Jaaliyadda Maakhir ee woqooyiga Maraykanka waxay aad uga xuntahay una Cambaaraynaysaa Weerarkii Qaawanaa ee Maamulka Somaliland ku soo qaaday Degmada Laasqoray markii Taariikhdu ahayd 6/1/2012.
Iyada oo dhammaan Soomaaliya hadda laga wado Nabadayn iyo xasillooni ku soo celin,in maamulka Somaliland uu caadaystay inuu dib u abuuro colaad iyo xasilloni darro deegaanno badan oo ka mid ah Soomaaliya sida Gobolka Sanaag, Sool iyo awdal, Weeraradaas oo lid ku ah waxqabadka,Horumarka deegaanka, wada Noolaanshaha iyo is dhexmarka Shacabka.
“Dhiro nabad ah Dhagaxyo laguma garaaco”haddaba Jaaliyadda Maakhir waxay uga Digaysaa Maamulka hargaysa isku daygii Gardarada qaawan ahaa ee ay ku qaadday Deegaanka Laasqoray in aanu dib u dhicin. Haddii falkaas oo kale uu dhaco Mar dambe aan jaaliyadda Maakhir Gudaha iyo Dibedda faraha ka laaban Doonin.
Gudiga Fulinta ee Jaaliyadda Maakhir ee Woqooyiga America
↧
Baaq jaaliyadda Gobolada Sanaag iyo Hayland ee Minnesota (North America)
↧