image:
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inay qarax culus ka geysatay Saldhigga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay sheegtay inay ku dishay tiro badan oo ka mid ah Ciidamadda Amisom.
Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu goor dhaw uu ka hadlay qarax culus oo uu sheegay inay shalay galab ka geysteen Saldhigga Degmada Afgooye.
Qaraxa ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay si farsamadeysan ugu rakibeen Saldhigga Degmada Afgooye, isla-markaana wuxuu sheegay in uu qaraxu dhacay, xilli ay ku sugnaayeen sida uu sheegay ilaa 10 ka mid ah Ciidamadda Amisom.
Shan ka mid ah Ciidamadda Amisom ayaa wuxuu sheegay inay qaraxaasi ku dilleen, isagoo 5-tii kalana sheegay inay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, isla-markaana wuxuu ku goodiyay inay qaraxyada sii wadi doonaan.
Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab ayaa wuxuu tilmaamay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay weli buuxaan Deegaanada Calaamadaha, Siinka Dheer, Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole iyo Carbiska, isla-markaana wuxuu ku hanjabay inay wax-yeelo culus u geysan doonaan Ciidamadda Dowladda iyo Amisom.
Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu sheegay inay dagaalada iyo qaraxyada sii wadi doonaan, ilaa sida uu sheegay ay dib uga saarayaan Ciidamadda Dowladda iyo Amisom.