Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wasiirka Gaanshaandhiga Somaliya oo sheegay in Al Shabaab laga baacsanaayo Gobolada Banaadir, Shabeellooyinka, Jubbooyinka, Baay iyo Bakool

$
0
0

image: 

Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab laga baacsanaayo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha, oo uu sheegay inay ka soconayaan qorshayaal ka dhan ah Al Shabaab.
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab laga saaraayo Gobolada Banaadir, Shabeellooyinka, Jubbooyinka, Baay iyo Bakool.
Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ay u istaageen sida uu sheegay sidii Xoogaga Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.
Sababaha looga sifeynaayo ayaa wuxuu ku sheegay in Xarakada Al Shabaab marar badan loogu yeeray inay wada-hadalo la-gasho buu yiri Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, laakiin taasi ayaa wuxuu sheegay inay diiday, sidaasina loogu qaaday dagaalo qorsheysan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalada culus ee lagu qaaday Xarakada Al Shabaab inaysan marnaba joogsan doonin, ilaa sida uu sheegay Al Shabaab laga sifeynaayo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, isla-markaana wuxuu xusay in Al Shabaab ay tahay cadow Soomaaliyeed.
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu ugu dambeen uu ammaan u jeediyay Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom, sida ay dagaalada adag dalka uga saarayaan kooxda Al Shabaab.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles