Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Deg-Deg Alshabaab Oo Kabaxday Degmada Walanweyn.

$
0
0

News(GMN) Wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee g/Sh/Hoose ayaa sheegaya in saaka ay halkaa faarujiyeen Ciidamadii alshabaab ee halkaa kusugnaa.
Sida ayna ka soo xiganay Idaacada Afka Dowlada ku hadasha waxaa laga baahiyay in degmadaa ay kabaxeen Alshabaab hadana ay ku sii jeedaan Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo is kaashanaaya.
Saraakiisha Ciidamad Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka warheleen in Degmada Wanlaweyn ay baneeyeen alshabaab, ayagana ay ku sii fooleeyihiin si ay ula wareegaan degmadaa iyo deegaanada hoos yimaada.
Maalmihii danbe ayaa waxaa G/sh/hoose kasocda howl galo ay iska kaashanayaan Ciidamada DKMG Iyo kuwa Nabad ilaalinta Ee Midowga africa, waxayna horey ula wareegeen, Ceelasha Biyaha,Calamada iyo Afgooye oo ay ka arimin jireen Ururka alshabaab.
Alshabaab ayaa hada ka sii raja dhigaya in ay sii heystaan goobaha ay gacanta ku hayeen madaama ay DKMG iyo Kuwa Amisom ay Wacad ku mareen in ay la wareegayaan deeganada ay ka arimiyaan Alshabaab oo hada meelo kamidah ay gacan ku heynteeda ay la wareegeen.
Gedoonlinenews@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>