Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxweyne Shariif Oo gaaray dalka K/Africa

$
0
0

Johannesburg (RBC) Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Madaxweynaha iyo wafdigiii uu la socday ayaa markii ay ka dageyn garoonka diyaaradhaa Johannesburg waxa halkaas ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Wafdiga madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ka qeyb gali doonaan shir ku saabsan maalinta Afrika, oo maanta ka furmayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa.
Waxa la sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay casuumaad ka heleyn madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo, waxana la filayaa in ay wadahadalo ay yeeshaan oo ku aadan arrimaha labada dal.
Madaxweynaha DKMG ah iyo wafdigiisa ayaa xalay waxaa casho sharaf u sameeyey dowladda madaxweyne Jacob Zuma, taas oo ay ka dhacday magaalada Johannesburg sida ay sheegayaan saraakiisha safaaradda Soomaalida ee dalkaas.
Sidoo kale waxa casho sharaftaas ee u sameeyay madaxweynaha Jacob Zuma ka qeybgaley Jaaliyadda Soomaaliyeed , kuwaas oo halkaas ku soo bandhigay warbixino ay kaga hadlayaan dhibaatada loogeesto Soomaalida ku dhaqan dalka K/Africa.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka qeybgalaan shirka Maalinta Africa waxa kulamo la qaadan doonaan jaaliyada Soomaalida ee dalkaas, kuwaas oo warbin ka siin doona xaaladda dalka iyo isbeddellada hadda ka jira guud ahaan Soomaaliya.
Dalka K/Africa waxa uu ka mid yahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxana inta badan Soomaalida ku nool dalkaas ay yihiin ganacsato kuwaas oo waxyeelo kala kulma madowga Koonfur Africanka kuwaas oo boob iyo dil ama dhaawac u geesta Soomaalida.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>