Hay’adda amniga iyo Sirdoonka ee dalka Denmark ayaa sheegtay inay xidhay laba dhalinyaro oo walaalo ah oo Soomaali kuwaasoo looga shakiyay inay qorsheynayeen weerar argagixiso.
Hay’addu waxay ku sheegtay in raggan looga shakiyay inay ka wadahadleen goobta ay bartilmaameedsanayaan iyo waliba nooca hubka ay isticmaalayaan.
Hay’adda amniga iyo sirdoonka Denmark waxay kaloo sheegtay inay labadan nin looga shakiyay inay tababar gudaha Soomaaliya kula soo qaateen kooxda Al-Shabaa.
Labadan walaalaha ah ayaa da’doodu tahay 18 jir iyo 23 jir kuwaasoo magaalada Arhus ee dalka Denmark ku noolaa muddo 16 sannadood ah.
Xadhigan ayaan ka wareysanay Daahir Yaaqshid oo ka tirsan madaxda jaalliyada Soomaalida ee magaalada Arhus. Wareysigaasi qeybta hoose ka dhageyso.