image:
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay la-wareegeen qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay ka saareen Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxay la-wareegeen Deegaanka Calayaale, oo u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay ku sugnaayeen Xoogaga Shabaab.
Ciidamadaan ayaa waxay xilligaan ay ku sii siqayaan Degmada Balcad, oo ay iskaga barakaceyn inta badan shacabkii ku noollaa, waxayna Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay qorsheynayaan, in Shabaab ay ka saaraan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhan.
Taliyaha Ciidamadda Dowladda ee Hawl-galadaan Hogaaminaaya Korneel Ibraahim Yuusuf Nuur, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay gaareen Deegaanka Calayaale, isla-markaana wuxuu sheegay inay Al Shabaab ka saari doonaan Degmada Balcad oo idil.
Sidoo kale Korneel Ibraahim Yuusuf Nuur ayaa wuxuu sheegay inay si dardar leh ay ku soconayaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Miowga Afrika ee Amisom, isagoona ku goodiyay inay awood u adeegsan doonaan Xoogaga Shabaab.
Xoogaga Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay ku fashilmeyn dagaalada, isagoo dhinaca kalana sheegay inay wiiqeen awoodii ay laheyd Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu ku hanjabay in dalka oo dhan ay ka saari doonaan.