yahay, halkii uu ka aadi lahaa Hospital ama uga tagi lahaa Doctor si uu uhelo daawo xanuunka kajabisa waxuu aaday pharmacist kuyaala Gaalkacyo. Pharmacist waxuu siiyay walaalkey daawooyin-kaan isaga oo aan baarin (intravenous (IV) insulin infusion, and two injections of some sedatives) waa daawada lasiiyo dadka sonkarta qaba iyo cirbadu ah dajin ama hurdo. Hadaba Insulin-ta kaliya oo loo isticmaalo siqaldan ayaa waxay kentaa dhibaatooyin badan, sida gariir, wal-wal, Hurdo, wareer, iyo tamar daro. Hadaba markii insulin iyo Sedative ama cirbado hurdo lawada qaato waxay keentaa in shaqada maskaxdu yaraato, markaasna ay dhacdo in qofka naqasku kuxirmo ama neefsigu ku adkaado, hadii ay siqaldan ama qof aan xanuunka qabin lasiiyana dhimasho ayay keentaa, halkaasna qofkastaa waxuu ka arki karaa dayacaada iyo dhibaatada uu gaystay ninka pharmacist ahaa. Walalkay waxuu pharmacy-ga u yimid inuu caawimaad kahelo, ma uu qabin sonkor ( diabetic) umana baahnayn insulin, iyo Sedative midna, ma uu helin caawimaadii uu doonayay laakiin badalkeedii waxaa lasiiyay daawo qaldan, lagana yaabo inay dhacday. Taasna waxay keentay dhimashadiisa oo uu kutimid dayacaada ( negligent) ninka pharmacist ah.
Markii aan ogaaday xaalada aan caadiga ahayn ee walaalkey kudhintay waxaan iswaydiiyay su aalo badan, waxaan oghahay in Dawlada puntland ayqabatay wax yaabo badan oo wanaagsan , waxaan ogahay in dadbadan oo reer puntland ah ay maalinkasta udhintaa xabado, shilal gaari iyo dhibaatooyin kale oo badan, laakiin in dad udhintaa dayacaad iyo xadgubyo ay gaystaan dadka caafimaadka kashaqeeyaa waa dhibaato wayn oo loobaahanyahay inaan kawada fakarno hadaan nahay reer Puntland. In pharmacist sharci daro ah Adiga ama qoys-kaaga ka iibsho Daawo dhacday, ama aan sax ahayn iyada oon Doctor soo qorin, isaga oo aan aqoon dhibaatada ay dadka ukeenayso waa arin foolxun oo loobaahanyahay in dadka reer puntland iyo kuwa kale ee somaliyeedba is waydiiyaan. Iyada oo aan ognahay dhibaatooyinka dalka kajira hadana dhacdooyinkaas oo kale waa wax aan loobaahnayn inay dhacaan, waxna ay kaqabtaan dadka ay qusaysaa, sida wasaarada caafimaadka ee puntland.
Baritaan yar oo aan sameeyay waxaan ogaaday in kadib markii wasaarada caafimaadka Puntland latashiyo kaheshay Dhakhaatiir ay baarlamanaka hor dhigtay mooshin looga hortagayo xadgubka iyo sida khaldan ee pharmacist-yaashu daawada uga ganacsadaan iyo sidii loo joojin lahaa khatar ay keeni karaan, nasiib daro mooshinkii isaga oo aan xitaa loo codayn baa latuuray, saas daraadeed dawladu waxay gabtay masuuliyadii ay dadka hu haysay, shacabka ayayna markaan masuuliyad kasaarantahay sadii ay arintaan tilaabo uga qaadan lahaayeen. Mar hadii aanay jirin dawlad xuquuqdooda difaacaysaa inay dacadiyadaas oo kale kadhiidhiyaan waa waajib shacabka saaran
waxaan ahay Doctor caafimaad waxaana ii qorshaysan inaan dhawaan puntland imaado si aan tacadiyadaas pharmacist-yaashu gaystaan wax badan uga ogaado, waxaa arintaas igala qayb gali doona Dhakhaatiir kale si aanu isaga kaasho inaan baaris dheeraad ah kusamayno kaganacsiga sharci darda ah ee ay gaystaan dadka pharmacist-yaasha ah. Damiirku ima siinayo inaan iska daawado iyada oo shacabkii dhibaatadaas lagu hayo, dawladiina ay gabtay masuuliyadeedii.
Hadii aad tahay qof ay damqaso arintaan, iyo dhibaatooyinka iyo khatarta ay pharmacist-yaashu gaystaan, sida inay caruurta ka iibshaaan daawo, ama aqoonta aysan ulahayn daawada ay ibinayaan ,iyo xitaa inay iibshaan daawooyin aan sax ahayn ( counterfeit) ama dhacay(expired) Aan u istaagno sidii aan arintaas ujoojin lahayn. Aynu samayno olole looga soo horjeedo pharmacist-yaasha sida qaldan daawada uga ganacsanaya, aan kasoo horjeesano daawooyinka dhacay iyo kuwa qaldan oo dadkeena laga iibinayo, Aan diidno in qof aan daawada aqoon ulahayn aan daawo kagadano. Saas hadaan yeelno dad badan ayaan nafdooda kabad baadin karnaa khatarta dadkaasu nagu hayaan,
maanta walaalkey ay arintaasi ku dhacday bari waxay kudhci kartaa qofkasta oo qosy-kaaga ma mid ah ama adiga laftaada. Walaal codkaaga hala maqlo, dawladeenana aan ka dhigno mid masuul ka noqota dacadiyada noocaas oo kale ah.
Waxaa lajoogaa waqtigii aan dhibaatooyinkaas ka hortagi lahayn.
Dr. Abdi-Aziz Ahmed Barre (USA)
Somalia: For the Killing of Journalists, the International Court of Justice, the Hague, Should Intervene
image:
For the Killing of Journalists, the International Court of Justice, the Hague, Should Intervene
by Ahmed said (Abwaankuluc)
xaawaleey1@hotmail.com
August 08 2012
OPINION
Killing of journalists and other important and well-known figures in Somalia has reached an all-time high and it is time for the Somali government to take an action to guarantee the safety of those in target by these blood-thirsty assailants.
It is also the responsibility of the international community to do something about these mysterious assassinations by providing logistics and also the financial means to Somali authorities to achieve results whereby such ugly murders don’t happen again.
About six journalists killed in Somalia this year 2012 and about forty two journalists killed in Somalia since 1992.
According to the alarming rate of the ruthless killings of journalists in Somalia, it is already the time for the International Court of Justice, the Hague, to intervene to bring to justice those blood-thirsty assailants who are behind these constant killings of the Somali journalists and other important figures in the society.
A Somali comedian, Abdi Jeylani Malaq, also known as Marshaale, was recently shot dead in Mogadishu, Somalia.
Ahmed Said (Abwaankuluc)
Somali American writer and blogger
E-malia: xaawaleey1@hotmail.com
=====================================================
The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Raxanreeb’s editorial policy.
Magaalada Bristol oo Munaasabad ballaaran loogu qabtay Maxamed Xasan iyo Zamzam Faarax “Daawo Sawirada”
Xafladan Afur iyo Casha Sharafeedkan lagu maamuusayey Oradyahanada Dalkeena matalayey ee kala aha Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa xalat si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska.
Munaasabad oo aheyd mid looga mahad celinayey Oradyahanada iyo GudigII Olombikada ee uu horkacayey Cumar Cabdiqadir Baarajab oo kamida Laacibiinta Dalkeena soo maray ayaa ku bilaabatay jawi farxad leh iyadoo furitaankii uu kusoo dhaweeyey Prof Cumar Sabriye oo kamida Odayaasha Magaalada iyadoo uu usheegay in Bristol tahay magaalo Soomaalida ku nool ay ku caan baxeen Soomaalinimo iyadoo sidoo kale uu ka hadlay Agaasimaha hey`ada Actoforsomalia oo ah hey`ada soo Casuuntay Wafdiga Olombikada Mudane Maxamed Cantoobo, isagoo sheegay in ay farxad u tahay in Hey`ada Actoforsomalia in ay isku howsho markasta arimaha quseeya isku dumida shacabkeena Soomaaliyeed.
Madasha sidoo kale waxaa ku hadlay Magaca Haweenka Maama Xaliimo oo sheegtay in Qiirada heysa Caawa ee ay u qabto Orodyahanadan Magaceena matalay ay ka balaaran tahay Bada iyadoo markii danbe Buraanbur u tirisay Zamzam iyo Maxamed oo ay kaga hadleysa halgankey u galeen kor u qaadida Calankeena, sidoo kale waxaa ka hadlay wax garad fara badan oo iyagu aad ugu faraxsanaa in Caawa Bristol ay kusoo booqdaan dhamaan wafdiga Olombikada gaar ahaan Labadan Ciyaar yahan iyo Macalinkooda Axmed Abiikar oo isagu horey ciyaar yahan ciyaraha fudu usoo ahaa.
Sidoo kale Xaflada gabay si cajiiba loo laxameeyey ka qaadya Fanaanka da`ada yar ee Ceydaruus mali boy kaasoo uu ugu talagalay Labadan orodyahan kana hadleysay in ay yihiin ubadkii colaadaha oo aanan helin waxkastooy ku hormarin kareen awoodooda oradeed si lamida kuwa wadamada Caalamka, sidoo kale Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Mudane Siciid Faarax Ducaale ayaa isna madasha ka hadlay isagoo aad ugu mahad celiyey sida sharafta leh ay reer Bristol ugu sameeyeen Maamuuskan iyadoo Mudane Siciid lagu xusuusto Gabdhihii Kubada Koleyga ee Dalal Badan o Carbeed dhabanka dhulka u dhigay in uu horkacayey.
Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Laliska Prof Maxamed Cali Cadow ayaa isna ka hadlay Madasha aadna ugu mahad celiyey Xafladan, isagoo sidoo kale ka sheegeeyey sida ay ku wadaan howlaha hormarinta Isboortiga Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Gudiyada Olombikada ay yihiin kuwa ay hogaamiyaan Soomaali isku dhaf ah oo aan Jufa kaliya aheyn, Doorashada soo socota ee Olombikadana ay u furan tahay bahda Isboortiga in ay isku soo taagaan, Rugcadaagan shaqada Isboortiga kaga soo biiray Wasaarada Isboortiga sanadkii 1974 ayaa sheegay in Oradyahan Maxamed Xasan uu sameeyey record cusub muda 35 sano aysan soomaaliya sameyn, isagoo sheegay xitaa sanadkii ugu horeyey ee tartan Caalami uu ka qeybgalo Cabdi Bille uusan sameyn sidaa darteed Maxamed Xasan la isku raacay in uu leeyahay mustaqbal weyn.
Sidoo kale Gudoomiyihii Wafdigii Olombikada ee ka qeybgalaaya Ciyaaraha ka socda dalkan Ingiriis Mudane Cumar Cabdiqadir Baarajab ayaa sheegay in Magaalooyinkii ay soo mareen Dalkan Ingiriiska ay tahay Magaalad Bristol magaalada ugu wanaagsan ee ay booqdaan isagoo uga mahad celiyey isku duubnidooda,isagoo sidoo kale sheegay in Arintii Calan qaadka Cabdi Bille ee suuragalin weysay aysan aheyn mid iyaga katimid balse xaga Olombikada aduunka sharci ay soo rogeen ay tahay wuxuuna sheegay in Maxamed Xasan liistiga Olombikada Aduunka ay soo saartay uu ka galay kaalinta 24 ayna ka hooseeyaan ilaa 6 wadan taasna ay u tahay sharaf.
Xafladan oo aheyd mid aad looga soo shaqeeyey ayaa gunaanadkii waxaa ka hadlay Cabdi Rubac oo ku hadlayey Hey`ada Actforsomalia isagoo uga mahadceliyey Gudiga Olombigada sida sharafta leh ay u aqbaleen imaan shiyahooda Magaalada Bristol,sidoo kale wuxuu u mahad celiyey Kasoo qeybgalayaasha, iyadoo Xafladan uu Xiriirinayey Wariye Maxamed Barre Xaaji (Fiyoore) iyadoo Zamzam laga codsaday in ay qaado Heestii wadaniyada ee lagu bartay taasoo Zamzam aqbashay, iyadoo markaa Xaflada kusoo gaba gabowday farxad iyo Hambalyo loo tabinaayey Oradyahanadeena Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan.
Yuusuf Garaad oo si cad u sheegay in ku biiray dhinaca Siyaasadda Soomaaliya “DAAWO”
Yuusuf Garaad Cumar ayaa wuxuu sheegay in uu u socdo dalka Soomaaliya, isagoona halkaasi sheegay in uu dadka Soomaaliyeed uu kala yeelan doono wada-tashi ku aadan, in uu isku soo sharaxo xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya iyo in kale.
Yuusuf Garaad oo la-hadlay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal, ayaa wuxuu ka sheekeeyay in uu xilligaan uu u wareegtay dhinaca Siyaasadda Soomaaliya, oo uu sheegay in uu doonaayo in uu ka qeyb qaato.
Madaxa Laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da Yuusuf Cumar Garaad ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu ka ruqeystay Shaqada Idaacada BBC-da, isagoona sheegay in uu ka qeyb qaadan doono dib u dhiska dalka.
Maal-mihii ugu dambeysay ayaa waxaa si weyn loo-hadal haayay in Yuusuf Garaad uu ka tegaayo shaqada Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, isagoona lagu xamanaayay in uu daneynaayo dhinaca Siyaadda.
Labadii bilood ee la-soo dhaafay ayaa waxaa si xoog leh isu soo taraaya ragga isu soo sharaxaaya xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo xubin walbana uu ku hadaaqaayo in uu wax ka qaban doono arrimaha murugsan ee dalka ka jira.
Daawo Video
Halkan Ka Dhageyso Laba Maanso oo uu Sameeyey Abwaan Maxamud Bare Salaax (Codwayne)
Kusoo dhawaada laba maanso oo uu inoo marinayo abwaan maxamud bare salaax (codwayne)
waxaa inoo soo diyariyey wariyaha shabakada Oodweynenews.com ee magalada Oslo
M Jamaac Nuur (qabaase)
dhagaysi haboon .
AMA KA DHAGEYSO MOBILEKAAGA
Oodweynenews.com / Oslo / Norwey
Magaalada Bristol oo Afur iyo Casha Sharfeed loogu Sameeyey Orodyahanada Zam iyo Maxamed “DAAWO SAWIRRADA”
Xafladan Afur iyo Casha Sharafeedkan lagu maamuusayey Oradyahanada Dalkeena matalayey ee kala aha Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa xalat si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska.
Munaasabad oo aheyd mid looga mahad celinayey Oradyahanada iyo GudigII Olombikada ee uu horkacayey Cumar Cabdiqadir Baarajab oo kamida Laacibiinta Dalkeena soo maray ayaa ku bilaabatay jawi farxad leh iyadoo furitaankii uu kusoo dhaweeyey Prof Cumar Sabriye oo kamida Odayaasha Magaalada iyadoo uu usheegay in Bristol tahay magaalo Soomaalida ku nool ay ku caan baxeen Soomaalinimo iyadoo sidoo kale uu ka hadlay Agaasimaha hey`ada Actoforsomalia oo ah hey`ada soo Casuuntay Wafdiga Olombikada Mudane Maxamed Cantoobo, isagoo sheegay in ay farxad u tahay in Hey`ada Actoforsomalia in ay isku howsho markasta arimaha quseeya isku dumida shacabkeena Soomaaliyeed.
Madasha sidoo kale waxaa ku hadlay Magaca Haweenka Maama Xaliimo oo sheegtay in Qiirada heysa Caawa ee ay u qabto Orodyahanadan Magaceena matalay ay ka balaaran tahay Bada iyadoo markii danbe Buraanbur u tirisay Zamzam iyo Maxamed oo ay kaga hadleysa halgankey u galeen kor u qaadida Calankeena, sidoo kale waxaa ka hadlay wax garad fara badan oo iyagu aad ugu faraxsanaa in Caawa Bristol ay kusoo booqdaan dhamaan wafdiga Olombikada gaar ahaan Labadan Ciyaar yahan iyo Macalinkooda Axmed Abiikar oo isagu horey ciyaar yahan ciyaraha fudu usoo ahaa.
Sidoo kale Xaflada gabay si cajiiba loo laxameeyey ka qaadya Fanaanka da`ada yar ee Ceydaruus mali boy kaasoo uu ugu talagalay Labadan orodyahan kana hadleysay in ay yihiin ubadkii colaadaha oo aanan helin waxkastooy ku hormarin kareen awoodooda oradeed si lamida kuwa wadamada Caalamka, sidoo kale Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Mudane Siciid Faarax Ducaale ayaa isna madasha ka hadlay isagoo aad ugu mahad celiyey sida sharafta leh ay reer Bristol ugu sameeyeen Maamuuskan iyadoo Mudane Siciid lagu xusuusto Gabdhihii Kubada Koleyga ee Dalal Badan o Carbeed dhabanka dhulka u dhigay in uu horkacayey.
Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Laliska Prof Maxamed Cali Cadow ayaa isna ka hadlay Madasha aadna ugu mahad celiyey Xafladan, isagoo sidoo kale ka sheegeeyey sida ay ku wadaan howlaha hormarinta Isboortiga Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Gudiyada Olombikada ay yihiin kuwa ay hogaamiyaan Soomaali isku dhaf ah oo aan Jufa kaliya aheyn, Doorashada soo socota ee Olombikadana ay u furan tahay bahda Isboortiga in ay isku soo taagaan, Rugcadaagan shaqada Isboortiga kaga soo biiray Wasaarada Isboortiga sanadkii 1974 ayaa sheegay in Oradyahan Maxamed Xasan uu sameeyey record cusub muda 35 sano aysan soomaaliya sameyn, isagoo sheegay xitaa sanadkii ugu horeyey ee tartan Caalami uu ka qeybgalo Cabdi Bille uusan sameyn sidaa darteed Maxamed Xasan la isku raacay in uu leeyahay mustaqbal weyn.
Sidoo kale Gudoomiyihii Wafdigii Olombikada ee ka qeybgalaaya Ciyaaraha ka socda dalkan Ingiriis Mudane Cumar Cabdiqadir Baarajab ayaa sheegay in Magaalooyinkii ay soo mareen Dalkan Ingiriiska ay tahay Magaalad Bristol magaalada ugu wanaagsan ee ay booqdaan isagoo uga mahad celiyey isku duubnidooda,isagoo sidoo kale sheegay in Arintii Calan qaadka Cabdi Bille ee suuragalin weysay aysan aheyn mid iyaga katimid balse xaga Olombikada aduunka sharci ay soo rogeen ay tahay wuxuuna sheegay in Maxamed Xasan liistiga Olombikada Aduunka ay soo saartay uu ka galay kaalinta 24 ayna ka hooseeyaan ilaa 6 wadan taasna ay u tahay sharaf.
Xafladan oo aheyd mid aad looga soo shaqeeyey ayaa gunaanadkii waxaa ka hadlay Cabdi Rubac oo ku hadlayey Hey`ada Actforsomalia isagoo uga mahadceliyey Gudiga Olombigada sida sharafta leh ay u aqbaleen imaan shiyahooda Magaalada Bristol,sidoo kale wuxuu u mahad celiyey Kasoo qeybgalayaasha, iyadoo Xafladan uu Xiriirinayey Wariye Maxamed Barre Xaaji (Fiyoore) iyadoo Zamzam laga codsaday in ay qaado Heestii wadaniyada ee lagu bartay taasoo Zamzam aqbashay, iyadoo markaa Xaflada kusoo gaba gabowday farxad iyo Hambalyo loo tabinaayey Oradyahanadeena Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan.
Waxaa Soo Diyaariyey:-Maxamed Deeq Fiyoore
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Tartan Adag Oo Xalay Dhexmaray Tartameyaasha Degmooyinka Wadajir VS Howlwadaag “Dhageyso”
Tartan aad u adag oo qeyb ka ah tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan ay warbaahinta Qaranka u qabaneyso degmooyinka Dalkeenna ayaa xalay dhexmaray tartameyaasha degmooyinka Wadajir VS Howladaag oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.
Tartanka oo sanadkan ay taabagelineyso shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa tartamayaasha Labada degmo ee Wadajir VS Howlwadaag waxey muujiyeen tartan xiiso leh oo aqoon iyo akhlaaq ku dhisan waxaana sidoo kale barnaamijka qeyb ka ahaa xubnihii dhextaalka ee isbarashada degmooyinka iyo su’aasha ay Shirkadda Hormuud Telecom abaalmarinnada kusiiso dhageystayaasha Radio Muqdisho
Hadaba natiijada Tartankii xiisaha lahaa ee xalay dhexmaray tartameyaasha degmooyinka Wadajir Vs Howlwadaag ayaa noqotay sidan:-
Howladaag
Tartameyaasha degmada Howlwadaag su’aalihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah u ga jawaaben Afar ka mid ah,Seddex su;aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,mana jirin wax ka faa;ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Howlwadaag ay noqdeen caawa Sideed Dhibcood.
Wadajir
Iyana dhankooda tartameyaasha degmada Wadajir su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Shan ka mid ah,Laba su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,mana jirin sidoo kale wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee dhibcaha Tartamayaasha degmada Wadajir ay noqdeen caawa Toban dhincood oo ay guusha ku raacday.
Tartamayaasha degmada Wadajir ayaa ka mid noqonaya tartamayaasha ay degmooyinkooda usoo gudbeen Wareegga Seddexaad ee tartanka waxaana barnaamijka haduu Alle idmo ku tartami doona caawa Tartameyaasha degmooyinka Dayniile VS Gaalkacyo oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Mudug.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartanka Ramadaanka 07-August-2012 Wadajir VS Howlwadaag
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Ramadaanka 07-August-2012 Wadajir VS Howlwadaag
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Tartanka Ramadaanka 07-August-2012 Wadajir VS Howlwadaag
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Xukuumada Sucuudiga oo Ku Amartay Iimaamada Masaajiddadu In Aanay Habaarin Huyuuda & Nasaarada Marka Ay Duceynayaan & Inay Xidhaan Codka Sameecadaha ee Dibada Laga Maqlayo Marka Ay Quraanka Akhriyayaan
RIYAAD(OWN)- Xukuumada Sucuudiga ayaa uga digtay iimaamada masaajidada tujiya in aanay ducadooda kusoo darin habaar ay habaarayaan Yuhuuda & Nasaarada marka ay khudbada jimcaha akhriyayaan & wakhtiyada salaadaha ee ay duceynayaan, Wasaarada arimaha diinta ayaa soo saartay bayaan ay sheegeen inuu hirgalayo maalinta Talaadada kaasoo ah in aanay Iimaamadu habaari karin Yuhuuda & Nasaarada oo aanay odhan karin illaahayow Rog ama hallaag Yuhuuda & Nasaarada,
Wasaarada ayaa sheegtay in aan loo baahneyn in la isticmaallo ducooyin aan Nabigeena Muxamed CSW laga soo warin iyadoo Wasaaradu sheegtay in Nabigeenu CSW aanuu si toosa carabka ugu dhufan jirin Yuhuuda & Nasaarada ee uu odhan jiray illaahayow Hallaag kuwa daalimiinta ah, Iyagoo intaa ku daray in illaahay ugu tallo gallay Yuhuuda & Nasaaradu inay aduunka ku noollaadaan taasina ay tahay xigmad uu illaahay uun og yahay sida uu ugu tallo gallay,
Wasaarada ayaa sidoo kalle ku amartay Masaajidadu in aanay sare u qaadin akhrinta quraanka oo ay xidhaan sameecadaha dibada laga maqlayo oo kuwa gudaha uun la furro si ay u maqlaan dadka masaajidka gudihiisa ku jira oo qudha, Wasaarada ayaa sabab uga dhigtay iyagoo illaalinaya inaan codka dheer ee sameecadahaa kasoo baxayaa aanuu dhibin dadka & in aanuu isku dhex khaldamin codka quraanka ee masaajidada isku dhow dhow,
HALKAN KA AKHRISO WARKAA OO DHAN
http://www.saidaonline.com/news.php?go=fullnews&newsid=48289
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com/ Sweden
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews