Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Maxkamadda Ahlu Sunna oo cafis u fidisay rag Al Shabaab ka tirsan “Daawo Sawirada”

$
0
0

Maxkamadda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa waxay cafis u fidisay shan ka mid ah Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo maalmo kahor isku soo dhiibay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.
Dhalinyaradaan oo ay tiradoodu gaareyso ilaa shan nin oo dhalinyaro ah, ayaa waxay si rasmi ah ay iskugu soo dhiibeen Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, iyagoo markaasi wata shan ka mid ah qoriga AK47-ka loo-yaqaano.
Gudoomiyaha Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh C/Raxmaan Cali “Geeda Qarow”, oo Saxaafada la-hadlay, ayaa wuxuu sheegay in raggaasi cafis loo-fidiyay.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu tilmaamay in Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay cafis u fidineyso dhamaanba dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab ka tirsan, haddii buu yiri ay si nabdoon iskugu soo dhiibaan Culima’udiinka Ahlu Sunna.
Dhalinyaradaan ayaa waxay ka dagaalami jireyn duleedka Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, waxayna goysteen inay isku soo dhiibaan Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, maadaama ay sheegeen in laga awood badan yahay.



Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>