Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

General C/Qaadir Diini oo sheegtay in ciidankiisu jabiyey Xarakada Al Shabaab

$
0
0

General C/Qaadir Sheekh Cali Diini ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in si wanaagsan dagaalada looga itaal roonaaday Xarakada Al Shabaab, wuxuuna xusay in Al Shabaab ay ka saari doonaan dalka Soomaaliya oo dhan.
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Qaadir Sheekh Cali Diini oo maanta Saxaafadda kula hadlay Deegaanka Ceelasha Biyaha, ayaa wuxuu sheegay inay dagaalada cashar wanaagsan ugu dhiggeen Al Shabaab.
Taliyaha ayaa wuxuu tilmaamay in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ay dagaalo xoogan oo qorsheysan ay ku qaadeen Ciidamadda Xarakadda Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wuxuu sheegay in Al Shabaab ay isaga carartay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii uu sheegay inay baqdin ka muujiyeen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Sidoo kale General Diini ayaa wuxuu sheegay in Ururka Al Shabaab ay ka saari doonaan dalka Somaliya oo dhan, marka ay Al Shabaab dalka ka saaraan ayaa wuxuu sheegay inay dagaalada joogsan doonaan, isagoo kahor sheegay inaysan joogsan doonin.
General C/Qaadir Sheekh Cali Diini ayaa wuxuu qeexay in goob walba oo ay Al Shabaab ka saaraan inay ka hirgelin doonaan nabad iyo kala dambeyn wanaagsan sida uu sheegay, ayna taasi iminka diyaar u yihiin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>